Home » Faallo »

Dhibanayaashii General Mohamed Cali Samantar oo difaaciisa isu-taagay


Inta aanan u guda gelin dulucda doodayda waxaa jeclaan lahaa in aan idin la wadaago dhacda aan xoog-ogaal u ahaa oo ka dhacady qurbaha oo aan rabo in aan gogol dhig uga dhiga gunta doodayda.

Dhalinyara ka mid ah kuwii laga soo barakacayey wadanka Isu-taga Imaaraatka Carabta ka dib markay gaareen 18 sano, maadamaa sida waafaqsan sharciga Isu-taga Imaaraatka Carabta aan ilmaha gaara da’daas lagu qori karin sharciga waalidkiis, loona ogolayn jaamacad haddii aan la qaadin wada cagaag badan oo bahala galeena. Dadkaas wadanka laga saarayo badankood waxay ku soo beegmeen xilligii burburka Soomaaliya meesha ugu khatarsan marayey ayna adkayd in la hello meel dib loogu celiyo oo amaana. Dhalinyaradaas qaar ka mid ah ayaa cararkii iyo da’daalkii kabta hayga goynta ku soo gaaray wadamada reer galbeedka waxayna bilaabeen nolol cusub oo ay ku tashan karaan xag nololeed, jinsiyadeed iyo aqooneedba. Hadaba qaar ka mid ah dhalintaas oo khayrkaas dhex dabaalanaya una ekaa kuwa ka doorsaday rafaadkii iyo welwelkii iyaga iyo waalidkood soo mareen ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay idaacadaha la daawadu ka arkeen geeridii ku timid Amiirkii wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta illaahay ha u naxariistee. Markii warkaasi soo gaaray waxay afka ku dhifteen oohin, iyo sawaxan sababi gaaray in derisku booliiska ku wargeliyo qaylada guryaha ka yeertay. Muddo ku dhow asbuucyo qaarkood wax ma gasiiman waxayna baroor diiq ugu jireen geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Amiirkii Isu-taga Imaaraadka Carabta oo xukunka uu garwadeenka ka ahaa (Imaaraadku guud ahaan uma xuma dadka Somalida ah) iyaga wadanka ka soo saaray kaas oo ahaa wadankii ay ku dhasheen, in kasta oo aanay u dhalan, balse u arkeen wadankoodii, afka keliya iyo dhaqanka keliya oo ay xambaarsanaayeena ahaa kan ummada ku dhaqan khaliijka.

Hadaba waa maxay sababta ay ugu ooyeen Amiirka maadama xilligii ay ugu baahi badnaayeen aanu waxba u qaban? Jawaabta oo gaabani waxa weeye weligood ma arkin hogaamiye kale oo ay yaqaaniin. Arrintaan iyada ah oo mar hore dhacday ayaa waxaa dib ii soo xasuusiyey qolyaha Maraykanka ku sugan oo u isu taagay difaacida General Mohamed Cali Samantar oo ugu deraja weyn intii ka hartay maamulkii xaalka maanta Soomaaliya ku sugan tahay baday. Waxaa cajiiba  Cali Samantar oo dadku difaacayaan wuxuu nagala joogaa kuwii lumiyey dadka sharaftoodii Soomaalinimo, hantidoodii mood iyo nool, dhaqankoodii, qaar ka mid ah eheladoodii, mihnadoodii, iyo wax kasta oo qof aadami ahi ku faani karo. Lagana yaabo in qaar ka mid ah ehelkoodii ay dileen ciidamadii Xoogga Dalka Soomaalida oo loo adeegsaday xasooqida, ciqaabida iyo caburinta ummada Somaaliyeed kuwaas oo uu hogaaminayey General Mohamed Cali Samantar. Sidaas darteed, waxaa muuqata sababta dadkani u difaacayaan in aanay ahayn kalgacal Cali Samantar ka kasbaday ee dadka ayaan weli helin cid sawirkii Golaha kacaanka ee Cali Samantar ka dhexmuuqday bedesha heesihii kacaankana loo qaado.  Sida halkaan ka cad waxaa kale oo dhici karta in dadka badankiis qabaan cudur afka Ingiriiska loogu yeero Stockholm Syndrome oo dadka la silicdilyey ama loo geystay dhibaato shucuureed iyo mid jireed ku rida cudur ay ku jeclaadaan kalgacalna ugu qaadaan kii dhibtaas ku sameeyey (ka eeg qaamuuska caafimaadka erayga Stockholm syndrome).

