- iyo Dhambaal ku socda Xubnaha Golaha Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya –
- Xukuumadda Farmaajo iyo Shirqoolka la doonayo in lagu maja-xaabiyo xeerka Dhul-badeedka Soomaaliya ee soo jirey 40 sannadood.
Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Friday, May 6, 2011 // 62 Jawaabood
Akhri Qoraalka oo dhan RIIX HALKAN
Faafin: SomaliTalk.com //
________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.
E-mail Link
Xiriiriye weeyey
asc bahda somalitalk waad mahad santihiin, sida ugu jirtaan dadalkiina ah in difaacdaan dhulka iyo bada somaliya, waana arin tariikhda idiin gali doonta, dhagar qabayasha raba in ay wadanka gumaysi galayiin waxba kuma ah in ay ibsadana, bada somaliya xadiidkeeda waa lawada yaqana meesha ay leyhiin waa 12 ml oo kaliyana ma aha waxaan xaq u lenahay 200 ml, somaliya oo kaliya ma aha ee waxaa inala wadaga wadamo badan oo ay ka mid yihiin Benin, Republic of the Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia, Peru, Iceland, waxaana u malaynaya in ad xasuustan in iceland ay ka diiday uk in ay uga tanasuaal xaqooga! lakiin waaxan la yananahay ninka sheeganaya wasiirka ee leh waa 12 inta lanoo aqoonsanyahay, somaliyeey gumaysiga rag ayaa diida, cadaqatayaalna waa soo horkaacaan, kuwa ka dhiidhiya gumaysigana tariikhda baal dahaba aayay ka gaalaan,
a/c waad ku mahadsan tihiin somalitalk sida aad wadankiina u difaacdaan waana idinku garab taaganahay. waa wax laga xumaado in ninkii meesha yimaada oo lamoodo inuu soomaaliaya matalo uu god si fudud ugu dhaco. ma garanayo ma aqoon la,aanbaa mise waa lacag raadis?
illaahoow dad dalka iyo dadka ka naxaya meesha nookeen aaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiiiiiinnnnnnnnnnnnnnnn
Qofkii raba in uu ogaado cabirka dhul badeedka Soomaaliya, halka hoose ha ka daabacdo asagoo fiirinaya bogga 215.
Yaan la dhageysanin warka beenta ah oo Wasiirka Kallumeysigu lasoo taaganyahay.
http://www.marina.difesa.it/documentazione/editoria/marivista/Documents/Glossario2007.pdf
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed oo WADANIYIINTA ah la socodsiinayaa in aay jiraan dad la adeegsanayo oo wali lasoo indha cad Somaliya waxaay leedahay 12nm Dhul badeed oo uga diinwaangashan sharciga badaha ee qarammada midoobay, muraadkooduna waxuu yahay in aay Ummadda Soomaaliyeed oo WADANIYIINTA ah in aay khalkhal galiyaan, taasina uma hirgaleyso oo sharci cad baa miiska saaran.
Waxaa meel kadhac ku ah caqliga guud ahaan Soomaalida in wasiirka
kalluumaysigu yiraahdo 12 mayl ayaa naloo ogol yahay, wax xeer ahna
noogama deganayn badda, waxana uu xitaa ku doodayaa 200 mayl ee ay
doonayaan in ay tahay Aagga ama xuduudda dhaqaalaha – exclusive
economic zone (EEZ) – zona economica esclusiva (ZEE) – Taas oo ah
khalad weyn iyo khiyaano qaran… Soomaaliya waxaa u cabirnaa xuduud
badeed ah 200 nautical miles oo ah Territorial Waters.
Waxaan lahayn xeer law no 37 / 1972 kaas oo
dhul-badeedkeena xilligaas inoo cabiray kana dhigayey 200 mayl badeed
oo ah TERRITORIAL WATERS (Acque Territoriali) (Territoriale wateren).
Waxana loo baahan yahay in adduunka hadda lagala hadlo sidii taas loo
sii kordhin lahaa oo looga dhigi lahaa 350 mayl sida Qarammada
Midoobey 2009 adduunka badaha leh u qoondaysay.
Soomaaliya keliya ma laha 200 mayl badeed oo ah
Territorial waters, waxaa sidaas oo kale leh 7 dal oo kale.
Halka hoose waxaan kuugu soo gudbinayaa lifaaqa sharcigii badaha ee qaramada midoobay oo aad ku arki karti in Soomaaliya aay u cabirantahay 200nm oo ah Acqua TERRITORIALE. (Fiiri Pag.215) ee GLOSSARIO 2007)
http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac5.html
Waxaad kaloo ka arki kartaan qoraalladii aan horay uha sameeyay oo aan halkan hoose idiinku soo gudbinayo.
Dadka la adeegsanayo warkooda ha maqlina ee adinku indhihiina wax ku arka, kaddibna GO-AAN GAARA waxii idiinla qumman.
Waxaan rajeynayaa in aan wada guuleeysanno.
http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html
http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac4.html
Somalia HA NOOLAATO.
