Home » Warar »

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Senate-ka ee Maraykanka oo booqday Puntland

WAR-SAXAAFADEED

30 Abriil 2011

Wafdi Maraykan ah oo uu hogaaminayo Xildhibaan Mark Kirk oo xubin ka ah aqalka Senate-ka ee Baarlamaanka Maraykanka lagana soo doortay Gobolka Illinois ayaa booqday deegaamada Puntland oo ka mid ah gobollada nabdoon ee Somalia.

Booqashada Xildhibaan Kirk ayaa ah markii ugu horaysay uu mas’uul ka tirsan Dowladda Maraykanka booqasho ku yimaado dalka Somalia tan iyo 1992-kii xilligaasoo Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George H. W. Bush uu booqday Magaalada Muqdisho isagoo taageersanaa dadaalka gargaarka bini’aadanimo oo uu hormuud ka ahaa dalka Maraykanka.

Wafdiga Xildhibaan Kirk waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, sida Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Cali Barre Jamac; Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax (Juxa); iyo Wasiirka Deegaanka C/gani Yusuf Cadde.

Halkan ka daawo Sawirada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Boosaaso Wafdiga Xildhibaan Kirk ka dib markii uu Xildhibaanku aqbalay casumaadii Madaxweynaha Puntland.

Wadahadaladii xubnaha Wafdiga iyo Mas’uuliyiinta Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa: xaaladda abaaraha; arrimaha amaanka, la dagaalanka burcad-badeeda iyo argagaxisada; arrimaha dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka; gargaarka bini’aadanimada; xiriirka caalamiga iyo hormarinta; iyo taageerida Dowladda Maraykanka ee gobollada nabdoon ee Somalia.

Wafdiga Xildhibaan Kirk ayaa booqasho ku gaaray goobo kala gedisan oo ku yaala Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Goobaha uu Wafdigu booqday waxaa ka mid ahaa: Dekedda Boosaaso; Wasaaradda Maaliyadda; Wasaaradda Dekedaha; Bangiga Dhexe ee Puntland laantiisa Boosaaso; Isbitaalka Guud ee Boosaaso; xarunta Ciidamada Badda Puntland (PMF) oo ku taala duleedka Magaalada Boosaaso; Maxjarka Boosaaso iyo ugu danbeyntii, Wafdiga ayaa booqasho ku gaaray Xabsiga weyn ee Puntland, halkaasoo ay ku xiran yihiin in ka badan 240 burcad-badeed Soomaaliyeed.

Xildhibaan Kirk iyo wafdigiisa ayaa dib ugu duulay dalka Djibouti isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisii Puntland, wuxuuna amaanay xasilloonida iyo amaanka ka jira deegaamada Puntland.

Waa markii ugu horaysay oo uu Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanku booqdo Puntland tan iyo markii la aasaasay Dowladda Puntland sanadkii 1998-kii.

Isha: Puntland State of Somalia, Garowe

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan ka tirsan Aqalka Senate-ka ee Maraykanka oo booqday Puntland "

  1. omar says:

    Tani waa bilowgii baadigoobkii albaab kale oo Somaliya laga soo galo, waa haddii dawladda Puntland fahamto kana faa,iideyso fursaddan adduunku u fidiyey, waxaa suurtagal ah in adduunku wax la qabto haddii la helo shacab iyo maamul isku duuban oo diyaar u ah in ay wadajir masiirkooda uga wada shaqeeyaan waayo Adduunku wuxuu danaynayaa meel sharci iyo kala danbeyn ka jirto (Law and order), waxayna u muuqataa in la tijaabinayo degaannada nabadda ah oo muddo laga dhega adeyngayey in dhinacooda la soo jalleeco waayo rajo kama soo naaso cadda koonfurta Somaliya.