Home » Warar »

Guddiyadii Doorashada oo siminaar ugu Ambabixi lahaa Nairobi oo Amar ka soo baxay arrimaha Gudaha dib looga soo celiyey Garoonka Diyaaradaha

iyo Shariif Xasan oo la sheegay in Maalmaha soo socda Wareejin doono Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka — iyo muran weli ka taagan doorashada Agoosto 2011 —

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Shariif Xasan Sheikh Aadan oo khilaaf dhinaca Siyaasadda kala dhexeeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa Xildhibaano ku dhow dhow Gudoomiyaha Baarlamaanka noo sheegeen in uu isku diyaarinayo maalmaha soo socota in uu iska casilo ama uu wareejiyo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa Sababaha uu isku casilayo lagu sheegay in ay tahay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa in uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka uu horey u shaaciyey taasoo lagu wado in ay dhacdo inta ka horeysa bisha Agoosto, iyadoo dhawaan Gudoonka Baarlamaanku uu sheegey in Guddiyadii Doorashada ay Howlahooda ay meel Wanaagsan marayaan.

Doorashada Madaxweynaha ayey Xubno ka tirsan Baarlamaanka ay noo sheegeen in ay dhaceyso iyadoo aan la dooraan Gudoonka Baarlamaanka sida Gudoomiyaha iyo ku xigeenadooda hase yeeshee arrinkaan waxaa ka soo horjeeda Madaxweyaha iyo Raiisul Wsaaraha DFKMG oo sheegey in xiligaan aysan suuragal ahayn in ay dhacdo Doorashadii Madaxweynaha maadaama ay sheegeen in Dalka uu ku jiro Xaalad Dagaal.

Shariif Xasan Shjiikh Aadan ayaa Sababaha uu u banneynayo Xilka Gudoomiyahja Baarlamaanka ayaa lagu sheegey ay tahay in uusan Sharciga u ogoleyn ruux haya Jagadaas aanu u Tartami karin Xilka Madaxweyninimada, waxayna wararku sheegeen in ay tahay in xilka kuwareejiyo Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka hase yeeshee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa laga soo xigtey in uu yaab ku tilmaamey in Guddiyo Dooreasho uu magacaabo nin u tartamaya Doorashada Madaxweynimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo waayadaan kulamo la leh Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku aadan sidii ay u dhici lahayd Doorashadii Madaxweynaha iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ay aad u doonayaan in Shariif Xasan uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa naloo la sheegey in ay dhaqaale ka heleen Gudoomiyaha iyadoo qaar ka mid ah la siiyey Gawaarida Raaxadda.

Shariif Xasan ayaa la sheegey in ay ka Go’an tahay in loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaano tiradooda gaareysa ilaa 30 Xildhibaan kuwaas oo ah Guddiyadii Doorashada ee Madaxweynaha oo siminaar ku saabsan sida loo diyaariyo Doorashooyinka muddo Todobaad ku soo qaadan lahaa Magaalada Nairobi ayaa Isniintii May 9, 2011 markii ay tageen Garoonka Diyaaradaha waxaa amar ka soo baxay Wasaarada arrimaha Gudaha dib looga soo celiyey Garoonka, waxaana la sheegay in arrinkaa dhabar jab ku tahay Gudoomiyaha Barlamaanka.

Siminaarkaan oo ay bixin lahayd Hayad lagu Magacaabo National Democracy Institute (NDI) ayaa inta uu socdo siminaarkaas waxaa Casharo ka bixin lahaa Khabiiro ku xeel dheer sida loo diyaariyo Doorashooyin Madaxweynayaasha hase yeeshee is hortaaga ka yimid Dhinaca Xukuumada waxay cirka isku shareeri doontaa Khilaafka u dhaxeeya labada Shariif, waxaana halkaa kaaga muuqda in Xukuumada Farmaajo ay toos ula safatey Madxweynaha DFKMG ShariifI, iyadoo Xildhibaanada Taageersan Shariif Xasan hore looga hor istaagey in ay kulama ku yeeshaan Hotelada Muqdisho waxaana haatan indhaha lagu hayaa in uu qabsoomi doono iyo in kale kulanka Arbacada isugu imaan doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka maadaama maanta loo diidey in ay ka baxaan Garoonka Diyaaradaha, waxayna xildhibaano ku dhow Gudoomiyaha noo sheegeen in ay war cad ka soo saari doonaan is hortaagaas.

Sidoo kale Raiisul Wasaarihii Hore ee DFKMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa taageerey in bisha Ogoosto la qabto Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka soo horjeestey mudadii halka Sanno ee ay ku darsadeen Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha isagoo sheegey in ay ku wanaagsaneyd in ay sameeyaan la tashiyo fara badan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Guddiyadii Doorashada oo siminaar ugu Ambabixi lahaa Nairobi oo Amar ka soo baxay arrimaha Gudaha dib looga soo celiyey Garoonka Diyaaradaha "

  1. omar says:

    Mudane shiikh shariif Axmed, Ma hadda ayuu bilaabayaa in uu yaabo, dadku yaabkoodii waxay ku soo dhammaysteen markii nin jabhad ah waa shiikh shariif shiikh Axmed: maalin cad 250 nin oo xildhibaanno lagu magacaabo inta gacantaada ku soo qoro lagu yiri muddo asbuucyo ah madaxweyne lagaga dhigay, dawlad 4 sano la soo dhisayeyna la kala diray, shaabad weynna loo saaray ay ku qoran tahay : “AQOOONSIGA BEESHA CAALAMKA”, markaasuu meel iska fariistey, Ma wuxuu doonayaa in uu haddana bilaabo dagaal ka dhan ah beesha Caalamka, shiikh shariif Axmed ma illaaway, beesha caalamku in ay tahay middii sannad ka hor jabuuti ku soo caleemo saartay oo dalka dib ugu soo celisay. war la’aan baa wadadada hodey ayey somali tiraahdaa. bal aan dhowrno maalmaha fara ku tiriska ah sida uu maskaxda uga shaqeysiiyo iyo sida uu isaga difaaco beesha caalamka ee uu gacanta ugu jiro.

  2. nora says:

    Hadii U Is Casilo Sh Barlamaanka Xukumadu Waji Nooce ah bay Yeelankarta? Mar Hadii ayan UNta Calaqaad Siyasadeed Lalahayn Dr Farmajo iyo M/Sh Axmed. Dawlada Sh Axmed Waxay Ahayd Xal u Radin Dhigi Dadanayey iyo Muranki Ethopia ha Baxdo iyo Biximayso Mid ku timi. Sh Xasanka Barlamnka Waxu ka Mid ahaa Dawladi 2 Sano lo Fadhiyey ee Dib U Heshiisinta loogu Magacdaray. Khilaafka Dastuuriga Waa Caqabad Balse Sh Barlamka In U Joogo waa Macqul

  3. baajuun says:

    iska daa celin ee waxay mudan yihiin in la xirxiro tuugadan baarlamaan kusheegga ah