Home » Warar »

Farmaajo oo iska Casiley Xilkii Raiisul Wasaaranimo, Xilli uu maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka (DHEGEYSO)

Warbixin kooban oo ku saabsan Iscasiladiisa

9-ka Juun ayaa waxaa Magaalada Kambala ee Dalka Uganda heshiis ku gaarey Sadexda Masuul ee ugu sareeya Dowladda Federaalka KMG sida Madaxweyanaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha waxaa ka soo baxay heshiiskaas oo ugu muhiimsanaa in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu iscasilo, waxaana heshiiskaas saxiixay Labada Shariif , waxaa arrinka iscasilaada si aad ah uga xumaadey Shacabka soomaaliyeed waxaana ka dhashey Banaanbaxyo looga soo horjeedo Heshiiskaas, oo uu ugu dambeeyey bannaanbaxii reer Minneapolis (Video ka eeg dhanka hoose warbixintan)…

Dhegeyso Iscasilaaddii Farmaajo iyo Sheikh Shariif:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmajo_casilaad.mp3]

Waxaa socdey kulamo looga hadlayey sidii uu dhaqan geli lahaa heshiiskii kamballa waxana heshiiskaas sidii uu dhaqan geli lahaa xooga saarey Dowladda Uganda oo Ciidamo far badan ay ka joogaan Magaalada Muqdisho waxaana Magaalada Muqdisho soo gaarey Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Uganada oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatey Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha taasi waxay keentey in maanta oo ay bishu tahjay 19-ka Juun 2011 uu ku dhawaaqo in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu iska Casilo Xilkii Raiisul Wasaaranimo oo uu hayey wax ka yar Sannad.

Goobtii uu isku Casiley Waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagu ka aqbaley iscasilaadiisa waxaana halkaa ka Hadley Wasaarahii DFKMG Farmaajo oo sheegey in sababaha uu iska Casley ay tahay si looga gudbo Xaalada Dalka uu marayo wuxuuna u mahadceliyey Wasiiradii la soo shaqeeyey , Ciidamada Qalabka sida iyo Dadweynaha sameeyey Banaanbaxyadii ay ku cabirayeen Rabitaankooda sidoo kale wuxuu u mahadce;lyey Odayaashii isgarab taagey ,iyo dadweynaha ku nool Dalka dibadiisa

“Waxaan idiin sheegaya in aan la sii shaqeyn doono Dowladda Federaalka oo an ugudbin doono wixii aqoonteyda”ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la sheegey in dood kulul dhex martey Taliyaha Ciidamada Uganda oo ku aadan sidii Raiisul Wasaare Farmaajo uu isklu Casili lahaa , waxaana kulankaas la sheegey in lagu kala dareerey hase yeeshee waxaa lagu waramey in arrrinka soo kala dhexgaley Madaxweynaha Uganda oo Raiisul Wasaare Farmaajo uu iska casilo Xilkii Rasiisul Wasaaranimo

Waxaa si ku meel gaar ah xilkii Raiisul Wasaaranimo loogu wareejiyey Raiisul Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah , Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xilka haynaya mudada Madaxweynaha DFKMG uu soo Magaacaabi doono ra’iisul wasaaare cusub. Hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegeya in Cabdi weli uu noqon doono Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, waana nin haysta Dhalashada Mareykanka isku meelna ay ka yimaadeen Raiisul Wasaarhii Hore Farmaajo , intaan laga dhigin Wasiirka wuxuu Macaalin ka ahaa Mid kamid ah Jaamacadaha Wadanka Mareykanka.

Iscasilaada Raiisul Wasaare Farmaajo ayaa ku soo beegantey Xili Maanta uu dalka dib ugu soo laabtey Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo iisugu xudun u ahaa in Raiisul Wasaarahii DFKMG Farmaajo uu iscasilo waxaana soo dhaweeyey Taageeryashiisa oo la sheegey in ay u badnaayeen Hagaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

Hase yeeshee waxay dadka siyaasada indha indheeya ay sheegeen in mar kale ay isku dhici karaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlaamaanka iyagoo sheegey in ay ka imaan karto shaqsiga loo magacaabayo Raiisul Wasaaraha iyo qaabka qaybsiga Dowlada uu soo dhisi doono Raiisul Wasaaraha Cusub, waxaana caqabad ku noqon doonta qaar ka mid qodobadii heshiiskii kamballa oo dhigayey in khilaaf dambe loo baahneyn, sidoo kale waxa ka mid ahaa in mudada Sannadka aan wax Mooshin ah laga keeni karin Madaxda Sare.

