Home » Faallo »

Faallo: Soomaaliya oo Fashil Siyaasadeedkii ugu Xumaa Haysto 20 sano kadib

W/Q Cabdiqafaar Shire, Nairobi Kenya, Abdikafarshire@gmail.com

Nairobi:- Soomaaliya oo aysan dawlad dhexe oo shaqeysa ka jirin tan iyo sanadkii 1991, 20 sano ka hor ayaa waxaa soo wajahay mid kamida waji gabaxyadii ugu taariikhda xumaa ee soo  mara 20-kii sano ee ugu dambeysay oo uu dalku colaadaha dhex dabaalanayay, kadib markii madaxda golayaasha DFKMG Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ay fashil kii ugu xumaa kala kulmeen kullan u muuqday iney qaramada Midoobay ugu soo gurmatay Augistine Mahiga, oo ah wakiilka xafiiska qaramada midoobay ee siyaasadda Soomaaliya (UNPOS).

Mahiga ayaa u muuqanaya in gurmadkuu u doontay Newyork uu sahlay inuu Nairobi ku keeno labo kamida wakiilada joogtada ah ee Golaha ammaanka oo kala matalaya wakiilada golaha ammaanka ee dalalka UK, Koonfur Afrika, kuwaaso shir micno badan aysan kasoo bixin siyaasiyiinta Soomaalida ugu qabtay Nairobi.

Guudmarka Faallada

– Golaha ammaanka oo canaan tii ugu kululeyd u gudbiyay Labo Shariif

– Ban Ki-moon oo sheegay in  Beesha Caalamka dulqaadkii ka dhamaaday

– QM waxaa Kullanka u matalayay wakiilada UK iyo Koonfur Afrika

– Xukuumadda, Baarlamaanka, Puntland iyo Galmudug ayaa joogay Kullanka

Siyaasiyiinta Soomaalida iyi Nuxurkii Kullanka

Xubnahan ka socday Gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa si cad siyaasiyiinta Soomaalida dhabarka u saaray waji gabaxnimo tii ugu xumayd ee waayadanba soo wajahda Dowladda iyo guud ahaanba siyaasiyiinta, kadib markii kulan Arbacadii 25 May lagu soo gabagbaeeyay magaalada Nairobi lagu ogeysiiyay in hadii aan lasoo afjarin ismarinwaaga siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda KMG ah ee Soomaaliya gaar ahaana madaxaweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa taasi khatar aad u daran gallin doonto iney DFKMG Soomaaliya lumiso taageerada dhaqaale ee ay ka hesho beesha caalamka, iyagoo loogu goodiyay in xal kama dambeysa ah ay u helaan muran siyaasadeed ka dhex taagan, golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Goodintan ka imaanaysa gollaha ammaanka ee qaramada midoobay balse ay soo gudbiyeen wakiilada joogtada ah ee Gollaha ammaanka u matala dalka UK oo uu ka socday Danjire Marka Lyall Grant iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga dalka Koonfur Afrika Baso Sangqu, iyadoo ay arintani imaaneyso wakhti ay dhawr bilood ka dhiman tahay wakhtigii uu ku ekaa kumeel gaarka oo dhamaanayo bisha August ee sanadkan, waxaana ka hor intaana wakhtigaasi la gaarin tilbaadii la qaadi lahaa hareeyay ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhex alloosan Shariif Xasan oo gudooomiyaha Baarlamaanka iyo Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweynaha Dalka oo garabsanaya xukuumadda RW Farmaajo.

Labada Shariif ayaa mnar ahaa saaxiibada isugu dhaw siyaasadda Soomaaliya, waxayna ku dhawaad saddex sano ka hor wada rarteen hayaan siyaasadeed meesha looga bixiyay Xukuumadii Nuur Cadde ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf, waxa uuna hayaankaasi oo ay labadooda iyo rag ay kamid ahaayeen Proff Ibbi iyo siyaasiyiin kale dhalay in meesha laga saaro Dowladii Cabdulaahi Yuusuf .

Dhamaadkii sanadkii 2009 shir lagu qabtay Jabuuti ayaana lagu soo dhisay dowlad loogu magac daray dowlaffa midnimo qaran waxaana baarlamaankeeda la gaarsiiyay 550 xildhibaan, iyadoo la isla qirsan yahay in arintaasi uu xaakim amaba garsoore inuu wakhtigaasi saxan yahay isu arkayuu ka ahaa Axmed Wallad Cabdalla oo ahaa u qeybsanaha Ban-ki-moon ee Siyaasadda Soomaaliya.