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
a/c dhamaan inta dhiiga iyo wadaniada leh oo ay ugu horeeyaan bahdan websitekan somalitalk ilaah ha idinka ajar siiyo warbixinadan aad na soo siisaan.salaan ka dib anigoo ka xun maqaaladan amr walbo nagu soo noqnoqdo ee naga daba hari waysan dhamaan ummada somaliyeed waxaan kula talin lahaa anigoo ka xun kuwan xukumada sheganaya waxaan ay ku dhaqmaayaan plse wada taageera alshabab si ay iga taqlusiyaan dhuuniqaatayaashan noo soo jeestey in ay hantidii qaranka gadaan alshababna waxaan ka codsanayaa hayesan anaga noo cagawareejineynin in ay midmid u qaarajiyaan kuwan haraga somalinimada wata damiirka iyo dhiiga cadowga shisheeyahana wata ee in ay na matalaanoo dhul iyo baddii dhaxal wareejin raba oo ay ugaarsadaan kuwaas min baarlamaan ilaa wasiir ilaa kan ugu sareeya ee afgaduud jaahilinnta isu timid ee wada hunguri raaca ah ilaah hal habeen jiif kama soo wada kiciyeee bi idinlaahi tacaalaaye gaalo u wada adeegayaasha calool u shaqeystayaasha ummada gudaha joogtana ka kaca dulinimada oo banaanbaxyo sameeya
a/c waxaan halkan ka salaamaya awalan maamulayasha bahda webka somalitalk mahadnaq gaar ah iyo mida guud een salaamayao dhamaan ummada somaliyed inteeda wax garadka iyo wadaniyada laheen ma salaamayo dabadhilifyada qiyaamaya ummada iyo dalka ee duliga ah ilaahna waxaan uga baryey shilimaanta ay ka qaadanayaan gaalada ineysan dhuunta u dhaafin ee ay ku baqtiyaan ciil aan u qabo kuwaas yaan baqti ku shegayaa ilhaano ha u arkaane marka xiga waxaan ummada somaliyeed ugu baaqayaa in ay iska jiraan wasiir ku sheega iyo dowlad ku sheega aan cidina dooran ee meel ay nooga soo dhacen aqoonin ee inta ay meelo baas wax ku soo barteen loo soo carbiyey in ay mar walbo noo shirqoolaan dad aynaan aduun iyo aaqiraba isku shaqo laheeyn kuwaasoo na looga soo gamay wadamo shisheeye oo somalinimadu dhibeyso oo lahaanshaheena dhibaayo somaliyeey ka toosa hurdada qabyaalada walee goor aan dheereyn ayaad bbad iyo bariba wayn doontaan ood falastiin ka xumaan doontaan intaa la idiin kala siin qaybinayo state state oo iska jira dhagarta cadowgiina iyo kuwa uga wada shaqada gudaha
wabilaahi towfiiq
Waxaan aad ugu mahad celinayaa wadaniyiiinta Somalitalk website iyo dhammaan inta kale ee ka danqanaysa dibin daabyada iyo dabinada loo dhigayo ummadda iyo dalka Somalia. Walaalayaal waxay ila tahay haddii meeshii la isku halaynayey ay hadimo ka timid waxaan u malaynayaa inay tahay isku day kale ama qorshe cusub oo blueprint wata, markaa waxaa nala gudboon in la badiyo qoraalada oo waliba websiteyada kalena ka qayb qaataan, QAYLO GAR DHAWAYSAY bay Soomaalidu tiraahda
walaalal somali dad baa u kacay. dr. Mohamed Macallin Ilaah haka abaal mariyo dadaalkiisa isaga iyo ragga dowada kula jira. maanta waxaa la joogaa information age . You need to google. UN EEZ . Somaliya waxaa ay xaq u leedahay 200 miles Economic EX. Zone. inaay soo cliyaan waa habaan tahay. waxaa inoo qorneed 12 miles oo kaliya. wadan kasta oo aduunka ahna waa sidaas oo kale. sharciga ay soo galisay somalitalk 1972 waxaa lagu sameeyey change more than 10 times. please review latest EEZ from un Report
Salaan kadib
Waxaan faraynaa dhamaan dhinacyada (inta ku shaqaleh) ,ama ku mashquulsan arimaha badda soomaaliya (soomali iyo ajaanibba)
* in la joojiyo dhamaan heshiisyada ku aadan bada soomaaliya
oo aan wax wada xaajood ah ka furmin ilaa aan ka helno dowlad dhamaystiran oo soomaaliyeed arimaheena ka talisa,
kumeelgaarnimada markaan ka baxno hanoo ahaato…
*heshiis wada tashi ama mid wax lagu kala saxiixdo oo dhanba in la joojiyo, wadanka samata bixin buu u baahan yahay caalamka taas hanagala shaqeeyo, badaha iyo bariga anagaa ku filnaan doono(waxaan xusuusinayaa caalamka dowladii hore ee soomaaliya in ay badeeda ku filnayd nabadeeynteeda hadii cabsi badan idiinka hayso nabadaynta bada soomaaliya nagala shaqeeya dibu dhiska iyo hanaansocodka dowlada iyo sidii aan uga bixi lahayn kumeelgaarka anagana waxaan idiin balan qaadaynaa in aad si nabad ah maraakiibtiina ganacsi iyo dalxiisba aan ku sagootino si nabad ah markay badena marayaan…./=
hadii aan nahay dadka somaliyee waan kasoo horjeednaa arintaa shaqsiga ah dhulka Bada somaliyana waa 350 ma yeeli doono dad caado qaato ama danayste waxay saxiixaan qaramada midowday waxaan u sheegaynaa in badeena qoraalkeedii waxba laga badali karin waan kasoo horjeednaa heshiis cusub oo laga sameeyo badeena hadii noloo kordhinayo maahee sida dunida kale
Waxaa wax laga xumaada ah in Umada soomaaliyeed aanay marna madaxdeeda soo dooran oo ragan madaxda isku sheegaya ay soodooreen raga ay maanta wax u saxiixayaaan waxaan anigu u arkaa ra,yigayga waa rag ay sahansadeen Dawladaha inoo soo dooray oo ay ku ogaadeen hanyari, caada qaato nimo, iyo fiira gaabnimo iyo fulaynimo markaa haday gaaajo hayso oo ay iimaan in uun leeyihiin umadaa wax ka siin doonta waxoodee hadifaacdaan haday baqayaana umada ha usheegaan geesiyay umadu leedahay oo waala difaaaci doonaaye,haday intaa yeeli waayaan calfaan maayaan shilimaanta ay qaateen yay dawladahaas been usheegin beer bisil makala goyn karaaneh ama gacanta umadooday ku bixi doonaan ama kuwaa aybeenta usoo sheegeenbay ku bixi doonaana. aad baan idiinku mahad celinayaa walaalaha somalitalk ilaahay ajarbadan haydinka siiyo waajibkiinaas. waad slaamantahiin
SCWWB
Marka hore Somalitalk ilaahay ha idnka abaalmariyo. Maanata websiteyo iyo idaacadaco aad magaca wadaagtan oo la leeyahay SAXAAFAD ayaa waxay noo qoraysaa “dawladda oo soo dhicisay baddii Somaliaya” .
