Home » Warar »

Kulan Albaabadu u xiran yiin oo markii saddexaad Labada shariif oo uga socda Xarunta Madaxtooyada DFKMG

Khilaafka labada Shariif oo la sheegey in ay ku lug leeyhiin Dowlado Shisheeye

Sabtidii ayaa waxaa kulan albaabaduu xiran yihiin isugu yimid Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana kulankaas loo diidey in ay Saxaafadda Goob joog ka noqoto , wuxuuna kulankaan uu qayb ka ahaa laba kulan oo hore ay u wada yeesheen labada Shariif kaasoo aan ka soo bixin wax natiijo ah kadib markii la isku afgaran waayey qaabka loo wajahayo waqtiga kala guurka

Kulankii Sabtida ayaa waxaa la sheegey in uu ka duwanaa kuwii ka horeeyey ee ay wada yeeshaan labada shariif waayo waxaa goobjoog u ahaa Guddiyadii iskood isku xilqaamey ee doonayay in ay soo afjajaraan khilaafka labada dhinac waxayna dad ku sugan Xarunta madaxtooyada ay noo sheegeen in labada Shariif ay xilgaan ka muuqato dhameynta khilaafka ragaadiyey Dowladda Federaalka waxayna waraka qaar aya sheegayaa in laga yaabo in labada shariif ku heshiiyaan muddo kororsigii halka sanno ka dib la qabto Doorashadii Hayadaha DFKMG sannadka 2012 bisha Ogoosto

Xildhibaano ku sugan Muqdisho ayaa noo sheegey in ay adag tahay in ay isku soo dhawaadaan labada shariif waayo waxay sheegeen in labadooda ay kala jiidanayaan Dowladu shisheeye oo mid weliba uu danno gaar ah ka leeyahay Soomaaliya waxayna afka ku dhufteen in Gudoomiyaha Baarlamaan ay taageero ay u muujinayaan Dowladaha Midowga Yurub oo iyagu doonayaa in la qabto Doorashadii Madaweyninimada Soomaaliya halka wadamo ay ka mid yihiin Mareykanka ayaa iyana taageero u muujinayaan Mdaxweyne Shiikh Shariif waxayna doonayaan in doorashada dib loo dhigo,Hayadaha Dowladana Sida Madaxweynaha, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada loogu darro muddo sannad ah doorashaana la qabto Ogoosto sannadka 12-ka ee soo socota

Labada shariif oo ahaa raggii ka soo shaqeeyey Dowladii lagu soo dhisey Dalka Jabuuti ayaa isku dhacay markii ay soo dhawaatey waqtigii kala guurka ee Dowladda Federaalka ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamanka uu damaaciyey in uu ku fariisto kursiga Mdaxweyninimada Soomaaliya halka Mdaxweyne Shiikh Shariif uu doonayo in mar kale dib loo doorto Xilka Mdaxweyninimada

Isku soo duubo khilaafka u dhaxeeyey labada Shariif ayaa u muuqda mid aan xal laga gaari Karin waxayna dadka odorosa Siyaasada Soomaaliya ay sheegayaan in haddii ay heshiis gaari waayaan ay labadooda ay waayi doonaan Xilalka ay maanta ay hayaan oo ay ka faaiideysan doonaan raga kale oo Muska ugu jira Xilalka ay maanta hayaan kuwaas oo dooanaya in labadooda meesha ay baneeyaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Kulan Albaabadu u xiran yiin oo markii saddexaad Labada shariif oo uga socda Xarunta Madaxtooyada DFKMG "

  1. omar says:

