Home » Maqaallo »

Shacabka Jabuutiyoow yaanan qiiqa la idinkugu soo gaban | Ahmed-haadi

Wadanka Jabuuti waxuu ka mid yahay wadamada Afrika ugu dad iyo dhul yar laakin siyaasad ahaan waa wadan uu Alla ugu nimceeyay hogaan iyo maamul aragti dheer taana waxaa ay shacabka Reer Jabuuti dhaxalsiisay ineey ka badbadaan xasilooni darida ka jirto qaaradda Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan qaska iyo qalalaasaha ka aloosan wadamada jaarka la ah ee loo yaqaan Geeska Afrika oo dhamantood saaran doon sabeyneeyso bad weyn kacsan.

Maalmo dhaweyto waxaa ay mucaaradka Reer Jabuuti ku baaqeen in la sameeyo banaan baxyo la mid ah kuwii ka dhacay Tuunis iyo Masar runtii ma ahan wax in la dalbado in maamulka saxo waxii khaldan waayo cid macsuum ah ma jirto laakin waa in mucaaradka mar walbo miisaamo lana socdo xaaladda wadanka iyo xaaladaha wadamada ku xeeran si tilaabooyinka uu qaadayo u noqdaan kuwa mar walba ah maslaxadda wadanka iyo shacabka.

Mucaaradka Reer Jabuuti waxaa muhiim ah in ay is hilmaansiin in wadankooda ay ku xeeran yihiin wadamo dhamaantood damac weyn uga jiro sidii ay Jabuuti ku qabsan lahayeen ayna sugayaan in qas yar ka dhaco wadankiina waxaadna arki dontaan sida ay idiin caawiyaan!!!.

Haddii aan si kale u dhaho Reer Jabuutiyoow waxaad ogtihiin in Ereteriya rabto ineey dhulkiina gabal ka qaadato sidoo kale waxaad ogtihiin in Etoobiyo aysan haysan bad sidaa darteed uu damac weyn ka hayo dakadahiina intaa waxaa dheer waxaa idiin soo tilaabi qaska iyo hubka yaalo Soomaaliya marka waxaa loo baahanyahay in mucaaradka noqdo kuwa wadanka wanaag u horseedo ee aysan noqon kuwa wadanka galiyo hog aanan iftiin laheyn gudahiisa.

Shacabka Reer Jabuuti waa in ay Alla ku mahdiyaan nimcadda uu Alla siiyay oo ah amniga iyo horumarka waana ineey arimahooda siyaasadeed ku xalistaan wadahadal iyo isu nasteexeyn ayna ka foojignadaan wax walbo oo keeni karo ineey noqdaan qabaa´il iyo jabhado midba midka kale garaaco marka yaanan la idinkugu soo gaban wax la yiraahdo mudaaharaadyo waqtigaan xaadirka ah.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed
haadi30@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shacabka Jabuutiyoow yaanan qiiqa la idinkugu soo gaban | Ahmed-haadi "

  1. Asc. Hassan walaal jabuuti haddii loo barbar dhigo dowladaha gobolka waxaa la dhihi karaa waa wadan aad uga hormarsan marka waxii khaldan ama helitaanka xuquuq dheeri ah waa in loo waddo aysan ka imaan karin in sida Soomaaliya oo kale. Waxaan ku weydin wadamada gobolka ma cidbaa shacakeeda siiso koronto bilaash ah iyo arimaha kale ee aad xustay? Walaal maqaalka waa sidaan wax u arko haddii haayso aragti ka soo horjeedo sidaan wax u qoray adoon akhyaarta saloolan soo bandhig haddii kale nin magacisa ku dari waayay aabihii ma filayo in calool culus laga qaadayo qoraalkiisa. Ahmed-haadi Muhumad

