Home » Warar »

Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan oo Muqdisho kawada Ololaha la kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha DFKMG Shikh Shariif waxaa uu Talaadadii (Apr 19) kulan balaaran la qaatey Goloha Wasiirada ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana lagu waramey In Shiikh Shariif uu Warbixin ka siiyey Wasiiradda Safaradii uu ku soo kala bixiyey Wadamada Uganda , Ruwanda , Burundi , Itoobiya iyo Tansaaniya , wuxuuna sheegey in in safarkaas uu ahaa mid lagu xoojinayey Xiriirka Dowladahaas iyo Dowladda Federaalka,islamarkaas dalalkaas ay uga qaybqaadan lahaayeen sidii Soomaaliya Nabad loogu soo dabaali lahaa islamarkaana loola dagaalami lahaa wax uu ugu yeerey Kooxaha Argagaxisada.

Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa u soo jeediyey Golaha Wasiirada in si mideynsan loo wajaho Xaalada kala Guurka ee Dowladda Fedelaalka iyo sidii wada shaqeyn u dhaxmari lahayd Hayadaha Dowladda Federaalka ,taas oo uu sheegey in looga gudbi karo mar xaladda adag ee uu dalka marayo , wuxuu kaloo uu sheegey in loo baahan yahay in meesha laga saaro Tuhunka iyo shakiga ku kala dhexjira Hayadaha sare ee Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maalmahaan wadey kulumo ay la yeelanayeen Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada kulumadaas oo u muuqda mid la doonayo in meesha looga saaro Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh oo isagu dhawaan ka qayb galey Shirkii Nairobi,iyadoo dhawaan Xil;dhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay sheegeen in ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ka dib markii Xildhibaanadaas ay sheegeen in Gudoomiyaha uu ku xadgudbey Sharcigga iyo Axdigga Ku meel gaarka.
Madaxweynaha iyo Raiisul Wsaaraha oo haatan noqdey kuwo is xulufeysanayo ayaa doonaya in ay meesha ka saaraan Gudoomiyaha Baarlamaanka,waxaana kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada waxaa la sheegey in ay qaataan Saacado farabadan ,waxaa kaloo la xusey in kulamadaas ay gaaraan ama la isku Guureeyaa ilaa habeenkii Saqda Dhexe , warar ayaa sheegaya in kulumo lala qaatey Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka si looga dhaadhiciyo in haddii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diido in la qabto kulamada Baarlamaanka in iyaga ay noqdaan shir Gudoomiye.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo aan isagana dhankiisa hawsha dardar geliyey ayaa dhinicisa kawada ololaha la kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka wuxuuna si gaar ah kulumo ula yeeshey Xildhibaanada Baarlamaanka ee Beelaha Hawiye , Digil iyo Mirifle , Daarood , Dir iyo Isbaheysiga Shanaad waxaana kulumadaas la iskula soo qaadey Qodobadii ka soo baxay Shirkii Nairobi , “Waad ogtihiin in Saddexdii Sanno ee aan ku darsaney ay beesha Caalamaka ay ka soconweydey marka haddii Laba Sanno na loo ogolaadey Maxaan ku diideynaa slamarkaana la qabanayo Doorashadii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka “ ayuu ku yiri Kulamadii u la qaatey Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha.

Waxaa lagu waramey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si aad ah uga dhaadhiciyey Xildhibaanada Qodobadii ka soo baxay shirkii Nairobi isagoo sheegey in doorashada Madaxweynaha ay ka dhaceyso dalka gudihiisa balse ma Carabaabin halka lagu qabanayo kulankaas balse warar baa sheegeya in Gudoomiyaha Baarlamaanka uuu booqasho ku tagi doono Maamulka Pundland Booqashadaas oo ah mid labada dhinac ay ku doonayaan sidii ugu Mira dhalin lahaayeen Go’aanadi ka soo baxay Nairobi, hadaba la arki doonee halka ay ku dambeyaan is xulufeysiga u dhaxeeye Madaxweynaha DFKMG Shiiklh Shariif iyo Raiisul Wasaare Farmaajo oo isku dhinac ah iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Sharif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan oo Muqdisho kawada Ololaha la kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka "

  1. bilqeyr. says:

    Asc.
    aniga fikradeydu waxay ila tahay shariif xasan aadan in uu yahay mid kaligiis taliye ah oo raba wuxuu maago in uu sameysto dal iyo dadna uu waxba ka fikireynin.