Susan Rice oo ku Hanjabtay Bogeeda Twitter-ka

Inkastoo haweenayda ugu sareysa mareykanka hogaanka Danjiraha gollaha ammaanka iyo guud ahaanba ururka Qaramada Midoobay aysan kulanka kasoo qeyb galin haddana Susan Rice oo haatan ku sugan Nairobi ku shaacisay bogeeda Twitter-ka ee isku xirka bulshada fariin gaara oo ay ugu tallo gashay madaxda Dowladda Waxayna tiri

Waa inaad wada shaqeysaan, xalisaan khilaafaadkiina iyo waxa idiin dhexeeya, amase waad lumin doontaan taageerada Beesha Caalamka” ayuu ku goodisay Susan Rice…


Hanjabaadan ayaa u muuqanaysa mid waji gabax ku ah gollayaasha dawladda iyo masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Soomaaliya sida Madaweyne Shariif Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale RW Farmaajo, iyadoo ay Qaramada Midoobay iyo Ururka Midnimada Afrika u muuqdeen iney masuuliyad iska saarayeen ka shaqeynta xasilinta Soomaaliya, maadaama ay maleeshiyo Diimeed hubeysan ku kacsan tahay DFKMG Soomaaliya iyo ciidamada Midawga Arika ee Amisom.

Kooxda Al Shabaab oo aad u xooggan isla markaana loo aqoonsan yahay wakiilka alqaaciadda ee Soomaaliya iyo bariga Afrika ayaa gacanta ku haysa qeybo badan oo kamida Koonfurta Soomaaliya iyo degmooyin ka tirsan caasimadda Muqdisho, taasoo gabiba meesha ka saaraysa amaba adkaynaysa in la qabto doorashooyin guud oo dalka ka hirgala 20 sano kadib oo uu jahwareer siyaasadeed dalku ku jiray.

Gollaha amnigu waxay ka doonayaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixinta hanaanka xisbiyada Siyaasadeed taasoo lagu salaynayo hanaanka beelaha Soomaaliyeed ee wax lagu qeyb sado kadibna loo gudbo doorasahada madaxweyne, kaasi oo isaguna soo magacaaba Ra’isul wasaare soo dhisa xukuumad dalka ka hawl gasha, laakiin muhiimadda taasi waxaa laga hormariyay in Soomaalidu ay iyadu aayaheeda ka tashato isla markaana isku argto magaalada Muqdsiho oo ay Xukuumadda Soomaaliya gogol dhigeyso bisha soo socota ee June.

“Labo Dibi meesha ay ku dirirto Cawska waa ka Gurmaa” Waa xikmad Soomaaliya oo lagu tilmaamo madashan oo kale oo ay Soomaaliya ku gorgortamayaan Siyaasiyiin manaxayaalla, iyo qaar aysan ku jirin wadniyad qiime leh, haddana ay shacbigii Soomaaliyeed u dhamaanayaan    Gaajjo, cuduro, ooh iyo haraad ay abaaruhu sababeen waxaa meesha ku dhamaada shacbiga aanan tabarta iyo taagta toona lahayn oo aan ula jeedo dagaalka labo Shariif oo iyagu 2009-kii ahaa siyaasiyiinta isugu dhawaa Soomaaliya waxa uu baabi’inayaa labo rajo oo u muuqanayay Shacbiga iyo xukuumaddan u badan dadka Qurbaha ka yimid ee uu Farmaajo hogaamiyo.

Labada golle ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa si gooni gooniya ugu kala darsaday wakhti kordhin, Baarlamaanku waxay ku darsadeen iney sii shaqeeyaan saddex sano halka xukuumaduna ay ansaxsatay iney sii shaqeyso  muddo sanada.

Caawaqib Xumo Loogu goodiyay Dowladda

Shir saxaafadeed ay gabagabadii kullanka isugu yimaadeen golihii ammaanka ee kulankani isugu yeeray siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa ka hadlay Danjiraha UK u fadhiya Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay Mark Lyall Grant, waxa uuna tilmaamay in nuxurka hadalka Sussanaha Rice uu ahaa mid saxa oo sidii la rabay loo abaaray.