Isku wada duuuboo Shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan aaminsan yihiin in waxa Soomaaliya ay la degi la’dahay ay tahay faragelin shisheeye, iyadoo Dowlada jirta ay tahay Dowlad ay maamulaan Beesha Caalamka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

####

Bannaanbaxii taageerada Farmaajo ee reer Minneapolis ay kala kulmeen wajigabaxa

Reer Minneapolis ayaa saakay wajigabax waxaa ku noqday in ay shalay (Jun 18, 2011) mudaharaad ballaaran u dhigeen Farmaajo taageeradiisa oo ay kaga soo hor jeedaan heshiiskii Kampala, laakiin uu farmaajo taas garab maray saakay is casiley (Jun 19, 2011). Hoos ka daawo video-ga.

##

Maxaa Sabab u ah Khilaafka Madaxda Soomaalida ?

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Farmaajo oo iska Casiley Xilkii Raiisul Wasaaranimo, Xilli uu maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka (DHEGEYSO) "

  1. nadiira says:

    Somali manta hadaynan aad u kicin walee magaceena la waayi. reer hebel baan ahay lasla dhaaf. Maanta niman wadaniyo ah ayaa inoo kacay waadna aragtaan weelasheenii in maalinba mid la qarxinayo. inta kalana maalinba ninkii wax garad ah la dilayo. belaayo ayaa ina laynisa aan somali ahayn. dalkeena iyo dadkeena aan wada ilaallino Allahay baa wax ilaanin karee. wadaninimadu waa shay qaali ah wadamaadaan joogno ma lihin, qofku wadankiisa ayuu ku qurux badan yahay. peace…….. dalkeena halagu laabto hana la dhiso… intaan keenyo iyo meelo kale dhisanino.

  2. osman says:

    aniga waxay ila tahay farmaajo waa dadaalay intuu dadaali karay oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ku caawin karay, waxaana runtii markii la arkay waxqabadkiisa iyo sida xawliga ah ee ay dawladiisu ku socotay, ayaa waxaa dhacday in lasoo weeraro sidii lagu ridi lahaa oo aysan somalia cagaheeda isku taagin, runtii raysal wasaaruhu waa mintiday waana uu u babac dhigay siyaasadihii kasoo horjeeday sida tuuga Mahiga iyo Shariif xasan oo ah khaa inka ugu wayn ee somalia maanta dhibka kuwada una horseedaya dhibkii iyo dhibaatadii somalia kusoo jirtay. arinta kale ee sedaxaad ayaa ah Puntland oo aan iyagu marnaba doonayn midnimo somaliyed in la helo oo aad moodo wixii ka danbeeyey maamulkii cabdulahi yuusuf, in aysan taageerin dawlad somaliyed, hadii uusan madaxwaynuhu ama raysal wasaaruhu uusan noqon nin iyaga kasoo jeeda, taas badlkeeda waxay kadoorbidayaan iyagoo guumystaha Malez sanawi u shaqeeya. taasina waa caqabada reer puntland ee arimaha somalia. hada su’aashu waxay tahay, farmaajo hada waa baxay asagoo sharaf huwane ee shariifyada iyo shaydaamada kadanbeeyaa iyo dhexroorka puntland maka dari doonaan mise waa kabadin doonaan? aan anigu isu jawaabee dhexdooda ayaa isjiid jiid badani kadhicidoonaa iyo wax kasii xun wabilaahi towfiiq

  3. khamiis says:

    Asc Nin bay meeli bugtaa
    Somalidu wa cajiib war aan iska dayno Nin jeceleesiga iyo Nin naceebka Qofka wanagiisa iyo xumaantiisaba waa in lasheegaa
    Qofka Farmajo amanaya way caddahay wuxu qabtay Laakin kan kasoo horjedow Reason cad ama wax lataban karo oo uu Dalka iyo Dadka ka galay keen? nacayb waxbaa lashega waxbo tari mayso

    bal hadda aan aragno waxa yimado iyo labada SHARIIF
    Baarlamaan ku sheegga iyo waxa kasoo baxaa
    war meesha marna EITHOPIA ayaa haysatay haddana Uganda

    ilaah waxa lagu mahdiyaa in Farmaajo Cidda kaliya ee diiday ay tahay Cadowga Umadda Somaliyeed
    Umadda Somaliyeedna u ooyeen sida Dadka masakinta ah ee Muqdisho jooga iyo Gobolada dhexe

  4. abdi says:

    Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa imisaa lagu lahaa war ka joog dabinta ha ku dhicin .
    Try again and again maybe with some luck you could be the next president of somaliya .