    shiiq shariif iyo farmaajana ay ka talinayaan wadanka sidii uu uga bixi lahaa gumeysi iyo dowlad lagu soo dhiso wadan shisheeye in ay diidan yihiin oo ay ka talinayaan doorasho ka dhacdo wadanka gudahiisa marka ma leesla barbar dhigi karo nin tiisa raadsanaayo iyo nin wadankiisa u halgamayo ee waa in meel lasaara shariif xasan warkiisa maadama uu wadanka kaligiis laheyn.

    waxan ugu baaqayaa gudoomiyaha baarlamanka in uu ka noqdo sheekada uu hadda hayo ama in uu is casilo,sababtoo ah somalia waqti badan baa kasoo lumay hadana ma dooneyno in uu waqti kale naga lumo madaxweynahana warkiisa waa iska cad yahay doorashana diyaar waa uyahay waqti kororsina uma baahna waa wax gar ah hadaladiisa oo dhan waana lagu wada qancay marka shariif xasan haka noqdo baan dhihi lahaa qorshaha uu wato ee wadanka dib usii dhigayo.

    waxan mar kale baaq usoo jeedinayaa maxamad C/laahi farmaajo iyo shiiq shariif oo iskaashanayo in ay xoojiyaan iskaashigooda oo ay ka dhigaan mid mira dhalin kara wada tashigooda iyo sidii doorasho loogu qaban lahaa wadanka gudahiisa anaga mahiiga nooma taliyo waxan raacsan nahay madaxda dowlada ayaga ayaana go’aan buuxa ka sugeynaa

    guul ayaan idin rajeynayaa (shiiq shariif iyo farmaajo)

  2. Abdirisaq says:

    Asalam calaykum dhaamntiin.
    Somalitalkna aad iyo aad baan ugu ammanayaa dadaalka xad dhaafka iyo dal jacaylkoodaba. Waxaan aad uga codsan lahaa inay i ogoladaan qoraalkaan aadka u dheer inaan gaarsiiyo umadda Somaliyeed.

    Umadda Somaliyeed waxan u soo gudbin lahaa dignin culus oo ah in ay meel halis ah mareyso qarannmada dalkoodi iyo jiritankiisiba loona baahanyahay inay badbaadsadaan. Waxan ognahay qarannimadi 1960kii aan calankeeda taagnay oo aan noqonnay dawlad cod buuxa ku leh caalmka dalkeeda bad iyo beeriba masuul ka ah aanan lagu soo gudbi karin xuduudaheeda inay tartartiib isugu beddelayso inaan noqonno shacab qabaail ah oo gobollo iyo magaalooyin ah oo fawdo ah oo cidinna masuul ka ahayn cid kale una furan cid kasta inay heshiis la gasho cidday doonto waxay doontana ka sameyso dalkeena.
    Waxaan xasuusin lahaa umadda Somaliyeed caalamku inuu soo marey waagii addoonsiga aanu qofka aan xoogga lahayn wax xuquuq ah uusan lahayn. waxaa ku xigay xilligii gumaysiga oo qaruumo dhan aysan masuul ka ahayn qarankooda iyo shacabkooda midna ayna masuul ka ahaayeen dawlado kale dhib bdanna usoo maren dib u hanashada qarannimadooda. kaddib waxa loo baxay xilliyadi xornimada iyo xuquuqda insaanka, uu dal waliba masuul ka noqday dhulkiisa iyo shacabkiisa caalamkuna ku wada shaqeeynayay heshiisyo laba dhinac ah iyo kuwo caalami ah. Cidina aanay ku xad gudbi karin dhulka iyo xaquuqda dal kale.

    Haatan oo addunka uu ka dhamaaday dagaalki qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka, kaas oo halistiisa lahaa inuu aburo dagaal lagu dabar go’o oo caalmka ka dhaca . haddana wuxuu ilaalinayay baad mooddaa isu dheelitirnaanta awoodaha caalamka.
    Ayada oo caalmi ku yaraadeen khayraadka dabiiciga ah sida tamarta(energy), biyaha iyo soo saarka cunnada aadanuhuna uu tiradiisi xadka ksaii baxayo, isla markaasna isgaarsiinti iyo gaadiidka casriga ah ka dhigtey tuulo meel walba waxa ka jira la ogaan karo lana gari karo.
    ayaad moodaa inuu jiro tartan adag oo xagga globalisation ama caalmiyeynta ah inuu jiro oo qof waliba rabo in uu khayradka dabiiciga ah, suuqyada caalmka wax loo iib geeyo iyo goobaha istratiijiga ah ee caalmka isku xiraba loo kala horamarayo, caalamkana ka jiro carriri dhaqaale oo aad u weyn cid kastastana rabto si ay uga baxdo, taas oo aan lahayn cid loga baqo oo xoog ku mucaaradi karta cidna. haddii ay ku kacdo wax aan shurrucda caalamka waafaqsanayn ku kacdo.

