Home » Warar »

Cabdullaahi Yuusuf oo dhaliilay Shirkii Nairobi…

Madaxweynahii hore ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah oo hadda ku sugan dalka Yemen oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ayaa si weyn u dhaliilay shirkii 12-13 April, 2011 lagu qabtay magaalada Nairobi ee Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobey usoo qaban qaabiyey Dawladda Federaalka.

Cabdullaahi Yuusuf waxa uu cambaareeyey ergooyinka ka qayb galay shirkaas.

Waryasiga VOA ka dhegeyso Halkan (MP3) ama ama Halkan (WM)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Cabdullaahi Yuusuf oo dhaliilay Shirkii Nairobi… "

  1. Togane says:

    Taariikhda ayaa Xuseysa ruux walbo.
    Bal aan wax yar jaleecno bogaga taarikh da waxa ugu keydsan odayga dabadhilifnimada iska dheereyay.

    Ayado Soomaaliya ey tahay 1 nation (hal qaran) wadankuna leeyahay hal madax weyne oo ka taliya ras caseyr min raskanbooni baa waxuu ka mid aha saraakil inqilab isku dayay waala cafiyay oo asaga dadki la toogtay maheyn saasoy tahay falkii u damacsanay kama harine midka xun bu la yimid habeen madoow ayuu u dhuntay ethopia 1982 waxuna asasay jabhadi u horeysay e aheyd SSDF waxuna soo hor kacay ciidamo beelled iyo Ethopian calanka Ethopia Galdogob iyo Balanbale gacantisa ayuu uga tagay ee Ethopian ma eysan qabsan dagalki 1977 ee kuba iyo rashia ethopian garabka siyen nalkaagama qabsan ee Cabdulahi yusuf aya gacanta u galiyay ila hadana cidaamada ethopia aya ka shaqeya oo ethopia ayey hoos tagtaa. Markuu Madaxeyne noqdaynay waakaas caasimadii Soomaliyeed qasatan wasaaradii gaashandhiga calan Ethopian ah aya laga tagay sidoo kale madaxtooyadii ummada Soomaaliyeed calan ethopian ah aya laga taagay 2006-12-28.

    Xilagaasoy Ethiopia Muqdisho soo gashay–waa ninki yiri al itixaad wa maletarigi Islamka Al-Islaaxna waa qeybta dhaqaalaha, Tabliiqna waa sirdonka Islaamka xili uu CNN ta wareysi siinayay 2000, xiligaas oo u donayay inuu Odayga Soomaaliyeed ee Jaamac Cali Jaamac ka eryo Puntland taagerana uu ka rabay ethopia waa ninki Soomaali ah ee ugu horeeyay ee yira dhul Soomaaliyeed aragagixso ama Alqcida ayaa joogta meeshii ugu horeysay ee la yira Al-Qacida joogta waxey aheyd deegaanka Shimbiraale oo u dhaw Qardho wariyayaal caalami ah ayaa tagay meeshi waxeyna ku wareegayn mudo dhowr maalmood ah waxeyna ka waayeen meel ula muuqatay xero ciidan ku taba bartay ama meel ciidan dagey.

    Ugu danbeynti waxan leeyahay Soomaaliyeey adinka xukuma ninkas inu wadani yahay iyo inuu Dabadhilifyada kooda ugu liito yahay.

    Aniga wax shaki ah iigama jiro laablakac iyo qiirina iima heyso, waxaa iimuuqda xaqiiqda dhabta ah.

  2. SADE says:

    Runtii oday C/yusuf waa runtiis arinta uu kadhawaajiyay in kastoy habooneed in uu mar hore sheego in kastoo soomaali taas wada ogsoon tahay
    waagii arintaas uu ogaaday in uu sheego ayey aheed
    hadda lafteeda waa geesinimo iyo qofka in uu qirtaa in Eithopia iyo Gaalo oo dhan wax dan ah u hayn somaliya

    (WASHAHIDA SHAAHIDUN MIN AHLIHAA)

  3. Anigoo ogsoon magacaagu in uusan midkaa aheyn ayaad haddana ninyahow wareersan nin odey ah uu misana ruug caada ah ayey kaaga dhegan tahay aflagaadadaada. Waxa uu ka hadlay waa hab socodka nidaamka dowliga ah, sharciga waxa uu qorayo, cida xaqa u leh in uu dhaqan geliyo iyo habka loo dhaqan gelin karo, intaba. Catarbaqashka liita ee afkaaga ka baxay, malaha wax aadan fahmin muwduuca laga hadlayo.

    General Ethiopian ah ayaa la keenay Madaxtooyo Soomaaliyeed ayaad dood ka dhigatay, meeye dalkaagii, meeye dadkaagii, meedey diintii Islaamka aheyd Soomaalidu sheegan jirtey, meeyey dhaqankaagii ma guurtada aheyd, dumarkii iyo carruurtii dalkaaga ayaa dunida dacaladeeda daadsan, intii aad daba qaban laheyd ayaad dood raqiis ah la soo shir tagtey.

