Home » Warar »

Ciidamada AMISOM Oo Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Muqdisho

iyo Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Deegaanka Geedweyne Ee Gobolka Gedo Oo Kufsi Fool Xun U Geystay Hooyo Soomaali ah oo Uur Leh – Waraysi seyga hooyada la kufsaday—

Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Xili Uusan Jirin Dagaal Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Ee Magaalada Muqdisho

Duqeymo loo adegsaday madaafiic oo ay dad rayid ah ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen ayaa Arbacadii (March 23, 2011)  ka dhacday gudaha Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magalada Muqdisho xili aysan jirin wax dagaal ah .

Inta la og yahay 5 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacantay Duqeyn ay maanta Ciidamada midowga afrika ee AMISOM ay ku garaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo la sheegay inay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah ayaa ku sugnaa gudaha suuqa bakaraaha xili aysan jirin wax dagaal ah oo ka jiray guud ahaan magaalada muqdisho islamarkaana la sheegay inay Madaafiicdu kasoo dhacaysay Xarumaha Ciidamada AMISOM.

Gawaarida gurmadka deg dega ah Ampulance –ta loo yaqaano ayaa saxaafada u xaqiijiyey inay qaadeen dhaawaca 21-qof oo rayid ah islamarkaana ay arkeen dhimashada 5-qof oo iyana rayid ah oo ku sugnaa goobta madaafiicda kusoo dhacday ee gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho.

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada idowga afrika ee AMISOM ay duqeeyaan goobaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan tiro ka dhowr jeer ayay ahayd markii ay ciidamada AMISOM duqayn ay geystaan ay ku nafwaayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Deegaanka Geedweyne Ee Gobolka Gedo Oo Kufsi Fool Xun U Geystay Haween Somali Ah Oo Ay Ku Jirtay Haweeney Uur Leh

Halkan ka dhegeyso Waraysiga Ninka Qaba Hooyada la kufsaday

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kufsi_ciidan_march2011.mp3]

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaanka geedweyne ee u dhexeeya luuq iyo doolow Somali ee gobolka gedo ayaa kufsi u gesytay haween Somali ah oo la sheegay inay ahaayeen xoolo dhaqato miyiga ku noolaa xili la sheegay inay ku guda jireen raacashada xoolahooda

Haweenkan la Kufsaday oo ay ku jirto haweenay uur lahayd sida uu saxaafada u sheegay seygeedii oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa tilmaamay inay ciidamada Ethiopia u gesyteen labo haween ah oo ay ku jirto xaaskiisu kufsi xun oo ay dhibaato kazoo gaartay haweenkii la kufsaday islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatay ilaa iminka

Sidoo kale deegaanka geedweyne oo u dhexeeya degmada dooloow Somali iyo degmada luuq ayaa ciidamadan ethgiopianka ee la sheegay inay kufsiga gesyteen ay ahaayeen ciidamadii kaabayay kuwa dowlada KMG ah Somalia ee dhowaan la wareegay gacan ku haynta degmooyinka beledxaawo iyo luuq oo ay hore gacanta ugu hayeen xarakada alshabaab.

Seyga haweenayda uurka l;ahayd ee la kufsaday oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaskiisa oo uurkedu ahaa shan bilood ay iminka la il daran tahay xanuun kazoo gaaray kufsigii islamarkaana carabka ku dhuftay in ilamaha uurka ku jiraana uusan lahayn wax dhaq dhaqaaq ah .

Ma jiraan wax war ah oo kazoo baxaya masuuliyiinta dowlada KMG ah eek u sugan gobolka gedo oo wax yiri kufsiga loo gesytay haweenkan islamarkaana ay fara xumeeyeen ciidamada Ethiopia eek u sugan deegaanada gobolka gedo

yassiin maxamed cali ( faytin ) Muqdisho Somalia

yasiin2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidamada AMISOM Oo Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Muqdisho "

  1. jamal says:

    asc,,
    walalyaloow hadi u ninkaas xaskiisa la kufsadsaday difaaco reerkisa,muxuu noqonaya,,ma khawariijaa ma takfiirba,,aniga waan yaanahay umad dhan oo la dabar goynayo, la gumaysanyo, ayaa lagu ifhi ha i dhaqajinina ha la dagalina gumaysiga, ha la dagalina diinlawayasha dadka dhibaya ha la daagalin galo raacyada, hadi an iska fadhiisanana tan ayaa na haysta hadii an iska cabiin sameeyana wadado aya na leh waad fidnoowdeen?

    . Maxajabad daboollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey
    . War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey
    . Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey
    . Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane
    · Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
    · Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e

    · Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
    · Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
    · Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

    · Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
    · Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
    · Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

    · Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
    · Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
    . Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

    · Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
    · Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
    · Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
    · Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
    · Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
    · Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne

    · Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
    · Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
    · Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan

    · Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
    · Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
    · War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e

    · Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
    · Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
    · Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene

    · Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
    · Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
    · Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene

    · Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
    · Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
    · Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene

    · Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
    · Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
    · Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye

    · Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
    · Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
    · Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene

    · Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
    · Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
    · Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e

    · Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
    · Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
    · Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene

    · Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
    · Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
    · Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e

    · Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
    · Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
    · Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane

    · Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
    · Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
    · Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

    · Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
    · Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
    · Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye

    · Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
    · Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
    · Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine

    · Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
    · Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
    · Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene

    · Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
    · Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
    · Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye

    · Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
    · Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
    · Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo
    alahayoow u naxatiiso,, wadadkii tirayay gabaygan,,

  2. Umu Saarah says:

    ASC, Ilahayoow u gargaar umada xabiibkaagii nabi Muxamad (naxariis iyo nabad gelyo allaha koryeelo). dumar muslimaatka ahee cafiifooyinka ahaa in cirdigooda lagu xad gudbo lagana dhiidhinin soomaali diin iyo dadnimoba wey uga hartey. waagii Nabi maxamed joogey (naxariis iyo nabad gelyo allaha koryeelo) haweeneey muslimad ah oo maryaheedii nin yahuudi ah isku guntey si asturaadeeda ugu xad gudbo darteed buu dagaal ku dhex marey yahuudii (alaha lacnadee) iyo saxaabadii qiirada badneyn alaha ka wada raali noqdee. Ilaahayoow zamaan kii nabiga iyo heybadii umada islaamka laheyd noo soo celi raganimadii wey sii gabeysaaye.