    Waa nasiib darro qarankii somaliyeed ku dhacday, waxay na bareenna waxay na badeen ayaa ka daran, haddii maanta la heshiisiiyo sow berri is diriri mayaan ! waayo haddii labada qof qaddiyad wadani ah isku hayaan waa laga gudbi karaa dhibta, laakiin haddii arrintu tahay dan gaar ah iyo Aniga Haruubka ii buuxi iyo Aniga ii buuxi waa ma dhammaaato waayo danta iyo baahidu ma dhammaato.
    waxaase kursiga laysugu dhejinayo waana fahmi karnaa, waxaa la doonayaa in badda iyo dhulka inta ka hartay in la sii caddeysto sida laga dareemayo dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyey oo ay wararkooda faafiyeen warbaahinta ummadda Somaliyeed ee wadaniga ah:
    Haddiise Maraykanku doonayo in Shariif Axmed madaxweyne sii ahaado, reer yurubna la sheegay in ay danaynayaan in doorasho la qabto ummadda Somaliyeed ma la weydiiyey waxa ay doonayaan, mise cod ma leh ?
    Waxqaan oran karnaa shacabka waxaa metala barlamaanka haddii ay daacad ka yihiin qaddiyadda ayna u dhaarteen in ay sharciga ilaaliyaan, inkastoo kuwa badan ay sida geedka gabbal dayaha maalinba dhinac kaaga imaanayaan iyo weliba maamul goboleedyada ka madax bannaan siyaasaddaan laba nin dhextaal haddii dhinaca wanaagga ka fekiraan iyana waa meteli karaan codka shacabka, laakiin ogaada dagaalkii qaboobaa ma dhammaan hadda wuxuu taagan yahay yurub iyo maraykan somali ayaana u dhimanaya xarig jiidka aan dhammaanayn ee ka dhexeeya quwadaha adduunka.

    Waxaa yaabka yaabkiis ah in arrimahaaga khaaska kuu ahaa ay dawlado kale isku hayaan, adiguna aadan waxba ka oran karin, waa nin buka boqol u talisay!
    waxaanse soo xasuustay sheeko ku saabsanayd nin Geel laga dhacay oo muddo soo raacdeynayey markii uu soo gaarayna la kulmay Geeliisii oo la qaybsanayo laakiin dagaal xun ka taagan yahay oo la isku haysto hal geela ku jirtey, kadibna ninkii Geela lahaa nimankii tuugada ahaa ka codsadeen in uu dhexdhexaadiyey oo qabto kooda khaldan !! ogow waxay rabaan in uu ku dhexdhexaadiyo geeliisii ay ka soo dhaceen !!
    waxaa taas ka dhigan sheekada labada shariif waa ognahay oo waxay rabaan doorasho iyo hoggaan siyaasadeed inteenna kale ee shacab weynaha ummada maxaa innala gudboon?
    waxaanna ognahay in aanay laba shariif u qalmin in ay xil ummadda somaliyeed u qabtaan haddana iskuba haysta anigaa gar leh iyo aniga gar leh ee na kala saara, ummaddii xilkaan lahaydna ay la yaabban tahay adduunkii oo laba garab kala noqday oo iyagii kala raacay, rabana in ay u garqaybiyaan somali oo dhanna ciidda afka loo daray oo aan wax Ra’yi ah la weydiinayn. waxaan oran lahaa dadow hadla oo dantiinna wadaniga ah ka hadla, qadiyad iyo dan nin meel laguma gaari karo waana tan halkaa ina wada dhigtay!
    Towfiiqda Alla ha ina waafajiyo!!

