Home » Faallo »

Taariikhda dhaqaale & Ganacsi ee soomaaliya ?

“ Taariikhdu ma gaboowdo ”

Gogoldhig / Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qormadaan ayaan kaga hadli doonaa Taariikhda Ganacsi iyo dhaqaale ee dalka soomaaliya  Waxaa afeef ah in qoraalkaan aan loogu tala gelin in uu koobo dhamaan wixii ka dhacay Soomaliya ee quseeyay dhaqaalaha iyo ganacsiga . Sidaa daraaded, dhacdooyinka halkaan aan ku xusneyn ma aha macnaheedu in ayan muhiim aheyn in la xuso ama kuwa halkaan ku xusan in ay yihiin kuwa si gooni ah loo xushay . Sidaa darted qoraalkan ayaa wuxuu ahaan doonaa wixii  aan in mudo ah ka aqriyay dhaqaalaha iyo ganacsiga ama aan taariikh ahaan ku maqlay ama aan usoo joogay , anigoo si kala gooni ah uga faaloon doona Taariikhda ganacsi iyo Taariikhda dhaqaale ee soomaliya .

Taariikhda Ganacsi ee dalka soomaaliya ?

Dadka soomaaliyeed oo ah Beeraley iyo Xoolo Dhaqato ayaa waxay Taariikh dheer oo dhanka ganacsiga ah  ku leeyihiin geeska Qaarada afrika . Inkastoo aanan la heli Karin xog sugan ama qoraal taariikheed oo dhaxal ah ayaa hadana la dhihi karaa dhanka ganacsiga somalida waxay ka ciyaareen kaalin mug wayn oo ay umadaha qaaradaha kale ku nool  aad u qiraan.  Ganacsiga soomaalida ayaa taariikhyahanadu ku sheegaan in uu biloowday xiligii xadaarada islaamka ay soo gaartay geeska afrika waxaa kale oo jirta in soomaalida ay xiriir ganacsi la lahaayeen Asia ka hor islaamka . Kadib xadaaradi islaamka waxay soomaalidu bilaabeen in ay ganacsigoodu ku fidiyaan dhulalkii ay carabtu daganaayeen . Badeecadii ay soomaalidu dhoofin jireen waxaa ka mid aha noocyada kala duwan ee xoolaha sida Lo’da , Geela , ariga , cudbiga , iyo fooxa  waxayna kusoo badalan jireen Dhar iyo raashiin .    Ganacsiga soomalida wuxuu aad u kobcay waqtiyadii dhexe oo ay badatay is dhaxgalka shucuubta caalamka gaar ahaan xliyadii ay soomaliya soo gaareen dhulmareenadii carbeed iyo kuwii reer galbeedka kuwaaso sahan u ahaa wadamadooda , taasna waxay dadka soomaliyeed siisay fursad ay shucuubta caalamka ku daneeyaan dhaqdhaqaqii ganacsi ee ka jiray dhulka soomalida . halkaasna waxaa ka hanaqaaday xiriir ganacsi oo aad u adag oo u dhaxeeyay dadka soomaliyed iyo caalamka intiisa kale .

Ganacsiga soomaalida : Gumeystayaashii iyo xoriyadii Dalka

Xiligii  gumaysiga waxaa taariikhda ku sugan in ganacsigii soomaliya ka  jiray uu aad u saameeyay nidaamkii gumaysiga, taas oo ay kala sinaayeen guud ahaan ganacsigii ka jiray qaarada Afrika, wuxuuna dhaqdhaqaaqi ganacsi ee soomaliya gacanta u galay gumaystayaashii , ayagoo sicir aad u jaban kula wareegi jiray badeecadihii soomalida inta badana qaab dhac ah ku boobi jiray khayraadkii uu dalka lahaa.taasna waxay dalka dhaxal siisay dhaqaalo xumo aad u wayn.   Kadib xoriyadii dalka ganacsiga soomaaliya wuxuu soomaray xilli aad u xun oo mudan in si fiican loo daraasadeeyo balse xoriyadi kadib waxaa look ala qaadi karaa xaaladii ganacsi dowladii rayidka aheyd iyo midi militeriga iyo Kadib bur-burkii dalka iyo dagaalada sokeeye .

