Home » Maqaallo »

Maqaal:Agustin Mahiga oo Noqday Caqabada dawladnimada Soomaaliya

Tan iyo intii la magacaabay Ergayga gaarka ah ee xoghaya guud ee Q,M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Dr: Agustin Mahiga, ayaa waxaa dalka Soomaaliya hadheeyey khilaafaad cusub iyo kala qaybsanaan joogto ah.

Taasoo u kala baxday labo qaybood, mid u dhaxaysa dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya dhexdeeda, iyo weliba maamul goboleedyada qaarkood. Khilaafka ayaa waxaa kii ugu weynaa ee saldhiga u ahaa gacantiisa ku curiyey Mr: Mahigam ka dib markii shir qabsoomayey 15kii bishii Janaayo si isku mid ah uu ugu casuumay magaalada Jabuuti Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Waxaana arintaas oo Mahiga ula jeeday in uu madaxa isugu geliyo Soomaalida diidey Madaxweyne Sh Shariif, oo sheegay in dalka Soomaaliya ay dawladda leedahay taasina ay ka mas’uul tahay,waxaana Faroole oo arintaas ka jawaab celinaya uu ku dhawaaqay in ay kalsoonidii kala noqdeen dawladda Soomaaliya, inkastoo dawladdu ay tahay 4.5, Soomaali oo dhana ay u dhan tahay. Dr: Mahiga ayaa wuxuu waxii ka danbeeyey maalintaas ku sii labo lixaadsadaty sidii u sii hurin lahaa khilaafaadka Soomaalida dhexdooda ah,  asagoo ka Weecday dhamaan arimihii loo igmaday oo dhan.

Agustin Mahiga, wuxuu kaloo aad uga dhex shaqeeyey isku dhufashada iyo kala fogeynta Barlamaakna iyo xukuumada, Iska horkeena Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlaamanaka iyo weliba inuu beesha caalamka warar khalad ah uga gudbiyo dawladda KMG ah{Bad Image}.

Wakiilka QM, ee arimaha Soomaaliya ayaa hada u eg nin ku hawlan inuu Soomaalida sii kala fogeeyo waxaana arintaas sharaxaya xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya” Waxaa uu kala dhantaalay wada shaqayntii dawladda dhexdeeda siiba Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha asagoo u kala keenay labo casuumaad” ayuu yidhi Xildhibaan Ahmed Ugaas, oo ah xildhibaanada sida weyn u fahmay dhagarta Dr: Mahiga.

Mahiga ayaa sadex maalmood ka hor socdaal uu tegay magaadala Muqdsiho, wuxuu kulan gaar gaar ah la kala yeeshay madaxda sar sare ee Soomaalida, waxaana arinta Fajicisada umadda Soomaaliyeed ku noqotyay ay tahay ka dib markii dawlad isku mid ah uu u kala geeyey Casuumaado kala socda, oo aan isku dhegeneyn taasoo muujinaysa sida uu u kala qaybinayo dawladda Soomaaliyeed {Separate invitations}.

Waxaana taasi ay cirka ku sii shareertay Tuhunkii la qabay ee Mahiga oo Toosh ku sii ifisay ku Luglahaanshihiisa kala Irdheynta dawladda Soomaaliya dhexdeeda.

Ujeedka casuumadahan kala socda ayaa wuxuu yahay hal shir oo lagu qaban doono magaalada Nairobi, kaasoo sidoo kale lagu casuumay dhamaan maamul hoosaadyada ka jira Soomaaliya, waxaana golaha wasiirada ee Soomaaliya oo ah hay’ada fulinta ee dalka ay ku tilmaantay shirkaas mid aan Faa’ido u lahayn shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba.

Waxaase muuqata in Mahiga oo qorshe dahsoon wata, isla markaana Jaalafeynaya horu socodka hawlaha dawladda Soomaaliya ee dhanka Amaanka uu iska dhego maray arintaan, waxaana sida la sheegayo jira qorshe dahsoon oo ay iskula socdaan Puntland iyo maamulka Somaliland, kaasoo la doonayo in labadaas koxood lagu wareejiyo madaxtinimada dalka ka gadaal dhamaadka bisha August  ee sanadkan. Dawladdana looga baajiyo horumarkeeda dhanka Militaryga iyo weliba dhanka soo jiidashada shacabka Soomaaliyeed oo hada ay dawladdu aad ugu Hawlan tahay.

