Home » Warar »

Siyaasiinta Soomaaliyeed oo ku sii qulqulaya Caasimada Wadanka Itoobiya si ay Taageero ugu Helaan…

Bisha August ee foodda nagu soo hayso (2011) ayaa la filayaa in la qabto Doorashadii Madaxweynaha iyo tii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda waxaa durba bilowdey ololihii Tartanka Doorashada waxaana haatan loo kala ordayaa sidii taageero looga raadin lahaa Beesh Caalamka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana taageerada ugu badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka raadinayaan Dowladda Itoobiya oo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta soomaaliyeed ay qabaan in ay Galaangal Xoog leh waqtigan ku leedahay Siyaasada Soomaaliya.

Hadaba wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis Ababa  ee Dalka Itooobiya waxay sheegayaan in Siyaasiyiin Soomaaliyeed ay maalmahan isaga daba laabanaeen Magaalada Adis Ababa waxaana ka mid ah Raiisul Wasaarahii Hore ee DFKMG Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke  oo la sheegey in uu kulumo la yeeshey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya, waxayna la sheegay in ay isla soo qaadeen in gacan ay Itoobiya ka siiso sidii uu mar Madaxweyne uga noqon lahaa Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa intii uu Raiisul Wasaaraha ahaa waxaa dhowr jeer kulumo la qaatey Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meless Zanawi waxaana lagu waramey in Cumar Cabdirashiid iyo Dowladda Itoobiya uu wanaagsanaa xiriirkooda iyadoo Dowladda Itoobiya ay aad uga xumaatey iscasilaadii Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale Waxaa Magaalada Adis Ababa laba jeer isaga daba laabtey Raiisul Wasaarhii Hore DFKMG Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo la sheegey in Itoobiya uu u tagey sidii uu Taageero ugu heli lahaa Ololihiisa ku aadan Tartanka Doorashada madaxweynaha soomaaliya waxaana lagu waramey in uu kulamo la yeeshey Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya oo ay isla soo qaadeen tartanka Doorashada Madaxweynaha soomaaliya iyadoo xukuumadda Itoobiya ay ka mid ahayd Dowladihii sida aadka ah  ugu ololeysey in Cali Maxamed Geedi uu Raiisul Wsaare ka noqdo dalka soomaaliya, sidoo kale Dowladda Itoobiya markii dambe qayb bay ka ahayd iscasilaadii Cali Mxamed geedi ka dib markii Dowladda Mareykanka ay ku cadaadisey in uu is casilo hase yeeshee Itoobiya waxay dooneysey in Khilaafkii u dhaxeeyey Cali Maxamed Geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf oo mar madaxweyne ka noqdey Soomaaliya  lagu dhameeyo si hoose.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in Adis Ababa ay gaaraan Xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isaga intii uu Madax ka ahaa Dowlada Federaalka uu Dhowr jeer isaga daba laabtey Dalka Itoobiya waxaana lagu waramey in uu si aad ah u wanaagsan yahay Xiriirka Shariif Xasan iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa isna la filayaa in uu Adis Ababa gaaro Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh  Shariif Shiikh Axmed si uu taageeero ugu raadiyo sidii uu mar kale loogu dooran lahaa Xilka Madaxweynimada iyadoo Shiikh Shariif uu dooneyey in muddo kordhin loo sameeyo sida Baarlamaanka balse waxaa lagu wargeliyey inuu dhiniciisa ka galo Tartanka Doorashada Madaxweyninimada soo socota  waxana lagu waramey in uusan wanaagsaneyn Xiriirka Shiikh Shariif iyo xukuumadda Itoobiya.

— Harddanka Siyaasadeed ee u Dhaxeeyey laba Shariif oo gaarey Meeshii ugu Sareysey ka dib Markii…

— Raiisul Wasaare Farmaajo oo Qirtey in Dowladiisa ay Heshiis la gashey Shirkad Mareykan ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaro@hotmail.com

Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

23 Jawaabood " Siyaasiinta Soomaaliyeed oo ku sii qulqulaya Caasimada Wadanka Itoobiya si ay Taageero ugu Helaan… "

  1. Aviana says:

    Geedi waxaa dhaley waa tigree waxaa uu somaliya ka xadey waa lacag aad
    u badan marka ma laxisaabiyey markuu ka dagyey waxaa uulahaa yaan
    la xisaabin oo ayuu ku baxey hadda haddii uu ogalyahey inuu lacagta soo
    caliyo waan dooraneynaa tuug lacag ku maqan yaa dooranya