Waa waxa lagu qoslo, ilaahay garashada ha idiin kordhiyo, .
Kuwa maangaabta ah ee shacabka si xamaasad qabiilaysa oo Shariif u hiili ah iyo dawladiisaan ay ka tahayn shacabka ha qaldina magac xumana idn raacday,.
Nimanka FARMAAJO IYO SHAARIIF waxaa la gudboon inaysa been aan waxba ka jirin , guulo iyo amani soo celin aan waxaba ka jirin, oo waliba dhulkii la sii dayacay, dadkii lasii dayacay, xoolihii lasii dayacay, baddii mar kale la sii dayacayaao. WA R MA DOORASHO IYO KURSI JACAYL BAA HALKAAS IDIN KEENAAYAO OO xisoodkii idinka qaaday.
imaanka allaha idinka sii qaadee ka leexda umadda horteed
ascwrwb, walaalaha webkaan ajarkooda alle ha ugu daro dadaalkooda iyo dadka kale oo kala shaqeeya arintaan waxaan akhrin jirey ilaa bilawgii hore sharciyada ma aqaano laakiin waxaan u bogey dadka har iyo habeenba arintaan u taagan oo ah Somalitalk. waxaa rasuulkii alle scw ka sugnaaday qofkii difaaca taako dhulka islaamka ah ajar iyo janno.Guul
Ilaahaybaa mahad leh,waxaa kaloon mahad gaar ah u hayaa qorayaasha Web-kaan wadaniga ah,,intaa ka dib waxaa aad u akhriyey war-saxaafadeedkii wasiirka K.& kheyraadka badda uu kaga xogwaramaayey
Baddeena xuduudeeda,waa nasiib-daro aad u weyn oo haysata Dalka &
Dadka soomaaliyeed mudada aadka udheer.
Hadaba walaalayaal anigu waxaan idin soojeedin lahaa inaad si toos ah
bal aad ugu bandhigtaan barlamaanka,waayo waa kuwii hore udiiiday in
la dhaxal wareejiyo badeena,tan xigta waxaan idin ka codsanayaa inaadan
marnaba ka daalin hawshaas qiimaha badan ee aad u haysaan ummada so-
maaliyeed,(hawl kama daalooyinow cidii wali waa cidlo).
WABILAAHI TOWFIIQ
A/Sanweyne
Waxaan ka xumahay in Walaashey Danjire Faadumo Isaaq Biixi aay tiraahdo:-
Soomaaliya baddeedu waa 12-mile oo keli ah, ayadoon fiirin sharciga iyo go-aamada la gaaray, waxan kaliya oo aan leeyahay halkan hoose akhriso.
adoo ka heli kartid (GLOSSARIO 2007) | Italian, kuna cadyihiin sharuucdii
iyo warbixintii aan ka qoray.
http://www.somalitalk.com/2011/badda/difaac5.html
Walaal Danjire Faadumo waad salaamantahay
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
waan salamayaa bahda somalitalk!! Aad iyo aad baan uga xumahay in rag soomaali ah , waliba madaxda dalka isku sheegayaa aay ku kacaan arin noocaan oo kale ah. Waxaan oran lahaa raga caada qaatayaasha ah oo hor kacaya umada Soomaaliyeed ka fariista arimaha soomaaliyeed please waayo wax aad ku soo kordhinaysaan dalka iyo dadka oo aan lugooyo ka ahaayn ma leh. Ilaa wadanka domian kiisii baad gadateen intaad damiir xumo iyo dadnimo xumo ka qabtaan. Waxaan oran lahaa shacabka soomaaliyeed arintaan intaay goori goor tahay ka kaca, demonstration qaban qaabiya, iska qabta dadka dalkiina boobaya oo cadowga soomaaliyeed ah iyo kuwa la shaqeeyaba. Mar labaad mahadsanidin aqoon yahanada soomaaliyeed ee mar kasta u tagaan halganka soomaaliyeed.
mahasanid somalitalk, sida wanaaagsan oo aad u ilaaliso dadda iyo barriga soomaaliyeed, hana ka daalin howshaas waa ogtihiin waxa siyaasadda soomaaliya u soo hormaray 20kii sano ee ugu dambeeyay khaaninul waddan iyo caado qaati aan fahamsaneyn hanti umadeed ee kaliya raadinaya sidii ay lacag ku heli lahaayeen waa ogyihiin inay isla ekeen 350 mile iyo 200 mile mana ka waantoobayaan ilaa sidii kuwii hore la quusiyo, iimaan laawe yaashaan. inta damiirka leh eesoomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan somalitalk waa inay difaacaan bad iyo barri xuduudaha somaliya.
