Home » Warar »

Guddi Qaban Qaabo Salaadiinta Soomaaliyeed oo Looga Dhawaaqay Dalka Jabuuti Iyo Dood Muhiim Ah, warbixin muhiim ah .

Guddi  la magac baxay, Gudiga qaban qaabada Salaadiinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin lix ka mid ah beelaha dega Koofurta Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay June 1, 2011 Hoteel Rayaan ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Gudigan oo in mudo ah lagu hawlanaa dhismihiisa, islamarkaana u muuqda mid soojiidanaya dhegaha iyo dareenka dadka u heelan xal u helida arrimaha soomaaliya, ayaa  todobo xubnood oo ka mid ah gudigan si wada jir ah, shir jaraa’id ugu qabtay caasimadda dalka Jabuuti.

Halkan ka akhri warsaxaafadeedka Shirka jaraa’id (Soomaali)

iyo  halkan (English)

Shirka jaraa’id ee xubnaha gudigan, ayaa waxay kaga hadleen sababaha loo aas aasey, wax uu yahay hadafkooda guud iyo waxa  aamusiyey xiliga dheer ee 21-ka sanno dagaaladda sokeeye  uu ku jiray dalka soomaaliya, waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkooda ay soo saaren ku sheegeen,  baaq dhaqaale oo ay weydiisanayaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo codsi ay u soojeediyeen Qaramadda Midoobay iyo dowladaha daneeya arrimaha soomaaliya.

Nabadoon Axmed Maxamuud Barre oo ugu horeyn halkaas warqad qoraal ah ka akh-riyey ayaa wuxuu yiri

“codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso”

Xiriiriyaha guud ee gudigan Xaashi Nuure Awdiinle oo isna meesha ka Hadley ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso”

Caaqil Cabdisalaan Axmed oo war-saxaafadeedkii gudiga akh-rinaya wuxuu yiri

“codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso”

Gunaanadkii shirkooda jaraa’id ayaa waxay si gaar ah uga hadleen, hadal colaad kudhisan oo ka soo yeerey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka soomaaliya bishii aynu ka soo gudubney iyo doorka lama ilaawaanka ah ee dowladda Jabuuti ay ku leedahay xal u helida arrima soomaaliya, waa kan Xiriiriyaha guud ee Gudiga qaban qaabadda Salaadiinta Soomaaliyeed Xaashi Nuure oo ka hadlaya mar kale arrintaas

“codkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso”

Shirkooda jaraa’id kadib, Waxaan su’aalo wada jir ah weydiiyey dhamaan xubnaha gudiga qaban qaabadda salaadiinta soomaaliyeed, jawaabaha iyo su’aalaha aan weydiiyey ayaa waxay u dheceen sidan.

“Halkaan ka daawo iyadoo maqal iyo muuqaal ah”

Laakiin marka si guud loo eego xubnahan shirka jaraa’id ku qabtey dalka jabuuti, islamarkaana lagu daro, hadaladda culus ee ka sooyeeraya Qaramadda Midoobey, dowladaha daneeya arrimaha soomaaliya, khilaafka u dheexeeya DFKMG, is-bedelada ku soo kordhey kooxaha ka soo horjeeda DKMG, musharixiinta maalinba maalinta kadambeysa sookordhaya, maamuladda kala duwan ee lagu dhawaaqay labadii sanno ee ugu dambeeyey oo lagu daro shirar iyo arragti aruurin badan oo laga sameeyey dalka soomaaliya labaddii sanno ee ugu dambeeyey iyo jawaabo aan loohaynin wali su’aalaha taagan xiliga kala guurka DFKMG, iyo qonofyo kale oo waaweyn ee soo socda xiliyada dhow ayaa waxaa la orankaraa Foori Mooyee Fulin Ma Leh, Fuliyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya!!.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddi Qaban Qaabo Salaadiinta Soomaaliyeed oo Looga Dhawaaqay Dalka Jabuuti Iyo Dood Muhiim Ah, warbixin muhiim ah . "

  1. Dr Yusuf says:

    Aniga koley sidaan qabo odayashan waa niman iskood isu abaabulay hadey ahaanlahayeen madax dhaqamo sida suldaan iyo nabadoono soo jireen ah allow hadalkooda micna sameyn lahaa haddii kalese waa Axmed diiriye iyo xaad oo kale raba bes in siyaasada Somalia jahwareer cusub kusoo kordhiyaan waayo oday aan ku xisaabtameyn aqoon ama diin ahayna isimo oo weliba Somali ah xasarad mooyee xal kale mahayaan ,Ismail Cumar geele isagu mayahay example fiican muxuu uqabtay Djibouti horumar iyo cadaalad ma gaarsiiyey kudayasho ma mudanyahay.
    Odayshan masoo jeediyeen arin waaqici ah oo sidii qaacido oo kale loo mari karo wadada nabada iyo heshiiska Somalia mise wey iska hadleen uun,weli waxaan sugeynaa indheergarad soo bandhigta wado aan umari karo dib uheshiisiin.