Waxaa la yaab leh Cali Samantar waxaa dacweynaya dad leh dadkayagii ayuu laayey, una soo maraya wadada la yiraahdo Jebinta Waajibaadka Sharciyeed ama Jebinta Awooda Sharciyeed (Breach of Statutory Duty or Breach of Statutory Authority) taas oo qofka dusha ka saaraysa dembiga uu galay ama ay galeen dadka uu masuulka ka ahaa oo taladooda iyo amarkooda uu gacanta ku hayey. Waxaa xusid mudan in dad badan arrinta u diidan yihiin keliya dadka dacwada wata ayaa u dhashay qabiil doonaya inay Soomaaliya ka go’aan. Taas ayaa noqonaysaa in si qalad ah loo duudsiyo qof xaqiis arrin siyaasadeed darteed iyada oo laga yaabo in qofkaas dhibta loo geystay aanu siyaasadaas shaqo ku lahayn.

Ficilada qabiilaysan ee noocan ahi waxay noqon lahaayeen suurtagal haddii qof u dhashay gobolada waqooyiga oo dambi loo haysto dadka goboladaas ku dhaqani difaacaan, welise lama hayo qof reer waqooyi ah oo la soo eedeeyey oo reer waqooyi difaacay. Cidina kuma doodi karto maxaa kuwaas loo eedayn waayey oo Cali Samantar loo eedaynayaa. Cali Samantar waxaa eedeeyey nin aamisan inuu dembi ka galay, haddaad adigu qof gobolada waqooyi u dhashay dembi u haysato albaabku waa kuu furan yahay laakiin waa in la joojiyaa aragtida raqiiska ah ee oranaysa yaa dacweeyey madaxdii reer waqooyi u dhalatay?

Waxaa kale oo iyana aan meesha ka maqnayn inay jiri karaan dad badan oo laga yaabo inay iyaga naftigoodu dembiilayaal yihiin kana cabsi qabaan in arrinta Cali Samantar wadda ku furto, sababta ay halganka u wadaana ay tahay difaacida naftooda iyo ka cabsi qabida inay iyagu ku xigaan generaalka oo maanta ag jooga carruurtii uu agoomeeye, hooyooyinkii uu carmalka ka dhigay, iyo masaakiintii ay dulmiyeen ciidamadii uu hogaaminayey xag nafeed, dhaqan, dhaqaale iyo mid sharafeed.

Ilaahay Soomaali ha u sahlo xaqana ha tuso.

Omar Dhollawaa

Dhollawaa@yahoo.com.au

Melbourne, Australia.

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dhibanayaashii General Mohamed Cali Samantar oo difaaciisa isu-taagay "

  1. Waxaan jeclaan lahaa in qof kale oo aad u yaqaan ama baaris ku sameyey
    uu ka hadlo arrinkan Genaral Mohamed Ali Samantar taarikhda Gananku ku leeyahay Somalia iyo aqoontiis ciidan, haduu garanayo walaalkey waa ku faanilahaa Ali Samanter doorkiisi difaaca Somaliya iyo intii uu Ciidanka uu u talinayey, waa sax Omer waa nin yar 3-4 sano baan u malaynayaa in aan ka weynahay wax badan waa hubaa in uusan ka aqoon Ali Samantar iyo hawlihii uu ka qabtay intuu xukumay ciidanka Somaliyeed ama u disay,ama uu ugu dagaalgalay,waxay ku fiicnaanlaheyd in ay wax ka sheegaan Abdullahi Yusuf , Siilaanyo, Ade Musse Hirsi, uu ay intaba wada shaqeeyeen ka dibna ay mucaarad iska soo horjeeda ahayeen.
    Waxaa fiicnaanlahayd in aad ka mid ahaan laheyd ciidamadii uu xakumay oo aad inyarna ka aqoon laheyd.
    Bal dib baaris ugu noqo oo wareyso kuway dagaalka iska soo horjeedeen,
    intooda badani waxay qirayaan in uu yahay inta yar ee mudan in la xasuusto ayna tixgeliyaan mawqifkii Ali Samantar, Generaaladii reer waqooyi uu badnaa ama madaxdii ka tirsaneyd Dawladii Siyaad Barre waxay u tixgeliyaan intooda badani shakhsiyadii uu lahaa, waxqabadkiisi,difaacii iyo xaq dhawrkii ciidan ee u ku lahaa dhexdooda .
    Fadlan Omer waxaa taqaan oo wax ka ugtahay ka hadal ma aha Ali Samantar kaa ka hadleyso ee aniga waa ii mid kale, iyo qaar kaloo badan bulshada taqaan ah Gananka.