Dowladihii Rayidka :-

Wuxuu ganacsiga aas aas ahaan ku saleysnaa nidaamka suuqa xorta ah waxaana jiray in Inta aqoonta ganacsiga leh ee somalida ah ay aad u yaraayeen taana a sababtay in ganacsiga dalka badankii uu gacanta u galo shirkado ajnabi ahaa ama haraadigii gumeystayaasha Talyaaniga .  Sidoo kale dalka waxaa ragaadiyay masuqmaasuq kaa oo suurogalin waayay in hanaanki ganacsi ee dalka ka jiray uu kobco waxaana u sabab ahaa aqoon dari iyo maamulka oo gacanta ugu jiray shirkado iyo dad ajnabi ah . inkastoo xiligaas ganacsiga soomaliya uu aad u dhutinayay hadana wuxuu ahaa bilow wanaagsan , sidoo kale  dadka soomaliyeed kama aysan liidan dadyoowgii kale ee qaarada kula noolaa kuwaaso halgan adag ugu jiray in ay xoriyad buuxda ka qaatan gumaystayaashi.

Maamulkii militariga iyo ganacsiga

1969 waxaa dalka taladiisa la wareegay ciidanka xooga soomaaliyeed waxaana is badalay waxkasta iyo nidaamkasta oo dalka loogu noolaa . waxyaabihi isbadalay waxaa ugu toolmoonaa nidaamki dhaqaalaha ee dalka ka dib markii dalka laga hirgaliyay nidaamki hantiwadaaga ku dhisan cilmigaa oo laga soo dheegtay dalalkii shuuciga ahaa ee uu ruushku hogaaminayay.  hadii si sahlan loo sharaxo qaabka uu dhaqaalaha isku badalay waxaan ku soo koobi karnaa, ka hor nidaamki askarta, dhaqaalaha dalka wuxuu gacanta ugu jiray shaqsiyaad iyo shrikado taasoo ah nuxurka aragtida suuqa xorta ah halka nidaamkii ay dalka ku soo dabaaleen meliteriga uu ahaa in shaqsi iyo shirkado gaar ah aysan yeelan karin dhaqaale u gooni  ah, taaso ah aragtida uu hantiwadaagu ka qabo hanaanka dhaqaalaha .

Aragtida hantiwadaaga ayaa ku baaqaysa in dhamaan dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaba ay waajib tahay in ay maareeyaan dawlada iyo in dhamaan muwaadiniinta dalka ku nool ay u shaqeeyaan dawlada. inkastoo dadka soomaliyeed  dhaqankooda iyo aragtida hantiwadaaga aysan isla jaanqadi karin hadana dadki waagaas joogay si qalbi furnaan ah ayay u soo dhaweeyen nidaamkas , bilowgii maamulkiii meliteriga hormar dhinaca adeega bulshada ah ayay ku hergaliyeen nidaamkii hanti wadaaga waana waqtigii dhamaan shacabka lagu hawlgaliyay qaabkii iskaa wax u qabso , balse dhaqdhaqaaqi ganacsi ee dalka ka jiray ayaa gabi ahaanba istaagay taaso ay kala sinaayeen dhamaan dalalki laga hirgaliyay nidaamki hanti wadaaga .

Nidaamka hantiwadaaga ah ayaa dad badan ay aad u dhaliileen ugana soo horjeesteen waxayna dadka ku baraarugeen in uu nidaamkaan ahaa mid aanan gaarsiin Karin horumar dhaqaale.     sababaha ugu waawayn ee uu hantiwadaagu dalka uga hirgali waayay  waxaa ka mid ahaa in hogaankii xiligaas uusan aqoon dhab ah iyo waayo aragnimo buuxda u lahasayn nidaamki ay  dalka ku maamulayeen iyo dhaqanka soo jireenka ah ee dadka soomaliyeed oo aan marna waafiqi karin nidaamkas . Xiligaa ganacsigii dalka ka jiray waxaa lagu soo koobi karaa in ganacsi buuran uusan dalka ka jirin waqtigaas maadama dhamaan dhaqaalihi dalka ay la wareegtay dawlada , sidoo kale dhamaan badeecadihi dalka dibada looga keeni jiray waxaa la wareegay hay’ado gaar ah oo ay dawladu dhistay , waxaana si toos ah u istaagay hawshii dhoofinta iyo dajinta ahayd ee ay ganacsatada soomaliyed wadeen , waxaana shaqadaas la wareegay dawladii xiligaas jirtay .mudo ka dib waxaa isku  dhacay maamulkii meliteriga iyo dawladii ruushka oo ahayd hogaankii hanti wadaaga ku dhisan cilmiga, isku dhacaas ka dib dawladii soomaliyeed waxay si toos ah u joojisay hergalintii hanti wadaaga, ilaa laga gaaray burburkii dawladii meliteriga hanaanka ganacsi ee soomaliya ka jiray ma uusan ahayn mid si fudud loo qeexi karay , waayo ma uusan ahayn midkii hanti goosadka iyo hanaanki hanti wadaaga midnaba .

