Home » Warar »

Dowladda KMG ah oo Shaacisay inuu Dhaqan galay Qaadashada Leesinka iyo Taargooyinka Noocyada kala duwan ee Gaadiidka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, Cirka iyo dhulka Dowladda KMG ah Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo Saxaafadda kula hadlayay xarunta Wasaaradaasi ayaa ka warbixiyay howlaha ay Wasaaradiisu qabatay, isagoona sheegay ugu horeyntii inuu u mahad celinayo Golaha Wasiirada oo iyagu ansixiyay qaadashada Dokumentiga Gaadiidka Dalka.

WaxaA uu sheegay Agaasime Dhagaxtuur in 75% Gaadiidleyda ay qaateen Leesinka iyo dhammaanba Dokumentiyada lagama maarmaanka u ah Gaadiidka, isagoona sheegay in wejiga koowaad inuu uga mahad celinayo Gaadiidleyda iyo Darawalada ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan sida ay u qaateen Sharciyada Gaadiidka Dalka, isagoo tilmaamay in sharciga ay gaadiidka u soo saareen ay ka sii muhiimsan yihiin Milkiilayaasha iyo Darawalada qaatay.

Wejiga labaad waxaan soo saari doonaa Sharci la xariira Gaadiidleyda, kaasi oo caddeyn doona qaabab Sharciyeysan oo loo sameynayo Gaadiidleyda kala duwan” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Badda, Dekedaha gaadiidka cirka iyo Dhulka DKMG ah.

Dhinaca kale Agaasime Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa uga mahad celiyay Waaxda Sumadda iyo Taargaha ee Fisho-Baraa, oo uu sheegay Agaasimuhu inay qabatay howlo muhiim u ah Gaadiidleyda.sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegey in Taargooyinka ay u qaybsami doonaa kuwo Shacabka lagu aooonsado iyo kuwa Dowlada oo uu sheegey in lagu qoro doono Summada G D

Qaar ka mid ah Gaadiidleeyda oo iyana u waramayey Warbaahinta ayaa Cabasho ka muujiyey Qiimaha loo gooyey Sameynta Sharciga Gawaari wadida iyo midka lahaanshaha oo ay sheegeen in uu yahay mid khaali ah oo aysan Xiligaan Bixin Karin waxayna Dowladda ka codsadeen in wax laga dhimo qiimaha loo gooyey Dukumentiyadaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladda KMG ah oo Shaacisay inuu Dhaqan galay Qaadashada Leesinka iyo Taargooyinka Noocyada kala duwan ee Gaadiidka "

  1. Onkod says:

    Mashallah, ma arki doonaa mar uun magaaladda muqdisho jidadkeda samaha falaha ka shidanyahay, tarafikada baabuurta kala hagayso, darawalka lesankiisa canshuurta ka walwalsanyahay in la qabta oo la ganaaxa, illaahow adiga na abuurtay,NIDAAM dowli ah, kaasow cadaalad ku dhisan no sahal, dadkuna ku midaysanyahay dalkuna caalamka ugu dhex muuqda, nin weyn & nin yarna isku mid ugu cabsanayan , una qadarinayan, walahi waan ku farxay arrintan , kuwii bilaway mahad haka gaarto, haddii joogi lahay magalada muqdisho maanta qofka ugu horeya ee u hogaansama ayaa noqon lahay , kuwa ku haya waa qaalina , ha eegina jeebka ee muhiimada ka raaca & nidaamka ,taarga meelkaste caalamka waa ka qaali.