Webka caalamiga ah Somalitalk.com isagoo mahadsan waxaan ka codsanayaa in aay soo daayaan qoraalkii aan xalay soo gudbiyey ee ku
saabsanaa heshiisiinta S/land & P/land & baadiggoobka dib u soo noolaynta rajada ummaddeenna & la dagaallanka dhaxalwareejinta ama suulinta magaceenna kuwaasoo xallintooda aanay shafka u garaacikarin cid aan ahayn P/L & S/L , maxaawacay iyaga waa ka dhab u damqashada & ilaalinta badda & berriga dhulkeenna sidaas darteed ayaan idin soo marsiiyey rayyigayga si aaynu u wadaagno hiil & hoo .
Waxaan mar labaad codsanayaa in aad qoraalladayda soo daysaan iskuna
kay garabtaagtaan difaaca dalkeenna !!! SALAAM !!!
Wasiirka ayaa yiri sidan:-
Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea).
Dokumentigan ayaa loo gudbin doonaa Qaramada Midoobey ……………..
Walaalayaal arrintan waa iska caddahay in aay tahay QORSHE CUSUB
oo aay soo sameeyeen Kenya iyo xulaffadii dabada ka riixayay …….
Commonwealth…..
Sida ku cad warbixinta Wasiirka Kallumeysiga, Dokumentiga iyo qariidadaha cusub oo la soo sameeyay waxuu kala yimid (LONDON).
Guddi farsamo iyo khubaro Soomaaliyeed oo qariidadahaas la socday
sameenteeda ma jiraan. Sabab hadda aan u baddalno sharcigii iyo
qaridadihii horay u jiray nama hayso.
Warka yaanan kusii dheeraanin, waxaan kusoo koobayaa in Shirqoolkaan cusub uu la xiriiro -Commonwealth experts help Kenya prepare for maritime boundary negotiations with Somalia
Haddaba waxaa tuhum weyn ah in documentigaas iyo qaridadahaas lagu soo diyaariyay LONDON oo gacanta laga saaray Wasiirka si uu u howl galo.
Walaalayaal arrintan halloo dhaba galo inta aay goori goor tahay.
Shicibku go-aan ha gaaro, sababtoo ah iima muuqato Dowlad KMG ah iyo BAARLAMAAN arrintan in aay xalliyaan usoo jeeda, adinkuna waad ila aragtaan in aay runtey tahay.
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
Marka hore waxaan salaamayaa ummada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto.Salaan qaas ahna waxaan u diraya ruux kasta oo damiir wadaniyadeed qalbigiisu ku abuuran tahay.Hadalkeyga badin maayo.Hantida qaranka oo lala shir tago ama lagu gorgortamo waxay ka turjumeysa in dowladaani wax barnaamij ah oo dal,dad iyo diin ay ku samato bixiso iney u qorneyn ama gacantooda ku jirin! Hantida qarankana ma dhaanto nin shacabka caddow gacanta u galiyey.Balse waxaas oo dhan waxaa sabab u ah jahliga shacabka,kalsooni darada dhexdooda ka taagan,midow la,aanta oo waliba lagu midoobo danta guud.Marka danteenu waa inaan midowno haddii kale waligeed ayaan oraneynaa badd ayaa la dhacay ama qashin ayaa bad lagu duugay ama caddow ayaa dalka la keenay.Union is strength!
Walaalayaal waad salaamantihiin dhammaantiin. Arrintan Badda Soomaaliyeed oo intii muddo ahba soo noqnoqoneysey, welina aad mooddo in aanan nuxurka Shuruucda Caalamiga ah iyo kuwa gaarka u ah Qaranka Soomaaliyeed la garan, waxaa loo baahanyahay in dib loo fiiriyo marka hore’ oo lays weydiiyo, dhowrka su’aalood oo soo socda:1) Shuruucda qeexaya baaxadda badda Soomaaliyeed goormaa la soo saaray? 2) Ma waxay ahaayeen shuruuc u gaar ah Soomaaliya mise waxay ka mid ahaayeen XEER CAALAMI AH OO XUBNAHA QARAMIDA MIDOOBEY isku wada raaceen? Haddii loo dhammaa, maxaa Qaramida Midoobey loo weydiin waayey Xeerkaas? Waxaan akhristayaasha sharafta leh la socodsiineynaa in ay Qaramida Midoobey qabatey Shir Caalami ah (UNITED NATIONS LAW OF THE SEA CONFERENCE) oo socdey muddo dheer (1970-1980), kasoo lagu qeexay xuduudaha badaha , xuquuqda dalalka XEEBAHA LEH( COSTAL STATES), Kuwa aan Xeebaha lahayn Landlocked Countries, Jasiiradaha, iwm. Shuruucdii halkaas ka soo baxay oo laysku wada raacay, Soomaaliyana ka qaybta ahayd ayaa lagu gaarey sidatan: 1) Dalalka badaha leh ( Coastal States) waxay xaq u leeyihiin 12-mile oo ah Territorial Sea 2) Waxay kaloo xaq u leeyihiin 200 oo mile oo u gaar xagga dhaqaalaha, micnaha in ay ka faaiideystaan wax-alla wixii khayraad ah oo ku jira ha noolaadeen ama yeeyan noolaaneh ( Living and non-living resources. 3) Waxaa mamnuuc ka ah dalalkaas in ay arbushaan ama hakiyaan maritaanka maraakiibta isaga goosheysa dunida goonyaheeda. 3) Wixii dhaafsan 200 oo mile waxaa la go’aamiyey inay baduhu ka dhaxeeyaan dunida oo dhan, UN-tuna maamulidoonto oo ay u dhisidoonto Ha’ad ilaalisa , wixii khairaad ah oo laga helo-na ay iyadu u qaybindoonto xubnaha Qaramida Midoobey. Marka Soomaaliya baddeedu waa 12-mile oo keli ah. Ugu dambeystii waxaa naga talo ah in la baadi goobo Xubnihii Jamhuuriyadda D. Soomaaliya uga qaybgeli jirey Shirarkaas iyo xubnihii ” Guddigii Qaranka” ee qaabilsanaa Arrimaha Badda, kuwaasoo uu Guddoomiye u ahaa Gen. Maxamuud Ghelle Yuusuf.
