Home » Warar »

11 kun oo Ciidan ah oo Ilaalo u ah Min Madaxweyne ilaa Agaasime Guud

Waagii hore waxaan maqli jiray wadada ciidamada Wadadaas oo gaar u ah qaybaha kala duwan ee ciidamada, iyaga ayaa mara iyo Tiknikadooda hase yeeshee maanta Waddada Makka-Almukarama oo ahayd waddo rayidku mara haddii aad wax yar fariisato waxaad arkeysaa Gawaari isugu jira kuwa Ciidamada, Kuwa Raaxada iyo kuwo waaweyn oo ay dul saaran yihiin cidamo aad u fara badan kuwaas oo hadba dhinac u carara.
Ninka Wasiirka ah maalinta lagu dhawaaqo in uu Wasiir yahay, Beesha uu ka dhashay waxay markiiba u keenayaan 20 Dhallinyaro ah, wuxuuna isla markaas Dowladda ka codsanayaa in ciidankaas loo hubeeyo isla markaana Mushaar loo qoro.

550-ka xildhibaan midkiiba waxaa ilaaliya ilaa 4 askari, kuma sii jiraan ragga “waaweyn” ee Qabqablayaasha dagaalka ahaa oo iyagu haysta Boqolaal ciidan ah iyo Gawaari Tikniko ah oo ku jooga arrimo beeleed,Tiknikadaas oo ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka la wareegin , Agaasimayaasha Dowladda iyana waxaa ilaalo u ah midkiiba ilaa 4 dhallinyaro oo ciidamo ah, waxaa intaa sii dheer in qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka iyana ilaalo ahaan u haystaan dhowr askari, waxayna dad ku dhow dhow Dowladda noo xaqiijiyeen in hubka lagu ilaaliyo iyo walba Gawaarida ay bixiso dowladda Federaalka.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa naloo Xaqiijiyey in ay haystaan Ciidan fara badan iyo Tikniko Xad dhaaf ah waxaana ku baxa Dhaqaale fara badan oo la sheegey in ay ka qaataan Dekedda weyn ee Muqdisho ilaa iyo haddana cid ka hadashey ma jirto Dhaqaalahaas fara badan ee Gobolka Banaadir uu u isticmaalo Ciidamada Ilaalada u ah.

Taliyaasha Ciidamada ayaa ah kuwa ugu badan oo ay ilaaliyaan Boqolaal ciidan ah iyo Gawaari badan oo Tikniko ah, waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin ciidan Dowladeed, waxaana Waddada Makka-Al-Mukarama ku arkeysaa iyagoo hadba dhinac u socda, mar waxay tageen xeryaha ciidamada AMISOM, mar waxay tagayaan Xarunta Madaxtoonyada, marna Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana ku baxa Dhaqaale fara badan oo aan Xisaabaneyn waxaa u sii dheer Rasaasta maalin kasta la siiyo kwaas oo na loo sheegey in ay sii gataan .

Nin ka mid ah Dhallinyarada ilaalada u ah Taliyaasha ciidamada ayaa igu yiri “Waxaan markii hore ka mid ahaa ciidan ku jiray difaaca hore, waxaana dadaal u galay sidii aan mar uun u noqon lahaa ragga saaran Gawaarida Tiknikada ah ee loo yaqaano (Staff) arrintaasna waan ku guuleystay hadda waan ka nastay dhibaatadii Furinta hore, maxaa yeelay halkaan waxaana ka helayaa Qadadeyda, Qaadkeyga iyo Mushaarkeyga si qaboow ah”.

Nin ka mid ah Saraakiishii hore ee ciidamada oo aad ula yaaban ciidamadan faraha badan ee hadba dhinac ugu cararaya waddada Makka-Al-Mukarama ayaan wax ka weydiiyey sida uu arrintaan u arko, waxa uuna ku jawaabay “Waxaan qiyaasi karaa ciidanka dul saaran Gawaarida lagu ilaaliyo ragga ka mid ah Dowladda laga soo bilaabo Madaxweyne ilaa Agaasime Guud in ay kor u dhaafayaan ilaa 11 kun oo Askari, waa ciidan aad u xoogan, hase yeeshee Dowladda Federaalka arrimahaas oo dhan uma jeedo, waxaa xaqiiqo ah in maanta uusan jirin ciidan Dowladeed oo loogu soo hagaago Xerooyinkooda”, waxaa uuna intaa sii raaciyey “Bal fiiri askari ka mid ah ciidamada Dowladda ayaa soo qaadanaya gaari weyn oo tikniko ah isla markaana dad shacab ah ku laaynaya cid wax ka qabateyna ma jirto, askariga sidaas sameynaya waxa uu ku Daaban yahay askar kale oo Beeshiisa ah, marka ma dhihi karo ciidan Dowladeed ayaa maanta jira”.