  2. hassan says:

    horta waad ku mahadsantahay sida ay kaaga ko’antahay in aad reer jabuuti ta fiican ad tustid shacabka reer jabuuti. ha ilobin: tiisa daryeela takala wanaajiya. waxaan ula jeeda, maqaalkan dhexdhexaad maha, meel fogna wax kama arkayo. waxaan moodayayba, maqaalka cida qortay, inu yahay af hayeenka dawlada jabuuti.
    way ku fiicanyihin reer jabut ina isbadalo dalbaan dhinaca maamulka dalka. siday ku dhacday inla badalo dastuurka dalka, si u shakhsi kursiga u si fadhiyo? wadanka aad sheegtay inu horowmar gaadhay dhakhtarku waa lacag, korontadu waa qaali, guryo majiraan, sideed u odhankarta horamar baa la gaadhay. horawmar ma waxa tiraahda baanan, hoteelo, iyo badarado nin kaligii gacanta ay ugu jiraan, taaso cid kale shaah ay ka cabayn. saaxiib topiga jabuuti sii guud baad u garnaysa ee wax badan baa kaa maqan.
    shacabku wuxu doonaya nolool jidiida, o kala danbayn leh iyo laga joojiyo boobka iyo dhaca.
    maqaalkan uma qalmo baan odhanaya somalitalk, on garanayno sida fiican ay xaqiiqda u sheegto.

  3. Ahmed-haadi says:

    Asc.
    Walaal Ahmed Saed mahadsanid marka hore tan xigta walaal xasuusin gaaban Jabuuti dadkeeda Soomaali ma wada aha oo qura ee wadanka waxaa Soomaalida kula nool Cafar iyo Yamaniyiin dad asalkooda yahay sidaa ay tahayna wax dhib ah kama taagno oo waxaa ay kuwada nool yihiin walaaltinimo iyo is tixgalin.

    Tan ah Wiil iyo Adeerkii ayaa Jabuuti 40 sano maamulkeeda hayo walaal korsiga Madaxtinimada waxuu qadaa hal qof oo kaliya markiiba shakhsigana mar hadduu yahay Jabuutiyaan muhiim ma ahan wax kale shacabka waxaa muhiim u ah iney helaan nolol iyo xuriyad marka waxaan qabaa in arinka laga eego maxaa maslaxad u ah shacabka mana lihi wax walba Jabuuti waa siddii la rabay laakin waxaan leeyahay siddda wanaagsan waxaad u martaan Reer Jabuutiyow waddo ayna ka imaan karin inaad burburtaan sidda Soomaaliya oo kale oo aad qabaa´il wada kursi doon ah noqotaan.
    Amaa arinka ah Jabuuti waxaa ay ka ganacsataa arimaha Soomaliya walaal aan kula kaftamee arinka Soomaaliya ma cidaan ka ganacsan ayaa jiro wadadama ku yaalo geeska Afrika maxaad Jabuuti ugu diidi ineey qudaheeda ka hesho, walaal Jabuuti mar walba waa ay garab taagantahay Soomaaliya iyo Soomaaliba laakin Soomaaliya iyo Soomaali ayaa ah weeyd aanan la kacin karin waayo waxaa seeynta ku dhagan Soomaali weyd ninkii lahaay seynta ku dhaganyahay yaa rujin karo.

    Waxaan Alla nooga baryaa kheyr oo dhan.

    Ahmed-haadi Muhumad

  4. ahmed saed says:

    asc;la sheeg in ay jabuuti tahay waddammada ugu yar Afrika,laakiin waxaan la sheegin in Jabuuti oo dadkeedu yihiin Soomaali in afartan sano wiil iyo adeerkiis ay u talinaayeen marka taasuna caddaalad ma aha nabadgelyana ma keenayso,haddiise la oranaayo madax xumi madax la.aan bay dhaantaa taasi waa sax inkastoo ay fiicnaan lahayd in jabuuti xagga dimoqraadiyadda ay kaga dayato faransa oo gumaysan jirtay,dad badan oo Soomaali ahna waxay qabaan in jabuuti ay ka macaashto dhibaatada Soomaalida haysata oo ayba tahay part of problem.

  5. Ali Guled says:

    Ustaad Ahmed-haadi waa runtii haddii aynu nahay Reer Jabuuti dhib aynu wadankaaynu dab uga shidno dee nama haysto marka walaal arinku waa sida dee aad u sheegtay salaama.

    Ali Guled