  2. Osman says:

    Assalamu calaykum; walaalaha Somalitalk mar walba waan salaamayaa waana u duceeyaa dadaalkooda waddaninimo iyo wanaagga ay umaddooda la jecelyihiin. Waxanan leeyahay hadaalina daljirayaal dadkiinuna waa idin daba socdaaye. Midda kale
    Arrimaha sidaan u adag marka laga wada hadlayo, ma aha in ay keliya ka wada hadlaan labadi qof ee is hayay oo albaabbada isu soo xirtaan, waayo labdooda nin waliba tiisa ayaa la quman.
    Waa in la helaa dad isu dhagaysta doodaha labada dhinac, daacad ah, labada dhinacba ay ku kalsoon yihiin oo dhexdhexaadin rasmi ah ka sameeya arrinta. Waana in aan loo arkin arrintaan arrin laba shakhsi ka dhaxaysa ee loo arkaa caqabad adag oo hortaagan mustaqbalka qaran dhan iyo shabkiisaoo masiirkoodu ku xiranyahay hadba sida loo xalliyo arrintaan waana in culayska ay leedahay la siiyaa oo laga sugin xalkeeda laba shakhsi keliya.
    Dadkaas dhexdhexaadiyayaasha ah waa in ay aqoon xeel dheer u leeyihiin waxa laga doodayo xag siyaasadeed, sharci, xirrir caalmi, iyo dhaqan bulshoba. waa in ay awood u leeyahiin uy ku saafsaafi karaan ama ku analays gareyn karaan doodaha ay soo kal jeediyeen labada nin.
    Kaddibna ayaga oo miisaan saaraya maslaxada halka ay ka dhawdahay iyo arrimaha lasoo jeediyey sidaay u kala culusyihiin, sidoo kale eegaya danta dalka iyo dadka Somaliyeed halka ay ku jirto, iyo arrimaha dantu nagu kallifayso oo aanan la dhaafi karin duruufaha jira awgood intaba ay dadkaasu markaas doodaha isu soo ururiyaan oo meesha ma dhaafaanka ah la gaarsiiyo ee caddalad ku dhisan dantuna dhaafi karin.
    Markaa waa in laga codsado in labada dhinacba ay talada u dhibtaan guddiga dhexdhexaadinta oo wixi la gaaro ay u hoggaansamaan ayagoo aan cid gaar ah raalli gelinayn, colaad shakhsi ah iyo muran siyaasadeedna aan eegeyn, wax walbana uga tanaasulaya danta dalka iyo dadka, kaddibna la siiyo go’aanka kama dambeysta ah.
    kii diida go’aankaas waa in loo arkaa nin kireysan oo meel kale laga soo afuufayo meelna aan uga leexan karin waxa loo soo yeeriyey,(waxaanad ku garan doontaan marka arrintu sii cuslaataba inuu debedda usii carari doono ama taleefan dibedda ah ku waalan doono si loo siiyo amarka tallabada xigta ee uu qaadi doono ama waxaad arki doontaan wafdi aan lagu sii talo gelin oo duulaya oo dalka kasoo degey oo la shirey isla markiba) kaas waa in meel looga soo wada jeestaa shacab, baarlamaan, iyo madaxba dalkana laga badbaadiyaa shartiisa. kii u hogaansama talada dhexdhexaadiyayaashana garab la siiyo shacab, baarlamaan, iyo madaxba.
    Waxaan xasuusin lahaa golaha wasiirrada inaysan shaqaale u ahayn madaxweynaha iyo raiisulwasaaraha ee ay yihiin wasiirradi qaranka Somaliyeed taariikhduna waa ma gudho oo waa la qori doonaa, sidoo kale waxaan u sheegi lahaa golaha baarlamaanka inaysan ahayn koox ama shaqaale uu guddomiyaha baarlamaanku meel ku xareystey ama hay’ad gaar ah oo shaqo goonni ah kashaqeeya ee waa in ay ogaadaan inay yihiin wakiilladi dadweynaha Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo qaranka dhan baarlamaankiisi ay yihiin ayna huwanyihiin codki ummadda Somaliyeed. waain ay ka sarreeyaan khilaaf shakhsi ah oo ka dhexeeya masuulyiin gaar ah oo ayguddoyadoodu noqon karaanmarjac l;a isku hallayn karo oo nadaamka iyo shuruucdadalka masuul ka ah.waanain ayjoojiyaan shirarka gaar gaarka ah iyo hadallada khilaafkaxambaarsan ee idaacadahalaisu marinayo waayo dhaqankaas waa dhaqanka axsaabta siyaasadda ee ma ahabaarlamaan qaran shaqadiisa.
    Baarlamaanku waahay’aad dhexdhexaad u ah qaranka cid kastanawakiil ujoogo oo kashira ajende dantadalka ah goaanna ka gaara halkaasna uga hara.wixi qaylo iyo dhaliil iyo amman ah axsaabta siyaasadda ayaa iska leh.
    Labada qolaba waxan u sheegayaa inaysan waajibaadkooda uga gaabin dano gaar ah ,khilaaf shakhsi ah,jago u caroosho iyo wax rakhiis ah una istaagaan ilaalinta magaca iyo sharafta qarankooda, iskalana weynaadaan khilaafka macno la’aanta ah ee ragaadiyey dalkeenni.
    Waa inay soo ay soo baxdo koox daacad ah oo dalkooda kabixiya dhibka ayagoon ka haybadeysanayn madaxweryne ,raiisulwasaare iyo guddomiye baarlamaan midna ee danta dalka kala weyntahay wax walba, soona celiyaan haybaddii qaranka Somaliyeed iyo qofka Somaliga ah. war haddaanu gaajo darteed cunno shisheeye gacmaha u hoorsanno oo dalkeennna wixi kasoo baxayay aanan ku tashan, oo caalamka visa iyo waraaqo aqoonsi gacmaha shisheeye u hoorsanno oo meel walba meereysanayno annagoo indha mirigleeyneynna, oo taladi dalkeennina aan shisheeye gacmaha u hoorsanno oo hal go’aan ah aanan annagu gaari karin maxaa magaceennu noqnayaa oo na lagu tilmaamaa illeen caalamka kama jiro dad noocaas ahe?