Home » Warar »

Ciidamada Amisom oo diidey in la furo waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ka dib markii ay ogolaadeen in la furo Xarakada Al Shabaab iyo Dowladda Federaalka

Shacabka oo is weydiinya wax ay Dowlada Federaalka KMG ogolaatey Miyaa Amisom Diidi Kartaa?

Iyadoo Bishii Hore 23- deeddii ay xirantey halkii Waddo ee loo mari jirey Suuqa weyn ee Bakaaraha waxayna xirnaanshahaas Dhibaato ka soo gaartey Bulsho fara badan oo ka xamaalan jirey Suuqa Bakaaraha weliba waxaa Badeecooyin kala duwan ka qaadan jirey Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Soomaalida degto ee Kenya iyo Itoobiya waxaana haatan dadkaas ku nool Goboladaas ay dareemeen Sicir barar aad u weyn
Xirnaashaha Bakaaraha wuxuu ku soo beegmey xilli Gobolada soomaaliya ay ka jiraan Abaaro aad u baaxad weyn ayaa haweeney degen Magaalada Mandheere ee Kenya waxay tiri “ Markaan maqalney Suuqii Bakaaraha ayaa la waayey meel loo maro waxaan nagu dhacay Sicir Barar waayo Raashinka , Shidaalka iyo Badeecadaha kale ee ka yimdaada Mombasa waa kuwa aad u khaali ah midka ka yimaada Muqdisho waa mid aad Raqiis u ah marka waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya in ay furaan wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha”

Saameynta uu yeeshey Xirnanshaha Suuqa Bakaaraha waa mid aad u weyn hase yeeshee Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere ayaa daboolka ka qaadey in Xiligaan wadooyinka soo gale Suuqa Bakaaraha ay u xiran yihiin Ciidamada Amisom ka dib markii ay ogolaadeen in Wadooyinka la furo Xarakada Al Shabaab iyo Dowladda Federaalka Wadahadal Dheer ka dib.

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere wauxuu sheegey In Xarakada Al Shabaab iyo Dowlada Federaaka ay ogolaadeen in Saddex Waddo midood in la furo kuwaas oo u dhow Suuqa Bakaraaha waxaana ka midah mida ka timaada Taaladii hore ee Siyidka , Midda ka timaada Dabka iyo mid iyana ka timaada Tarabuunka wuxuu sheegey in Ciidamada Amisom ay diideen in la furo Mid ka mid Wadooyinkaas
Afhayeenka Ciidamada Amisom Bhuko oo wax laga weydiiyey in Wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha ay u xiran yihiin Ciidamada Amisom wuxuuna uga jawaabey Su’aashaas hadlo Jees Jees ah “ Wax ha iga weydiin Suuqa Bakaaraha , waad garaneysa Suuqa Bakaaraha Fadlan wax ha iga weydiin Suuqa Bakaaraha”

Dhawaan mar uu wareysi bixiyey Afhayeenka Ciidamada Amisom Bhuko oowax laga weydiiyey Xirnaansha Suuqa Bakaaraha ayuu ku jawaabey “Dadku maxay ka doonayaan Suuqa Bakaaraha may ku ganacsadaan Suuqyada kale sida Suuqa Madiina iyo kan Xamar weyne

Dadka weli taga Suuqa Bakaaraha waxay Maraan Waddo ka tagta Kilo Mitir 13 INTAAN LA GAARIN Ceelasha Biyaha waxaana halkaa ka qaada Gaarigii hore ee Ciidamada Qalabka sida ee loo yaqaan TM-ka oo aan kala jecleyn Bacaadka,Gaari Grip oo isna ah kuwa raaxada oo isna mari kara Bacaadka iyo gaari Landrover waxayna marraan Duleedka Dayniile halkaa bay ka galaan Suuqa Bakaaraha waxaana lagu raacaa lacag fara badan sidoo kale waddo hadda loo bixiyey Wadada Farjanno oo ka tagta agagaarka siyidka waxaa la hoos maraa Baarkii hore Bulsho ka dibna waxay dadka isku ciriiriyaan Waddo laba mid tir ah oo aad u dheer waxay dhex martaa Xaafadda Tokiyo ka dibna waxaa suuqa laga gala Dusigii Cismaan Geedi Raage waxaana wadadaan kaliya mara dadka keliya weliba kuwooda Danyarta ah oo aan awoodin in ay maraan Duleedka Daynile

Isku soo wada duuboo xaalka Suuqa Bakaaraha ayaa u muuqda mid ganacsigiisu gabaabsi noqon raba hadii aan deg deg loo furin Wadooyinka xiran hase yeeshee Su’aasha Shacabku isweydiinaya waxay tahay Dalka ma Amisom baa xukunta mise Dowladda Federaalka waayo wax ay Dowladu ogolaatey miyaa Amisom diidi kartaa Suaashaas Jawaabteeda Shacabkaa loo deynayaa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Gobol Cusub oo lagu magacaabo COWL oo ay maanta Muqdisho kaga dhawaaqeen Beelaha Dega G/Dhexe ee Dalka soomaliya.