Dadka qaada dhiga Siyaasada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Mr: Mahiga, inuu yahay wakiilkii ugu horeeyey ee si cad u muujiya in aan beesha caalamku dooneyn dawladnimo ka hana qaada geyiga Soomaaliyeed taasoo xejisa midnimadii iyo aminigii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee mar ka mid ahayd dalalka ugu Quwada weynaa Afrika.

Shacabka Soomaaliyeed oo inta badan aaminsan in dunidu aysan Soomaaliya nabad la dooneyn, marka laga yimaado khaladaadka Soomaalida dhexdeeda ahna dhibka ugu weyn ay ku hayaan dawladaha caalamka iyo welib QM, ayaa tuhunkaasi marba marka ka sii danbaysa sii badanayaa, waxayna hada xaajadu u muuqataa in Soomaaliya ay noqotay meel lacago lagu cuno oo wax lagu dilaalo, taasoo ay ka faa’idaan dadyoowga u shaqeeya Hay’adaha kala duduwan ee UN-ka iyo weliba shakhsiyaad koobani.

Agustin Mahiga shakigan laga muujiyey ayaa ah mid ay ka midaysan yihiin dhamaan xildhibaanada Soomaalida oo wax yaalo kale ku kala gedisan, dhawaan ayey markii Xildhibaan Ahmed Cawad Cashara oo asaguna madax u ah gudiga Warfaafinta ee Barlamaanka uu ka dhawaajiyey in Mr: Mahiga uu Qasayo arimaha Soomaaliya, isla markaana uu dano gaar ah ka lee yahay in khilaafka Soomaalida dhexdeeda ahi soo xogaysto.

Baaq uu shalay soo saaray Mahiga ayaa u ekaa mid uu iskaga dhego marayey baaqyada dawladda Soomaaliya ee la aqoonsan yahay iyo weliba rabitaanka shacabka Soomaliyeed oo ka daalay shir debeda ah iyo weliba farogelinta dalalka Deriska ah ee arimaha Soomaliya.

Dr: Mahiga hada wuxuu u muuqda inuusan tixgelin badan u hayn jiritaanka dawladda Soomaaliyeed, Ururada Bulshada rayidka ah,dawladahaa deriska ah qaarkood sida Djibouti iyo  Saxaafada Soomaalida oo ayaduna aad wax uga qortay in aan loo baahneyn shir debeda ah, waxaana xaajadiisu hada u eg tahay nin meelu ka cadahay meelu ka madoow. Taasoo la doonayo in Soomaalidu ay Aayahooda ka tashadaan si aan loo bahdilin.

Waxaana xukuumada Soomaaliya looga baahan yahay inaysan qaadan waxkastoo loo yeedhiyo, ayadoo ka mas’uul ah dalkan iyo dadkan, waxaa kaloo muuqata in hab dhaqanka wakiilka QM ee Soomaaliya uu yahay qaab keligiis talisnimo iyo ku xadgudubid arimaha Daakhiliga ee Soomaaliya, taasoo uusan xaq u lahayn.

Shacabka  Soomaaliyeed waa inay garwaaqsadaan inaysan jirin cid u ogol dawladnimo iyo qaranimo, sidaas daraadeedna ay isku tagaan sidii ay dawladdooda u taageeri lahaayeen, ayagoo ka fogaanaya Jalaafooyinka dadka danaha shakhsiyadeed iyo siyaasadeed ka raadinaya dadyoowga shisheeye. Xukuumada cusub ee mudada afarta bilood ah jirtey waa mid qabatay waxyaalo waa weyn oo ay tahay in lagu Hambalyeeyo laguna taageero.

