Home » Faallo »

“Lacagta aad masjidka kala baqeesheen waxaa qaadaneyso kaniisada”Q1aad

Assalaamu Alaykum. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu kusaabsanyahay ‘mulaaxadooyin‘ goos-goos ah oo aan kasoo qoray jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Oslo, Norway, mar aan kutagay booqasho gaaban.

Inkasta oo aan maqaalka cinwaan ugu dhigay dhacdo kadhacdey masjidka jaaliyada laakinse waxaan ku soo koobi doona warbixin gaaban oo kusaabsan jaaliyada  iyo dhacdooyin, aniga shakhsiyan iga fajiciyey.

Intiina Europe kunool, qisooyinkaan iyo kuwa kadaranba maalinkasta ayey idinla soo gudboonaadaan, sidaas awgeed, maanta waxaan ‘qoraalkan’ lawadaagaya Somalida ku sugan Africa & wadama Carabta.

Afeef: Waxaan kacodsanaya walaalaha Soomaaliyeed igu soo dhaweeyey magaalada Oslo ineysan uqaadan inaan xumaantooda oo kali ah aan soo aruuriyey oo aan iska indho tirey wanaagooda. Runtii waxaan shaki kujirin inay jaaliyadu leedahay wanaag aan lasoo koobi karin, balse jaaliyada reer Doha oo aan aniga katirsanahay -aad & aad ayaad ugu tayo fiicantihiin!

Sababta Maqaalkan

Sano iyo3 bilood ayaa kasoo wareegtey markii aan ka soo noqday safarkan gaaban ee aan kutagay wadankaas.  Duruufta noolasha, iyo anigoo waqtigeyga ii habeesneyn ayaa  keentey inaan lasoo daaho qorista maqaalkan; ayadoo ay sidaas tahay ayaa hadana waxaa ila soo gudboonaaday qiso igu kaliftey inaan maqaalkan oo aan horay ugu meermeerayey qora !

“Ma Soomaaliyad baad tahay?”

Mudo iminka laga jooga 3 isbuuc, waxaa xafiiskeyga kusoo dhacay telephone ‘number’ dibida ah oo aan ufahmay in laga soo gudbiyey receptionka meesha aan kashaqeeyo. Waxaa kaloo dhici karta inuu ahaa telephone toos loo soo direy sida ay doontaba numberka halagu soo helee, meesha aan kashaqeeyo oo ah meel dadka soo muslimah wax lagu baro laakinse dad badan ayaa uhaysto goob dadka laga taakuleeyo

Haddii aan kajawaabey telephoneka, mise waa qof dumar ah oo ku hadlaysa luuqada Englishka laakinse ay  kamuuqato inaay ku adagtahay!

Ayadoon magaceeda, meesha ay kasoo hadlayso iyo cida ay dooneyso  midna sheegin ayey hadalkeeda kubilowday sidaan:

“I want help… they want take my 3 children…my country is civil war! I am a Muslimah! Please, help me…please I need…”

Cabaar haddii aan kuwada hadleyney English jajaban waxaa ii cadaatey inay tahay ‘gabar’ Soomaaliyeed.

Ma Soomaaliyad baad tahay? Maxaa dhacay oo caruurta lagaaga qaadanaya? Maad  kala carartid meesha? Meeyey aabahood”  Iyo su’aalo kale oo aan horay udiyaarsan ayaan si hal-haleel ah kuwaydiyey!

Faranax iyo filanwaa kadib, waxaay lasoo boooday: Ma…ma Soomaali baad tahay? walaal musaacado ayaan ubaahanay oo dhibaato weyn ayaa iheysata?

Afsoomaaligeeda waxaad kadareemeysa inaysan Somalia kudhalan, ama mudo hore ugu danbaysay! Waxay sidhiilo leh iigu sheegtey in xaaladeedu tahay ‘Bariga Dhexe’.waayo 3caruur ah oo ay dhashay ayaa qarka usaaran in lagala wareego! Waxay raadinaysa wadan islaam ah oo aan Somalia aheyn oy kula cararto!

“Ilmaha oo lagaa qaato” waa arin caan ku ah dadka Muslimiinta ee uguuray wadama Europe guud ahaan, gaar ahaan Soomaalida. Waa arin ku adag hooyo Soomaaliyeed oo caruurteeda kala soo carartay xabada iyo dhibaatada Somalia in lagala wareeg ayadoo indhaheeda shanta yihiin!

Hooyadan Soomaaliyeed, waxaay  la’oynaysa, waxay ogtahay marka lagaqaato caruurtan in mustaqbalkooda ‘diineed & dadnimo’ intaba ay su’aalo badan kataaganyihiin! Waxaay diin ahaan aaminsantahay inay ayadu uqoolantahay maalinta Aakhiro haddii ay caruurtaaan ku koraan diin aan aheyn tii ay kudhasheen!