Ciidankaas faraha badan ee dul saaran Gawaarida ayaa marka ay marayaan waddada Makka-Almukarama waxay rasaas u isticmaalaan in ay ku furtaan waddada marka ay xiranto, waxayna waxyeelo u gaystaan dadweynaha isticmaalaya waddada, Haweenay ka mid ah dad ay waxyeelo ka soo gaartay rasaas waddo lagu furayey ayaan ku booqday gurigeeda waxayna tiri “Maanta dhibaatada i gaartay meel aan u raacdo ma jirto, waa Jinni ku haraati, meeshaan ma joogaan wax aan ku tilmaami karo ciidan Dowladeed, illaah baan kuugu dhaariyee kuwa sidaan noo galaya miyaa ciidan Dowladeed ah, Allow Dowlad caadil ah noo dhali”.

Waxaa Ciidan badan u joogaan Qabqablayaashii Dagaalka kuwaas Deegaanada ay degan yihiin ay u joogaan Ciidan aad u xoogan iyo weliba Gawaari Tekniko ah waxaana naloo sheegey in Ciidankaas ay Mushaaraad ka qaataan Dowladda xitaa Gawaariidooda ayaa waxaa Shidaalka ugu Shuba Dowlada waxayna Dadka deegaanka la degen noo sheegeen in Dhibaato ku qabaan waxayna Dowladda Federaalka ay ka codsadeen in Ciidankaas lagu xareeyo Xerooyin .

Qiyaastaas laga bixiyey Ciidamada Waddooyinka iska socda, kuwa Ilaaliya Madaxweyne, Raiisul Wasaare, Xildhibaanadda, Qabqablayaal Dagaalka, Gobolka Banaadir , Gudoomiyayaasha Degmooyinka,Agaasimayaasha iyo kuwa ku sugan Guryaha ama Wadooyinka Isbaaradu u taal ee lagu qiyaasey 11-ka kun waa xoog aad u weyn iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu dhowr jeer ku canaantay Taliska ciidanka in ciidanku uu habeysneyn slamarkaana aysan jirin Tira koob sax ah eek u aadan Ciidamadda,hase yeeshee Mas’uuliyinta Dowladda weli kama aysan hadlin ciidamadaan ilaalada u badan ee kumanaanka ah waxayna dadka arrimaha ciidamada u kuurgala sheegayaan in hal ama labo askari ay ku filan yihiin in ay ilaaliyaan Mas’uul dowladeed , sidoo kale Ciidankaas fara badan ee Dul Saaran Gawaarida waxaa maalin kasta ku baxa Dhaqaale fara badan oo u badan Shidaal, Qaad iyo Lacag,taasoo wax badan l;oogu qaban lahaa Bulshada ay isugu darsantey Dagaalada , Abaaraha iyo Cudurada.

W/d: Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " 11 kun oo Ciidan ah oo Ilaalo u ah Min Madaxweyne ilaa Agaasime Guud "

  1. Islow says:

    ASCWRB. Ciidamada Soomaaliya u qoran lama dhihi karo waa ciidan Dal lee yahay waxaan dhihi karnaa waa ciidan Dad gooni leeyahay ; mana jirto xero u gooni ah oo mushaaradka Ciidamada ay ku bixiso Dowladu ; waxeey ugu soo gudbisaa ninka ay markaas ilaaladiisa yihiin, hadii uu xaalku sidaas yahay waa la wada dareemayaa in uusan jirin ciidan Doowladeed balse uu jiro ciidan Dadeed ..

    Wabillaahi Towfiiq

  2. lii dheere says:

    scw.waa arin murugooleeh hadana uu sii dheertahay cidamo amisom oo lagu qiyaaso 18 kun.hadii shalay itopia maleshiyo hubeysan xaduud beenadka ka soo galinjirtay manta magacii cidanka soomaaliyeed ayeey ku soo dagalgalisa hadana amaan uu sii dheertahay,meshan doowlad kama jirto qowleeysato aad uu nidamsan ayaa xamar ku sugan oo magaceni ku qarabaneyso mafia:tarikhda somalia dad lamid ah dowladan ma soo mariin waa dadkii ugu axmaqsana uguna xasiidsana wax aay dhowranayaan ma jirto siyasadooda dhan waa maxaan cuna maxan caba.