Home » Warar »

Farmaajo: Mushahar uma hayno 550 Xildhibaan oo dalka ka maqan, oo aan Australia lacag uga daba geyno..

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in aysan mushahar u hayn 550 xildhibaan oo dalka ka maqan, ayadoo ay carruurteenii gaajaysan yihiin ma aha in aan lacag Australia uga daba geyno xildhibaano halkaas ku maqan… Codka hoos ka dhegeyso..

Marka hore akhri warsaxaafadeedkii ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada DFKMG ee June 5

Warsaxaafadeed

Muqdisho, Axad, 05 June 2011 – Shir ay maanta golaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen:

Warbixin arrimaha amniga ah oo laga dhageystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaaashandhiga Mudane Abdirashid Hidig ee la xiriirtay safarkiisii shaqo ee uu ku tegey gobolada Gedo iyo Jubbooyinka. Sidoo kale Golaha Wasiirada waxey warbixin ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Golaha siiyey warbixin la xiriirta howlgaladda lagu sugayo amniga ee ka socda dalka, gaar ahaan kuw Muqdisho oo ay ciidamadu guulo is-daba jog ah maalmahan ka gaareen oo ay la wareegeen goobo cusub oo ay Al-Shabaab saldhig u ahaayeen, sida Degmooyinka Hodan iyo Boondheere.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Hussein Abdi Halane ayaa golaha soo hordhigay hindise sharciyeed ku wajahan hay’adaha Maaliyadda ee Somalia. Sharcigan cusub ayaa lagu wadaa inuu nidaamiyo nidaamka dhaqaalaha dalka, gaar ahaan ka ganacsiga lacagta sida Xawaaladaha iyo sarifka lacagaha qalaad ama bankiyada sida gaarka ah loo leeyahay. Bacdamaa labaatankii sano ee u danbeysay ay soo ifbaxeen habab cusub oo loo maamulo lacagaha, isla markaana sharcigii hore ee dalku lahaan jirin uusan la jaanqaadi karin, ayaa lagu wadaa sharcigan cusub inuu wax weyn ka tari doono nidaaminta dhaqaalaha iyo lacagaha dalka. Sharicigan waxaa loogu oggolaan doonaa Ruqso siinta, Nidaaminta, Kormeerka iyo Maareynta shaqada hay’adaha qabanaya, Keydka, dhigaalka iyo macaamilaadka maaliyadeed ee dadweynaha. Golaha wasaarada ayaa ansixiyey hindise sharciyeedkan oo dhowaan la hor geyn doono baarlamaanka si ay uga doodaan, isla markaana u ansixiyaan oo uu uga dhaqan galo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa intii uu socday shirka kormeer shaqo ku tegey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo uu xariga ka jaray waddada isku xirta Afisiyooni iyo Suuqa Ceelgaab oo in muddo ahba xirneed ka dib markii halkaas ay ciid fara badan xirtey wadada. Maamulka Gobolka ayaa ciidii ka qaaday wadada oo suurtogeliyey in wadadaas ay dib u furanto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas khudbad ka jeediyey oo ay xafladaas isu soo baxeen shacabka degmooyinka Waaberi iyo Xamar JeJab. Ra’iisul wasaaraha ayaa gacan qaaday shacabkii halkaas isagu soo baxay oo muujinayey dareenkooda ku aadan sida ay ula dhacsanyihiin Xukuumadda iyo dadaalada ay ka wado adeegyada bulshada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey shacabkii ka soo qeybgalay oo u soo banaanbaxay xafladdan. Sidoo kale waxaa goobta xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banadir Mudane Mohamud Ahmed Nur (Tarzan) oo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu shacabka soomaaliyeed u soo dhexgalay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu ku soo laabtay golaha warbixin ka siiyey xafladda golaha Wasiirada.
– DHAMAAD –


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister

 

——————

550 Xildhibaan Mushahar uma ahayno, iyo xildhibaanada ku maqan Australia… Hoos ka dhegeyso

Rasysalwasaaraha Xukuumada KMG ah ee somalia oo June 5 ka qaybgalay kulan lagu taageerayey xukuumada oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka haweenka qaranka soomaaliyeed

Halkan ka dhegeyso Khudbadii Farmaajo Jun 5, 2011

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmajo_june5.MP3]