Munasabad Balaaran oo ay ka qeeyb galeen, Xildhibaanadda dawladda Federaallaka soomaliya, Siyasiyinta,Columaa-udiinka, waxgaradka iyo Haweeynka ayna soo qaban qabiyeen Siyasiyiinta Beesha waceysle ayaa maanta lagu qabtay Hotee ambassadoor ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo Sawirada

Ku dhaqastaan gobolkaan cusub oo lagu magacaabo COWL oo ay leeyihiin beesha Wacaysle oo ka tirsan beel weynta Mudulood Cusmaan, ayaa sido jkale waxaa ka qeeyb galay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, odayaal dhaqameedyo, barbaarta gaashaaman iyo dadweyne fara badan.

Gobolka cusub ee lagu magacaabo COWL oo u dhaxeeya gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe kana kooban 5 Degmo oo magaalo-madax ay u tahay Degmadda Galcad, Maasagawa, Budbud,Cigo, iyo Gal-Libax ayaa ugu hoeyntii waxaa ka warbixiyay Sheekh Ibraahim Taajir (Sh. Ibraahim Yare) oo guddoomiye u ah guddiga qabanqaabada gobolka COWL), waxa uuna ka hadlay taariikhda gobolka uu leeyahay, isagoo sheegay in saddex xubnood oo ka tirsanaa ururkii SYL ay gobolka COWLu dhasheen.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Ibraahim Yare in gobolka ay u dhan yihiin dhammaanba waxyaabihii laga rabay gobol, sida isagoo leh bad iyo berri laga heli karo miraha dalka ka baxa, sidoo kale waxa uu sheegay in gobolka COWL uu leeyahay saldhig, guriga martida, Isbitaal iyo garoon diyaaradeed ay ka soo degi karaan diyaaradaha waaweyn iyo kuwa yar intaba, sidoo kale deked ay ku soo xiran karaan maraakiibta iyo doomaha badeecada u sida dalka.

“Bulshada ku nool gobolka COWL ayaa go’aansaday inay magacowdaan gobolkaan cusub” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Yare oo u mahad celiyay dhammaanba madaxdii iyo xubnihii ka soo qeyb galay magacaabidda gobolka cusub ee COWL.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Nabadoonada beesha Muddulood kuwaasi oo sheegay inay aad u soo dhoweynayaan magacaabista gobolka cusub ee lagu magacaabo COWL, iyagoona ugu baaqay beelaha kale ee ka wada beesha Muddulood iyo dhammaanba maamul goboleedyada inay taageeraan isla markaana aqoonsadaan gobolka cusub.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa kale oo ka mid ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Dooxada Shabeelle Maxamed Cabdi Gaab oo sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin gobolka cusub ee COWL, isla markaana ay la yeeshaan xiriir wada shaqeyn oo dhinac kasta ah.

Sheekh Muuse Macallim Axmed (Sh. Muuse Caga weyne) oo ku hadlayay magaca culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in qofkii diida amaba ka horjeesta magacaabista gobolka cusub ee COWL ay la mid tahay iyadoo diiday aayad NAS ah, sidaasi daraadeed waxa uu sheegay in la saxayo haddii ay jiraan qaladaad dhinaca maamulka ah, balse ay tahay inaan marnaba laga hor imaan bulsho iskeed u go’aansatay inay ku dhawaaqdo gobol u gaar ah.

Sidoo kale waxaa munaasabada kudhawaaqidda gobolka cusub ee COWL ka hadlay Xildhibaanada kala ah: Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan iyo Xildhibaan Maxamuud Axmed Xeyd, Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Sheekh C/qaadir Soomow kuwaasi oo dhammaantoodba sheegay in ku dhawaaqida gobolka cusub uu mudan yahay bacdamaa gobolku leeyahay taariikh fac weyn, iyo bud dhigga taariikhda diimeed iyo midda ganacsiga ee uu leeyahay gobolka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidamada Amisom oo diidey in la furo waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ka dib markii ay ogolaadeen in la furo Xarakada Al Shabaab iyo Dowladda Federaalka "

  1. abadir says:

    Bakaaraha waa saldhigii bililiqada somaliya meesha la isugu geeyey .
    Waa meel magac xumo ku caan baxday iyo maleegida fatnada xamar ka taagan maanta . Nabada xamar waxay ku imaan kartaa in bakaaraha la xiro xamar waa wayntahay meelo kale in suuq laga sameeyo sida xamar wayne iyo meelo kale .
    Haddii ay diiday somalida in ay danteeda garato , Jinni iyo Cali Abootoy ayaa u talinaysa weli la isma gaarin .

  2. Mukhtaar says:

    waa nasiib daro inuu inagu dheel-dheelo adoon madow.
    inagaa is dhignay halkaas, inta dhulkeenii la inoogu yimaado
    sidii la doono lagaa yeelo.

    soomaalaay eebe aan ka cabsano oo aan telo saarano sidii aan uga bixi lahayn dhintan………………