Home » Faallo »

HESHIIS KALA GADASHO GURI | QEYBTA. Iaad | Xildhibeen Cabdiwali


Marka hore waxaan tacsi u dirayaa shacabka, xukuumadda iyo qoyskii uu ka geeriyoodey Marxuum Cabdishakuur Xaaji Xassan Faarax Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha (AUN) oo shirqool dhagareed lagu khaarajiyay. Haddaba marra waxaan shaki ku jirin Cabdishakuur Xaaji Xassan inuu naftiisi ku waayey qaddayad Soomaaliyeed oo muqaddas ah oo uu aaminsanaa. Taasoo ah soo nooleynta magacii, meekhaankii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed oo muddo 20sano ah meel ay martay la garanwaayey .

Horti qadiyaddaas waxaa u dhintay; Cumar Xaashi, Suleymaan Colaad Rooblle, Qamar Aadan, Axmad Waayeel, Prof Caddoow iyo rag kale oo ka tirsanaa “Ciidanka Qalabka Sida oo Soomaaliyeed”. Waxaan labo isweydiineyn in rag iyo haween maanta nool ay isla qaddiyaddaa naftooda ku waayi doon. Sidaadaraadeed intii dhimatay iyo inta dhiman doontaba Allaha u naxariisto “Aamiin”.

Ereyadaa kooban oo tacsida ah haddaan halkaa uga gudbo waxaan “labo Cali” ku murmey in maalmaha kala ah 9/10 juun 2011 baal dhab ah ay ka galeen taariikha cusub oo SoomaaliyDad badan oo waagaa joogey ama taariikhdii Jamaal Cabdinaasir akhriyey waxay soo xusuusteen maalmihii 9/10 juun 1967 ee “Jamaal Cabdinaasir” ku dhawaaqey iscasilid kolkii ciidamadii Carbeed lix cisho ku jabeen (The six days war).

Dagaalkaa oo dhacay Juun 1967dii wuxuu ka dhex qarxay saddex dal oo Carab ah “Masar, Suuriya iyo Jordan” ciidamadii saddex dalla lix casho gudahood ayaa lagu jabshey, dul aan yareyna Yuhuudi gacanta ku dhigtay Shacbiga Masar (AUN) Cabdinaasir waxay ku khasbeen inuu ka laabto iscasiliddii oo uu hoggaaminta ummaddana halkiisi ka wado, isna waa yeelay.

“Allaah”, shaley wixii Masar ka dhacay iyo waxaa maanta Soomaaliya ka dhacaya isu ekaa!!.

Bannanbaxyo shacabku iski dibadda ugu soo baxo kuna diido heshiiska kambaal ma aha wax laga filayey shacab labaatan sano rafaad, kala dilid, barakac, qabyaalad, boob iyo quursiey la cabsiinayey. Runtii wax sahlan ma ah waxa ay ka keenay shacbiga Soomaaliyeed “Gidaarkii Boqdinta” iney maalmo gudahood ku burburiyaan. Haddaba si miyirah oo qolo colaadin iyo qolo jecleysi ka maran haddaan u darsay ceebaha iyo meel ka dhacyada hesheeska Kambaala oo gadoodka shacabka sababay, awoodahii Baarlamaanka Soomaaliyeedna quursadey, Axdi Qarameedkii iyo Xeer hoosaadkiina laalay waxaa ii muuqatay guud ahaan heshiiskaa inuu ka liito heshiis laba dhinac guri ku kala gateen.

Heshiis kala gadasho guri –hanti maguurto ah- qodobada ansaxa ka dhiga waa dhowr qodob waxaana diyaariya xafiis la yiraahdo “Public Notary” oo uu fadhiyo nin sharci yaqaan ah. Intaan ka xusuusto sidatan ayaa Notaayuhu heshiiska u diyaariyaa kuna ansaxaa:

• wuxuu labada dhinac ka qaadaa, waraaqaha aqoonsiga, waraaqaha milkiyadda guriga-hantida maguurtada ah- iyo qodobadii lagu heshiiyay iyo lacagta la kala siista.

• xashi la yiraahdo “Carta Bollata” oo istaam saaranyahay ayuu ku qoraa qodobadii lagu heshiiyey

• Labada dhan kolkey akhriyaan qoraalka xafiisku diyaariyay oo ay saxiixaan, Notaayuhu inta qoraalkaa saxiixo, shaabaddiisa saaraa, summad siiyaa, taariikhada iyo meesha kala gadashadu ka dhacday ku caddeeyaa .

• Laba dhinac ayuu nuqulladooda kala siiyaa, nuqul xafiiskiisa ayuu ku keydiyaa, nuqulla wuxuu u diraa Maxkamadda Gobola oo keydisa

• Sidii far-soomaaliga loo qorey -1972dii- heshiiyada oo idil xafiiska Notaayuhu wuxuu ku qraa Af-soomaali.

Halkaa waxaa ka soo baxa heshiis laba dhinac guri ku kala gateen oo sharciga waafaqsan meelmarra ah.

Haddaba heshiika kampaala oo la yiri: “maslaxad ummadeed darteed ayaa loo soo galey” waa ka liitaa (HESHIIS GALA GADASHO GURI) marka laga eego maslaxadda Soomaali ugu jirta, qaabka lagu ansaxiyay iyo waafaqsanaanta Axdi Qarameedka, Xeer Hoosaadka iyo dhammaan qawaaninta looga dhaqmo Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidaadaraadeed, Heshiiska Kambaala guud ahaan markaan u eegay waxaa ii soo baxay ceebaha soo socda:

I. waxaa ku heshiiyey Laba nin oo Soomaali ah oo ay weheliyeen laba nin oo Afrikaan ah, mid wuxuu ahaa garwadeen midna meesha ayuu fadhiyey.

II. Heshiisku kuma qorra afsoomaali, dhammaana looma tarjumin afsoomaali lamana wada sheegin warmurtiyeedkii soo baxay.

III. 10ka qodob oo la Soomaaliyeeyay iyo arar gaaban oo kaliya ayaa la faafiyay.

IV. Waraaqaha heshiisku kuma daabacna (Heading Letter-kii) xukuumadda Soomaali. (Ka eeg halkan)

Qeybta 2aad waxaan ileyska saarayaa nuxurka iyo fasiraadda qodobada heshiiska Kambaala.

Xildhibeen
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon -AT- hotmail.com
14.06.2011

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.