  2. ASCW,Somaliyey doqoney runta raga ka nixisee,Somali waxaa halkaa dhiagy oo Ethiopian hoos geeyey waa sadex cudur: Qabiil,Qaad,Qori,marka ma rabnaa xal aan kaga gudubno??? haa haa haa kor udheha! marka hore waa in lawaayo siyaasi oo laga taqaluso,in qaadka cidii cunta la bahdilo,qorigana la urursho,si taa loo gaaro waxba haka nixina runta ALSHABAAB MEESHA HALA WAREEGAN xataa kuwa webside yada wararka kusoo qora 100 karbaash ha uqoraan.

    Mahadsanidin
    DR Yusuf issa

  3. galbayte says:

    Soomaalida waxaa lo oran jiray waa dad u dhashay diimoqraadiyad , jecel sinanaanta oo aanan marnaba raali ka noqon yasidda iyo in uu qof san ku neefle ah guumaysto , waa geesiyaal aan xuquuqdooda soo dhacsada oo iska celiya kuwa daalimiintaa, Iwm , sidaas ayey soomaalidu u amaanaan jirtay oo waxaa lagu tiriyaa dad aan waligood gunnimo aqbalayn, waxay afka ciida u daran oo dulleeyeen oo iska caabiyeen qowmiyadihii ku soo xadgudbay hadday ahaan lahaayeen British , Italy , Germany , Greece, abyssiniya , kenya , arab , 30 dowladood oo isku mar ku soo duulay oo maraynkanku horkacaayo, waxay iska rideen diktaatoorkii afweyne ayaga oo aan cidna kaashan , taangi ayaa torrey lagu furtay.

    hadda soomaalidii waxay u muuqataa in ay isbadashay oo dad liita ku soo baxeen oo addoon ah sababtoo ah dad aan siyaasad waxba ka ogeyn lana ogyahay in ay yihiin dad soomaali fara badan dilay , dhacay , kufsaday , hanti milyaaraad ahna oo dadka soomaalida ah ay lahaayeen dhacay sida Cali geeddii , shariif sakiin , sharmaake, Shariif president Iwm

    aaway dadkii soomaalida , aaway qabiiladii may dadkaas dilaan, oo isku dayaan in ay iska qabtaan

  4. wiilwaal says:

    waxaan layaaba Somalida macno daradeeda maysan fahmin Federaalka?
    Federaal sideedaba waxaa sameeya Dowlad ama Central Goverment
    Federaalku maleh Ciidan gooniya Malahan Siyaasad Dibadeed Sida ay rabto Putland inay shir kasto kaqaybgasho UNta kahadsho
    Goboleiga waa kala tagid waxaan maqli jiray xilli hore Eithhopia in ay rabto Dowldo yar yar oo Somali ah waa sida Dad badan oon wax Fahmeen ama Daba dhilif ah ay rabaan
    Muqdisho xataa waxay leeyihiin Culayska naga dulqaada Maamul goboleed ayaan rabnaaye xagee Caasimad noqon?Dadka Addunka Federalka ku dhaqmo QABIILOOYIN mahan sida Somalida

  5. somali says:

    Ardaygan somaliyeed …. hala caawiyo, qof ku dhiban weeye …… halkan ka akhriya

    http://ireport.cnn.com/docs/DOC-571789

    ururo somali ah iyo kuwa kaleba sidii loola xiriiri karo qofkii yaqaana hala xiriiro hana gaarsiiyo warbixinta ardeygaas somaliyeed fadlan.

  6. abdullahi says:

    ani waxay ila tahay maadaama aan si kale iskugu soo dhawaan weynay in deegaan kasto uu maamul samaysto dadka deegaankana ay maamulka lashaqeeyaan canshuuraadka lagu soo rogo ay bixiyaan laxisaabtamaan dadka ay madaxda kadhigteen dadku uguyaraan uu barto nabadu maxay tahay markaas kadib ayan dawlada guud taageero siin karnaa lakiin hada abihii caruurtiisa meel kuma sheego hoyadii sidoo kale dariskii meel iskuma sheegaan oo waxa kala fogeeyay qabiil waa in ay dadku guryohooda kasoo bilaabaan markaas ayaan dawlad guud isku afgaran karnaa mideeda kale yaan lagu mashquulin dawladaha dariska ah oo dhisan ma cadow bay nagu yihiin mise waa najecel yihiin taas jawaabteedu waa wadan kasta dano siyaasadeed iyo mid dhaqaali ayuu wadanka kale kaleeyahay marka waxaan laxisaabtami karnaa dawladaha markaan anaga bal wax qabsano oon dadka isku soo darno lakiin hada yaan ku mashquulin wax aynaan tabarteed lahayn

