Home » Faallo »

Musharax Yassin Maaxi oo casuumaad ka helay Wasaarada Arimaha Dibadan ee Wadanka Norway.

 

Musharaxa Xilka Madaxweynanimada Somalia ee 2011 Mudane Yassin Maahi Mo’allim oo lagu casuumay Wasaarada Arimaha Dibadda ee Wadanka Norway ayaa la qaatay kulan wada tashi ah oo ku saabsan musharaxnimadiisa iyo sida ay muhiim u tahay in xaalada guud ee wadanka Somalia looga baxo dhibaatada heysata iyo qaabka looga bixi karo.

Ugu horeeyn Masharax Maahi ayaa waxuu si kooban uga hadlay Hamiga Xisbigiisa iyo kan Musharaxnimo iyo sida ay u arkaan xalka Somalia in looga saari karo dhibaatada daba dheeratay ee mudada 21 sano sii caga cageyna ayaa si kooban uu uga hadlay mudan Maaxi ayaa yiri.

”Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta idiin imaado oo halkaan aad igu casuunteyn oo hadane aan ka wada hadalno xaalada guud ee dalka Somalia iyo tan Musharaxnimo waana wax lagu farxo dowlado sida Norway oo kale oo daneeynaya arimaha Somalia anaga ahaan Xisbiga SSUP waxaan u aragnaa in qaabka ugu dhaw ee looga bixi karo ay tahay in la helo Dimuqraadiyad, Doorasho xur ah iyo in laga gudbo 4.5 oo ah caqabad weyn oo Somalia hareereysay.

Dhanka kale Mudane Yassin Maahi waxuu soo bandhigay Barnaamij ay ku bad baadinayaan Ummada Soomaaliyeed ee dhibaatada habeen iyo maalin lagu hayo waxuuna si kooban oo sharaxaad iyo Video ahba u tusiyay Xubnihii halkaasi kula qaatay Kulanka ee ka socday Wasaarada Arimaha Dibada ee Wadanka Norway.

Ugu dambeeyntii waxaa hadalka qaatay Norwegian Ministry of Foreign Affairs Kjel Harald Amassador Senior adviser oo marka hore u mahadceliyay sida wanaagsan ee u aqbaleeyn casuumaada wasaarada arimaha dibada ee wadanka Norway Xogheynta Musharax Maahi waxuuna ugu horeeyn si wanaagsan u soo dhaweeyay siyaasada Musharax Maahi waxuuna sidoo kale si kooban uga hadlay guud ahaan xaalada dalka Somalia waxuuna sheegay in ay aad u daneynayaan in ay arkaan Somalia oo mar kale lugaheeda ku istaagta asagoona sheegay Mr Kjel in ay aad u rabaan in ay arkaan Xisbiyo badan oo sida Xisbiga SSUP oo kale ah in wadanka laga hirgaliyo oo laga wada shaqeeyo qaabka hadaba ay u arkaan in wadanka dhibaatada looga saari karo ee ah waa Dimuqraadiyad iyo Doorasho xur ah oo uu Musharax Maahi wado.

Kulankani maanta oo ahaa mid casuumaad ah oo la soo gaarsiiyay Xarunta Wakiilka Xisbiga SSUP ee Magaalada Oslo oo ay joogto Marwo Ceyni Hussein Mahamud ayaa ahaa mid ay waayahan ka shaqeyneysay Marwo Ceyni ugu dambeyntiina maanta qabsoomay ayadoona uu ku soo gaba gaboobay jawigii laagu tala galay.

Isku soo wada duub waxaana halkaas lagu taageeray olalaha musharaxnimo ee Mudane Yassin Mahi Mo’allim waxuuna Mr Kjel Yassin u balan qaadeyn in ay taageeri doonaan Siyaasadiisa.

SSUP Swedish-media

www.ssup.se

info@ssup.se

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Musharax Yassin Maaxi oo casuumaad ka helay Wasaarada Arimaha Dibadan ee Wadanka Norway. "

  1. Faa`id says:

    Mar uun madaxweyne i dhaha “Madaxweyne”