Home » Warar »

Maamuul Goboleedka Pundland oo wada Qorshe ay ku Heshiisinayaan Ururka Ahlu Sunna oo Dhawaan Laba Hogaan kala sameystey

“…Mahiga wuxuu Hilmaamey wixii ay Qaramada Midoobey u soo Magacowdey…”

Iyadoo dhawaan uu Khilaaf soo kala dhex galey Ururka Ahlu Suunna ee Gobolada Dhexe  ka dib markii ay laba shirk  ay ku kala qabsadeem Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud  kuwaas oo kala sameystey laba Gudoomiye iyadoo taasi ay jirto ayaa warar aan ka helney Magaalada Garoowe ayaa waxay sheegeayaan Mamulka Pundland uu ku howlan yahay sidii uu u heshiisiin lahaa ururka Ahlu Sunna inta aan la gaarin shirka ay ku baaqdey Qaramada Midoopbey ee 12 Bishaan lagu qaban doono Magaalada Nairobi.

Kulankaan lagu heshiisiinayayo Ururka Ahlu Suna ayaa la filayaan in labada dhinac ay ka qayb galaan waxaana la sheegey in Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Caabdud Waaq ay ku sugan yihiin ergo ka socota Maamulka Pundland kuwaas oo Doonaya in ay ka dhaadhiciyaan  labada dhinac qayb galka kulankaas.

Waayadan dambe waxaa soo noq noqonayey Khilaafaad u dhaxeeye Ururka Ahlu Sunna waxaana hore u dhacay kulumo lagu heshiisiinayey Ururka Ahlu Sunna kuwaas oo aan laga gaarin wax Natiijo ah sidoo kale Ururka Ahlu Sunna ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa la sheegey in ay iyana  ka hor yimaadeen Kulankii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuuso Mareeb ee lagu doortey Hogaan la sheegey  ay ku mideysan yihiin Ururka Ahlu Sunna.

Khilaafka soo kala dhex galey Uurka Ahlu Sunna ayaa wuxuu saameyn ku yeesheey Ciidamadii ku sugnaa Gobolada Dhexe waxaana deegaan kala Bayr e Gobolka Hiiraan  soo gaarey Ciidamo aad u fara badan sida uu noo sheegey taliyaha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaankaas oo lagu magacaabo Caga Joof wuxuu sheegey in Ciidamadii Ahlu Sunna ee ku sugnaa Gobolada Dhexe ay u qaybsameen Qabiil Qabiil isagoo sheegey in Ciidamada Soo gaarey Kala Bayr ay gaarayaan ilaa Boqol iyo Labaatan Askari.

Taliyaha ayaa sheegey in Sababaha ay ciidamadaas uga soo tageen Gobolada Dhexe ay tahay ka dib markii ay is Khilaafeen Hagaankii Ururka Ahlu Sunna ayna kala sameysteen Laba Hagaan

Kulanka la filayo inuu ka dhaco Magaalada Garoowe ayaa waxaa la doonayaa in lagu soo afjaro Khilaafk u dhaxeeya Ururka Ahlu Sunna hase yeeshee dadka Saadaaliya arrimaha ay isku hayaan labada dhinac waxy leeyihiin in ay adkaan doonto in la dhameeyo Khilaafka u dhaxaayey labada dhinac.

Sababaha keeney in Xiligaaan laba hogaan kala sameystaan Ururka Ahlu Suuna ayaa ku timid  markii Qaramada Midoobey ay sheegtey in Magaalada Nairobi uu ka dhacayo Shr Dib u Heshiisineed  waana wax Caadi ka noqdey Dalka Soomaaliya  in uu Khilaaf uu yimaado marka la yiraaho shir baa lagu qabanayaa Dalka dibadiis sidoo kale waxaa uu uu saameeyey qabashada Kulanka Nairobi Maamul Goboleedyada Dalka jira waxaa Maamulada qaar kood ay u kala jabeen ilaa Afar Maamul  waxaana Xafiiska Qaramada Midoobey soo gaaraya Waraaqo fara badan oo mid weliba uu sheeganayo in uu yahay Maamulka saxda ah

Shirka Nairobi ayaa  waxaa ka horyimid Mucaaradad aad u weyn ka dib markii ay qaadaceen Dowladd Fedraalka , Maamuka Soomaaliland , Xildhibaano iyo Maamul Goboleedyo ka dib markii ay sheegen in ergeyga gaarka ah Soomaaliya uu faragelin uu ku hayo arrimaha Soomaaliya islamarkaa uu doonayo in uu kala qayb qaybiyo Gobolada Soomaaliya sidoo kale  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegey in Mahiga uu iska dhigayo nin Soomaalida ay dooratey iyagoo sheegey in uu hilmaamey wixii Qaramada Midoobey u soo magacowdey.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maamuul Goboleedka Pundland oo wada Qorshe ay ku Heshiisinayaan Ururka Ahlu Sunna oo Dhawaan Laba Hogaan kala sameystey "

  1. wiil waamo says:

    Aniga waxaan qaba mesha wax la heshisiyo in aysan jirin Maamulka Ahlsuna ee rasmiga ah waa Kan Cabudwaaq ka dhisan waxaa ka soo hara waa niman qol mugdi ah isku dortay Ahlusuna Konfur galbeed masulka ugu sareyay Sh,Maxamed Aw-Libax waxaa u edeyay qolada dhusamareeb waxa una yiri waxaa anagu u aqonsanahay Ahsuna waa groupka cabudwaaq

    Marka FAROOLE Meel ugama banana

  2. waayeel says:

    Madaxweyne Faroole waa geesi libaax ah oo nabad jecel. Laakiin hada waxaa looga fadhiyaa in dardar geliyo maamulka Puntland

    Faroole waa ninkii ciyaarihii gobalada Somalia qabtay 20 sano ka dib
    Marka waa wax fiican in Ahlu Suna la isu keeno, laakiin waa in ay taageeraan siyaasada Puntland