    Haddaba dalkaan oo mar ku yaal marinka badda cas, marna leh khayraad dabiici ah oo dhex ceegaaga oo gaaska iyo shidaalku ka mid yahay xeeb iyo bad aad u dheer leh ayaa aan lahayn dawlad u ilaalisa khayradkaas xiili caalmki kasii baxayo nadaamka iyo kala cabsashada cid kastana ay qarka u saaran tahay inay boobto waxay aragto magaca ay doonto ha u bixiso qaabka ay wax u boobayso eh.
    Dagaalki Sokeeye ee dalkeenna ka dhacay ka dib Somalia waxay ku weydey dawladdi dhexe ee masuulka ka ahayd qaranka iyo xuduudihiisa oo lahayd awoooda dawladnimo ee caalmka ay xaqeeda ugu dhacsato.
    dagaal iyo burbur kadib ayaan dhisannay dawlad ku meel gaar ah oo dib u heshiineed.
    Baarlamaanki loo dhisay dawladda dib u heshiineed ee burburka ka dib oo la filayay inuu u istaago soo celinta qarannimada iyo nadaamka iyo kala dambeynta iyo u saldhigid qaran deggan oo xasilloon oo ilaaliya ciida iyo calanka iyo jiritaanka qarannimada Somaliyeed ayaad moodaa inay xubnihiisu danahooda shakhsiga ah intooda badan ka hormarinayaan tii qaranka oo marna qaab qabiil u eegayaan shaxda marna dano shakhsi ah iyo heshiiyo deal ah oo hoose ay la kala galayana madaxda qaranka.
    Taas oo keentey muran buuq iyo is qabqabsi aan dhaamman oo horseeda burbur.
    Umadda Somaliyeed oo dooran lahayd baarlamaan ayaanay u suuroobi karin xiiligaan inay doortaan sababtuna waa dalki oo kooxo kala duwan iyo awoodo aan isku meel u socon kala haystaan awgeed.

    Haddaba haddi baarlamaanki ahaan lahaa marjaca qarannimo ee dalka uu noqday shaqsiyaad ka horumariya danahooda shakhsi iyo kuwooda qabiil danti qaranka, shacabkina uu awoodin inuu doorto baaralamaan u shaqeeya oo daacad ah, madaxdi qarankuna kursiga ka hormarinayaan danti iyo jiritaanka qaranka oo xubnihi baaralamanka ku dhiirri gelinayaan inay si qalad ah u shaqeeyaan kalana jiidanayaan.
    Soo ma aha cid kasta oo dan u tahay burburinta qaranka Somaliyeed oo doonaysa inay meesha ka saarto dawlad Somaliyeed oo baddeeda, berrigeeda, iyo khayraadkeeda dabiiciga ahba difaacan karta inay hesho beer u bislaatey oo si sahlan ay ku guran karto ma aha.
    Umaddi Somaliyeedna dalkodi maalin ahaa qaran lagu faano oo calan, ciidan qaran iyo xukuumad adduunka laga aqoonsanyahay lahaa uu isu baddalo hal mar qabaail is garab yaac ah oo jaantaa rogan ah ciddi doontanba sida ari bahal ku dhex dhacay oo neefba goonni u cararay uu meesha uu doono uga ugaarsado oo kale noqdy.
    Waxan u sheegaya odayaahsa dhaqanka, bulhahda qaybaheeda, culimada diinta iyo aqoonyahanka Somaliyeed inaan la sahlan karin arrinka ka socda dalkeenna loona baahanyahay in la isugu yeero dhinacyada isku haya arrimaha dalka loona sheego runta cidda qaldan qarankana la badbaadiyo inta aanu gaarin meel aan laga soo noqon karin.

