Home » Warar »

Qarammada Midoobay oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Soomaalida loogu qabto Nairobi

Is qab qabsi ku aadan Shirka ka dhacaya Nairobi oo soo kala dhex galey Maamul Goboleedyada –

Cabdiraxmaan Faroole oo ka Dalbadey Qaramada Midoobey in la qabto Shirweyne Dib u heshiisiineed oo lagu soo xulo Xildhibaanno Cusub –

Xildhibaano ka digey Shirka ka Dhacaya Magaalada Nairobi

7Abriil ee fooda nagu soo haysa ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi uu ka dhacayo Shir ay qaban qaabadeeda leedah ay Qaramada Middobey Qaybteed Siyaasadda kaasoo looga hadlayo Xaalada kala Guurka ee Dowladda Federaalka, waxaana shirkaan lagu martiqaadey Dowladda Federaalka KMG oo ay ka imaanayaan ergooyin Matalaya Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif , Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Raiisul Wasasaaraha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, sidoo kale waxaa ergooyin ka imaanayaa Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya oo la sheegey in ay ku jirto Mamulka Soomaaliland waxaana Qaramada Midoobey ay qorsheysay in min Saddex Xubnood ay soo dirsadaan qolooyinka lagu martiqaadey Shirka.

Markii la shaaciyey in la qabanayo Shirka waxaa dardargaley sameynta Maamul Goboleedyada waxaana Gobolada qaar laga sameeyey ilaa Saddex maamul oo midba midka kale uu ka soo horjeedo ama uu yahay maamulka saxda ah taasi waxay keenyey in Qaramada Midoobey ay ku wareerto cida ka qaybgaleysa kulankaas, sidoo kale waxaa maamulada ay soo gaartey Casuumada ka bilowdey is qabqabsi dhexdooda ah oo ku saabsan cidda ka qaybgaleysa Kulanka iyadoo beelaha qaar ay bilaabeen in ay cambaareeyaan Maamulada iyo weliba Qaramada Midoobey, waxayna dadka qaarkii ay sheegeen in shirkaan uu keeni karo colaad cusub oo ka abuurmaan, qaar ka dib markii Odayaasha Dhaqanka ay sheegeen in haddii aan lagu darin Beeshooda ergooyinka ay kalsoonida kala laaban doonaan Maamulka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka digey shirkaas kuwaas oo ku tilmaamey mid la doonayo in qas hor leh looga abuuro dalka waxay kaloo ay sheegeen in shirkaasi uu keeni karo in Beelaha qaar ay isku dhacaan iyadoo sheegey in arrintaan ay Masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Qaramada Midoobey gaar ahaan wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mahiga.

Warar baa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleed Pundland oo ka mid ragga lagu Martiqaadey Shirka ayaa waxaa la sheegey in uu Qoraal u gudbiyey Qaramada Midoobey oo uu kaga dalbanayo in la qabto shirweyne Dib u heshiisiin ah oo lagu soo doorto xildhibaano Cusub oo Tiradooda ay aad u yar tahay, hase yeeshee Xildhibaanada qaar ayaa aamisan in Qaramada Middobey ay dooneyso in ay burburiso Baarlamanka soomaaliya oo ay sheegeen in uu yahay Calaamad u taagan Dowladnimada Soomaaliya, waxay kaloo ay uga digeen Xukuumada Farmaajo in ay ergooyin u dirsadaan Shirkan oo ay ku tilmaameen mid Hagardaamo Huwan.

Arrimahaas ayaa ku soo beegmey xilli ay is hayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu sheegey in Bisha Agoosto ay dhaceyso Doorashadii Madaxweynaha bale qoraalka ka soo baxay Xukuumada Farmaajo ayaa lagu sheegey in Hayadaha Dastuuriga ay muddo hal sanno ah ku darsadeen, taasi waxay ka careysiisey Gudoonka Baarlamaanka oo ku tilmmey mid sharcidarro ah, hadba la arki doonee waxa uu ku dambeeyo Kulanaka ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Qarammada Midoobay oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Soomaalida loogu qabto Nairobi "

