Home » Warar »

Sweden: Jaaliyadda magaalada LYSEKIL oo xarun yeelatay

Xafladan oo si aad uheer saraysa loo soo agaasimay kana soo qayb galeen dad aad u tira badan oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee kudhaqan gobolkaas ayaa waxay u dhacday sidan hoos kuxusan.

Xaflada waxaa Ayadu Qur’aan ah ku furay sheek Cabdi Nasir Gure Osman , waxaa kaloo uu ku daray wadaadku muxadaro yar oo kusabsan xusnul khuluq.

Halkan ka daawo sawirada xafladda

Gudoomiyaha jaliyada ee magaalada Lysekil, Ibraahim Shariif ayaa isagana halkaa kasoo jeediyay khudbad kusaabsan furintanka xarunta jaliyada soomaliyeed ee Lysekil waxa uu kaga hadaly qodobo dhawr ah waxana kamid ah .

  • In ay soomalidu helaan meel ay ku kulmaan wixii rayi ahna ay ku kala gudbistaan ayana iska warqabaan
  • In dhamaan dadka kunool magalada Lyskel ay is dhax gal bulsho ay sameeyaan .
  • In ay soomalida kusoo bandhigi doonan dhamman wixi hido iyo dhaqan ah jaliyada soomaliyeed.Iyo waliba qodobo kaloo dhowr ah.

Qeebtii hiddaha iyo dhaqanka , waxaa halkaaa soo ban dhigay Abwaan Hurfe iyo kooxdiisii iyaga oo soo ban dhigay hidihii somaliyeed iyo dhaqankiiba ,waxana aad ugu riyaaqay dadkii halkaa kasoo qayb galay.

Waxaa sidoo kale xaflada khudbad yar oo kooban kasoo jeedisay Kristin Olsson oo ah gabar kasocotay kamuunka Lysekil , waxa ay sheegtay in ay aad ugu farax santahay xaflada ka dhacaday Lysekil, Ayana aad ugu farax santahay furitanka jaliyada somaliyeed oo ay kaalin wayn ka qadan doonto qeebtii iyada kaga soo aada .

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay kuxigeen kamuunka Lysekil mudane Mats Karlsson , Mats waxa uu ka hadlay 3dax qodob oo mihiim ah, waxana uu sheegay in uu aad ugu faraxay qaabkii ay u dhacaday xaflada iyo waliba hiddaha iyo dhaqanka soomaliyeed .

Waxa uu kaloo sheegay in ummadda somaliyeed ee kunool Lysekil ay codkooda dhiibandonan kana qayb gali doonan doorashooyinka kamunka iyo goblka oo ay codayn doonaan 2014.

Ugudanbayn waxa uu sheegay in dhamman shacabka soomaliyeed ee kunool Lysekil ay heli doonan eheladooda loona keni doono.

Waxaa sidoo kale halka ka hadlay Macliminta waxa ka dhiga magalada Lysekil iyagoo sheegay in ay aad ugu riyaqeen xaflada ,sidoo kale wax ay muujiyeen dhiiri galin iyo dardaran ku aadan ardada ay wax u dhigaan .

Ugudanbayn waxaa halkaaa khudbad kasoo jediyay mudane Maxamud Dayib oo ah marti sharaftii kasoo qeyb gashay xaflada ahna macalin wax kadhiga dhaqanka wadanka Sweden ,isagoo halka shahaadooyin ku gudoonsiiyay ardaydii ka qalin jibisay barashada dhaqanka Sweden ,mudane Maxamud Dayib waxa kaloo uu aha iskuxirihii xaflada.

Ku sixiixan xoghayaha guud ee jaliyada soomaaliyeed ee Lysekil. Mudane Nuux Yuusuf Osman .

Halkan ka daawo sawirada xafladda

Waxaa soo tebiyey Mohamed Abdi Salaad

xabeeb76@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.