Home » Faallo »

Ka joojiya iibka Aviationka waa astaan qarane . Q.1aad | Maxamed A

Inta aanan u guda galin xaraashka ku socda astaantaan qaran bal aan wax yar ka iftiinsho marka hore taariikhdiisa oo kooban si aad u ogaataan halista ku soo fool leh adeegan bulsho ee astaanta qaran huwan. Marka hore Ogsoonaan maxay tahay Hey ada duulista gaadiidka cirka ee rayidka iyo Saadaasha hawaada?. Maxay qabataa? Maxay uga duwan tahay Somali airlines? SII AKHRI

SII AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ka joojiya iibka Aviationka waa astaan qarane . Q.1aad | Maxamed A "

  1. Abdi says:

    Waxaan jeclaan lahaa inaan u jawaabo naasriin oo aan wax aqoon leh u lahayn haba yaraatee hawlaha ay garoomada u shaqeynayaan. raggani waxay u guntadeen in umadda masiirkooda la gadanayo ay u dadaalaan una sheegaan waxaysan ogeyn kana dhiciyaan nimankan gadanaya hantidii soomaaliyeed ee jeebkooda keliya eeganaya sida aad adiga xetaa kaa muuqata. heshiiska originalka ayaa meel walba yaallaa gacanta ayaana lagu hayaa oo waxa aad dadka u sheegaysaa beeninaya markaa hadday xoogaaga wax kaa soo gaareen cidna ku dhegaysan meyso. Tani waa waxa ninka David.T ka sheegay websiteyada qaarkood (ninkan magaciisa xetaa qarinayaaya waa maxay David. T). Airportka soomaaliya uma baahna shirkad caloosheed u shaqaysta ah adna la mid ayaad noqonaysaa haddaadan ka joogin. Nimanka matalaya umadda ee MP iyo Dawladba isugu jira ee arintan ku shaqada leh ayaa laga rabaa iney ka noqdaan waxa ay faraha kula jiraan.

    Mogadisho airport has been international and will be insha-allah without the need of mercenary.

  2. Naasriin says:

    horta qoraaga isagoo mahadsan, waxaan weydiin lahaa marka laga tago qoraalada internet-ka idinku mala hadasheen shirkadda, xamar ayey joogtaahe,ama dowladda, mise fikirkiinna shaksiga ah ayaad dadka ku cabsi gelineysaan?dadka oo la cabsi geliyo oo wax kasta lagu xiro mu-aamaraad qarsoon oo la maleegayo iyo balaayo la isla damacsanyahaymaaha waddaniyad iyo wadan jaceyl midnaaaha, Ska waa ay caddeeyeen in lacagta customska aysan iyagu qaadaneyn, tan immigrationka aysan iyagu qaadaneyn, tan landing fee aysan iyagu qaadaneyn, ee waxa ay qaadan doonaani ay tahay uun waxa la yiraahdo ground handling services, oo ah howl garoomada adduunka oo dhan diyaaradaha loo qabto haddana aan muqdisho ka jirin, tan kale hayadda duullimaadka caalamka ee garoonku u xiranyahay haddii standard kii loo baahnaa garoonka la soo gaasiiyo waa ay ku qasbantahay in ay furto taasina aqoon iyo maal gelin ayey u baahantahay, waana waxa shirkaddan loogu xilsaaray baan filayaa.