Home » Warar »

Daweynaha Gobolka Hiiraan oo si weyn u soo dhaweeyey Dib u dhisida Buundadii Liiqliiqato

Heerarkii ay soo Martey Buundada Liiqliiqato ee Beled weyne

Bishii May ee Sannadkii Hore ayay ahayd markii Buundadii Liiqliiqato ay gabi ahaanba ay burburtey ka dib markii Gaari Xamuul ah ay la Go’dey , wixii Waqtigaa ka dambeeyey Waxaa kala G’oay isku socodkii Dadkii degenaa Galbeedka iyo Bariga ee Magaalada Beled Weyne , dadkana waxay ku gudbi jireen Doonyo.

Xarakada Alshabaab oo Gacanta ku haysa Magaalada Baledweyne ayaa waxay Bulshada Ku dhaqan u gudbiyeen Qorshe Dib loogu dhisayo Buundada Liiqliiqato ka dib markii si aad ah loo dareemey Howhshii ay Buundaas u haysey Bushada Baled Weyne taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen, waxaana bilowdey Qaaraanka dib loogu dhiseyo Buundada iyadoo Xarakada Alshabaab iyana isku dubaridey qaabkii loo dhisi lahaa Buundadaas.

Xaflad lagu furayey Buunda liiqliiqato ayaa ka dhacadey meel aan sidaa uga fogeyn halkii ay ku taaley Buundadaas Waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, Culamudiin, Odayaasha Dhaqanka iyo dadweyne aad u fara badn , waxaa ugu horeyntii halkaa ka Hadley Waaliga Wilaayada Gobolka Hiiraan Shiikh Yuuusf Cali Ugaas oo sheegey in Muddo 11 Bilood ka dib ay Howlgasho Buunada Beledweyne , wuxuu sheegey in dib u dhisida Buunada Liiqliqato ay ku timid Iskaashi aad u balaaran oo dhexmarey Xarakada Alshabab iyo Bulshada Gobolka Hiiraan.

“Bulshada marka ay garato inay isku tashadaa oo ay ka maarmaan Hayadaha Shisheeye Horumar aad u weyn bay gaari karaan marka waa arrin aad loogu farxo in maanta ay dadka iyagu wax qabsadaan” ayuu yiri Shiikh Yuuusf oo u soo jeediyey Bulshada Gobolka Hiiraan in ay Gacmaha is qabsadaan islamarkaan ay Maskaxdooda ka saaraan u haqal taagida Hayada Shishiiye oo uu ku tilmaamey kuwo doonaya in ay is hotaagaan in shacabku wax qabsadaan.

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan oo iyana ka Hadley Xafladii lagu furayey Buundada Liiqliiqato ayaa u mahadceliye Xarakada Al-Shabaab oo sheegey in la’aantooa maanta aysan dhismi lahayn Buundadaas oo si weyn uga qayb qaadan jirtey isku socodka Badeecooyinka ka kala Gudba Waqooyiga Soomaaliya, iyo Koonfurta , waxaa sidoo kale dib u dhisida Buundada soo dhaweyey dadweynaha Gobolka Hiiraan oo sheegey in marka dadka isku Tashadaan ay gaari karaan Horumar aad u weyn.

Haddii aan dib u raacno heerarkii ay soo martey Buunda liiqliiqato waxaa la dhisey Xiligi Gumeysiga waxayna markaas ahayd Buundo ka sameysan Al Waax la isku dhijiyey waxaana mari jirey dadka keliya oo ku adkeyd in laba qof si ku maraan, waana meeshas meesha loogu bixiyey Magaca Liiqliiqato waayo marka ay dadka marayaan ayay la liiqliiqan jirey ama la dheelin jirey, waxaana Sannadihii Todobaatameeyadii xili Barqo ah waxaa Gebi ahaan Burburey Buundadii liiqliiqato oo Alwaaxda ka sameysneyd waxaana ku dhintey Dhowr qofood oo ardey ay ku jireen , waxayna Go’dey Xili aan ka soo gudbey .

Dowladii Maxamed Siyaad ayaa deg deg u dhistey Buudadii Liiqliiqato waxaana Gebi ahaaba laga dhigey Buundo ka sameysan Bir Xajmigedu aad u wanaagsan yahay , waxaana Bilowdey in Gaadidka ay maraan hase yeeshee Nasiib Darro 22 Bishii May ee Sannadkii Hore 2010 ayay Buundadii la’ Go’dey Gaari ENA-3 oo sidey Sonkor, wixii waqtigaa ka dambeyey waxaa Xarakada Alshabaab u Howlgashey in dib loo dhiso Buundadii Liiqliqato waxaana furitaankeedii markiiba lagu tijaabiyey Gawaari waaweyn iyo Kuwo yar yar ah ,iyadoo Furitaankeeda isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa dib u dhisida Buundada Liiqliiqato.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Daweynaha Gobolka Hiiraan oo si weyn u soo dhaweeyey Dib u dhisida Buundadii Liiqliiqato "

  1. Keydshe says:

    a.c shabaab waxaan aaminsahay inay yihiin kuwii dalka dadka iyo diinta dib ugusoo celin doono dalkeena burburay dadkiisana dabadhilifka noqday oo dhururuqa gaalo daba orda. waxaan leeyahay umada ninkii wax u qabanayo waa in lagu taageera

  2. mubarig says:

    walee nin kastiba ha iska hadlee nimanka shabab waa rag mabda, umadina ma hor marto ilaa ay isku tashato, umadu aduunka waxba lama qaybato in ay dano umad kale u shaqaynayaan, shabab dadka qurbaha jooga ee ciyaalkoodi nabad u haystaan, nolal malmoodkoodi meel u saran yahay ayuun ba anaceeb lakin dadka cadalad hormuar iyo in cadawaga layska celiyin karo la tusaay ayuun baa xaqiiqada og

  3. war haye says:

    alshabaab waxay somalidii bareen wax qabsi iyo isku tashi taana waa mida hormar lagu gaaro hadii meesha ay ka talin lahaayeen moooryaan hay’ado ayay tuugsan lahaayen wixii laga helana way isku qab qabsan lahaayeen ilaahow dhulkeena sharaftiisa na tus oo quluubteena isu soo dun
    aamin