Mar ay kawaramaysay xaalada caruurta,waxaay igutiri: Caruurtu tiro ahaan waa 3 oo waxay sitaan baasaboor Swedish ah laakinse waxaan daganahay wadanka Norway. “Dhibka oo dhan” sida ay ii sheegtey waxaa kadanbeeya caruurta aabahood. “meel aan ula cararana garanmaayo’ Ayey kusoo gabagabeysay!

Anigoo aad uqadarinayo telephoneka qaaliga(international call) ee ay kuhadlayso, waxaan usheegey inan meeshaan (aan kashaqeeyo) aan wax caawimaad ah laga bixin, hase ahaatee waxaan siiyey cinwaanada hay’adaha samafalka wadankan, anigoo weliba ugu xogwaramay siyaasadaha ay kushaqeeyaan oo runtii aan ayada waxba utareyn!

Telephoneka markii aan isa saaray ayaan kor iyo hoos eegey anigoo ka kacay korsigii aan kufadhiyey. Waxaa igu soo duxay qisooyinkii qaar kamid ah aan kusoo arkey intii yareed ee aan Norway joogey!

Waxaan isweydiyey waxa aan shaqsiyan uqabankaro caruurtan intaan gacanta lagu dhigin, iyo dowrka aan ku yeelankaro  maalinta Aakhiro iyo marka  kiiskooda laqaadi doona!

Waxaan sidoo kale isweydiyey dowrka Sheekh Shariif, Madaxweynaha Somalia & Ra’isal Wasaarihiisa ay kuyeelan karaan maalinta maxkamadaas ay kadhicidoonta Allah hortiisa maadama ay “gar iyo gardaraba” qoorta uriteen xilka umadaan!

Maalmo haddii aan rogrogaayey sidii aan kayeelilahaa, ayaan go’aansadey inaan laxariiro qaar kamid ah odoyaasha jaaliyada haddii ay wax gurmad ah bixinkaraan iyo inkale.

Nasiib daro, qaarkood telephonka iyo emailadii aan udirey midna iigama soo jawaabin, meesha ay qaarkale iisheegeen inaan arintaan waxba laga qabankarin oo dhacdooyinka noocan ah ay faraha kabateen. Waxay  igu soo kordhiyeen intii (sanadka aheyd) ee aan kasoo maqnaa- intaas oo qoys xarada loo madoobeeyey!

Marka ay arin halkaas marayso ayaan go’aansaday inaan idinla wadaago sheekadan iyo sheekooyinkale oo aan lasoo kulmey intii yareed ee aan meesha joogey cimro ahaan iyo inaan Allah kumahadino naga badbaadiyey imtixaanka noocaas ah.

Warbixin kooban Jaaliyada reer Oslo

Somali kor udhaafayso 10 kun ayaa lagu sheegaa inaay kusuguntahay magaala madaxda wadanka Norway, Oslo oo hoy u ah dad lagu qiyaasay 500,000, waana magaalada ugu dadka badan wadanka oo dhan.

Duruuf adag oo meesha kajirto awgeed, majirto xaafad gaar ah loo yaqaan ‘xaafada Soomaalida’, sida lagu yaqaan dibid jooga Soomaaliyeed.

Xarunta kali ah ee jaaliyada isku xirta waa masjid yar oo kuyeela magaalada hoose!

Waxaa la’iisheegey isqab-qabsiga Soomaalida ay keentey inaay jaaliyada yeelanwaydo rug laga hogaamiyo! Arintaas oo astaan u ah dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadanka dibidiisa kunool.

Su’aalo maankeyga kusoo dhacay markaan dhex istaagey magaalada Oslo!Wax waliba waxay kugu noqonayaan qariib! Laga soo bilaabo luuqaqada ay waxweliba kuqornyihiin ilaa ilaa qaabka wadooyinka loo maro!

Qof geel kuraaci jirey dhul cimiladiisa isu dheeli tiranyahay waa ku adagtahay inuu laqabsado meeshaan! Sideed ula qabsan meel dadkii udhashayba aysan kucalool fiyoobeyn oo dhowrkii biloodba ay kasafraan oo aduunka kale udalxiis tagayaan!

Tolow ninkii uhoreeyey ee Soomaalida meeshaan usoo sahmiyey markii uguhoreysey muxuu warbixin kudhiibey inuu soo arkay? Ma lacag doonbuu ahaa mise nabad darteed ayuu halkaan usoo gaaray?

Dadka wadanka dagan oo dhaqan, diin iyo deegaan aan intaba ku kala fognahay, maxaa ku qanciyey inaay dadkan soo dhaweeyaan?

