Home » Warar »

Ciidamada AMISOM Oo Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Muqdisho

iyo Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Deegaanka Geedweyne Ee Gobolka Gedo Oo Kufsi Fool Xun U Geystay Hooyo Soomaali ah oo Uur Leh – Waraysi seyga hooyada la kufsaday—

Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Xili Uusan Jirin Dagaal Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Ee Magaalada Muqdisho

Duqeymo loo adegsaday madaafiic oo ay dad rayid ah ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen ayaa Arbacadii (March 23, 2011)  ka dhacday gudaha Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magalada Muqdisho xili aysan jirin wax dagaal ah .

Inta la og yahay 5 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacantay Duqeyn ay maanta Ciidamada midowga afrika ee AMISOM ay ku garaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo la sheegay inay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah ayaa ku sugnaa gudaha suuqa bakaraaha xili aysan jirin wax dagaal ah oo ka jiray guud ahaan magaalada muqdisho islamarkaana la sheegay inay Madaafiicdu kasoo dhacaysay Xarumaha Ciidamada AMISOM.

Gawaarida gurmadka deg dega ah Ampulance –ta loo yaqaano ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay qaadeen dhaawaca 21-qof oo rayid ah islamarkaana ay arkeen dhimashada 5-qof oo iyana rayid ah oo ku sugnaa goobta madaafiicda kusoo dhacday ee gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada idowga afrika ee AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan tiro ka dhowr jeer ayay ahayd markii ay ciidamada AMISOM duqayn ay geystaan ay ku nafwaayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Deegaanka Geedweyne Ee Gobolka Gedo Oo Kufsi Fool Xun U Geystay Haween Somali Ah Oo Ay Ku Jirtay Haweeney Uur Leh

Halkan ka dhegeyso Waraysiga Ninka Qaba Hooyada la kufsaday

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kufsi_ciidan_march2011.mp3]

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaanka geedweyne ee u dhexeeya luuq iyo doolow Somali ee gobolka gedo ayaa kufsi u gesytay haween Somali ah oo la sheegay inay ahaayeen xoolo dhaqato miyiga ku noolaa xili la sheegay inay ku guda jireen raacashada xoolahooda

Haweenkan la Kufsaday oo ay ku jirto haweenay uur lahayd sida uu saxaafada u sheegay seygeedii oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa tilmaamay inay ciidamada Ethiopia u gesyteen labo haween ah oo ay ku jirto xaaskiisu kufsi xun oo ay dhibaato kazoo gaartay haweenkii la kufsaday islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatay ilaa iminka

Sidoo kale deegaanka geedweyne oo u dhexeeya degmada dooloow Somali iyo degmada luuq ayaa ciidamadan ethgiopianka ee la sheegay inay kufsiga gesyteen ay ahaayeen ciidamadii kaabayay kuwa dowlada KMG ah Somalia ee dhowaan la wareegay gacan ku haynta degmooyinka beledxaawo iyo luuq oo ay hore gacanta ugu hayeen xarakada alshabaab.

Seyga haweenayda uurka l;ahayd ee la kufsaday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaskiisa oo uurkedu ahaa shan bilood ay iminka la il daran tahay xanuun kazoo gaaray kufsigii islamarkaana carabka ku dhuftay in ilamaha uurka ku jiraana uusan lahayn wax dhaq dhaqaaq ah .

Ma jiraan wax war ah oo kazoo baxaya masuuliyiinta dowlada KMG ah eek u sugan gobolka gedo oo wax yiri kufsiga loo gesytay haweenkan islamarkaana ay fara xumeeyeen ciidamada Ethiopia eek u sugan deegaanada gobolka gedo

yassiin maxamed cali ( faytin ) Muqdisho Somalia

yasiin2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.