Dadka u kuurgala taariikhda  ganacsi ee soomaliya xiliyadii ay dawlada meliteri ay dalka ka talinaysay, waxay isku raacaan wixii ka danbeeyay isku dhacii dawladihi hantiwadaaga iyo dawladi soomaliyeed,  in ganacsiga soomaliya uu noqday mid ku salaysan musuqmaasuq iyo aqoondaro taas oo sabab u noqotay in dhamaan dhaqaalihi dalka uu si aad ah u burburo , sidoo kale waxaa meesha ka baxday qorshayntii iyo maamulki dawladnimo ee ganacsiga , waana taas sababtii ganacsiga dalka uu ugu gacan galay dad aan lahayn aqoontii iyo kartidii uu  ganacsiga guud ee dalka u baahnaa, taasna waxay sababtay in hanaanki ganacsi ee dalka uu galo mugdi  .mana jirin  xiliyadaas ganacsi buuran oo ka badbaaday musuqmaasuq iyo aqoondaro.

Burburkii dalka iyo Ganacsiga

Burburkii dalka kadib wey adag tahay in laga faaloodo iyadoo ay fowdo iyo dagaalo socdeen balse waxaan si kalsooni ay ku dheehantahay u oran karnaa burburkii dawladii soomaliyeed wixi ka danbeeyagy dalka waxaa badbaadiyay ganacsigii ay dadka soomaliyeed bilaabeen.wuxuu ahaa ganacsi ay dadka soomaliyeed ay kaga jawaabayeen baahidoodii aasaasiga ahayd ka dib markii ay meesha ka baxday dawladii agaasimi lahayd nolosha dadka . dhaqaale sidaas u wayn oo lagu bilaabo ganacsi tayo leh ma uusan jirin hadana waxaa la isku dayay in la bilaabo ganacsiga daruuriga ah .arinta  kaliya  ee ay ku  faani karaan dadka soomaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan wixii ka danbeeyay burburkii dalka ka bacdi ayaa ah muujinta ay muujiyeen kartida ay u leeyihiin in ay dalkoodi burburay ay ka hirgaliyaan ganacsi noockasta ah oo runtii badbaadiyay noloshii dadkii ku haray dalka ,waxaan dhihi karnaa waxay ahayd tijaabo geesinimo u baahan balse natiijadii ka soo baxday ay noqotay mid na wada farxad galisay .           Isla waqtigaa burburka waxaa biloowday ganacsi ay duruuftu keentay oo aan ka xusi karno ganacsigii isgaarsiinta iyo midi xawaaladaha maadama badi dakii soomaliyeed ay ku kala lumeen dagaaladii sokeeye ee sida xun la iskugu xasuuqay, waxana durba dalka ka hirgalay shirkado isgaarsiineed iyo kuwo biilasha la iskugu soo xawilo.sidoo  kale waxaa la bilaabay in meelo aad u fog fog laga soo waarido badeecooyin ay ka midyihiin noocyada kala duwan ee raashinka , dharka iyo waliba daawooyinka , kuwaas oo loo qabay baahi aad u wayn Inkastoo masuqmaasuqu uu wali ka marneyn ganacsigaa oo dawooyin iyo raashiin dhacay laga baayacmushtarayay .

Arimo badan ayaan dhihi karnaa waxay sabab u yihiin hormarka laga gaaray ganacsiga ay  dadka soomliyeed ka wadaan meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah , waxana ugu muhiimsan arimahaas, marka koobaad dadka soomaliyeed waa dad aad u firfircoon oo jecel in ay isku biimeeyaan wax kasta oo cusub , sidoo kale burburkii dalka ka dib waxaa meesha ka baxay shaqooyin badan oo laga heli jiray dawlada ,shaqada kaliya ee dalka laga qaban karayna waxay noqotay in  ganacsi la bilaabo ,arinta kale ee ugu muhiimsan sababaha kobciyay ganacsiga soomalida ayaa ah hibada  ay badi dadka soomaliyeed u leeyihiin in ay  hal abuuraan fikrad ganacsi iyo kartida ay u leeyihiin in tijaabo geesinimo ah galiyaan fikirkooda / aragti ganacsi .

