Home » Warar »

Shiikh Shariif oo soo saarey War- Saxaafadeed lagu soo beegey Imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka

(Ma aha in Waqtigaan lagu Mashquulo  Murano iyo Is Qabqabsi Siyaasadeed oo Fursad siinya..)

Madaxweynaha Dowladda Federalka Shiikh Shariif Shikh Axmed ayaa maanta soo saarey War Saxaafadeed  ku aadan Arrimaha Doorashada  wuxuuna War-saxaafaddeedkaan ku soo beegmey Xili uu maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha wuxuu Carabka ku dhuftey in la qaba doono Doorashadii Madaxweynaha Wuxuuna War-Safaafadeedka uu soo saarey Madaxweynaha  uu u qornaa Sidatan:

Muqdisho, Soomaaliya, War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JS.maanta oo ay taarikhdu tahay 24/03/2011)

Madaxweynaha jamhuuriyadda

Isagoo tixraacaya: War-saxaafadeedkii Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah JS ee 19/03/2011, waxaan dib u akhriyay qodobada:40,41,42 iyo 43 ee Axdiga KMG ah iyo qodobada: 70,72 & 75 ee Dastuurkii 1960kii, oo dhammaan ku wada saabsan: shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira Madaxweeynaha,

isagoo dhagaystay: talada sharciyaqaanno iyo khubaro Qaanuun ee ku xeel dheer arrimahaas,

Waxaa u caddaatay arrimaha soo socda oo kala ah:-

1- Sida ku cad qodobka 43aad ee Muddada xilka Madaxweeynaha: “Madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin  geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga ilaa inta qof kale ee loo soo doortay Madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo”

2- Marka laga reebo sababaha faqradda sare ku qoran, Doorasho Madaxweeyne waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada Baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa

3- Guddoonka Baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: Shirgudoonku si wada jir ah isu casilo ama Baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee,

4- Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha in ay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo Madaxweeynahaba iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha Axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin.

5- Aqoonyahannada sharcigu waxay qirayaan xattaa haddii laysku raaco muddo kordhin cusub sharci ahaan ma aha in loo fasiro ama lagala mid dhigo Baarlamaan cusub oo la soo doortay, mana keeneeyso in hay`adihii Dastuuriga ahaa ee dalka ka jira dhismahoodii dib loogu laabto.

6- Nuxurka muddo kordhintu waa waqtigii la qabtay oo lagu dhammaystiri waayay howlihii laysu xilsaaray, sidaas darteedna waqti dheeraad ah loo baahan yahay, baahida waqtiga dheeriga ah oo lagu dhammaystiro howlahaas waxaa u baahan dhammaan hay`adaha Dastuuriga ah ee ma aha baahida barlamaanka oo keliya.

7- Ugu danbeyntii waxaa tixgelin gaar ah mudan marxaladda adag ee khatarta ah ee dalku marayo oo loo baahan yahay in si wada jir iyo wada shaqayn joogto ah looga samata baxo, oo aan la abuurin laguna mashquulin murano iyo isqabqabsi siyaasadeed oo fursad siin karta cadowga khatarta joogtada ah ku haya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.

8- Waxaa kaloo muhiim ah in la helo wada shaqayn iyo is ixtiraam joogta ah ee dhexmara ha`yadaha Dastuuriga ah iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka Axdiga iyo shuruucda dalka iyo in Hay`adaha Dastuuriga ah cid waliba loo daayo gacanna lagu siiyo gudashada howlaha Axdiga iyo shuruucda kale loogu xilsaaray, islamarkaasna laga fogaado shirarka jaraaid oo aan maslaxadda umadda ku jirin.

9- Waxaa mar kale la xasuusinayaa Guddoonka baarlamaanka mar haddii ay dhisan yihiin Ha`yadihii dastuuriga ahaa ee dalka, in ay waajibaadkooda ka mid tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab raaca sharci dejinta dalka ee uu baarlamaanku gaaro loo gudbiyo Madaxweeynaha JS si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo ugana mid noqdaan shuruucda dalka lagu maamulayo.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha

###

Shariif Xasan oo Shir jaraa’id ku sheegay in doorasho la qaban doono Agoosto 2011

Guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG oo maanta (Khamiis March 24, 2011) ku soo laabtay Muqdisho ayaa shir jaraa’id ooo uu qabtay waxa uu ku sheegay in doorasho la qaban doono sida ku cad go’aankii uu gaaray baarlamaanku hore u gaaray, doorashadaasna la qaban doono bisha Agoosto ee 2011, laguna qaban doono magaalada Muqdisho.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Shariif oo soo saarey War- Saxaafadeed lagu soo beegey Imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka "

  1. yuusuf says:

    waa in maxkamad lasoo saaraa labada shariif sababtoo ah umadii waxay ku xasuuqeen AMISOM ayagiina sidan bay maalin kasta isku haystaan shacabka somaliyed waxaan ugu baaqi lahaa in ay is dhaafiyaan labada shariif

  2. Togane says:

    Waayeel Wadkiis Waa Kaa Yaqaan!