Home » Maqaallo »

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maalmahan Gawaarida Raaxada siinayey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Taageersan


(Warbixi Dheer)

Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan  wadaan Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin

Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu ku dadaalayaa sidii u heli lahaa Taageerada Xildhibaano farabadan haddii ay timaado Doorashada Madaxweyninimada , inkastoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in waqtigaan aan la qaban Karin wax doorasho madaama uu dalka haatan uu ku jiro Xaalad Dagaal , wuxuuna isaga iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay sheegeen in Hayadaha Dowladda ay sii shaqeeyaan ilaa Bisha Ogoosto ee Sananadka Dambe

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahaan kulamo kula yeelanayey Gurigiisa Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga hadlayey sidii loo qaban lahaa Doorashadii Mdaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu doraad kulan la qaatey Guddigii Doorashada oo sheegey in ay diyaariyeen Kaararkii Doorashada ee Xildhibaanada, waxayna  Guddiga ay sheegeen in ay meel wanaagsan u mareyso Howlahii Doorashada , iyagoo sheegey in doorashadaas ay dhici doonto Inta ka horeeysa Bisha Ogoosto

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan  oo lagu tiriyo nin Maalqabeen inta uusan ku soo biirin siyaasada uu ahaa nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa kulamada uu la yeelanayey Xildhibaanada waxaa u sii dheer in kuwa sida aadka u taageersan doonayana in Madaxweyne ka noqdo dalka ayaa waxaa lanoo Xaqiijiyey in midkiiba la siiiyey Gaari kuwa raaxada ah

Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka mid ahaa xildhibaanada la siiyey Gawaarida  isagoo faraxsana aan la kulaney ayaa naga codsadey in aan Magaciisa la sheegin wuxuuna  noo xaqiijiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka  Gawaaridaas la siiyey

“Weligey Maskaxdeyda ma soo gelin Gaari Layla Calawi ayaa lagu siinayaa” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo maanta aan kula kulmey isagoo wata Gaarigaas oo intaa raaciyey “ Gaariga Gudoomiyaha wuxuu noo siiyey in uu kor u qaado Sharafta Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahaan ay ka muuqatey Daruufo Dhaqaale wuxuu nagu yiri Gudoomiyaha Xildhibaankaan aan isa soo qurxin oo aan si wanaagsan u soo labisan kaasi ma dhihi karno waa xildhibaan waayo Xildhibaanku waxaa looga baahan yahay in uu ka dhex muuqdo Bulshada Dhexdeeda waa in aan u ekaanaa Xildhibaanada Adduunka sida ay u labistaan “

Waxaan weydiiyey gaariga sow laguuma siin in Codka siiso Gudoomiyaha Baarlamaanka haddii ay Doorasho timaado wuxuu ku jawaabey”iyadoo taasi meesha ay ku jirto haddana Gudoomiyaha waa runtiis in aan ka soocnaano Bulshada inteeda kale oo xildhibaanku uu noqdo xildhibaan mar kasta taagan oo xiran Suudkiisa

Xildhibaan kale oo isna la siiyey gaari noociisu yahay NOHA ayaa isna waxaan weydiiney sida uu u arko Gaariga quruxda badan ee la siiyey wuxuuna yiri” aad baan u soo dhaweynayaa Gawaaridaan nala siiyey waana mid farax  gelineysa Xildhibaanada Baarlamaanka waayo waxaa arkeysaa  xildhibaan Saaran Gawaarida Dadweynaha ama waxaa arkeysaa Xildhibaan Cagta maalaya oo u lugeynaya Xarunta Baarlamaanka marka waxaan u arkaa arintaa mid kor u qaadeysa Niyada Xildhibaanada Baarlamaanka magacii doono halagu bixiyee “

Xildhibaanada oo Gawaarida laga siinayey Garaashyo ku yaal lambar afar ayaa waxaa qaarkod la sheegey in markiiba ay galeen Dugsiyada lagu barto Gawaarida waxayna noo sheegeen in ay haystaan Balan qaadyo  haddi uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku soo baxo tartanka Madaxtinimada Soomaaliya  iyagoo sheegey in ay heli doonaan wax ka sii wanaagsan Gawaarida la siiyey sidoo kale  qaar kale ayaa noo sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka markii loo doortey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu bilaabey in Xildhibaanada isaga taageersan uu ka bixinayey Qarashka Hoteeladda, taasina waxay ku tusineysaa In Gudoomiyaha Baarlamaanka uu hore ugu Diyaargaroobey in Madaxweyne uu ka noqdo Dalka

Tartanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa fursad wanaagsan u tahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo waayadaan aan qaadan wax Mushaar wuxuuna yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka “ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho Madaxweyne  waayo  waxaan helnaa Dhaqaale fara badan

Midowga Yurub ayaa dhawaan shaaca ka qaadey in ay joojinayaan Kharashka ay siiyaan Dowladda Federaalka haddii aan la qaban Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya inta aan la gaarin Bisha Ogoosto taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Taageersan  hadaba la arkii doonee halka ay ku biyo shubato is haysiga u dhaxeeya labada Shariif iyo Ciida Madaxweyne ka noqoto Dalka Soomaaliya

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Maalmahan Gawaarida Raaxada siinayey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Taageersan "

  1. Hassan says:

    Shariif xasanow laba qof baad iikala tahay maanta oo aan ku dhibsado markaan sawirkaaga arko iyo maalintii aad codka baarlamaanka gacan qaad ku saameysay adoo cabdullaahi yusuf fikradiisii qaldaneyd kaga hortagtay codkaa gacan qaadka ah. waxay aheyd maalin taariikhi. Khaasatan adiga oo dadka soomaaliyeed halyey hiiliya kuu aqoon sadeen.
    Laakiin maanta dad badani kuu arkaan inaad calooshoodii qufeyso. Itoobiya iyo ninkan (UN) ku mushahar qaadanayaa dhibaatadan inagu habsatay ee aynu isu keenay inaadna kursi u doonatay. Waxaan filayaa inaad adba is ogtahay daacadnimo la’aan taada kursi doonka ku saleysan.
    Waxaa talo iga ah: 1) Caruurtaad awowga kowaad iyo 2baad u tahay, soomaali waxay noqotay noqonayaan e dantooda ka shaqee, hiil bay kaaga baahan yihiine kursi kaagama baahna.2) dawladan ku meel gaarka ah la shaqee intaad majaxaabinayso sida mille iyo mahiga. 3) u nax oo dhibkooda ka danqo dadkan gaajada iyo colaadu hareeraysay. 4) ogow xisaabtii Alle meel kuu taal.