Home » Warar »

Weriye Soomaaliyeed oo u Shaqeynayey TV-ga Horn Cable oo lagu diley Wadanka Koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur afrika waxay sheegayaan in halkaa lagu diley Wariye u shaqeynayey Telefishinka Horn cable oo fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaana Weriyahaas lagu Mgacaabaa Ibraahim Axmed Xasan (Zaki ) , waxaa dilkii geystey kooxo ku hubeysnaa Bistoolado.

Kooxda falka Dilka ah geysatey ayaa waxaa na loo sheegey in markii Weriyaha ay dileen ay ka qaateen gaarigiisi waxaana mar dambe goobta soo gaarey Ciidamo booliis ah oo halkaa ka bilaabey Baarintaano la xiriira Dilka Weriyahaas oo Telefishinka Horn-Cable uga soo warami jirey dalka Koonfur afrika.

Weriye Zaki ayaa waxa naloo sheegey in markii ay rasaasta ku dhacdey ay kooxdii Burcadda ahayd ay Meydkiisa wada ku tuureen sidaan ay ku kaxeysteen gaarigiisii ,waxaa dilkaan si aad ah uga xumaadey Bahada Warnaahinta Soomaaliyeed oo Dowlada koonfur afrka ka coddey in ay gacanta ku soo dhigaan Kooxihii ka dmbeeyey Dilka weriyahaas.

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaaliyeed Nusuj Gudoomiyahooda Burhaan Axmed Daahir iyo Xaghayaha Guud ururkaa Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa Cambaareeyey Dilka Weriye Zaki waxaayna ka codsdeern Dowlada Koofur Afrika in ay gacan ka geysato soo qabashada kooxihii ka dambeeyey Dilka Weriyahaas, waxayna Tacsi u direen Bahda Saxaafada Soomaaliyeed gaar ahaan Masuuliyiinta iyo Weriyayaasha Horn-Cable.

Waa markii ugu horeysey oo weriye Soomaaliyeed lagu dilo Wadanka Koonfur Afrika hase yeeshee waxaa weli dalkaas ka socda Dilalka iyo Boobka loo geysanayo dadka soomaaliyeed waxaana Habeenkii xaley ahaa Wadankaas laga soo Calaamadeeyey Dilal loo geystey dadka soomaaliyeeed ee ku nool Wadankaas waxaa sidoo kale la diley Cabdi Xakiim Maxamed Haadi oo lagu dhex toogtey Meheradiisa Ganacsiga sidoo kale waxaa la diley dad kale oo soomaaliyeed oo aanan helin Magacyadooda.

Dilala ayaa waayadaan dambe ku soo badanayay Dalka Koofur Afrika gaar ahaan kuwa loo geysanayo dadka soomaaliyeed ee ka cararey dhibaatada soomaaliyeed ka taagan oo iyaga halkaa u raadsadey in ay naftooda ku badbaadiyaan waxayna tani ay timid iyadoo Booliiska wadankaas aysan ahmiyad siinin dadka soomaaliyeed ee ku nool Wadankaas mana jirto Cid loo soo qabtey falalakii dilka ahaa ee loo geystey dadka Soomaaliyeed waxaana Naftooda ku waayey Wadankaas Sanooyinkii Kumanaan Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.