Home » Warar »

Dowladda Mareykanka oo si weyn ula yaabtey Farsamadii ay u baxsadeen Maxaabiis ka Tirsan Daalibaan

Iyadoo weli uu sii socdo Dagaalka u dhaxeeya Dagaalyahanada Daalibaan ee Wadanka Afganistaan iyo Ciidamada NATO ee uu horkacayo Mareykanka ayaa hadana waxaaa dalkaas ka socdey Qabashada Dagaalyahanada Daalibaan oo NATO u sameysatey Xabsiyo waaweyn kuwaas oo ku kacay Malaayiin Doolar , sidoo kale Xabsiyadda ayaa ah kuwo ay si aad ah u ilaaliyaan Ciidamada Nato qaarkood waxaa ku xiran Kaamirooyin la socda Dhaqdhaqaayada Maxaabiista iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa Magaalada Kandahaar ka dhacay Dhacdo si weyn loola yaabey ka dib markii Maxaabiis gaareysa 550 Maxbuus ay ka baxsadeen Xabsigii ay ku jireen.

Dhadada layaabka leh ayaa ahayd markii Koox Daalibaan ay Kireysteen Guri ku dhawaa halka uu Xabsiga ku yaal kaasoo lagu Magacaabo Sarposa, waxayna Bilaabeen in si farsameysan u qodaan God Dheer oo isku xiraya Guriga ay degenaayeen iyo Xabsiga kaasoo dhererkiisa uu gaaraya 320m, wuxuuna afhayeen u Hadley Daalibaan uu sheegey in Muddo 5 Bilood ah ay ku qaadatey Gaarista qolokii ay ku sugnaayeen Maxaabiista

“Haddii aan Maxaabis Fara badan aan sii deyn lahayn Hawsheena waa dhicisoobi lahayd ee waxaan u sii dey jirney Maxaabiista Toban Toban”ayuu yiri Afhayeenka oo sheegey in dad aan badneyn ay ka qayb qaateen.

Wuxuu kaloo uu sheegey afhayeen Daalibaan in sababaha ay u sameeyeen Farsamadaas ay ahayd sidii ay ku soo deysan lahaayeen Saraakiil Sare oo ka tirsan Daalibaan oo ku xirnaa Xabsigaa kuwaas oo lagu soo qabtey Dagaalo iyo Hawl galo ay sameeyaan Ciidamada NATO , wuxuu kaloo uu sheegey in Mudadaas ay qodayeen Godkaas dheere in aysan jirin cid dareentey, taasoo aad ka garan karto qolkii ay ay degenaayeen ee ay u yiileen Joodarayaasha Dermaha Godka weyn oo ay ka qodeen , Xitaa waxaa ka sii yaab badnaa in Carada laga soo saarey Godka Cid Dareentey Majirin.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay sheegtey in ay si aad ah ula yaabeen Farsamooyinka ay adeegsadaan Daalibaan waayo Xabsiga wuxuu ahaa mid si aad ah loo Ilaayo , isagoo sheegey in ay wadaan Baaritaano la xiriirta qaabka ay ku baxsadeen Maxaabiistaas oo qaarkood ahaa Saraakiil ka tirsan Al-Qaacidda iyo Daalibaan oo lagu soo qabtey Dagaalo Dhacay, wuxuu kaloo uu sheegey in ay ku jiraan Maxaabiista fakatey dad u dhashey Bakistaan kuwaas oo uu sheegey in ay gacan siinayeen Dagaalyahanada Daalibaan.

Dhacdadaan la yaabka leh ayaa waxaa lagu tilmaamey middi ugu balaarneyd ee dhacda , iyadoo Saddex Sanno ka hor ay Xabsigaan ka baxsadeen Maxaabis fara badan , waxaana NATO ay dib u dhistey Xabsigaas si aan dib dambe looga baxsan arrintaa ayaa lagu tilmaamey mid Waji Gabax ku ah Ciidamada Nato oo iyagu si weyn u Ilaalinayeen Xabsigaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dowladda Mareykanka oo si weyn ula yaabtey Farsamadii ay u baxsadeen Maxaabiis ka Tirsan Daalibaan "

  1. mr.maxamed. says:

    waxay ilatahay Qolo kasta iyo kox kasta waxay leyihin farsamo iyo garad siyasi ah,qolada hindistey in aay qodan dhulka hostisa kala baxan ragga maxabista ah oo saxibadoda ah,waxa ufakaray dad xel dherayal ah,Adunkana Qurnkasta waxay ledahay Khubaro ku Xeldher in aay wax furdamiyan,waxadna arkeysa sida wax u dhecen waliba dadka donaya in aay wax iska dhiciyan alaba waxay helan wadiqe ama jidka lo maro,waxa aay iyagu uraken iska celin .

  2. Waxaa Jira 1939,in ciidan gashaabuurta wesk laoran Jiray in aay kabaxsaeen xabsiga ku yiil magaalo farance kutaal magaceea waa ilaaway, waxaana kabaxsaday 50 askar isugu jiray english, american itaalianamerican an france
    waxeeyna dhacday 1939 waxaana jira filin lagsameeyay is the same againis 2011 waa Fikradii oo lahbeeyay