  7. Ismail says:

    Dadka waxaa fican inay wax fahaman marka hore horta webka aslanba waa iska mucaarad waana web iska jecel in la dhaho sir uu soo saaray taas waxa ku cadeyneyso sida uu iskaaga daba keenayo wax yaabo aanan sal iyo raad toona laheyn mida kale ninka. maqaalkan ninka ku saxiisan wuxuu qori jiray jaaird muqdisho ka soo baxo dagaaladi sokeeye walahi aniga waa aqanaa lakin idinka waxa uu idin soo qoro ha wada aminina ee ka firsada ileen waxa uu idin qoraa inta uu neceb yahay iyo inta uu jecel yahay waxa uun asiga uu jecel yahay taasna lama aamini karo ogaada

  8. Togane says:

    Xalka waa iska fufud yahay haddii la rabo.
    Siyaasiyiinta beelaha qarankii soomaaliya burburiyey kasoo jeedaan waa in ay ka tanaasulaan atleast forthe caming 5 years oo markaan lagu tijaabiyaa Soomaalida kale ee aan ka qeyb qaadan burburkii wadanka ka dhacay.

    Tusaalooyinka waxaa noogu filan barnaamijyada ay gacanta ku hayaan dadkaas badankood wayaflaxeen waxayna Soomaalida inteeda kale u aqoonsan tahay in ay yihiin dad cadaalad fala oo aanan kala jecleyn labada qabiil ee dalkii iyo dadkiiba dabka ku shiday.

    Aniga rayigeyga qaas ka ah waa kaas. Laga yaabee dad badan inay ku xajiimoodaan laakin ogaada waa xaqiiqo aanan la iska indho tirin karin.

  9. taleexi says:

    asc. waxaan umahad celinayaa shabakada somalitalk, intaa kadib aniga waxay ilatahay maanta ma joogto inaan filimo aan daawanay dib ushidno, sida geedi, sharmaarke, iwm. itoobiya waa dal aan daris nahay is bedelo siyaasadeed ayaa ka dhacay somalia iyo itoobiyaba waxa jirta inay dan gaara ka leedahay somalia. madaxdii somalia isu sharaxaysay ama xilka haysay waxay noqdeen kuwo itoobiya ka raadiya kalsoonida.

    ilaahay waxaan ka baryaya inuu soomalia dhibka ka saaro. kuwan aan somalida kalsoonida karabin allaa subxaanahuu watacaalaa yuusan wax noogu dhiibin, alla ha midooyo quluubta somalida.

  10. mohamed says:

    halayaabina!! Siyaasiyiinta waxaan leeyahay howshiina wata,,
    laakiin xisaabta ku darsada mar un in shacabku idinla xisabtamayo insha allaah maalin maalmaha ka mid ah, Rag rag dhalay oo zanawi la caano dhamay weeye,. lkn mar baa biyo buulka idiinku soo gali doonaan

  11. Liibaan says:

    Salaama, Somalidu matashan karto, muddo aad iyo aad udheer ayaa arinteedu cakirnayd. Marka xalka waa inaan sikale uraadino, arinkaan qalbi jilicsiga ama Ethiopian nacaybku meelna na gaarsiinayo. Danteenu waxay kujirtaa nacaybka dariska in laga kaaftoomo. Somalia maanta daawo ayay rabtaa, xoogagga Somalida ee kala fikirka ah habarteen inay wadanka wadaleeyihii. Mahadsanidiin

  12. Liibaan says:

    Salaama Somalidu matashan karto, muddo sad iyo sad ugly ayaa arinteedu cakirnayd. Marka xalka waa inaan sikale uraadino, arinkaan qalbi jilicsiga ama Ethiopian nacaybku mesons Nama gaarsiinayo. Canteens waxay kujirtaa nacaybka dariska in laga kaaftoomo. Somalia maanta daawo ayah rabtaa, xoogagga Somalida ee kala fikirka ah habarteen okay wadanka wadaleeyihii. Mahadsanidiin