Waxay is dhab ah u soo celiyeen hankii umadda Soomaaliyeed,  Waxay kaloo soo bandhigeen hab maamul oo heer sare leh, ayagoo ka taqalusay waxii la odhan jirey Musuq-maasuq, kaasoo inta badan ay caan ku ahaayeen dawladihii ka horeeyey. Waxau bilaabeen daryeelida ciidamada qalabka sida, oo ay Mushaharaadkoodi si joogta ah u siiyaan mudadii yarayd ee ay xilka hayeen.

Waxay horumar ka gaadheen dhanka Amaanka, Is xidhnaanta shacabka iyo welibna inay diyaariyeen miisanadiyadii dawladdu ku shaqayn lahayd taasoo markii u horaysay Barlamaanku meel mariyo, waxay kaloo si weyn u wada dabooleen dal daloolo dawladda lagu dhaliili jirey.

Kooxdan hada ku jira golaha wasiirada ilaa Ra’iisal wasaarahoodu waa niman ay ka muuqato Far Soomaaliyeed, kana madax banaan shanbad shisheeya, waa niman aqoon leh, kartileh, waa niman isku tiirsan, hadalkoodu yar yahay hawshooduna badan tahay.

Waxaa la odhan karaa waa rajadii umadda Soomaaliyeed markale dunida uga mid noqon lahaayeen, waana taas tan hada muuqata in dagaal ba’an lagula jiro, ayadoo la adeegsanayo maamulo Soomaaliyeed iyo mas;uuliyiin barlamaani ah.

Waxaan ku boorinayaa shacabka sharafta leh ee Soomaaliyeed in si dhab ah looga hortago Fadqalalooyinka uu hada wado xafiiska UNPOS ee uu horboodayo Mahiga. Waa in la helaa shacabka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah{Diaspora}, inay soo saaraan liis ay magacyadooda ku xusan yihiin isla markaana uga soo horjeesanayaan dibindaabyadan iyo shirkan Shirqoolka ah ee Nairobi.

Kaasoo si weyn u daciifinaya jiritaanka Shacabka Soomaaliyeed , madaxbanaanidooda iyo Qaranimadoodaba. Waxaa hubaal ah in hadii aynaan hadlin cidna aysan inoo maqnaan doonin” Nimaan hadlin hooyadiina wax ma siiso!. Sidaas daraadeed shacabka Soomaaliyeed gudi iyo debedba waxaa laga rabaa inay arintan ka gil gishaan, kuwa gudaha waxaa laga doonaya inay is abaabulaan sida Ururada bulshada, Haweenka , Culimo’awdiinka, dhalinyarada iyo dhamaan Laamaha kala duduwan ee shacabka Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah. Ma aha inaynu maalinkastaba aragno ayadoo dad Soomaaliyeed loogu yeedhayo gogol Garnaqeed oo hadana la isku sii Cakirayo .

Waxaa la jooga wakhtigii aan dalkeena dib u dhisan lahayn, dawladnimo hiigsan lahayn, qabiil cid ku taageerid iyo maamul dano gooniya wataa cid meela ma gaadhsiiyaan. Waan ognahay in maanta waxa keliya ee Bulsho, Koox, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo cidkastaaba wax ku noqon kartaa ay tahay dawladooda oo dhisan, dalkooda oo jira, qarankooda iyo caasimadooda oo xasiloon. Taasna maanta waxay ku jirtaa gacmaha shacabka Soomaaliyeed, inay dalkooda ka saaran kooxaha Ajaaniibta ah ee inagu soo duulay iyo kuwa miiranaya dhiiga shacabkeena , isla markaana u fadhiya dalalka deriska. inay magaceena wax ku cunaan inagana inagu Lug qabtaan isla deeqihii caalamiga ah. Dawladda Soomaaliyeed, sida Madaxweynaha Ra’iisal wasaaraha, Golaha wasiirada iyo barlamaankaba waxaan u soo jeedin lahaa, inay shacabkooda ku Hogaamiyaan wadada saxda ah, xukuumada waxaan ku boogaadineyaa sida ay u muujinayaan madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya, ayagoo tusinaya in markastaba in Soomaalida la isku diro ay diidi karaan, taasoo runtii muujinaysa dawladnimo sax ah iyo mas’uuliyad Tooboon.