“Fariin aad u kulul ayaa loogu baaqay,” ayuu yri Mark Lyal, waxa uuna intaasi raaciyay

“Waxaanu u cadeynay Soomaalida in taageerada Bulshada Caalamka aysan xaqiiqi sii ahaan doonin xilli walba oo ay fadqalalo siyaasadeedkan iyo ismaandhaafkan gudaha ah uu sii socdo”, Mark Lyal oo ay wajigiisa carro ka muuqatay ayaa hadaladaasi ku canaantay madaxda Dowladda, waxa uuna intaasi ku daray in madaxweynaha iyo afhayeenka Baarlamaanu ay si dhaba u ogaadaan in arintani cawaaqib xumo ay keeni doonto haday u caal waayaan iney isla gaaraan heshiis iyo xal degdeg ah.

“Waana in la joojiyaa Muran siyaasadeedka micno darada ah” ayuu kusoo xirtay oraahdiisa Danjire Mark Lyal.

Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo gooddi aad uu adag u soo jeediyay DFKMG Soomaaliya ayaanan si dhab ah u cadeyn tilaabada ay siyaasiyiintani ka qaadan doonaan, laakiin hadana waxay iyagu ku adkaysanayaan iney joojinayaan maalgalinta iyo dhaqaalaha ay dalalka deeqda bixiya siysaan Soomaaliya.

Waxaana lawada ogsoon yahay in dalalka caalamiga ah ee deeqaha bixiya ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed siiyaan mushaaraadkooda sida ay sheegtaan halka midawga Yurub-na ay bixiyaan dhaaqaalaha baarlamaanka iyo ciidamada midawga afrika ka jooga caasimadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana ay deeq bixiyayaashu DFKMG Soomaaliya siiyaan gargaar bani aadanimo oo xoogaaya.

Danjiraha UK u fadhiya Gollaha amniga oo arintani farta ku fiiqayay ayaa tilmaamay in kaalmooyinka banii aadanimo ee lasiiyo Soomaaliya ay isugu jiraan qeybo kala duwan guud ahaan, balse haatan waxaan sawir guud ka bixinayaa iney soo bixi karaan duruufo lagu weecinayo baaqiga gargaarkani, waxayna arintani ku xiran tahay go’aamada ay qaadanayaan Golaha xukuumadda iyo kan Baarlamaanka.

Dowladaha KMG ah oo laga daallay

20kii sano ee ugu dambeysay waxaa lasoo dhisay amaba lasoo dhoodhoobay in kabadan 4 Dowlad ooo KMG ah kuwaasoo dhamaantood lagu abaarayay in dalka Soomaaliya ay ka hirgaliyaan nabad dib u heshsiisin, xaliisooni iyo in la qoro amaba isbadallo lagu sameeyo dastuur-kii dalka si loo qabto doorashooyin guud, laakiin taasi waxay noqotay waxba kama dhibcaan iyo in lagu guul dareysto, waxayna KMG-kii ugu dambeeyay ee lasoo dhisay ahayd tan haatan uu wakhtiga ka dhamaanayo oo 7-dii sano ee ugu dambeysay loo aqoonsanaa xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kalana xogahayaha guud ee Qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa isaguna hadaladani xooojiyay mar uu ka qeyb galayay kullan ka dhacayay magaalada Addis ababa ee xarunta midawga Afrika taasoo lagu qabanayay kullan degdeg ah oo looga arinsanayay xaaladda Liibiya.

“Gollaha ammaanka iyo dalalka Deeqda bixiya waxaa ka dhamaanaya dulqaadka ku aaddan hogaan siyaasadeedka Soomaaliya maadama ay hareeyeen xiisado siyaasadeed”  ayuu Ban-ki-moon tilmaamay.

Gurmadkii Mahiga oo Goodis Hadalkoodii Noqday

Marka laga fiiriyo kullankani waxa sababay inuu soo degdego amaba siyaasiyiinta Soomaalida la isugu keeno wakhti dhakhso ah Nairobi, ayaa waxa uu noqonayaa Kullankani kii 2-aad muddo 2 bilood gudahooda la isugu keeno caasimadda Kenya, inkastoo kii hore ay diideen Madaxweyne Shariif iyo RW Farmaajo, laakiin haatan kullankani waxa uu u muuqanayaa in Gurmadkii Mahiga uu shaqeeyay oo uu Nairobi keenay masuuliyiintii horey Mahiga ugu jaakiray canaana dhegaha gurmadkani uu dhegaha ugu shubay siyaasiyiinta Soomaalida dhamaantood.