Taariikhda dhaqaale ee dalka soomaaliya

Dhaqaalaha soomaaliya waxaa lagu qeexi karaa mid soo maray heerar kala gedisan oo isugu jira ; xili gumeystaha uu ganacta ugu jiray ,  xili uu kobcay laga bilaabo 1960-69 , wuxuu sidoo kale soo maray xili lagu dabaqay nidaamkii hantiwadaaga iyo ugu dambeyn manta oo amni darada dalka ka jirtaa ay hooyo u tahay hormar la aanta dhaqaale ee dalkeena .  Dhaqaalaha soomaaliya ayaa wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool , beeraha , iyo sidoo kale shirikadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha , iyo  sidoo kale iyadoo isku cel celis sanadii 2005 GDPga :- { isku cel-celiska waxsoo saarka dal } soomaaliya ay door muhiim ah ku leeyihiin Beeraha oo ka ciyaara ilaa door dhan 65% , warshadaha oo sidoo kale ka ciyaara 10% iyo adeegyada oo ka ciyaara 25% .    soomaaliya ayaa waxey iska dhoofisaa xoolaha nool , dhuxusha , kalluunka iyo muuska .  waxayna sidoo kale soo dhoofsataa Qalabka wax lagu dhiso , batroolka iyo waxyaabo kale , dalalka ay wax kazoo dhoofsato waxaa ka mid ah djibouti , Kenya , India Oman , UAE , Pakistan iyo Yemen .

Hormarkii Dhaqaale ee 1960 – 69

Kadib xornimadii dalka dadku waxey ku baraarugeen baayacmushtari iyo shaqooyin iyadoo dalku uu ka hergalay maamul dowli ah oo soomaali ay hormuud ka tahay iyadoona dowlada ay abuurtay goobo waxbarasho , goobo horumarineed xag ganacsi , bulsho , caafimaad , isgaarsin iyo horumar dal iyo dad leh  taana waxey keentay in hormar guud oo xaga dhaqaalaha ah uu guda galo dalkii iyadoona sidoo kale ay aheyd biloow cusub oo dowlahii ka dambeeyay ay ku dayadaan .

Hormarkii dhaqaale ee dowladii militeriga

Dowladii militeriga ayaa la is dhihi karaa wax la taaban karo ayay dhaqaalaha ka qabatay iyadoo sanadadii 70kii ilaa 80kii ka hergilisay dalka warshado badan oo kor u qaaday dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo kii dhaqaale ee dalka soomaaliya waxaa la dhisay warshado badan oo sanceeyo khayraadka uu wadanka soo saaro sida qasabka, hilibka, saliida, mooska. Waxaa dhaqaalaha kabitaan muuqda ku biiriyay dhoofinta xoolaha nool oo suuqyo badan loo helay sida suuqa Carbeed..

Badiba xoolaha la dhoofiyo waxay ahaan jireen lab (awr, dibbi, orgi iyo wanan) iyada oo dhoofinta dhediga sedexda duunyo ay mamnuuc ka ahyed in laga dhoofiyo dekedaha wadanka oo dhan sida dekadaha Muqdisho, Berbera iyo Kismaayo.

Warshadeyntii wadanka  ( Industrial Era ) sanadadii horumarinta ee horaantii 1970adii warshadihii hirgelay waxaa ka mid ahaa:

Warsahada Hilibka, Kismaayo

Warshada Sonkorta, Snai Jowhar

Warashada Dharka, Balcad

Warshadii shamiitada, berbera

Warshadii kaluunka , laasqorey

Warshadii labanka afgooye iyo Warshada Kabka Biraha, Warshada Saabuunta, Warshada Caanaha, Warshada Sifeynta Batroolka, warshada cabitaanka fudud iyo Warshada Sigaarka iyo Taraqa oo dhamaan ku yiilay Muqdisho Banaadir