Qoraalka & cabashada aqoonyahannada & dhallinyarada damiirka leh aay
websaydyada u gudbiyaan arrintaan mid wax ka qabankaraysa ma aha
waxaa loo baahanyahay P/land & S/land in aay sii wadajir ah isu hortaagaan waxaa dowladda sheeganaya (TFG) caalamkana ogeysiiyaan
in aanay P/L & S/L oon goobjoog ahayn aanay ku hadlikarin metelikarinna
magaca Soomaaliya .Waxaanu waa YEY aan shishoonayn waana diididdoonaan in aay P/L & S/L rayyi ka qaataan, markaas ma harin wax aynu ka sugno oo dambe ,waa in aay P/L & S/L qacliga seexday ka shaqaysiiyaan + waa in khilaafka dhexdooda ahi uu istaago ooy P/L & S/L midoobaan + waa in aay dowlad wadajir ah sameeyaan + waa in aay ogaadaan dalkaan in aanay cid aan iyaga ahayn u maqnayn + waa in aay TFGda aqoonsiga kala noqdaan +waa in aay Xamar aqoonsigii caasimadda kala noqdaan + waa in aay 2 calam beeleed dejiyaan oo kii Soomaaliya kor u qaadaan + waa in S/L Madaxweynimada lagu xaalmariyoh + waa in Garoowe caasimadda ku meegaar ahaan lagu xaalmariyoh + waa in aay
dastuurkii 1960kii dib u soo celiyaan .
Ha ogaadaan inaanay ahayn hantida umada ka dhaxaysaa wax nin ama koox yari go,aan ka gaari karto ninkii ama kooxdii isku dayda go,aan ka gaarista noocaas oo kale ah sidii dan ama hanti ay gaar u leeyihiin ha ogaadeen in aan looga hadhi doonin sidii cali mahdi inay gali doonaan buuga madaw waad mahadsantahiin bahda somali talk.
asc waxaan aad ugu hanbalyeynayaa aqoonyahanada arimahaan badda marwalba utaagan in ay difaacaan,waxaan aad ulayaabanay mas’uuliyiinta damiir lawayaasha ah oo aan xataa karti ulahayn in ay la tashadaan dadka aqoonta u leh arimahaan ama uhaysta in ay si sahlan uwareejin karaan dhaxal umadeed.
A.s.c.w.t.w Marka hore waxaan salaamayaa daadihiyeyaasha boggan samaha utaagan intaa kadib waxaan filayaa in lagawada dhagarsanyahay arinta soomaaliya halka ay maanta mareyso oo ah:-GORAYAA BA’DAYE NINWALBOOW BAAL QABO!waana mid ay soomaalidu sababteeda leedahay waayo horaa loogumaah-maahay HALBO SHILINKAY IS DHIGTAA LAGU QALAA! dad ayagiibo isku waraaboobay yaa daaynaa? Hadda iyo mida joogto waxaan aaminsanahay inuu xalku kujiro gacmaha shacabka soomaaliyeed waayo xiligan lajoogo awooda shacabka ayaa ka sareysa mida ayleedahay dowlad xoogbadan iskabo daay mid taagdarane waxaa arintani lagahortagi karaa in lahello cod shacab oo mideysan islamarkaana culeys saarikaro caalamka iyo kuwa caruur korsi doonka ah ee aan danta guud iyo mida gaar faa’iidadooda kala garankarin sidoo kale dadka magaca leh ee hore siyaasada soomaaliya ugasoo shaqeeyay(madax weyneyaal,ra’isul wasaareyaal,wasiiro ,xildhibaano,danjiirayaal ,agaasimayaal iyo saraakiisha ciidamad badda IWM) ayaa loobaahanyahay in ay arintani sigaar ah ugu istaagaan hormuudna kanoqdaan Soona bandhigaan xogta dhabta ah iyo xaqiiqada laxidhiidha xuduudaha xeebaha soomaaliyeed maadaama ay ayagu garaaci karaan albaabo badan ooyna dadka shacabka caadiga aqoonin halka loomaro .waad mahadsantihiin.
AllAA MAHAD LEH.
ASC, Ugu horrayn mahad aan la koobi karin iyo bogaadin iga guddooma, ta xigta Illaah iyo shacabka ee ciiddiisa jecel ayaa garab noo wada ah, waa lagu faraxsan yahay dadaalka iyo hagarbaxa, raadraaca asalka aqoonta ku dhisan iyo talooyinka SomaliTalk.com.
Waraabayaasha ka quusan mayaan boobka xuduudaheena bad iyo berriba, barakacinta dadkeena boholyowga iyo basaanbas in aynaan kaba bixin.
Waa tan kooxdii lagu taamayay inay aqoonyahanno yihiin ay qun yar abaabuleen iskuna raaceen in hadda 200 nautic mile oo EEZ noo sheegayaan inay soo dhiciyeen oo hadda xadkeeda la asteeynayo. Cajab iyo la yaabeey xukuumad ku sheegga KMG un ah maxaa ku cadaadinaya hawlaha ka baxsan ka hungoobidda xuquuqda sharci arimmo ayan uba laheyn oo ka mid tahay (asteynta Xudduudaha) waxaa loo qaatay inay iska laalaan inta xukuumad sugan alaga helayo oo madaxtinimada iyo maamulka hanata sidoo kale haddii ay ka fursan waayaan sow kuma fillaateen inay ku doodaan 350 mayl ee qorshaha miiska saaran. Waayo hore ayuu u dhaqan galay sharcigan No. 37 ee 1972 kaasoo qeexay xadduudaha sharica ee baddeenna lana aqoonsaday. ama wayba nasakhayaan, ama dib baa loogu noqday oo waxbay ka beddelayaan ( arrinka waa sidaa). YAA DABAAL AH.
