Home » Warar »

Banaanbax looga Horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho


Waxaa qaybaha ay ka arrimiso Dowladda Federaalka Maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga iyo Shirka uu ku baaqey waxaana ka qayb galey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Xoogaga Wadniyiinta , Ururka Istagga Dhaliyarada Soomaaliyeed , Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Banaanbaxaan oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaabdir ayaa dadkii ka qaybgaley Banaanbaxaas waxay siteen Boorar ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen”Doonimeyno Shirka Nairobi, Mahiga wuxuu doonayaan in uu burburiyo Dowladda Faderaalka , Aaya ka talinta Arrimaha Soomaaliya waxaa leh Dadka Soomaaliyeed iyo Ereyo kala oo lagu cambaareynayey ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Dadka  Banaanbaxayey oo markii dambe isugu soo ururrey Fagaaraha Dugsiga sare ee Booliiska ayaa waxaa la Hadley Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhicisow oo sheegey in Culimada Soomaaliyeed ay taageersan yihiin Mowqifka Dowladda Federaalka ee ah in aysan ka qayb gelin Kulaankaas oo uu ku tilmaamey mid lagu hagardaameynayo Shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegey in Soomaaliya aysan maanta u baahneyn kala qaybin iyo Tafaraaruq isagoo sheegey in loo baahan yahay in la xoojiyo Hayadaha Dowladda

Waxaa kaloo kulankaas ka Hadley Xoghayaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Faadumo Aadan Cosoble ayaa sheegtey in Haweenka soomaaliyeed ay hiil iy Hooba la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Mowqifkii ee ay ka qaadatey ka qayb galka kulanka Nairobi  iyadoo ugu baaqdey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya in texgeliyo Rabitaanka Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed

“Waxaan Mahiga ugu baaqayaa in uu deg deg u joojiyaa Shirkaas maadaama ay ka soo horjeedaan Shacxabka Soomaaliyeed , sidoo kale waxaan ka soo horjeednaa in shir dambe lagu qabto dalka dibadiisa “ayey Tiri Faadumo Aadan Cosoble  oo ugu baaqdey shacabka soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan Hagardaamada uu wado Mahiga

Banaanbaxa ayaa inta uu socdey waxaa Gabayo , Buraanburo  iyo Shiribyo looga soo horjeedo Mahiga ku soo bandhigey Fanaaniinta soomaaliyeed iyo Kooxda Barbaarta Gaashaaman waxayna sheegeen in Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliyee uu yahay nin doonayao in soomaaliya uu qaybqabiyo Gobol Gobol islamaarkaan waxay sheegeen in uu doonayo in uu iska horkeenno Shacabka soomaaliyeed waxayna u soo jeediyeen Qaramada Midoobey in deg deg loo bedelo ergeygaas oo ay sheegeen in Faraha la galey Howl aan loo Xil saarin

WD Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Banaanbax looga Horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho "

  1. horat soomaliyeey marka hore sallaan salaan ka dib aan mid isku raacno wax walba dhaqaala ayaa naga hor istaagsan war waan ka maaranaa un au eu iyo arabs hadii aynu anaga hal cod iyo hal go,aan yeelano waayo i dheh?1milion soomaali ka badan baa qurbo joogto ka ganacsato ka shaqeeysato wax ka barato hadii wadan walba gudi loo sameeyo soo aruuriya bil walba 10dlr muwaadin walba oo soomaali ah wuu ogalyahay baan filayaa hadii aynu rabno in wadankeena aynu wax u qabano 10dollar waa lacag aanan dareemayn xitaa hadii aad cayr qaadatid marka waa in dowladu ku mashquushaa gudi u sameeyna soomaalida qurbaha ku nool iyo shirar loo qabto oo looga dhaadhiciyo mowduucu meesha uu u jeeso sanadkii waa 120 milion oo dlr ma un baa dowladaha ay soo dhieseen ee soomaliyeed sanadkii dowlada soomaliya faraha ka saara qarashkaas 50kun oo askar soomaali waxaa ka badan qarashkooda iyo mushaarkooda 5omln oo dolar,hadii ay dowladu hesho lacagtaas iyo ciidankaas waxeey helaysaa canshuuraad iyo hayadaihii dowliga oo si wacan u shaqeeya oo waa aynu kori laheeyn sanad walba,marka warkii oo kooban aan sitaajino wiilasha yar yar ee soomaliyeed oo aan qaan gaarin oo maalin walba madfaca ku dhamaamnay iyo hooyooyinkeen oo maalin walba ooyay oo aan ka daawano teleefishinada caalamka lets STOP THIS WRIGHT NOW.war aan is qaban qaabino oo wax walba waa organization ee aanis qaban qaabino,habeen hore waxabn daawanayey somali channel markaas baa oday fadhiyey waxa la weeydiiye see u xalin karnaa dibka soomaliya heeysta markaasuu ku jawaabay talyaani aan u tagno oo aan niraahno adaa walba dhisaye hadana kaaley noo dhis, waa muraal dilaacay wallaahi anaga ja jabiyey dowladeenii iyo calankeeni aawey ragii lahaa waxbaan hogaamin karnaa waa kuwaa leh talyaani aan u tagno.miskiin talyaani maxaa dan ah oo ugu jita in uu qarashkaas iyo shaqadaan kuu galo?dhalsho aan soomaalinimo ku badalan lahaa ma jirto hadii aan helo soomaliyoo nabad ahan baasboorka eu ee wato waan celin ilaahbaa marqaati iiga ah,proud to b soomaali.somali unit..peace