  1. shir laqabtaa maahan mid noo cusub, waxaayna noqotay maqaayad laga faa iido hadba meel ayaana laga furaa marwalbana koox ayaa ka macaashta, markii koobaad waxalaga furay DHABUTI bilow giin 1990 ilaa aya ku soo wareegto ADIS ABABA CAIRO NAIROBI SUDAN iyo inta badana dunida carabata waxba lagama faa;iidin marwalbana waxaa ladhisaa KUMEEL GAR AMA MEEL KUGAR waxaan filaa shirka kan xiga in uu kadhici doono TAL_AFIV
    kan hada laqabandoono waa kuwii oo kale waxba kasoo bixi maayaan, kii jabuuti 2009 waxaa lafaa’iiday axmed walad cabdala iyo meel kugaarka kana waxaa jeebka kabuuxsan doona mahiga iyo kooxaha somalida title key rabaan hasheegteene. waxaay taagan tahay afku juuq magabay

  2. Jamame says:

    Ahmed.
    Wan kugu raacsanahay in gebi ahaanba lakala diro barlamaanka maamte jira mid cusubna la doorta oo aan lagu soo darin xubnihii hore midkoodna iyagana ay doortan madaxweyne & rai’sal barlaman cusub. Wabillaahi tawfiiq

  3. talo talo says:

    Marka laga hadlayo shirkan horta yey dani ugu jirtaa in la qabto shirkan?
    1. Waxay dani ugu jirtaa inta rabta inay sii dheeraato dhibaatada ka jirtaa Somalia. Waayo waa inaan saarnaa projection maxaa kasoo bixi kara maxaase lagu waayi karaa. Cost vs Benefit, wuxuu sababayaa inay sii kala daadato koonfurtu runta marka laga hadlayo oo ay abuurmaan tartan qabiil raba inuu hogaamiyo qabiilkale iyadoo lagu andacoonayo maamul goboleed. Kuwa hada jiraana waxay waayi karaan micnaha ay hada ku fadhiyaan. Dowladuna waxay waayeysaa legitimacy-da hada ay haysato hayda ka qayb gasho. Benefit, ka soo qaad in lagu rido dowlada hada jirta, lana doorto dowlad kale oo ku meel gaadh ah, dowladaaas la doortay hadana waa inay qabataa shir kale oo la isugu keenayo ummada soomaaliyeed. Marka ku meel gaadh muxuu u dhamaaa somalida ku meel gaadh. Mise qolo gaar ah ayaa rabta inay dan gooni ah ku gaadho. Hadii aan istimaalo a somali national vision oo u dhexeeya danta ummada guud. Ku meel gaadh waa inuu na dhaafa, uuna raacaa dhicitaanka dowladan hada jirta, wixii ka danbeeyaana ay noqdaan dowlado rasmi ah oo wadanka wada xukuma.
    Aragti shaqsiyeed. Waxaan qabaa in loo daayo dowlad inay qabsato koonfurta xoogna uga saarto awoodaha kale ee ka jirta ilaa sanad gudahiis, kaddibna la isugu yimaado. Koonfur, golobada dhexe iyo waqooyi dhibaatada sidaas lagu soo af jaro. waxaana u arkaa xal kaliya ee soomaali isu keeni karra. laakiin sidan Ethiopia iyo dadka la aragtida ahi doonayaan ma u malaynayo inay dani ku jirto, laakiin baan aan eegno halka ay ina geyso

  4. BASHKA says:

    Shirkan waa shir Mahiga doonayo in kaga taqluuso dowlada sh shariif, Waa shirkii jabuuti oo kale C/laahi loogu taqluusay balse is weydiinta ma xumo maamulada la xiiseynayo jufo kasta ku dhawaaqday maxuu keeni doona,Cawaaqib xumada ka dhalato yaa ka masuul noqon doono? Jufo kasta Land iyo State ku dhawaaqday? Waxaa ogsoonahay in deeganada gobolada ka jiro Is qab qabsi dadka isla degan sida Kalshaaale, labada maamul puntland, somaliland ku loolamayo in mid kasta hoos tagto goboladda sool.sanaag, ceyn ,Ssc oo hogaanka goboladaas dooneyso in ka madax banaanato labada maamul si dadka deegaankeeda u hogaamiso aayo ka talintooda.Gobolada kale Hiiraan oo dadka isla degan ka dhaxeeyo Loolanka gobolka Hiiraan oo 3 maamul kala duwan lagu dhawaqay,Galmudug/Ximan Xeeb oo isla dad walaalo ah, Waax/Waadi oo dhul weyn la doonayo in hal jufo ku dhawaaqdo, Jubooyinka oo hal jufo kudhawaaqday, Dooxa state oo rabto in dadka kale degan sad bursi ku sameyso, DAGAALKA SOKEEYA CUSUB WAXUU KA DHACI DOONTA Qabiilada isla degan waana dhibaato cusub la doonayo in wejigii hore lagu bedelo
    by bashka
    Toronto