Waxaan ka deyrinayaa barlamaankii shalay maha ka maanta nin Baasaboor Kenyaati sita oo haammaanimadiisa la ogyahay ayaa sutida u haya, inkastoo ay jiraan xubno waxgarad ah ruuxdooduna nooshahay.
Si kasta ha ahaatee Alle idinkii sidii horeba laysugu kaashaday qaddiyaddan waxay u howlgeliya dhammaan dadka damiirka nool ee Soomaaliyeed ee diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa jecel, waa laga qiroon oo la daafici xuduud badeedkeenna, waa joogtaynu halganka badbaadintiisa.
Waliba waxaan oran inta aan la idin abaal marin*kuwa gefafka halista wadow isa saxa inta ay goori-goor tahay*. waayo wax idinku kalifaya inaad eed geshaan ma jiraane (WAAD ARAGTAAN DABEYLAHA CADDAALADDA).
waxaan halkaan uga mahad celinayaa somalitalk oo markasta u taagan ilaalinta dhulka iyo badaha somaliya iyo dhamaan qadiyada somaliya ee hada dhulka taal waxaan kale oo dhihi lahaa ninka lagu shegayo wasiirka bada somaliya oo dhahaya guul ayaan somaliya u soo hoyiyay saxiib tadku waa ilbaxay; hada madax waynayasha aduunka ugu xoga badan ayaan wax qarsan karin hada marka haba isku dayin inaad gadato tako bad somaliyeed oo nogu sheegto gool hadana waxaa kaga roon taas adiga oo dadka somaliyeed gada marka hore kadib gado badooda
war waan yabanahaye yaa dadkaan wadanka ka qabta nin aad meel kuwada noshihiin aadan kun shilin ku aminteen ayaa wadan waxaa loga dhigay madax yaa somaliya habaaray inkaarta xagee ka haysataa markay dadkii layeen hantitii magurtada ahayd babi iyeen wax kasta oo kale soo dhameyeen ugu danbayntii waxay usoo dhigteen badii iyo dhulkii ilaan wax kasta oo kale waa soo cuneen ah ama wasiir halagu shego ama madaxwayne halagu sheego waa damiir lawayaal aan dalkooda dintooda iyo dadkooda midna dan u hayn oo kaliya raba lacag ay maleshiyaad ku samaystaan say xukun ugu garan ama wax ugu dhacaan waa tuug maanta bada ayay ka gateen keenya barina dhulka ayay itobiya ka gadanayaan barlamanka sharafta leh iyo dadka somaliyedow toogtaas ama moryanta madaxda sheganaysa ciday utaliyan ama dolad u yihiin maba naqaan eh iska qabta waligay bad baa laysku haystaa ma maqal nimankaan ka hor alow naga qabo tabar manta malihine waa dawocooyin nagu dhexjira
Waad Salaamantihiin Walaalahey Somalitalk iyo Ummadda Soomaaliyeed oo dhan,
Salaan kaddib, waxaan wada arkeynaa in arrintan uu Wasiirka Kallumeysigu faraha la galay aay tahay arrin aad khatar u ah, waxaase la yaab leh ayadoo horay loogu digay DFKG, qoraallana laga qoray sida ( Xukuumadda Farmaajo maka badbaadi doontaa shirqoolka badda) ayeey shirqoolkii ku dhaceen. Hadda kahor ayaan Ummadda Soomaliyeed la socodsiiyay arrintan xaqiiqada ah:-
Waxaannu la wada soconnaa in Keenya aan laga sugeynin in ay katanasusho boobka aay rabto in aay ku hantido badda Soomaaliya meel kasta ha u martee, arrintaas ayaana keentay in arrimaha badda Soomaaliya ay soo noqnoqdaan.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa
in aaysan arrintan sahlanin oo aaysan ku ekaanin -WAA MAHADSANYIHIIN SOMALITALK qoraalkan aad nosoo gudbiseen…………………..
Sida aad la wada socotiin, Baarlamaanka la isku haleynayo in uu wax ka qabto arrintan waxaay ku mashquulsanyihiin labada Shariif midkii aay Madaxweyne ka dhigi lahaayeen. Mana filayo qadyaddan hadda billaabatay in aay waqti u helayaan. Haddaba yaa la isku haleynayaa oo arrintan wax ka qaban kara??????
YAA U MAQAN AMA DIYAAR U AH DIFAACA BADDA SOOMAALIYA
Cid u maqan lama hayo. Sidaan horayba idiinku soo gudbiyay BAAQA,
waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa mar kale in aan sameyno
BANAANBAX NABAD AH oo aan ku cadeyneyno in cabbirka baddayada uu yahay 350nm
Fiiro gaar ah:-Haddii Dowladda FKG aay muddo yar gudaheed uga noqon weyso arrintan uu Wasiirka kallumeysigu faraha la galay, waxaan Ummadda Soomaaliyeed usoo jeedinayaa in la hirgaliy BANAANBAXA NABADDA AH.
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
Sa
Somaliya oo dhan baa dayacan,,Ethopis iyo Kenya hada dhulkii beeyba joogan oo dadkii somaliyeed ku leeynayaan,sida Gedo. Arintan bada somaliyeed waa inaan si wada jir ah uga hortagnaa qoladan bada iibsaneeysa ee dowlad ku sheega ah. Somlidu waa umad wada huruda oo aan dalkoodii dayacay ee ilaahay ha tuso xaqooda, hana ka dhigo kuwo isku duuban meesha hada ayagu ay isku mashquulsan yihiin. Waxaan mahadweeyn u soo jeedinayaa qoraaga soo bandhigay qoraalkan waxaanan ka codsanayaa inuu noo soo bandhigo waxaan ka qaban karo inagoo dhami arintan.
