Home » Maqaallo »

Gulufka dagaal ee Dawladda haduu guuleeysto lacalla maxaa dhicikara?

W.Q. Shuqul Sh Aadan
____________________

Dawladda TFG da waxay tijaabisay awoodeeda ciidan iyo hub waxay heli karto si ay xoogga mucaaradka u jiirto, TFG du waxay heeysataa quwadda ASWJ oo si rasmi ah ula howwlgala ciidamada TFGda, hadaba waxaa hubaal ah in awooda dawladdu soo korayso iyadoo waliba haysata taageerada AMISOM ee hagar la’aanta leh markasta.Waxaana suurta gal ah in degaanada gobolada ay hada mucaaradku haystaan gilgisho oo ay kala daataan awoodda mucaaradku.

Aan sawirno marka hore sida hadda wax yihiin meelaha ay kala haystaan TFG da iyo mucaaradku.
1. dhamaan dhulka ay mucaaradku haystaan waxaa ka jira,
A- nabad baahsan iyo is dhexmar buuxa,
B- amarka iyo kala danbeeyntu waa shaqeeynayaan,
C- waxaa ka jira maamullo shaqeeya siday doonto haku yimaadeene,
D- xoriydda meediyaha iyo shakhsiga ma jirto dhankasta,
E- Gar-gaarlka caalamka ayaa ka xiran si masuuliyad dari ah,

2. dhulka TFG du ka taliso ee muqdisho meelo kamid ah uun ku kooban,
A- waxaa ka jira isku dhacyo ciidanka TFGda dhexdooda ka dhaca,
B- isku dhacyo maleeshiyaad heeyb ama qabiilo ah isla markaana isu gashada shaati doowladeed,
C- amarka iyo kala danbeeyntu uma huffana sidii loo baahnaa, heeyadaaha TFG da dhexdooda iyo TFGda iyo dadweeynaha dhexdooda,
D- waxaa ka jirta xoriyada meediyaha iyo shakhsiga oo dhinac walba ah,
E- Gar-gaarlka caalamka ayaa u furan si xilkasnimo ah wallow uu gaabis yahay,

Maxaa dhici kara horta aynu isla qiyaasno hadii ay taasi dhacdo lacalla?
1. waxaa dhici karta in marka ay xoogagga mucaaradku ruxasho bilaaban
in dadweeynaha deganada ay ku badan yihiin joogaa ay bilaabaan inay bililiqo kula dhaqaaqaan oo is dhahaa ka reebta waxay wataan, taasoo keenaysa in hubka, gaadiidka iyo qalabka kale ee ay wataan ciidan kastaoo kamida kooxda mucaaraka ay noqdaan wax lagu tartamo,
2. waxaa dhici karta in qabaailadu gudahooda iyo guud ahaanba isku dhacyo bilaabaan, taasoo ay keenayso foowdada timid ee ka dhalatay,
A- [control vacuum ] kadib marka mucaardku liicaan,
B- hubka mucaaradka oo qolo kastaahi is tiraahdo yaan lagaa badsan ama inagaa markii hore shabaabku naga qaateen/siinay,
3. waxaa dhici karta kala aargoosi kayimaada in shakhsiyaad/kooxo/qabiilooyinkii lays lahaa waxay u badan yihiin shabaabka laga aargoosto, iyaguna is difaac jilibka aastaan, taasoo iyana halis dheeraad ah oo dagaalo cusub horseedi karta noqonaysa,
4. waxaa dhici karta
A- in maamul goboleedyo iska soo horjeeda meelaha qaar looga dhawaaqo,
B- in TFG du masuuliyiin ay magacawday ay tagaan dabeedna dadka degaanku iska diidaan siuun,
C- in qabaailka soomaalida oo nidaam cadaalad daro ah hide iyo dhaqan u leh ay qaarkood is dhahaan adinku uun wax dhisa inta kalana yeelkood hadii ay yeelaan/diidaan, taasoo maanta aan soconayn si kasta,
D- waxaa iyana suurtagal ah in haraaga mucaaradka kooxo ku abtirsada ay galaan meelo xafidan oo kamida gobolada lagaga awood badiyo dabeedna ay si joogta ah u bartilmaameedsadaan cidkastaa oo ay dantooda ka waayaan,

hadaba waxaa su’aali kajoogtaa hadii lacalla ay TFG du jiirto mucaaradka, maxay u haysaa degaanada ku sugan xaaladahaas aan soo sheegnay hadayba qabsadaan?