  5. Jamal says:

    Soomalidu ha ogaato shirkaan waala qaban hadii alle idmo maxaa yeelay waxaa kujira danta umada nabada jecel iyo dowlada puntland oo utaagan qaranimadii soomalia dadkaleh maamul gobaleed baa soobadan wax afka laga sheego waxba maahan. maamul gobaleed dhab ah waa soomaliland iyo puntland aduunkuna waa ogayahay. somaaliland diyaar uma ahan soomalinimo laakiin puntland waxay raqbtaa in qaranimada soomalia lasoo celiyo. shirkaan waalaqaban waana labaa bi in baarlamaanka hada jira iyo dowlada fadhiidkaa., faroole waa madaxweynaha soomalia marka runta la sheego wuxuu madax weyne uyahay 7 gobol oo leh dhaqaalo iyo population. marka he deserve dalka in uu hogaamiyo. shariif go home. the game is end.

  6. talo talo says:

    Shirkan lagu qabanayo Nairobi umada dani uma jirto. sadex sababood awood.
    1. Dhamaan dadka imaanayaa waxba uma soo kordhin karaan amniga dalka maadaama kooxaha hubaysan ee xooga lehi ka maqan yihiin.
    2. Wuxuu ka soo hormaray waqtigiisii, oo waxaa la rabay in la qabto marka DKG ah ay qabsato koonfurta in loo qabto shirweyn ummada laguna qabto gudaha inta la caliso dowlada iyo baarlamaankaba.
    3. Wuxuu keenayaa inay soomaaliya sii kala furfurato ayna burburto dowlada hada ka jirtaa koonfurta oo ay luminiso aqoonsiga yar ee ay haysato waxayna la mid noqonaysaa maamul goboleed.
    taas darteed dani kuma jirto sinba, waaa jug jug meeshaada joog iyo dano shaqsiyeed ayaa meesha ku jira oo kaliya iyo dad raba inay iyaga kaliyaaa wax noqdaan sidaan u arko anigu. Ummada guud ahaan dani uguma jirto, waxaan rabnaa inuu noqdo shirka kale ee la isugu imaanayaa kii lagu soo afjari lahaa dhibkan maahan inuu mid kale ka danbeeyaa.

  7. ahmed says:

    waa sax dadka soo jeediyey in shirweyne la qabto waayo shirweynihii Mgabathi ee Kenya iyo kii lagu sheegay dawlad-midnimo oo aan jirin oo lagu badsaday xildhibaanada. Barlamaanka iyo dawladda hadda jirta ma ahan kuwo hadda ka tarjumaya danta dalka iyo dadka soomaaliyeed. Waxaan soo jeedinayaa in shirweyne kale oo lagu soo doorto xildhibaano cusub oo doorta barlamaan cusub iyo madaxweyne iyo gole wasiiradeed oo cusub oo aan lagu soo darin haba-yaraatee xildhibaanda hadda jira, haddii ay noqotana in lagu soo diro waa inaysan ka badnaanin 20% waayo way gabeen kaalintooda oo wey ka soo bixiwaayeen.

  8. Ordaaye says:

    Shir lagu qabto Nairobi iyo meel mid ah mid xal ma aha. Waxaase intaas ka daran kuwa hadda raba inay shirka qabiil uga qayb galaan. Waxaa haboonayd in shir loo qabto kooxaha dalka isku haya oo taas ayaa ka sahlan in wax la isugu dhaweeyo.
    Laakiin doodda in badan oo aan ka mid ah aan weligeen qabno waxaa weeye dhibka Somaliya inay burcadda Qaramada Midoobay ay horseed ka yihiin.
    Shirku ujeeddo kale ma lahan oo aan ahayn in abuuro koox cusub oo dalkna 5 sano oo hor leh dabka saarta.

  9. saam says:

    Madaxweyne Faroole waa nin ay ka go’antahay Soomaalinimo, Ilaahay ha la garab galo

    Waanna ku saxsanyahay waxaa loo baahanyahay xildhibaano cusub in la doorto