  13. Asalamucalaykum Allaa mahadleh, Miisaanka Qofka inuu xun yahay iyo in kale lagu kala garto waa inuu ETHOPIA kasoo bilaabo intaan ladooran.
    Qof kastoo kasoo bilaabo siyasadiisa ETHOPIA way caddahay inuu yahay Damiir laawe, Jaajuus iyo ugu yaraan Munaafaq dalka iibinaaya bad iyo beriba.Maxaa nala gudboon hadaan nahay shacabka soomaaliyeed?
    Ninkii itoobiya diido doorta,ninkii ay dooratana diida.
    Waxaa jiray gabay soomaaliyeed oo ahaa,mar waxay u mahanesay 5 shantii kala maqneeyd,marna waxay u mahaneeysay afrikadda madoow in ay majaraha uhaysaa,
    maxaa badalay taas hada?qabiil walba oo dowlad itoobiya ka dhigtay si
    hadaafteeda u gaarto

  14. mubarig says:

    cajiib waar aniga waan yabanahay, awal waxan odhan jiray oo an is waydiin jiray umada somaliyeed halke laga haysta? lakin waxa i cadatay in an inagu masiibada na haysta an isku keenay, ilaah ayan idin dharshe, ma u malaynaysan intaan ku xisabtamayno oo an wax ku qaybsanyno 4,5, waxaba ka sii daran taas waaxa an wax ka sugayna beesha calamka? war ilaah an u noqno oo an ilaah isku dhiibno, kuwii wadanka cunay babiyay laayay 20 ayaan hadan wax ka sugaynaa,waxan luga kula jirna wax kasta oo ilahay naga reebay ilaa inta u ilaah u naxariistay mooyane?

  15. Kamaal Baxraawi says:

    Walaalayaal Waxaan idinku Salaamay Salaanta Islaamka ACWW Bacda Slaan Anigu waxaan kula Talinyaa Parlammaanka Soomaaliyeed Inay Doortaan ninkii Soomaaliya ka saari Lahaa Dhibaatada ay ku Jirto ee isla markaasna ay ku xushaan DII,KARTI,AQOON,WADANINIMO,DAACADNIMO, iwm.

  16. fatima says:

    Assalamu caleykum

    anigu waxaan ku talin laha Cumar abdirashiid yuna isku galin badas kama bixi kare dadka kalana booska haka qasarin waayo waa nin iska miskin ah, melahas kale UN iyo shaqo ha ka radsado
    geedi waxaa nin raba inu waxdhaco oo kaliya asaga waxaa ka maqan oo kaliya waa lacag

    wax kheyr qaba Rabi ha keno oo shaqadan ka bixi kara

  17. Bismillah.
    Waxaan horaantii mahd u celinahayaa walaallaha somalitalk.
    marka xigtaahi waxaan ku hor marahayaa in aan idin dhalillo!!!!.
    waxaan sina idinka wayaayey in aad soo jeedisaan dhaliilo aan sina u laheeyn gal,go waxaad na la mid tihiin walaallaha prof axmed iyo cabdi samatar.,waxaana aragtideeydu haboon hadii dhaliil aad jeedineeysaan in aan dabo dhigtaan xalka,mana aha midaas mid caado inii ah.
    waa marka aan ka hadlayo dhinaca hogaanka wadanka.
    cabdullahi yusuf,gaadi,nuurcade,cumar cabdirashiid,shariifka ,farmaajo oo aad doraad usagoon iman xamar aad ka gaarsiiseen daacayad raqiis ah,waxaas wax haboon ma aha dhaliil runah sheeg dacayad been ah meel iska dhiga .
    aan u soo noqdo mowduuca dhabtu waxaa ayn tahay in Ethiopia ay ku yeelatay miisaan weeyn siyaasada wadanka,kuwii la rabay in ay arinkaas hor istaagaan ooy ka taqulusaan waxa ku qasbayo in marka ay jago rabaan ay tagaan ethiopia waxaa ay noo geeyeen in ay u rumeeyaan amxaaro riyadooda,iyagana duleeyey,waxaan oran lahaa waxa keenay ethiopia in miisaan ay ku yeelato siyaasada wadanka waxaa ka mid ah baarlanaakan meesha fadhiyo,waxaa ka mid ah maamul goboleedayadan,waxaan dhihi lahaa ethiopia waa in qowalbo oo somali ah in uu ciideeyo damaceeda.