Mahadsanidiin
asw
horta waxaan u mahad celinayaa walaalaha somalitalk,waana ku mahad santiin
hawsha aad somalida uqabateen. waxaad ku sifowdeen magiciinii , alle ayaa
ilehe waatihiin somalitalk .
kadib waxaa noo muuqata in ay dawladu halgan ugu jirto sidii ay badda soomaaliya u iibsan lahayd. markii qiyaano lagu gartana ay raadiyaan xeelad kale oo ay ku khaldaan shacabka soomaaliyeed. allah ayaan ka hoos galnay. waxaa ka codsanayaa walaha somalitalk iyo shacabka soomaaliyeed inay ku dadaalaan siday dhulkooda uga ilaashan lahaayee dulaalada,dhuuniraacatada
iyo wax magarata aan aragtida fog lahayn.
marlabaad waxaan kacodsanaynaa hadanu nahay shacabka soomaaliyeed in barlaamku arintaas si dagaal iyo caro ku jirto uga jawaan sharcina ka soosaaraan in cabirka badda soomaaliya ahayd 200nm, kan cabbirka haddana yahay 350nm.
markay taasi dhacdo waxaan kabadbaadi doonaa dagaalka lagu hayo sidii loo dhici lahaa dhulka iyo badda soomaaliyeed
dhulkayaga midkii dhacaya
dhagartiisa kii rabaya
ilaahay ha dhuungooyo
rabigay ha ina dhaafsho
waad mahadsantihiin
salan kadib
waad ku mahadsantihiin SomaliTalk sida aad u daba joogtaan jiritanka dalkaan iyo ilaalinta xuduudihiisa, idinkoo lakaashanaya inta damiirka wanagsan ee somlinimada iyo wadamiyaddu ku dambayso, sida xubnaha Parlamanka Somalia, oo ah qodobka keliya ee taariikhdu xusi doonto inta ay jireen parlamanka kumeelgaarka ee Somaliya
waxan usoo jeedinayaa parlamanka Somaliya HAWLKAMA DAALE WELI WAA HOAADII,
sidii ayay isugu yeeranayaan tuugtii sidii ayay isu dalbanayaan afarjeeblayaashii iyo cadawgii ku guulaystay inaan 20sano lugaha dhulka dhigi weyno iyagoo damac ka hayo khayraadka dabiiciga ah ee dhulkeena kaas oo leh bad aad u dheer ayna ka buuxaan kayraad badan oo dhex ceegaaga yaase u sheega SIDAAN U ARRADANAHAY UMA ALLE LA’INE
W/C
a/c w/r w/b awalan waxaan salaamyaa ummada somaliyeed inta aqliga lej iyo dhamaan wadniyiinta wali inoo nool marka xigawaxaan salaamyaa oo shafartooda ugu hambalyeynayaa bahda somaliralk.salaan qaali ah ka dib hadaan hoos ugu dhaadhaco fikir ka dhiibashadeyda arintan awalan waxaan ka xumahay ummada uu hogaamiye u yahay nin dugsi quraan macalin ka ahaa oo maanta uu hor baadayo iyo dulinimada ay magaca somali ku dambeysey iyo sharafta iyo haybada ay soo martey iyo hayb balse waxaa xasuus mudan ereygii ahaa r,i waliba shilinka ay is dhigto ayaa lagu qalaa hadaba somali meesha lagu qalayo ayadaa is dhigtey aniga shaqsiyan aad ayaan uga xumahay warbixinada ay mar walbo ka soo qoraan bahda somalitalk badda somalia iyo damiirlaawayaasha ku dhiirada mar walbo in ay badda shilimaan io magac siistaan waxaana kuwaa u sheegeynaa in at taariiqda xusi doonta halyeey badd gatey iyo ragii badda gatey hadal iyo dhamaantiin dhalinyarada waxaan kula talin lahaa alshabab raaca hadii kuwii dowlad noo sheeganaayey ay toogo badd iska daa dhul iska daaye anaga in ay na gataan u soo socdaan ama kacdoon dhalinyaro ha looga hor taga ha loogu dhaco afarta killomitir oo yeysan hal habeen ku ladin dhul somali inta ay gateey barkisa qurun iimaan laawayaal ah oo gaalo u walaahi bilaahi alshabaab ma taageersaneen balse kuwan mar walbo warkaan ka soo yeeraayo awgood waa inaan u taageeraaa adeegayaal ah ilaah cunaha idin qabay oo shillingka aah siisateen cunaha idiima dhaafo bi idinlaah watacaalaa wabilaahi towfiic
mahadsanidiin
ASC waxaan halkaan uga hambalyeynayaa dhammaan bahda somalitalk ee isu xilsaartey inay difaacaan ciidooda iyo badooda , waxaan leeyahay haka daalina inaad sii wadaan hawshaan inta ay ku dhamaanayso guul usoo hoyata shacabka soomaaliyeed oo dhan , tanina waa mid ay taariikhdu idin xusi doonto oo aad ku heli doontaan amaal marin mustaqbalka hadii alla idmo.
Hadaan u soo daadego dulucdayda waxaan rabaa inaan cadeeyo fikirkayga ku aadan arintan , marka hore waxaan qabaa in arinta ku kaliftay inuu wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda saxiixo ama faraha la galo ay tahay xukuumadda farmaajo oo doonaysa waqti korosi taas oo loogu sheegay haddii aad arintaan meel marisaan in dawladaha barwaqosooranku oo ay ugu horayso UK ay wax kala qabayaan sidii ay u sii joogi lahaayeen, taasina waa dan khaas ah iyo inay umaddii ay u dhaarteen hilmaamaan oo iyagu sidii ay ku jiri lahaayeen u tafa xaytaan.