Mahiga waxa uu u muuqday bishii hore siyaasi looga adkaaday fagaare siyaasadeedka Soomaaliya, hadii saas lagu sii wadi lahaana waxaaba dhici kartay in xilka laga xayuubiyo, laakiin talo siyaasadeed wanaagsan oo uu ku burburiyay wax badan oo aysan shacbiga iyo xukuumadda tayo la Dhacsaneynba ayaa u hirgalay waayo waxa uu Nairobi keenay xubnaha gollaha amaanka oo maalmahanba kusoo wajahnaa qaaradda Afrika oo ay kulamo gooni gooni ah ku tagayeen dalalka qaar, sida Ethiopia oo ay uga qeyb galleen kullan looga hadlayay nabadda iyo ammaanka waxayna sidoo kale tageen magaalooyinka Khartoum iyo Juba ee Sudan.

The Council has five permanent and veto-wielding members namely the US,UK, Russia, China and France. In addition, there are 10 non-permanent members who are elected every two years.

Gollaha ammaanka, kuwaasi oo madaxdii Soomaalida halkan isugu keenay haddana aanan macnawi ahaan hadalo qiimo gaar leh aanan u sheegin.

Xubnaha Gollaha Ammaanka

Gollaha ammaanka ayaa waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood, 5 xubnood oo joogta ah kuwaasi oo leh awoodda codka diidmada qayaxan, waxaana xubnahaasi kamida USA, UK, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.

10-ka kalana waxaa lasoo doortoo wakhti walba labo sano kadib, haatana waxay kala yihiin Germany, Bosnia, Portugal, Herzegovina, Koonfur Afrika, Gabon, Columbia, Nigeria, Lebanon, Brazil  iyo Hindiya.

Faroolle iyo Caalin oo waji gabaxnimo ku timid

Labada Madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Galmudug oo waayadanba u muuqday iney ku jiraan is gaashaanbuureysi ka dhan ah xukuumadda RW Farmaajo iyo kursiga madaxweyne Shariif ayaa shirka kala tagay iyaguna cawaaqib xumo, dhankooda ah kadib markii ay bilihii ugu dambeeyay u ololaynayeen in la qabto doorasho madaxweyne, waxa ayna labadooduba u muuqdeen kuwo degdeg farabadani ku jiro, marba hadii  Nairobi la isaga yeero.

Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle Hogaamiyaha Puntland oo u muuqanaya inuu waxbadan ka tabanayo Federaalka ayaa horey dhawr jeer u dhaliilay xukuumadda waxa uuna goor sii horeysay ku dhawaaqay iney gogol nabadeed iyo mid dib u heshiisiinba dhigayaan Puntland si ay Soomaalidu aayaheeda uga tashato, taasoo ay waxba kasoo naasa cadaan waayeen.

Madaxweynaha ayaa u muuqanaya in safari badan oo aanan micno badan ku fadhiyin oo uu dibadda ku aaddayo iyo sidoo kale kharashaad badan oo ka imaanaya khasnada dowladda, xilli ay qaar kamida shacbiga reer Puntland ay haystaan dhibaatooyin ay kamid yihiin amni xumo maalmahan ku timid qaar kamida magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso iyo Gaalkacyo oo laga fuliyo dilal qorsheysan, waxaana sidoo kale jira ineysan dowladdu wali soo afjarin colaadihii iyo dhibaatoyinkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland oo ay ku dagaalamaeen qaar kamida Beelahga dega Puntland, waxaana la tilmaamayaa in arintaasi Dowladda Puntland si weyn u dayacday.

Isla ninka waayadan siyaasadda saaxiibka ay Faroolle ku yihiin ee Maxamuud Axmed Caalin Hogaamiyaha Galmudug ayaa isaguna horey u shaaciyay in Galmudug ay diyaar u tahay iney goobaha ay ka taliso ku qabato doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ka hor bisha August ee sanadkan 2011.

Waxayna labadan arimoodba kuu muujinayaan ineysan labadan maamul dhexdhexaad ka ahayn khilaafka labada golle ee Dowladda Soomaaliya, amaba soo kala dhex galay labada Shariiif  iyagoo si bareera ah u burburinaya dareenka Xukuumadda Farmaajo oo u muuqata mid gabalkeedu uu sii dhacayo, maadaama canaasiir farabadani ay kusii kacayso.