Sida kamuuqata kala daadsanaanta,musuqa, qabiilka iyo ismaqal xumida ka dhex jirta TFGda waxay ka dhigaysaa arinta, TFG du teedii ayay inta yare e kamida xamar iyo golayaasheeda ku qaadi weeysantahay oo MAHIGA ku dhex jiraa 24 saac, markaa way iska cadahay inaysan dhibaato mooyaane kheeyr u soo kordhinayn meelo cusub oo ay qabsadaan, waxaaba halis loogu jiraa in ay xasuuq iyo foowdo u horseedo degaano hada nabad ah oo u baahan in nabadaas lookordhiyo ee aan laga daadin,

tallo bixin,
1. TFGda iyo saaxiibadeed intaysan meel qabsan waxaa wanaagsan inay options ka oo dhan qiimeeyaan talaabada xigta, jugta xabadda iyo qiiq qoriga waxa lagu badalayo.

2. Dadweeynaha degen degaanada dowladu rabto inay ka xoogto mucaaradka maahin mucaarid ee waxaa mucaarid ah maamulka haysta, markaa dadweeynuhu waxay u baahan yihiin dhimrin iyo inaan wixii wanaagsan ee ay hadda haystaan laga kala tuurin si kasta ha ku yimaadeene

3. Waxaan ognahay in dawladda masuuliyiinteeda ay u badan yihiin qabiilooyinka waaweeyn ee dalka, halka shabaabkana ay u badan yihiin qabiilooyinka ladulmay iyo kuwa laga tirada badanyahay, taas qudheeda macno weeyn ayaa ku jira waxaana loobaahanyahay in hoos loo eego oo xal loo helo sidii dadka soomaaliyeed loogu wada qancin lahaa inay isu dhiibaan dawladdooda oo aaminaan inaysan cadaalad daro iyo dulmi horay qaar shacbiga kamid ah loobaday dib u dhacaynin.

4. In beesha caalamku xaqiijiso inaan TFG du galin gabood fallo ka dhan ah insaaniyada dhulka ay qabsadaan,isla markaana aan shaatiga dowladnimada loo isticmaalin siyaabo khaldan iyadoo lahubinayo soomaaliya mar hadii ay qabiil isku dishay in qabiilka ugu yar iyo kan ugu badan mid kastaa uu helo xuquuqdiisa qaran.

gabagabo,
waxaa hubaal ah in TFG da iyo saaxiibadeeda gudaha iyo dibadda aysan moogayn arinta ah, soomaaliya waxa loodoonayaa waa nabad, markaa waxaa khasab ah in meel nabad ah aan nabadeeda laga daadin hadii aan loogu badalayn nabad intii ka wanaagsan, nabada/maamulada iwm hada kajira sabab/si kasta haku timaado,

mahadsanid,

W.Q. Shuqul Sh Aadan
guulwade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Gulufka dagaal ee Dawladda haduu guuleeysto lacalla maxaa dhicikara? "

  1. shuqul says:

    Thank you the entire, I appreciate butting thoughts [doesn’t matter what it is] collectively could direct as a way through current havoc problems. Thanks once more. shuqul

  2. Giindhe says:

    Well waxaan u maleynayaa hadii aay qabsato TFG iyo sxbadeed dhamaan somalia oo dhan, in aay dhici doonto wixii kadhacay kapul ama afganistaan oo aheyd meel nabad ah kahor inta aanay kuduulin huwantii marekanku ugu madaxaweynaa,
    waan ogeyn wixii xigay dil baabin duqeyn aay dadbadani ku madheen iyo weli oo aay taagan tahay amaan daridii
    marka in kastoo aan laysbarbardhigi karin siyaasad ahaan, dad ahaan, dhaqan ahaan labada dal. hadana waxaa lamoodaa inaay fikirka kasiman yihiin raga dagaalamaaya ee huwan diinta,
    hadii aan jawabta baxsho waxay iila muuqataa ina aay dhici doonto wax xoogaa u eg hada waxa kataagan afgaanistaan haba ka daciifsanadeene

  3. midyaaban says:

    somalida waxbaa ka qaldan wali waxba maysan fahmin

  4. Togane says:

    Well visionary article. Many thanks to you Mr. Shuqul. Such articles which based a rational analysis will help build sustainable and logical solution to the severe problems of our motherland – S o m a l i a.