Sicirbararka ( inflation) & Shaqo la’aanta ( Unemployment ) iyo soomaaliya

Sicirbararka iyo shaqo la’aanta ayaa loogu yeeraa labada sheydaan waxeyna dhibaato iyo saameyn weyn ilaa hada ku leeyihiin wadamada dunida iyadoona soomaaliya ay ugu daran tahay sababo badan oo isbiirsaday awadood Ha ugu horeeyso tan shaqsi oo ah in shaqo la’aan iyo waxsoo saar la’aan shaqsiyadeed darted uu qofku awoodi waayo in uu iska bixiyo kiro, ama uu la kulmi waayo himilooyinkiisa maaliyadeed sidoo kale waxey shaqo la’aanta saameyn ku leedahay bulsho iyadoo aan aragno in bulshooyinka dunida ay kaceen sida Masar , Tunisia , yemen, iyo Syria taana waxyaabaha sababay waxaa ka mid ah dhaqaale xumida ha ugu horeeysee shaqo laanta iyo saameynta sicir bararka . Tan soomaalida taariikh ahaan waxey ahaayeen dad shaqo iskood u abuurta ama dowladi ay u abuurto shacabkooda balse dagaaladii sokeeye kadib dalku wuxuu noqday mid dhalinyaro , iyo dhamaan qeybihii bulshada ayaa noqday mid habac shaqo la’aan ahi ay ku dhacday .  sidoo kale Sicirbararka oo ah koror ku yimaada dhamaan maciishadihi iyo adeegyadi dadka ayaa soomaaliya uu sanadba kan ka dambeeya uu isbadalaa siyaabo kala gedgedisan darted .  Shaqo la aanta baahday ee dalka waxaa lagula diriri karaa :-  In la maal-geliyo ganacsiyada yar yar ,  In buldhada loo abuuro xaruumo lagu Barto laguna Horumariyo xirfadaha yar yare e shaqo , Iyo ugu dambeyn in bulshada lagu wacyigeliyo  in ay dalkooda joogaan oo ay wax ka soo saartaan iyadoo loo maraayo saxaafada Edboon .

Gabogabo

Ugu Dambeyn waxaan qormadaan kusoo gabogabeynayaa sedex umuurood oo talo iga ah :-

1- In la helo ama la abuuro Dalad ama Urur aqooneed oo ay ku mideysan yihiin dadka bartay cilmigaa ganacsiga iyo dhaqaalaha oo talo iyo tus’aale ka bixiya sida howshaa ganacsiga ah loo abuuro , loo kobciyo , looga ilaaliyo fashilka iyo sidoo kale in dadkaa soomaaliyeed ee ganacsiga ku jiro la siiyo siminaaro iyo casharo yar yar oo quseeya ganacsiga waana in dadkaa soomaaliyeed ee ku jira dunida ganacsiga ay doontaan aqoonta ganacsiga .

2- In la maal- geliyo ganacsiyada yar-yar ee soomaaliya , laguna dhiiri geliyo han sare oo ah in ay gaari karaan guul ganacsi .

3- Iyo ugu dambeyn in ay fahmaan in fashilka ganacsi yahay wax caadi ah balse hadana mudan in la iska ilaaliyo.

Mahadnaq :

Waxaan u mahad celinayaa waalidiinteyda oo igu soo barbaariyay waxbarashada iguna dhiirigeliyay.  sidoo kale waxaan u mahad celinayaa walaalaheey  c/fataax maxamad Rooble , C/naasir Mohamed Rooble iyo C/rizaaq Mohamed Rooble .

 

Ahmed Mohamed Rooble

Waa arday jaamacadeed , Qoraa iyo Cilmibaare

( amrooble10@hotmail.com )

 

Karachi , Pakistan

 

009203313264579

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Taariikhda dhaqaale & Ganacsi ee soomaaliya ? "

  1. Ibraahim says:

    Runtii waa faalo si taxadar leh iyo si fiiro dheer leh loo qoray oo cidna aan loogu gefin hadeey ahaan laheyd madaxdii dalka soo martay ee hore waxaana dhihi lahaa in dadka soomaaliyeed ay ku daysadaan qoraayaasha iyo aqoon yahana xalaasha ah sida wiilkaan yar ee ahmed ah iyo kuwa kale mideeda kale ahmedoow mahadsanid walaal . Dadaalkaaga meesha kasii wad .

  2. Dhicis says:

    Thanks for the great analysis you did ahmed and i hope you will also talk about many economical , business and social issues but let me tell you something which is not to talk about the political mess of somalia becouse POLITICS IS DIRTY GAME . thanks anyway Sir

  3. Salma says:

    jacfar aflagaadada ma fiicna walaal wiilkana waa aqoonyahan ee adiga maxaa taqaanaa maad soo bandhigtid aqoontaada iyo ragonimadaada mise aflagaado ayaad taqaanaa teeda kale wiilka aamusnaanta wuu u dhashay oo anigaa garanaayo yaraantiisii xitaa ee xumaan kama aha .

  4. Ruqiya says:

    Mahadsanid aboowe waad dadaashay sidaa u sii wad daraasada !!!

  5. heey says:

    ahmed mahadsanid walaal waxaa leedahay fikrado cad cad iyo hal abuur dabiici ah walaal halkaaga kasii wad dadaalka mustaqbalkana dadkaaga iyo dalkaaga wax waad u qaban doontaa .

    mahadsanid