Farmaajo oo Furihiisa Dhakhso ku dhiiba

Inkastoo nin geesiya, Raggu geed adeyg yahay, Haddaan garabka lala qaban Guri ooddi maayee
Gacma maran Illaah baan Guudkood xil saarine,  Sida geyi abaareed Cawl gooni daaqaan Awadaa go’doomee

Murti iyo Maanso waliba xusuusbay kugu reebtaaye beydadkan kore oo ku jiray heestii Gufaaco ee Maxamed Saleebaan Tubeec, waxayna beydadkani igu soo hinqadeen kadib markii aan dareemay go’aamada degdega ah ee RW Farmaajo oo u muuqnaya Siyaasi kasban kara shacab dhinaca ka hadalka waxyaabaha ay qabteen iyo dhiiri gelinta hawlaha gollaha wasiirada, laakiin ku sifoobaya siyaasi furihiisa dhakhso ku dhiiba amaba aanan lahayn go’aan siyaasadeed fadhiya oo qancin kara shacbiga la dhacsan hanaan siyaasadeedkiisa uu marka hore soo qadimo.

Ku ilduufidii Qodobka 4.5

Bishii Oktoobar sanadkii 2010 markii uu meesha ka baxay RW hore Cumar Cabdisrashiid Cali ee uu madaxweyne Shariif Sheekh Axmed u soo magacaabay hogaanka Gollaha wasiirada waxa uu qaadtay go’aan ka baxsan dastuurka oo ahaa inuusan 4.5 waxba kusoo dhisaynin ee uu hareer marayo hanaanka afarta beelood iyo barka, haddana inkastoo aan hubo in shacbiga qabyaaladda ka marani ay yar yihiin hadana hadalkaasi waxaa hubaala in dad badani u riyaaqeen, ayna ku tilmaameen halyeey, iyadoo ay cadeyd in Dastuurka Soomaaliya haatan u degsan uu hareer maray RW Farmaajo, waxayna arintani dhalisay go’aan siyaasadeedkii ugu horeeyay ee degdega ahaa inuu kasoo noqdo Ra’iisul wasaaruhu maadama qodob dastuuri ah uu ku ilduufay.

Ka adkaanshihii Mahiga iyo Maalintii Xumeyd ee 25 May

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo la is dhihi karo waa RW ugu horeeyay ee wax uuna ka kasbada shacbiga Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda labada waxa uu go’aan adag oo aad loogu qancay uu qaadtay Bishii hore ee April oo uu Nairobi ka dhacay kullan wada tashi ah oo Mahiga isugu yeeray Siyaasiyiinta Soomaaliya si looga wada hadlo waxa lagu sheego aayaha Soomaaliya, laakiin waxa ay isaga iyo xukuumadiisaba oo taageero ka helaya madaxweyne Shariif qaadteen Tilaabo inta badan shacbiga Soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen laakiin Beesha Caalamka dareen galisay.

Waxa lagu sargoyn karaa in Soomaalidu ay u soo dhaweysay iney 20 sano kadib arkeen xukuumad beesha caalamka waxa ka diidi karta tii ugu horeysay halka kuwii hore wax loo yeerin jiray, iyo Qaramada Midoobayna dareen ku beertay gogol dhigiisu ahaa, nin la leeyahay waxba leeyahay oo aan ula jeedo, xukuumad wax ka diidi karta Qaramada Midoobay Soomaaliya kama jiri karto.

Isagoo guul iyo galladba ku fadhiya oo magac ka kasbaday ummadda Soomaaliyeed, laakiin ay dhici kartay inuu waayo maalka iyo dhaqaalaha intiisa badan afka caarkiisa ah ee ay deeq bixiyayaashu Soomaaliya siiyaan, ayaa waxay RW Farmaajo u soo dhiibtay inuu kusoo lugeeyo dhabuhuu shalay diiday isagoo waliba cagacad, Nairobina khasab iyo sandulle lagu keen0, goob joogna u ahaado canaan kulul oo dhegaha Siyaasiyiinta Soomaalida lagu shubay 25 May sanadka 2011 oo ku beegan 48 sano guuradii aasaaska ururka Midawga Afrika.

W/Q Cabdiqafaar Shire

Abdikafarshire@gmail.com

Nairobi, Kenya

Qoraaladii hore: https://somalitalk.com/lacag/cabdiqafaar.html

—–


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.