Golaha barlamaanka waxaa laga doonaya in ay ka waantoobaan Garab roorka xukuumada, kuna ixtiraamaan in xukuumada hawlaheeda dastuur fushato, arimaha xidhiidhka caalamiga ah{International Relations}  ay uga danbeeyaan xukuumada, kana dayaan Khilaafka joogtada ah, caawiyaan ciidamada qalabka sida ee ku foogan xaqiijinta amniga iyo kala danbeynta Soomaaliya. Kana shaqeeyaan sidii bulshada iyo goboladii ay ka yimaadeen ay waciyi gelin macaanka dawladdnimada u gaadhsiin lahaayeen bedelkii ay ku mashquuli lahaayeen Jalaafeynta xukuumada iyo ku dhex milmida shakhsiyaad dano gaar ah leh oo u adeegaya dano shisheeye.

Gabo-badii, waxaan shacabka Soomaaliyeed markale lee yahay aynu isku taagno gaadhitaanka dawlad rasmi ah, aana ku taageerno dawladdena hada jirta oo ilaa hada u eg mid ka talinaysa Aayaheena in aan Hiil iyo Hooba isla garab taagno, kana Rawno waraabaha haliilaya ee adeegsanayo kuwo Midabka iyo  Afkaba inooga eg laakiin Duul kale u shaqaynaya.

Waxaan ku Afmeerayaa Tuducyadan gaaban ee gabay Abwaan Soomaaliyeed ku sheegayo dawlad li’ida iyo dhibkeeda iyo meesha maanta Soomaaliyi taalo.

Duuduubka Soomaaliyeed,          ceebta nagu daahan

  • Dacda iyo waxaa digada dhigay,    dawladnimadeena
  • Dulmarkeeda duugtii murtida, maanso dulucdeeda
  • U duuflaali Doolliyo ciddii,          gabay daneynaysa
  • Cid u diirnaxaysaa shacbigan,    diiftu ku abaadey
  • Cid damqani haddaad garan,     cid uun xumaha diideysa
  • Dawiyoo u gee maansadaa,     ha isku duubmeene
  • Dawlad li’ Soomaalidu intay,    dala dhacyeyneysey
  • Inta ay dagaag iyo qax iyo,      dacati luufluuftay
  • Waa labaatan deyrood intuu,   dhiig ka da’yaaye
  • Allahayow dahaadh aakhariyo, dunida guudkeeda
  • Mid inaad ku deysey ahayd,       labada daaroode
  • Dulalaati dhexe waayadaa,         daw ka lulataaye
  • Haddii adan inay dabar go’aan,  looxa ugu duugin
  • Mar uun baad ka sii deyn lahayd, dabinka haystaaye
  • Danbi ay galeen baa mindhaa,     loo daldalayaaye

 

Suleiman Hashi.

Somali , freelance Journalist  and Analysts .

Xaashidheere1@yahoo.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maqaal:Agustin Mahiga oo Noqday Caqabada dawladnimada Soomaaliya "

  1. abdulahi says:

    asc dhaman walha somaliyed salan ka dib run ahnti waxan la dhacay qormadan walalkay suleiman hashi ee ku aadanayd aan ka tashano ayhena iyo faragelinta mahiga iyo dowladaha qaar ay ku hayan wadankena ee waxan leyahay dhaman umada somaliyeed aan isku tashano tan kale ra,yigan wanagsan aan kuwada bahino umadayna wa iga ra,yi wsc

  2. F H K says:

    Mahadsanid Xaashi Dheere soo gudbinta fariinrtan wayn ee aad soomali usoo dirtay waxaan leeyahay waynooow oo noolow koleey shaqsiyan arimo badan oon ogaa ayaad ka hadashey waanan kaaga mahadcelinayaa taladaada. Somalitalk adinkuna waxaan waxaan idin leeyahauy jira oo jooga.