  18. Guled says:

    Dad iyaga loo taliyo, oo nin waliba adisababa hadduusan ku xernayn mooday in uusan guuleysanaynin ma dal baa lugu aamini karaa? Mise xukumi karaa? Allow kuwan wax dhaamo, wax badala, wax adisababa ka maarmo,wax ummadda magac ku dhex leh, wax aan daba dhilif ahayn, wax aan melez zanawi aabe ka dhigan.

  19. Anas Muse says:

    salam warahma marka hore. runtii wa arin wanaagsan in dawlada somalia ay hormar gaarto oo walibana ay qabsato doorasho, lakin waxa murugo leh in dawlad cadaw nagu ah hadana gaalo ah, ay gacanta ku heeso siyaasada somalia. taso ay gaartay heer ay kala shaandheso tartanka doorashada iyo raggi doorashada gali lahay oo ayakana isleh itopia wa idin cawineesa. runtii wa arin aad looga xumaado waana arin murugo leh, balse wax aynu ka samen karno ma jiran kaliya allah ayan u baryena in dalkeena dhibkan uu ku jiro ka boxo..insha alah. salam

  20. Salaama says:

    GEEDDI aad buu u indha adagyahay, ayadoo lala wada socdo in uu
    afka u dhigta Xoolihii Ummadda Soomaaliyeed, ayuu waxuu rabaa in uu
    Madaxweyne u noqdo Ummaddii uu dhacay. Waxaay ila tahay in baarlamaanku uusan kala jecleen kii madax noqonaya ee waxaa u daran kii lacag siiya. Shariif Xassan iyo Geeddi labaduba lacag waa haystaan, marka waxaan sugnaba waa labadooda oo ismari waaya oo loo tuuro xarash iyo madax kii madaxweyne noqonlahaa….

  21. mr.maxamed. says:

    Waxaa ila macquul ah DrCumar Cadirshashiid Cli Sharmare iyo Prsor Cali Maxmed Geedi,oo labaduba niman dhalin yaro oo aqon yahano ah horayna Waysal wasare kanoqday wadanka,2das nin oo misana ah misanka 4.5 hanka awod qaybsigana ku habsan Xukumadda Itoyiyana Cilaqad laleh waxay ilatahay in aay ku habon yihin in ladorto.

  22. Asalamucalaykum Allaa mahadleh Miisaanka Qofka inuu xun yahay iyo in kale lagu kala garto waa inuu ETHOPIA kasoo bilaabo intaan ladooran
    Qof kastoo kasoo bilaabo siyasadiisa ETHOPIA way caddahay inuu yahay Damiir laabe, Jaajuus iyo ugu yaraan Munaafaq
    waxaana lagu yaqaanaa Nimankaas in meesha muslimka u xajiyo ama u cumreesto iyaga ay aadaan Addis ababa

  23. wadani says:

    walaalayaal marka hore iga godooma salaanta islaamka Asalaamu calaykum.salaan kadib waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan umada muslimka ah ee soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.
    salaan kadib waxaan aad uga xunahay hadaan nahay shacabka soomaaliyeed dhibka ka taagan har iyo habeen soomaaliya taasoo ay ka dhalatay caro alle oo aan arkayno abaaraha iyo roob la’aanta alle waxaan ka baryeynaa in dhibka naga dul qaado intaas kadib hadaan usoo laabto maqaalkan iyo damaca siyaasadeed madaxwayne ilaa wasiir ilaa xildhibaan ilaa gudoomiye ma xuma damaca siyaasadeed laakiin waxaan la yaabsanahay yaa idinsoo dooranayo? ma itoobiya ayaa shacabkeeda ayaa idin dooranayo mise xildhibaanada itoobiya ayaa u sharaxan tihiin mise waxbaa idinka qaldan dib u fekera damiir xumo intaan ayey idinka soo reebtay ma is dhaantaan madaxwayne ilee midkiina idinku hooseeya anaga waan idinla yaabanahay sidaan kuma qumanidiin malaha waad u sixrantihiin koley waanba hubaa in dhago wax maqlo aysan idinku yaalin damiir hadaad leedihiin AMISOM ayaa dadka habeen iyo maalin dhamaynayso mana ka hadashaan suuqii dadka masaakiinta nolol maalmeedkooda ka heli jireen ayaa la xiray kama hadashaan,gobolada dadkii nabada u dagaana ayaa bara kiciseen waxaad ogaataan mar ay tahay maalin ayaa la idiin talin doonaa sida wadamada qaarkood ka jirto awooda shacabkana mar ay ahaataba mar ayey idinka aarsan doonaan damiir la aanta iskaga jira waxyar ayaa idiin haray.