Soomaalida reer Oslo inkasta oo ay wadankii kafogyihiin kumunaan kilometer hadana xaaladooda waxbadan kama duwana kuwa dalka kuharey. Colaadkasta oo wadanka ka soo cusboonaataba waxay ku abuurtaa xiisad iyo kalaqeebsanaan dhexdooda ah.Telephonekii  soodhacaba wuxuu usidaa war dhiilo leh oo ay waxbo kaqabankarin!

Dadka waxaay ukala qaybsanaayeen koox ahaan iyo sida uu xaalka wadanka yahay iminka marayo!

Isbahaysiyada kudhisan goboleysiga iyo qabiilka sidaas uguma sii xoog badneen.

Dadku waxay kusuganyihiin xaalad-geedi, cabsi xaga diinta ah laakinse uma cado meesha ay ugu siiguurilahaayeen wadankan.

Qaarkood, Europe dugaheeda ayey hadba wadan uguuraan kumeelgaar ahaan, meesha qaarkale, wadamada Africa iyo Asia hadba caruurta meel uraraan ayadoon loo sahantagin!

Fadhi kuduriirkii masjidka magansaday

Mar haddii wadanka laga soo fogaaday, qofkasta oo doonaya inuu lasocdo xaalada uu dalka marayo, waa inuu yimaada meelaha ay odayaasha isku wareestaan ee looyaqaan ‘Fadhi kudirir oo inta abadan ah maqaayad ama geed hoostiis marka Africa lajooga.

Maalmihii iigu horeeysey ee aan masjidka jaaliyada soo galey, waxaan arkaayey odayaal had iyo jeer masjidka kusugan. Masjidku aadbu ugu buuq badanyahay masaajidyada kale ee magaalada. Marar qaarkood, waxaad arkaysa odayaal lakala jiidaya oo ay sheekada kaxumaatey.

Markaan sii waraystay waxa kuqasbay inaay masjidka lasoo aadaan fadhikudirirnimada, waxaa la’iisheegey ineysan jirin maqaayad lafadhiisto dhowr saacadood oo lagu dooda, sidaas awgeed waxay dadtu dhaafin weydey inaay masjidka saldhig kadhigtaan!

“Maqaayadaan yaa iska leh?

Waxyar kahor markii aan wadanka tagey, waxaa lafuray maqaayad Soomaaliyeed oo runtii aad loogu baahnaa laakinse waxaay kudhamaatay Sheeko qusul badan kadib markii ninkii Soomaaliga ee meesha lahaa iska safrey isagoo kaga sii tagey dhalanyaro qaxooti ah oo aan weli sharci (ay kushaqaystaan) qaadan!

Qolo dowlada-hoose ka socota ayaa meeshii soo istaagey ayadoo meesha ladhoobanyahay, haddii ay weydiyeen cidi meesha iska leh,nin weliba hoosta ayuu kadusay! Magaranaayyo inaay Soomaalida dhexdeeda isdacweeyeen iyo inkale!

Markii lawaayey  cid mas’uul ah oo sheegato ayaa telephone loo direy ninkii dhismaha lahaa oo lawaydiyey cida ka kireysatey! Wuxuu usheegey in nin Soomaali ah oo magaciisa layirahdo…. Warkii oo kooban, furo ayaa lagu jabiyey ilaa iyo amar dambe!

Walaalyaal warkii waa ila dheeraadey, cinwaankii maqaalkana weli magaarin,halkan ayaan kuyara hakanaynaa. Waa inoo markale iyo qeybta 2aad, inta korayso waa Adam Abuzuhri oo idinleh: Somali ha israacdo, Rabbigeedna ha utowbadkeento.

Wasalaamu Alaykum Warahmatullah.

 

Adam Abuzuhri Al-Hasani
abuzuhri1@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “Lacagta aad masjidka kala baqeesheen waxaa qaadaneyso kaniisada”Q1aad "

  1. Abdulkadir says:

    Walaal macaan runtii waa sidaa nolosha somalida dibada ku nool , waa wax qiiro iyo xanuun badan mar walbo oo aad sii fiiriso somalida dibada ku nool.
    Waxaa jirta oo aan mar walbo is waydiiyaa aaway somalidii lagu yaqaan xushmada , wanaaga , isjeclaanta somalinimo iyo weliba xushmada iyo kor u qaadida diinteena wanaaga badan? illaah somali ha tuso wanaaga somalinimo iyo diinteena wanaaga badan aamiin aamiin aamiin!

  2. cali says:

    wooow! aad baan ugu riyaaqay run ahaantii mawduucaan waana loo baahnaa,meel fiican asaga oo marayana waad nagu kala gooysay, ee noo soo boobsii fadlan adoo mahadsan,,, maqaalladaadana run ahaantii aad bay ii cajabiyeen ilaahay hakaa abaal mariyo sida aad noogu faaidaynayso …salaamaad