  2. jawaab:Dhibanayaashii General Mohamed Cali Samantar oo difaaciisa isu-taagay says:

    Waxaan umalaynayaa Nin kii Doodan furay, wuxuu ku qancay ,jawaabta nin kii dambe, aad baad umahadsantihiin labadiinuba,

  3. Abukar says:

    Walaal Omar inkastoo cinwaanka qorlaakaaga iyo sida aad fikirkaaga ku cabbirtayba ay tixgelin mudan yihiin haddana waxaad mooddaa in aad ku sambriirixatay gunaandka qoraalkaaga oo ay ka muuqato in Jeneraal Maxamed Cali Samantar uu dambiile yahay isla markaasna ciddii difaacda ay iyaguna ama dambiile yihiin ama dano kale leeyihiin. Labada arrimood ee u baahan in la kala saaro waa 1) ma habboon tahay in Jeneraal Samantar keligiis wixii dambi iyo dhib ah oo laga tirsanayo dawladdii uu ka tirsanaa dusha loo saaro oo dacwad lagu soo oogo iyo 2) haddiiba ay taasi dhacdo damibigaas magacii dawladnimo lagu galay isagu masuul ma ka ahaa? Qoraalkaagu wuxuu qiime yeelan lahaa oo fikirkaagu macquul u muuqan lahaa haddii aad qodobka kowaad ku ekaan laheyd oo qodobka labaad aad u deyn laheyd hay’adaha sharciga ee loogu talagalay iney gunaanadka noocaas ah gaaraan markii ay dhinac walba ka eeegaan dacwada lagu soo oogay Jeneraalka.

    Hadalka aad ka sharqamisay ee ah “welise lama hayo qof reer waqooyi ah oo la soo eedeeyey oo reer waqooyi difaacay” iilama muuqdo mid aragti dheer ku salaysan sabahan awgood.
    a) waxaad iska cabbiratay in dadka reer waqooyi yihiin dad aan kala fikir duwanaan karin (homogenous group) oo aysan dhici karin in qofkii dambi lagu soo oogo fikrado ama go’aanno kala duwan ka qaataan sidaas darteedna Jeneral Samantar ay dambiile u wada arkaan. Sow ma ogid iney jiraan dad badan oo waqooyi u dhashay oo qaba fikirka ah yaan Samantar oo keliya dusha loo saarin dhibkii na gaaray. b) in aan qof reer waqooyi uusan difaacin qof kale oo reer waqooyi ah oo dambi lagu soo oogay waxaa ammaanteeda leh Soomaalida kale oo dhan oo aysan ka suuroobin iney qof reer waqooyi ama gobol kale u dhashay ay si gooni ah ugu eedeyn dhibkii kala gaaray soomaalida dhexdeeda.

    Waxaan ku soo gunaanadayaa dood celinteyda dacwo hadda ka hor lagu soo oogay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la oran jiray Ali Maxamed Siyaad oo ku noolaan jiray Canada. Allaha ha u naxariistee Ali wuxuu ka tirsanaan jiray ciidankii asluubta. Waxaa wax lala yaabo aheyd in waqtiga dacwadaas socotay uu taliyihii ciidan asluubta ee dawladdii hore Jeneral Ismacil Axme Ismacil uu deggenaa xarunta waddankaas ee Ottawa. Qolooyinka Ali dacwada iyo banaabaxa la daba taagnaa waxey dooddoodu ku saleysneyd Ali waa ina Maxamed Siyaad Barre oo ciidanka asluubta ayuu u qaabilsnaa aabbihiis iyagoo iska indha tiray in taliyihisii Jeneral Ismacil uu waddanka dhinac ka deggen yahay. Bal isku day inaad soo baarto iney jirto cid tiri war arrinku sidaas ma ahan ee sida ka daaya si doodaada ku saleysan in reer waqooyi la dulminayo ama ay u dhan yihiin dacwada Jeneral Samantar ay qiime u yeelato.

    Mahadsanid