Raysalwasaaraha xukuumada KMG ah ee Somalia maxamed c/laahi farmaajo iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Somalia iyo mudanayaal kale oo ka socday dalka Kenya ayaa manta ka qayb galay Kulan balaaran oo lagu taageerayo xukuumada KMG ah ee Somalia oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Haweenka qaranka  Soomaaliyeed iyadoo halkaasi ay hadalo kala duwan kazoo jeediyeen masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay raysalwasaaraha xukuumada KMG ah ee Somalia maxamed c/laahi farmaajo

Masuuliyiintii kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa siyaasiga  Ilyaas Barre Shiil oo kamid ah siyaasiyi ka tirsan soomaalida degta gobolka waqooyi bari Kenya ee NFD iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada KMG ah ee Somalia iyo siyaasiyiin soomaaliyeed iyagoo dhamaan isku raacay doorka ay xukuumada KMG ah ee Somalia ka qaadatay amni soo celinta caasimada muqdisho islamarkaana tilmaamay inay ku amaanan tahay wa asiday sheegeene

Sidoo kale  Raysal wasaare maxamed c/alaahi  Farmaajo oo halkaasi ka jeediyay hadal ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay ka qayb galka kulankan ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka qaranka soomaaliyeed islamarkaana tilmaamay qiimaha ay leedahay nabadu isagoo ugu baaqay ka qayb galayaashii kulankaasi inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan nabad soo celinta dalka gaar ahaan caasimada muqdisho

Si kastaba ha ahaatee kulankan ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenkia qaranka soomaaliyeed ayaa ahaa mid lagu taageerayey waxqabadka xukuumada KMG ah ee Somalia ee madaxda ka yahay raysalwasaare farmaajo iyadoo uu kulankanai kusoo beegmayo xili ay xukuumadu u diyaar garoow ugu jirto shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada muqdisho bishan aynu ku jirno bartamaheeda

 

Yaasiin  faytin

Yaasiinfaytin@gmail.com

+25261-5580916

+2526199-797368

Muqdisho somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Farmaajo: Mushahar uma hayno 550 Xildhibaan oo dalka ka maqan, oo aan Australia lacag uga daba geyno.. "

  1. khamiis says:

    salaan qiimo iyo qadarin mudan ayan u dirayaa Ra,isul wasaaraha iyo Dowladdisaba
    Meesha sideedaba Baarlamaan majiro
    1) wax soo doortay iyo cid soo dirsatay majiro waxay isugu jiraan Hogamiye kooxeedyadii Kastumayalka kafuran jiray Dumarka
    2) qayb looser ah oo Qurbaha ku feel garobay Nolosha oo cayr kaqaata dibadaha
    Ra,isul wasaraha xaq ayu uleeyahay inusan Nimankiis biilin ee shacabka dhibatesan siiyo musharkoda
    Ra

  2. Farah says:

    Salaan kadib, Md. Ra’iisal wasaare waa runtaa baarlaamnka somaliya waa tiro badan yahay, laakiin waxaad illowsan tahay laba qodob:
    1) qodob 1aad : Baarlaaamku waxay waardiye adag nooga hayaan maamulka aad ka tirsan tahay oo si fool xun ugu heelan in uu ku takri falo hantida qaranka ee ma guurtada ah sida Badda, Cirka, Hawada iyo dhulka oo maamulkaagu qayb mar hore u caddeystay, inta hartayna uu ula booc ah iyo fursad yar uu la sugayo
    2) qodobka labaad: Baarlaanka Hantida iyo musharka magaca somaliyeed lagu soo qaado ma adigaa ka xiga oo ka leh ama ka sheeganaya, waxaan aaminsanahay in ay maamulkaaga uga xaq leeyihiin, waadna og tahay, laakiin ayaamahaan ayaa aragti kale lagugu jiheeyey.
    Baarlaanka ma illaawi doonno inta wiil-wiilkiis naga nool yahay, waayo sow nimankii soo celintii baddii somaliyeed qaramada midoobey uga daba tegey ma aha, shacabka somaliyeed ee muwaadiniinta ah ay ku diirsadeen maalintaas markii rag la yaqaan ay dharaar cad rag la mid ah san dareerto kaga saxiixeen !!!
    shacabku habeen ma aha waana idin la socdaa kuwaad tihiin iyo waxa aad sameyseen labada!!! kuwa ka tirsan golahaaga aad guddoonshaha u tahay. laakiin ma duugowdo taariikhdu ee la soco.