  3. samaan Bile says:

    Cali – Caydiid
    Caydiid – Caato
    Cqasim – Galayr
    Clahi – Geedi
    Clahi – Ncade
    Sharif-Sharmarke
    Sharif-Sakiin
    ———
    Maxay isku haystaan.
    hadii aad daalacatay, is af garan waaga niman ka kan, waxaa kuu muuqan-tay in ay danahooda ay isku haystaan.

    Muranka, dagaalka, isqabsiga, is gaashaan buureeysiga iyo is laaluushka, waa mid ku saleeysan – sad buursi, aragti dhow, jeebka buuxso iyo maanta adiga dhereg.

    Ma eegayaan, masuulyada saaran, qarankan dumaya, caruurta shubanku dishay, hooyada umul-raacata, dhalinta baddu laysay, reeraha macluusha; xeryaha qaxootiga ugu dhintay. waayeelka darxuma u dhinta.

    Ma eegayaan, Adoonsiga iyo quursiga umaddu ku mudato dalalka shisheesheye…

    Si kastaba ha ahaato; waad ila garatay halka sheekadu u socoto.

    Is qabqabsiga nimankan, shaqsi Soomaali ah, oo dani ay ugu jirto ma jirto.

    Marka waa in meel looga soo wada jeestaa, oo la iska diidaa, gaar ahaan ragga baarlamaanka.

  4. Omar says:

    Baarlamaanka Somalia waxaan u sheegi lahaa Illa waagi Cabdi qaasim iyo cali Khaliif, waagi geedi iyo Cabdullhi,ilaa maanta oo laba Shariif taagantahay, shaqadiinnu ma qayli oo ka daadso dabadeedna la kala safo.
    Soo inna damiir idinkuma jiro aad danta dalka iyo dadka Somaliyeed uga saaeysaan mushkiladda haysata idinkuma jirto.
    Shacabka Somaliyeed idinkama mudna in aad cadawgooda u hoosaasisaan oo buuq an dhamaan ku maaweelisaan maalin walbana la yiraa khilaaf baa jira ee dib dawlad halloo soo billabo.
    Haddii sidan aad dhaaman weydaan waxa khasab ku ah umadda Somaliyeed in la idin kala diro dabadeed shir lagu qabto dalka gudihiisa ay Somali keliya qabsato kuna xulato baarlamaan aqoonyahan ka kooban fahmi kara danta qaranku inay ka sarreyso dan gaar ah, jago iyo qandaraas raadin.
    ####################################
    Qabqable taladiis iyo qabiil qabiil lagu faano
    wiil aan qaan gaarin oo isbaaro qori la taagan
    mid madax soo qarsadoo qorshihiisa la aqooniyo
    Mid ajende qarsooniyo cadaw hawl u qabanaaya
    Dhamman waan qawadoo qarannimaan u dhaqaqaye.
    Nimaan wax qori aqoon oo madaxweyne u qaylin
    Af qalaadna koley tahay qultu aan oranayn
    oo u eg qiyaastey sidi geeljire qabweynoo
    magaalada qaalin keensadayoo qoraansiga sheeda ka arkey
    diyaarad qaaxa weynoo garoonkaas qotonta
    oo dabadeed isku qaadoo asagoon casharna qaadan
    inuu duuliyo qorshaytey soo wax lagu qoslo ma aha?

    Qarrib intaan nagu filane warhooy qaainul wadanoow
    waddankan qaaliga ah iyo calanka dul qotoma
    waa loo qudh baxoo inta qof naga noolyahay
    kheyraadkaan leeniyo baddeena qarada weyn
    wallaan ciyaar lagu qaadayne ee taladayda qabso
    Qarannimada Somaliyeed iyo qandaraas la ismo siitee
    Inta aana ku qaban oo sharciga ku qaadin break maad isku qaban.

  5. mr.maxamed. says:

    Aniga waxay ilatahay hadii aaysan marnaba heshinan 2 sharif in aay ku kala baxan Axdiga ku mel garka ah,waxa layiri gari 2 qof kama wada qosliso waxay ila tahay in mid kod bixi dono in kasto aan la sadalin karin,waxanse qiyasaya in uu xoga tugtug ron yahay Madaxweyne sharif sidas ayey ugu muqata madama u tagero kahaysto Golaha Wasirada iyo Qayb kamid ah Parlamanka,Xogana ka qabili san yhaay tas ayaa laga yaba in gushu kuracdo madaxweynaha sidas ayan aminsanahay,mahaddsanidin.