Home » Maqaallo »

Sidee baad saaxiibo ku kasbataa bulshadana saameyn ugu yeelataa

Mohamad Yusuf Muse
Copenhagen, Denmark

Assallaamu Caleykum wr wbr

Walaalayaal marka waad salaaman tihiin, salaan ka bacdi waxaan idiin rajeynayaa kheyr iyo barwaaqo. Walaalayaal waxaan jeclaystay inaad nala wadaagtaan mowduucan soo socda.

Culimada ku takhasustay cilmiga bulshadu wexey yiraahdaan, horumarka qofku uu noloshiisa ka gaaro waxaa asal u ahay boqolkiiba 85% qaab la dhaqanka iyo xiriirka uu la leeyahay dadka iyo bulshada halka boqolkiiba 15% ay tahay xirfaddaha/aqoonta cilmiyeed ee uu leeyahay wexey doonto ahaatee. Sidaa daraadeed ayaanu waxaan arrintaan ka diyaarinay maqaal. Xikmadda ku jirta maqaalkana waxaa laga soo ururiyey buug uu qoray Dale Carnegie 1936 marar dambena dib loo daabacay.

  • Fiiro gaar ah: Akhristoow ha fududaanin oo markii aad aragtid magaca qoraaga ha oranin fikir gaalo ayuu noo keenay. Ogaadana wax walba oo wanaagsan, diinteenana waafaqsan meesheey doonaanba haka yimaadeene waanu qaadaneynaa. Wixii xun oo aan diinteena waafaqsanayn meesheey doonaan haka yimaadeene waanu ka tegeynaa.

Haddaba su’aashu wexey tahay maxaa nagu xambaaray inaan mowduucan siino ahmiyadda weyn ee intaa le’eg. Jawaabtu wexey tahay akhristoow qofba qofkuu ka saaxiibo badan yahay, bulshada uu la nool yahayna saameyn weyn ku yeelan karo, ayaa sidoo kale qofkaasi firkirkiisa amase mabda,a uu aaminsan yahay uu ka gadi karaa bulshada uu la nool yahay.

Hadaba akhristoow qoraagu wuxuu buugiisa ku soo bandhigay farsamooyin iyo xeelado fudud oo aanu ku kasban karno saaxiibo badan oo wanwanaagsan, sidoo kalena bulshada aanu la nool nahay saameyn weyn ugu yeelan karno. Xeeladahii ama farsamooyinkii waa kuwan soo socda ee la soco:

6 siyaabood oo aad ku kasban kartid kalsoonida iyo jacaylka dadka.

  • 1. Tus si dhab ahna u muuji inaad tixgelin gaar ah u hayso dadka
  • 2. Dadka u waji furnoow, una dhoola caddee
  • 3. Dadkana ugu yeer magacyada wanwanaagsan ee ay ugu jecelyihiin in loogu yeero
  • 4. Noqo dhegeyste fiican, dadkana ku dhiiri geli iney fikirkooda dhiibtaan.
  • 5. Ka hadal wixii qofka aad la hadleyso jecelyahay, qalbigiisana farxad gelinaya
  • 6. Si dhab ah u dareensii qofka aad la hadleyso, inaad ahmiyad weynu hayso waxa uu ka hadlayo.

12 siyaabood oo aad fikirkaaga dadka uga dhaadicin kartid.

  • 1. Iska ilaali dooda ah rag iska dhici, kana fogoow muranka.
  • 2. Ixtiraam fikirka qofka kale, weligaana si toos ah, ha ugu oranin waad khaldan tahay.
  • 3. Haddii aad khaldan tahay, si degdeg ah khaladkaaga u qiro, tusna inaad ka xun tahay khaladka kaa dhacay.
  • 4. Weligaana adeegso wanaaga, dhimrinta iyo turidda. Kana fogoow ad adeyga iyo qalfsanaanta.
  • 5. Weydii marka ugu horeysa qofka aad la hadleyso, su’aal ay jawaabteedu noqoneyso haa. Taaso ah macnaheedu yahay dareensiin, la dareensiinayo qofka lala hadlayo in wax la wadaago.
  • 6. Isku day una ogoloow in qofka kula hadlayaa uu wax badan hadlo.
  • 7. U ogoloow qofka aad la hadleyso inuu fikirkiisa iyo aragtidiisa soo bandhigo.
  • 8. Isku day inaad si daacad ah u fahanto qofka kale aragtidiisa iyo dareenkiisa.
  • 9. Isku day inaad la tacaadufto qofka kale aragtidiisa iyo dareenkiisa.
  • 10. Gudbinta aragtidaada u adeegso, xikmad, dhaqan suuban, talo iyo tusaalayn.
  • 11. Aragtidaada u soo bandhig qaab caqli gal oo ku salaysan waaqaca jira.
  • 12. Iskana illaali adiga iyo qofka aad la hadleyso inuu idin dhexmaro wax baratan ah.

Waxaan dhammaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ogeysiineynaa iney jiraan culumo badan oo muslimiin ah oo ku takhasustay cilmiga bulshada buugaag badana ka qoraty. Culumadeena sheekha ugu caansan ee wax ka qoray kasbashada quluubta banii,aadamka iyo xiriirka bulshada waxaan jeclahay inuu yahay sheikh Ibn al qayyim Al jawziyah Allaha u naxariistee. Waxaanu soo jeedineynaa in bulshada loo soo bandhigo maqaalo koobkooban oo laga soo diyaariyo kutubta noocaas oo kale ah si bulshadu loogu wacyi geliyo qiimaha iyo doorka ay leeyahay kasbashada quluubta ban,iiaadamku iyo saameynta bulshadu.

Wabillaahi Towfiiq

Mohamad Yusuf Muse
Copenhagen, Denmark

abuyonis114 /_@_/ gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sidee baad saaxiibo ku kasbataa bulshadana saameyn ugu yeelataa "

  1. a\s waxaan salamayaa dhamaan bahda somalitalk waxaan salaan khaasa udiirayaa qoraagan isku soo duba riday barnaamijkan Mohamad Yusuf Muse waad mahadsanthay walaal waana fikir wanagsan kolay waxna wan ka aqaanay fikiradan waxkalana waa ii dhaadhaceen markaa waa igaly fikirkani mahadsanid sxb oo walaal