Waxa kaloo u baahan in la caddeeyo sababta iyadoo arinkaan aan baarlamaanka loo gudbin ay u yiraahdaan Golaha wasiirada ayaa isku raacay oo waa dhaqan gal? ma iyagaa aha hay’addii masuulka ka ahayd dhulka iyo wax ka badalkiisa soma ma haboonayn inuu yiraahdo arintaas waxay ansax noqonaysaa marka barlamaanka soomaaliyeed uu ansixiyo waxay iila muuqataa in ay tahay arintaas ihaano ay ka galeen baarlamanka soomaaliyeed oo ay u arkaan kuwa aan qiimo weyn ku fadhiyin.
Waxaa kaloo xusid mudanwasiirku ma yahay nin cilmi u leh Arimaha uu faraha kula jiro mise waa sida Dhaqtar loo magacaabay talye gaas waxaan leeyahay talaabo kasta marka la magacaabayo waa in laga fiirsado arinkana maahan wax ku eg xukuumad iyo shaqsi waa mustaqbalkii caruurta soomaaliyeed ee jiilalka inaga danbeeya inagu bari baynu tegaynaa, Aduunnkuna maanta waxaad aqlaysaa wasaqda CO2 hala yareyo maxay tahay sababtu ? yacni aduunkaa kululanaya jiilalka soo socda ayey dhibaato ku keenaysaa taas oo aan anagu u buurnay waa sida ay ku doodayaan.
Haddan u soo laabto arrinkan cawaaqib xumada uu keeni karo waa mid aan laga soo kabsan karin qariyaal fac weyn oo socda,waxaana la gudboon soomalida damiirka leh ee weli u taagan daafaca dalkooda inay arintaas wax ka qabtaan ogow qof kastana xil baa ka saaran dalka iyo dadka marba haddii aad tahay wadani u dhashay soomaliya.
Dhamaantiin aad baad u Mahadsantihin
Mohamed Gedi Farah Norwey.
Asalaamu Caleykum
Dhamaan Qorayaasha Somalitalk iyo umadda soomaliyeedba
Haddaan fikirkeyga aan ka dhiibto waxaan filayaa in aysan nasoo marin Dowlad ku sheeg ka xun midda maanta SHARII uu horboodeha ka yahay oo inaba wax damiir wadanimo aysan ku jirin. Waxaanse aniga aan is oran karaa fikirkeyga gaaban in ku kaliftay dhuuni raac ku naftooda. Laakiin Illaahii awalba u maqnaa ummadda Somalia ayaa hadda fashili doona .
Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa wapsiteka Somalitalk oo mar walba isu xilsaaray lasocoshada xalaadda Badda somalia ilaahay ha’idinka abaalmariyo
Ilaahow Towfiiqda Nawaafaji.
Waa in laga hortago badda la xadayo. Ka hortaggaas maaha in dawladda hadda laga soo horjeedo ee waa in dalka la ilaaliyo. Dawladi way tagi mid kalaana badali. Dhulkuse wuu joogi. Guuxa arrintaan badsha. La hadla wasiiro iyo xubnaha barlamaanka. Waa in shirqoolkaan laga hortagaa.
Waad salaaman tihiin dhamaan ummada soomaaliyeed. Waa dhab in aad isu xilqaanteen waqtina geliseen howl noo wada taalay. Oguhorayn waxaan idiin xaqiijiya in adinka (Somalitalk) iyo Dowladihii heshiisyadan iyo isafgarayadan galay aad taariikha meel ka gelaysaan, ayno ogaadaan waxaa u danbay doona. Waxaan xukuumada iyo wasiirka soo diyaariyay waxa oran lahaa, ha gelin hana saxiixin wax aad ogtahay in aadan beri ku faraxsanaandoonin. Rabbi ayaan ka rajaynayaa in naga ilaaliyo in aanu wax dulmino ama nala dulmiyo.
scw alaha naga qabto kuwaan dalka gadan raba.
waa yaabe miyey waayeen wax kale oo ay bililiqeeystan ??? maxaa badda tusay?? miyaaneey ka xumeeyn kuwa biraha iyo dhuxusha dhoofiya?? walaa xawlillah illaahoow ku waan na dhaafi oo wax ka khayr badan noogu bedel
Asalaamu caleykum
waxaan aad ugu farax sanahay inay maanta wali nool yihiin dad ay ku danbeyso waddanimo,aqoon uleh badda soomaliya.waana qorayaasha somali talk. aadbeyna u mahadsan yihiin.
dadkaan maalinba kii yimaada dabinka ku dhacayo ma dad aan aqoon u lahayh baa mise luuqada ayeysan fahmin mise xoogabaa loodaadiyaa.waa arin aan garan waayey.mide kale maxey qaramada midoobay nooga hiilinaysaa,ma aqoon yari bay nugu og tahay mise anagaa xaqeena ka tagna.wasiiradaan waa kuwii aqoonta la bidayey oo waliba qurbaha wax kusoo bartay waa kuwii la is dhahayey waa ugu fiican yihiin wixii meesha soo maray, ayagiina madabinkaan bay ku dheceen mise meesha wax aanan ogayn ayaa ku jira.war kii meshaan yimadaba maxaa aqliga iyo aqoonta ka qaata. waa yaab.
aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadka wadaniga ah ee u taagan difaacida haradigii qarankii soomaaliya,nugu sima intaan schoolada soo dhameynayo waan idin soo garab istaageynaa.
wcs