Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Qarka u saaran in uu Albaabada isugu Dhufto Xarunta Kalfadhiga Baarlamaanka islamarkaan..
Shariif Xasan oo Beeshiisa u sheegey in uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Haddii Caalamku igu Gacan siiyana waxaan Gacanta Dowladda soo gelinayaa Deegaanada Digil iyo Mirifle
Shiikh Shariif oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Murankooda Siyaasadeed wuxuu Marayaa meeshii ugu Sareysa ka dib markii Hadalo kulkul ay Warbaahinta isku marsiiyeen oo ku aadan Waqtiga Kala Guurka iyo Qaabka ay u dhaceyso Doorashada Madaxweynaha, waxaana maalinta Isniinta ah uu kulan aan Caadi ahayn yeelan doono Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana kulankaas Isha ku haya Madaxweynaha DFKMG Shikh Shariif wuxuuna kulanka u eg yahay mid sii Cakirin kara Khilaafka labada Shariif.
Isniinta ayaa waxaa Shir Gudoomin Doona Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana looga arinsan doonaa – sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Baarlamaanka – laba arimood oo kala ah warbxin ku saabsan Safarkii Gudoomiyaha ee uu kusoo kala bixiyeyqaar ka mid wadamada Caalamaka iyo in Maalinkaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqo Guddigii Doorashada Madaxweynaha taasoo uu si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ka dib markii uu Warsaxaafadeed uu soo saarey uu ku sheegey in Baarlamaanka uusan Xaq u lahayn in qabto Doorasho Madaxweyne.
Hadaba Maxaa la Gudboon Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif in Haddi Sharif Xasan uu ku dhawaaqo Guddiga Doorashada Madaxweynaha waxana arrintaan aan Hordhigey Rag Siyaasinyiin oo diidey Magacooda la soo xigto waxayna sheegeen in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ay u Furan tahay laba arrimood oo ah in uu Albaabada isugu Dhufto Xarunta Golaha Shacab islamarkaana uu kala diro Xubnaha Baarlamaanka, sidoo kale arrinta labaad waxay tahay in uu Iska casilo Xilka Madaxweyninimo maadaama u Shariif Xasan uu kaga adkaadey Galaan galkii Siyaasadeed ee u dhaxeeyey labadooda waa haddii uu qabsoomo kulanka Isniinta ama la magacaabo Guddiga Doorashada Mdaxweynaha.
Waxay Sheegeen Siyaasiyiintaas in rag ku dhow dhow Madaxweynaha DFKMG Shikh Shariif ay hore kula taliyeen in haddii arrinku ay gaarto meel cakiran, waxayna sheegeen taasina waxay soo dedejin kartaa in meel dhexe la isugu yiimaado ama dib u heshisiin loo qabto Labada Shariif iyadoo Beesha Caalamka ay si aad ah ugu soo horjeedo in mar kale la soo xulo Xildhibaanaddii baarlamaanka oo ay sheegeen in ay ku baxayso Dhaqaale fara badan. Hadaba haddii uu qabsoomo Kulanka Baarlamaanka Isniinta islamarkaana la doorto Guddigii Doorashada Madaxweynaha waxaa dhici karta in Madaxweyne Shiikh Shariif looga adkaado Siyaasada ayna Rumowdo Riyadii Sharif Xasan oo ahayd in uu mar dalka ka noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna Taageero fara badan ka haystaa Xildhibaanada Baarlamaanka taasoo aad ka garan karto soo dhaweyntiisii Maalntii Khamiista ahayd.
Shiikh Shariif oo kulama aan kala Go’lahayn la leh ragga isaga ku dhow dhow ayaa ka arrinsanaya waxa ay ka yeelayaan kulanka Barlamaanka ee Isniinta ee uu Iclaamiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sharrif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo Sidoo kale Shiikh Shariif kulamo la qaatey Saraakiisha Ciidamada Amisom si uu uga dhaadhiciyo Mowqifkiisa ku aadan Waqtiga kala guurka islamarkaa wuxuu ku tirtirsiiyey in ay la socdaan Xaalada u dhaxeysa isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kulanka Dhacaya Maalinta Isninta oo ay isugu imaanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu Warsaxaafadeed uu soo saarey ku sheegey in uu xilka Madaxweyninmo Sii haynayo hadii aysan dhicin Shaqo katagis ama Shaqo Joojin.
Hase yeeshee Madaxweynaha DFKMG wuxuu Carabka ku dhiftey in Doorashada Madaxweynaha ay qabsoomi karto marka uu dhamaado Xilligii Baarlamaanka islamarkaana la doorto xildhibaano Cusub. Waxana jirta in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay eedeeyeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaaliya Mahiga ka dib markii ay sheegeen in uu qorsheynayo in la qabto Shirweyne Dib u Heshiisiin ah oo lagu doorto Xidhibaano Cusub, waxaana la sheegay in Qorshaha Mahiga uuTaageersan yahay Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole oo doonaya in la soo xulo Xildhibaano Cusub maadama la sheegay in uu ka mid yahay Musharaxiinta Madaxweyninimada Soomaaliya.
Shariif Xasan oo kulan gaar ah la yeesheey Xildhibaanada ka soo jeeda Digil iyo Mirif ayuu wuxuu u sheegey in uu yahay Musharaxa Madaxweyninimada Soomaaliya “Digil iyo Mirif yaa u Qorey in ay hayso Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Xaq bay u leedahay in ay qabato Jagada Madaxweyninimada aniga taas baan doonayaa in aad igu garabsiisaan” ayuu yiri Shariif Xasana oo la sheegey in Beesha Caalamka uu ka soo dhaadhiciyey in Ciidamada u Dagaalamaya Xarakada Alshabaab ay u badan yhiin Digil iyo Mirif isagoo Sheegey in haddii loo doorto Xilka Madaxweyninimada u Gacanta Dowladda Soo Gelin Doono Deegaanada ay Degen yihiin Digil iyo Mirif, taanina waxay na soo xasuusineysaa markii Shiikh Shariif Xiligii la dooranayey uu Beesha Caalamka ka soo dhaadhiciyey in uu hasto Ciidamo gaaraya 20 kun oo Maxaakiimtii ah kuwaas oo uu sheegey in ay ka hortagi karaan Xarakada Alshabaab.
Hadaba la arki doonee halka uu saldhigto Muranka u dhaxeeya labada Shariif iyo waxa isna ku dambeeyo Kulanka Isniinta ee ay yeelanayan Xubnaha Baarlamaanka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Shiikh Shariif oo soo saarey War- Saxaafadeed lagu soo beegey Imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.