    Shame On You, Mr. Shell head.

  4. Togane says:

    Dabadhilif nimada kale oo u dhinayd in uu noqdo Cabdullaahi Yuusuf iima muuqato aniga.

    Dhamaan Jiritaankii iyo Qabkii Soomaalinimo ayuu ku tuntay markii uu ogalaaday in General Itoobiyaan ah uu kula hoydo Villa Soomaaliya isla markaasna ka qeyb galo inta badan shirarka dowlada.

    Ihaano iyo Dabadhilifnimo intaas dheer oo qof madaxweyne wadan xur ah ka ah uu ku kici karo oo intaas dheer iima muuqato.

    Haddii dhaleeceynta iyo hadalkiisa ay dhab ka tahay waxii si bareer u sheegi lahaa cida dabadhilifnimada ka doontay iyo cida hadeer faraha kula jirto arrimaha Soomaaliya. Mana uusan yeelin sababtana waxay tahay wali in ay far u laabahan tahay. Sababtoo ah wax ka xarimi kara in uu sheego magaca dowladaha arrimaha soomaliya faraha kula jiro ma jirto maadaama uusan wax xil ah uu san hayn.

    Arrimhaas oo dhan markaad soo koobto waxaa wanaagsanaan lahayd odaygaan in uu san dadka qarasta ku kicin oo uu xeradiisa iskaga jiro.

  5. Abdirisaq says:

    Arrimo badan ayaa kasoo muuqday shirki Nairobi.
    Waxan u malayn in la gaarey xilligi Somali oo dhan mucaarad, xukuumad iyo baarlamaan, ururro iyo maamul goboleedba gacanta la is qabsan lahaa oo laga gudbi lahaa mixnaddan iska daba wareegga ah ee dawlad debed kusoo dhis isku qaylqayliya burburiya.
    Waana in madaxweyne, raiisulwasaare iyo guddomiye baarlamaanba talada dalka u dhiibnaa inay shacabka iyo aqoonyahanka iyo wax garadka Somaliyeed ka wada tashadaan wax alla wixi loo batona la wada raaco.
    Shaqana aan laga dhigan hebel iska riix iyo hebel meesha ka saar xilli qarannimadi iyo jiritaanki dalka dhan ay kusoo wajahantahay khataar aad iyo aad u weyn oo aan u wada muuqan dadka balse xaqiiq jirta ah.
    Waana in aan loo ogoolaan shakhsi iyo laba damac wata ay dalal shisheeye noola soo heshiiyaan oo siday doonaan naga yeelaan.
    Dalkeenna markaan qaran isku filan ka dhigno ayaan danteennana heleynaa ee fadlan Somaliyeeey toosa toosa toosa oo dalkiini badbadbaadsada.

  6. Osman says:

    Madaxweynihi hore Cabdullahi Yusuf.
    Waa nin aad xog ogaal u ah.
    Waa jabhadkii kowaad ee shisheeye kala sheekeysta rididda dawlad Somaliyeed halkaas oo u ku ogaan karey inta dawladood ee ku hawlan arrimaha dalkaan.
    Waa ninki ugu horreyey ee ciidan shisheeye toos xaduudaha dalka kasoo geliyey intuusan soo gelinna dhamaan dhinacayada ka kaalmeynayay arrimahaas iyo wixi ay ku fekerayeen iyo meesha la higsanyayba si buuxda xog ogaal ugu ahaa, kolley asaguna shaqsi mansab iyo damac leh buu ahaa oo laga yaabe waxyaabo badan oo u xog ogaal uu u ahaa inay ka indha saabayeen danaha muhiimka ah iyo mansabki uu markaas doonayay ama haystey.
    Maanta oo uusan jirin wax xil ah oo uu hayo balse uu xog ogaal buuxa u yahay meesha dhibta Somalia kasoo bllabatey iyo sidi wax loo mareeynayay labadaba, maadaama uu la billoowday asagukhilaafki kowaad ee Somalida ilaa maantana usoo taagnaa ahaana shakhsi ay aad ugu kalsoonayeen dhinacyadi arrimaha Somalia faraha kula jirey ama daneeynayay oo dhan, inuu maanta uga digo Umadda Somaliyeed waa arrin aad iyo aad u fiican.
    Waxaanan qabaa inaan loo eegin dhibki hore ee dacay iyo caro loo qabo ee laga faaiideysto oo si hoosena loo wareysto lagana bogto xogta (ogow dhakhtar bukaan ma daaweyn karo ilaa uu diagnose sameeyo ama helo cudurka haya iyo ciladda caabuqu meesha ay salka ku hayso) lagana qaato cashar.Maadaama halgankii uu intaas soo waday oo burburki dalka ku dhacay billoowgiisi ahaa uu marki isagi bilaabay xukunki dalka qabtey loo diiday inuu calfado oo eed ma ahee waxba ka dheefin una ekaaday nin la marsadey kaarka, soo ma cadda kuwa sii dhuudhuumanaya ee jidkiisi sii haya inay ayaguna caaqibadaas la kulmi doonaan?