  5. fajacala says:

    mudane farmaajo i wuxuu iska casilay lkn waxaynu sugaynaa hadaynu nahay shacabka somaaliyeed is sharaxaada madax weyne nimada uu isu soo sharixi doono Somalia ilaah hakula garab galo wax kasta oo khayr ah mudane farmaajo

  6. jama says:

    Akhyaarta laakiin ya la dhihin wax is qabsaday M/waynahay oy R/wsaaraha. Ciladan waxa abuuray labada Shariif. M/waynaha wuu ku qanacsanaa shaqada ay hayeen cabinet-ka Farmaajo. Cadowga Soomaaliya ayaa u arkay Farmaajo iyo dowladiisa kuwo dhamaynaya dhibka Soomaali haysto taasoo aan la rabin inay soo afjarmato hada.

  7. Mohamed Ali Mohamed says:

    waxaan marna shaki iiga jirin in muwaadin soomaaliyeed oo maantay xil ka qabtaa dawlad ku sheegta soomaaliyeed ee wadaninimo kala fog yihii, waxaa la yaaban nahay in ummad ay energy-gooda iyo waqtigoooda ku dhumiyaan kala taageerid rag isu tashi ahaa oo waxay ku tashadeen ku kala tagay. aaway raggii lahaa waa wadani… waaa kanaa waa safiir EEC IYO 2 MILLION DOLLAR.

  8. dr Darmaan says:

    waa maalin farxad leh ninkii daaqada ka soo galey oo albaka laga asarey
    shacbka beenta loo sheegey oo banaabax loogu geystey dhimasho,iyo hantidii ay lahaayeen oo ay gubeen waxaan ka mas’uul ah farmaajo tuuga
    aan waxba an baran oo janbalka lagu keeney vivvo Malez,ugandheyska
    guul haddii aad naga saartey tuugii booatrka&rosseto marsan jirey

  9. Huseen says:

    Awalba waa la iska ogaa in dabin loo dhigaayo Mr. Farmaajo, sidii saaxiibkiisa ka horeeyey Mr. Sharmarke ,marka wax cusuub maahan in Somalia loo tashaday eena utashadeen waddamada deriska nala ah oo aan rabin in Somalia horay u socoto. Inkastoo Soomaalida u arkaan wax qabiil ku saleesan, maya arrintaas waa beenoowday. Ogaada maanta Somalia waxii la dhihi jiray ma jirto oo waa lakala qeebiyey koox kasta ayadaa isla sax san, see wax la yeelaa dadkaan waxaa loo diidan yahay walaaltanimadii iyo kala dambeentii soomaalida ineey soo noqoto. Aaway dadkii dhahaayey maamul goboladedyada ayaa ka dambeeyo qaska doowlada, ma aragteen maanta in Uganda , Ethiopia ay amarka leeyihiin. madaxtooyadana ay ayaga u taliyaan. Soomaalina ayagaa gaalo iyo muslim isku kala qeeybiyey oo dhalinyarada waalan dagaal aan dhamaad leheen ku jiraa war degaalka walaalahiina aad ku laynaysaan ma banaano laakiin, waxbarta oo cadoowgiina iskaga celiya hab cilmiyeeysan. waa in dhalin yarada wax la baraa

  10. Ashkir says:

    AS DHAMAAN
    Waxaan rabaa in aan wax yar salaxo Farmaajo iyo xaladaan isku dhex daadsan.
    Farmaajo waa shakhsi ee ma ahan mabda,a. shakhsigu waa labo dhinac ayuu ka kooban yahay, wax tar ama wax tar la,aan. Wanaag iyo xumaan. balse waxaa kawayn waxaas aas aaska guud ee dalka.
    Waxaan shaki ku jirin ninkaas in uu wax ka badalay, kuwii hore waxay la yimaadeen( waloow aan kuwii hore iyo isagaba aanan u ahayn tageero, oo aan u arko lugooyo) hadana ma inkiri karo waxa aan arko ee ka duwan , wixii hore ee aan soo arki jiray ee ahaa dawladihii gacan ku rimiska ah,
    Waxaa mar waliba i hor yaalay soomaaliya in aan lala doonaynin wax dawlad ah, waxaan kaloo layabaa qofka soomaaliya ah ee ku hadaaqa ama dhaha aaway Un, eu,au,igad,arabtii iwm. taas maanta ayeey u cadaatay kuwo badan oo soomaali ah, in ay intaasba yihiin cadawga soomaalida.

    Waxaan shaki wali iiga jirin, in badan oo soomaali ah wali in aysan indhuhu u fiiqmin, oo ay wakhti badan u naahan yihiin.

    Mahadsanidiin

  11. MANN says:

    Farmajo matagin ee cadowga ayaa tagay farmaajo wuu soo laabanaa insh Allah am sure!!!!

  12. suufi says:

    illaah ayaa mahada leh.shacabka muslimiinta haku waanaqaataan waxa dhacay.aaway ninkii lahaa shacabka maraykanka ayaan kaga difaacayaa xamar