Home » Warar »

Xukuumadda FKMG oo u Jawaabtey Guddoomiyaha Baarlamaanka

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadal uu siiyay warbaahinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

Warsaxaafadeed:

Arbaco, Muqdisho, May 11.2011—–Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadalkii shalay 10-kii May 2011 uu siiyay warbaahinta Guddoomiyaha Baarlamaanka kaasoo ahaa in Xukuumada FKMG ah aaney u soo gudbin Guddoonka Baarlamaanka wax qorsha ah oo uu ka doodo.

Xukuumadda waxey barlamaanka u gudbisay mudadii lasoo dhaafay hishiisyo kala duwan oo lala soo galay dawladaha Turkiga, Iran, Sudan, Indonesia iyo dawlada kale, waxey sidoo kale u gudbisay Gudoonka Barlamaanka qorshe howleedka Xukuumada iyo Agandaheeda ku aadan marxaladda kala guurka ah.

Xukuumadu waxay warbaahinta u soo gudbineysaa tallaabooyinkii ay sameysay si ay ugu gudbiso Guddoonka Baarlamaanka qorshe howleedka xukuumada iyo kulamo gaar ah ay ka codsatay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu soo qaban qaabiyo si aragti midaysan looga gaaro qorshaha ku aadan marxaladda kala guurka ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah wuxuu u gudbiyay Gudoomiyaha Barlamaanka go’aankii Golaha Wasiirada oo ku taariikhaysnaa 17.02.2011, kaasoo ay Wasiirada soo jeediyeen in muddo kordhin wadajir ah la sameeyo.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu u qoray Gudoomiyaha go’aankii Golaha Wasiirada oo ku taariikhaysnaa 28.03.2011 oo ay Golaha Wasiirada kusoo jeediyeen in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo August 2012.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu qoray warqad taariikhdu markay aheyd 21.04.2011 taasoo uu kaga codsanayay Guddoomiyaha Baarlamaanka inay kulan wada tashi ah ay isku arkaan guddi ka socda Gudoonka barlamaanka oo ay wehliyaan Gudoomiyayasha Gudiyada iyo mid ka socda Golaha Wasiirada si ay u wada hadlaan aragti midaysanna kasoo gaaraan farqiyada u dhaxeeya hay’adaha dastuuriga ah.

Hadaba, Ra’’isal Wasaaraha kadib wuxuu u diray Gudoomiyaha Barlamnaanka taariikhdu markey ahayd 27.04.2011 warqad kale oo ku xusan tahay agendaha looga wada hadlayoo shirkaas maadaama uu gudoonka Barlamaanka soo codsaday inloo soo cadeeyo kulanka waxa uu ku saabsan yahay.

Dhammaan hawlahaan ma aysan noqonin kuwa mira dhal ah maadaama aanan jawaab ka helin Gudoonka Barlamaanka isla markaasna soo jeedimahayna aanan marnaba loo gaynin barlamaanka si xildhibaanada Barlamaanka ay uga doodaan ugana qaataan go’aan sharci ah.

Xukuumadda FKMG ah had iyo jeer waxey raadinaysaa wadda walba oo lagu gaari karo is faham, wada shaqeyn iyo aragti midaysan si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyadoo mid la yahay.

Ugu danbayn, waxaan ka codsanaynaa Gudoonka Barlamanka inuu horgeeyo Golaha Barlamaanka soo jeedimihiii Golaha Wasiirada isla markaana uu dar dar galiyo wada tashiyadii looga gol lahaa in is faham iyo aragti midaysan looga gaaro marxaladda kala guurka ah.

Xukuumadda Waxay ku hawlan tahay arrimaha amniga iyo xasillooni kusoo celinta nabad galyo waarta dalka, waxeyna ugu hanbalayaynaysaa ciidamada xoooga dalka soomaaliyeed oo maanta kasoo hooyay guulo wax ku ool ah dagaallo ay la gashay kooxaha nabad diidka ah kana qabsadeen qeybo badan oo ka tirsan Degmeda Hodan.


Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xukuumadda FKMG oo u Jawaabtey Guddoomiyaha Baarlamaanka "

  1. Abdirisaq says:

    Laba Shariif shalay ayagaa asmra iyo Jabouti is daba ordaayay oo lahaa dhib Somalia ayaan ka dagaallamaynaa.
    maantana ayagi ayaa is haysta oo qofna qof kale la hadlayn qarankina waxay kadhigteen dukaamo ayagaay leeyihiin oo midna baaralaamnki dhamma ayuu quful weyn ku jebshay oo wax mooshin ah ama talo ah u diiday inay u gudbaan wixi hadal ama waraaq xukuumadda ka timaaddana asaga ayaa ka jawaabaya keligii.
    midna wax alla wixi go’aan baarlamaanka kasoo baxa ayuu diidmo qayaxan kala horyimid oo diiday inuu saxiixo shi ay u meel marto.
    Shacabki Somaliyeed inay wax talo ah ku yeeshaan dalkina waxaa isku hor gudbay baarlamaan aan la aqoon sida uu u shaqaynayo oo ciyaar ciyaar u haysta in dalka hadba khilaaf lagu rido oo halki 20 sano laga soo tegey hadba dib loogu celiyo marka intaas oo naf iyo maal ah burburaanna hadba la yiraa wax hor leh ayaa la dhisayaa.Kuwaas oo aad mooddo taageerayaashi man united iyo arsenal ama chelsea oo hadba mid u sacbinaya marna aan eegeyn danti qaranku xaggay taal annaguse maxaan u dhaarannay oo qarankeenna iyo shacabkeenna baab’ay nagala gudboon.
    Waxaan qabaa inay tahay waqtigi shacabka Somaliyeed dibed iyo gudoba kici lahaa inay tahay oo la iska wada qaban lahaa qofka dhibkawada oo dalka rogaya codkeenna idaacadaha joornaallada iyo kulammo deg deg ah aan ugu muujin lahayn beesha caalamkana runta u sheegi lahayn iyo sida annagu aan rabno.