Home » Faallo »

Shiikh Cumar Faaruuq waxa uu ahaa Buundadii isku xirka Culumada Soomaaliyeed (1) !!!!

Horudhac :

Wuxuu ka mid ahaa Culumaddii Soomaaliya soo martay Qarnigii 20- aad kuwa ugu cilmiga badan, wuxuuna Ummadda Uga tagay Tafsiirkiisa Quraanka Kariimka ah oon laga waayeen Guri Soomaali degan tahay Miyi & Magaaloba.

Wuxuu ahaa Caalim Rabaani ah :

Caalimka Rabaaniga ah waxay Culumadu Salafku ku tilmaamaan Ruuxii Seddex Arrimood isku darsada :
1) in uu cilmiga Islaamiga ah barto, Barasho uu uu ku noqdo mid Baxdoow ah.
2) In uu Cilmigaas ku camal falo ee uusan iska barkan.
3) In uu dadka ugu yeeero oo Dacwada Muslimiinta Gaarsiiyo.

Seddexdaas Sifoba wuu Lahaa Shiikheena Shiikh Cumar Faaruuq , Allaah ha u Naxariistee anigoon Ruuxna Faanineynin Allaah baana Xisaabinaaya .

Shiikhu wuxuu ahaa Buundadii Culumada Soomaaliyeed :

Waxaan ka wadaa Cinwaankan Shiikhu Wuxuu ahaa mid Cilmigiisii Hore ku Bilaabay Cilmigii Hareerihiisa yaalay ee uu ka qaatay Culumaddii Soomaaliyeed, oo uu ka mid ahaa, Quraan Barashada Dugsiyadii Soomaaliyeed ee Alif la Kordhabay !!!,

Sidoo kale Kutubtii Fiqhiga ee ka bilaaban jirtay Safiinaha, abuu Shujaaca , Muqniga iwm ama kuwii Afka Carabiga sida Naxwaha , Sarfiga , Curuudka oo laga bilaabi jiray Ajruumiga,Kawaakibka, Qadru Nidaa iwm.
Shiikh Cumar Faaruuq Waxbarashadiisii Hore halkaas ayuu ka bilaabay waxaan Macallim ugu Horeeyey Wallaalkiisa ka weynaa Shiikh Shaafici iyo Culumo badan oo ka mid ah ,Culumadii Caanka aha ee Reer Aw Xasan .

Shiikhu Wuxuu yimid Magaallada Xamar Abaarihii 1966 kii Xaafaddii ugu Horeeysay uu Dagay waxay aheyd Xaafadda Hodan, Masaajidkii Ugu Horeeyey uu Wax ka Akhriyona wuxuu ahaa Masjidka C/Rashiid ee uu dhisay Madaxweynihii C/rashiid Cali Sharmaarke Allaah ha u Naxariistee oo uu Salladda Maqrib kadib uu ka Akhrin jiray Tafsiirka.

Sidoo kale waxaa Masaajidkaas Salaada Casar kadib wax ka Akhrin jiray Shiikh Cali Suufi Allaah ha u Naxariistee , Salaadda Subax kadibna Waxaa isla Masaajidkaas Riyaadu Saalixiin ka Akhrin jiray Adeerkay Shiikh Cali Darwiish, Allaah Dhamaantood ha u Naxariistee, waa Abaarihii 1967-1968 kii .

Sidoo kale wuxuu Shiikhu Arday ka noqday Machadkii Tadaamun Al-Islaami ee Sacuudigu lahaa kaas oo uu Seddexdiisii Sanoba Dhameeyey.

Waana Waxbarashadiisii ugu Horeysay ee ka baxsaneyd Wixii Culumada Soomaaliyeed Haysay (1). Waana Meesha Allaah Shiikha ku guuleeyey oo uu Towxiidka & Dacwada Salafuiyadda ka bilaabay.

Machadkaas waxaa Shiikh ka ahaa Sidaan Maqlay Shiikh Nuura Diin Cali Colow Aabihii Dacwada Wahaabiyadda Soomaaliyeed Allaah ha u Naxariistee, sidoo kale Shiikh Cali Suufi iyo Culumo kale oo iskugu jiray Soomaali & Sacuudiyaanba.

Kadib Shiikhu Wuxuu Imaam iyo Shiikhba ka noqday Masaajidkii Uunlaaye ee Xaafdda Madiina ee ku yaalay Suuqa Madiina dhexdiisa 1971-1975 oo Shiikha la xiray muddo Bil ah Imtixaankii Culumadda ee Simidda Dhaxalka Ragga & Haweenka ee Janaayo,1975.

Masaajidkaas wuxuu Shiikhu Maqribka kadib ka akhrin jiray Tafsiirka Quraanka, Kitaabka Riyaadkana Saaxiibkiis Shiikh Cali Darwiish Allah kuligood ha u Naxariistee .

Shiikh Markii la soo daayey wuxuu aaday Sacuudi Carbiya Abaarihii 1975 ,Waxaa Masaajidkiina kala wareegay Saaxiibkiis Shiikh Cali Darwiish ilaa 1980.

Shiikhu Wuxuu ku Aaday Sacuudiga waqti Xaj ah kadibna markii uu Xajkiisii Dhameystay ayuu Imtixaan u galay Jaamicadda Madiina Munawara, Halkaas la ogolaaday markii uu Imtixaankii ku gudbay, wuxuuna ka soo Qalin Jabiyey Abaarihii 1979-1980.

Shiikhu Sidaas buu ku ahaa mid Buundo u ah Culumada Soomaaliyeed kuwoodii hore ee Xerta ahaa iyo Kuwoodii Danbe ee ka soo Qalin jabiyey Jaamicaaddka Sacuudiga .

Shiikha la dhaqankiisa Ummadda Soomaaliyeedna waa ka garaneysaa in uu ahaa Shiikh Muctadil ah oon iska weyneynayn Culumadii Soomaaliyeed ee uu ka barto waxay Haayeen oo dhan ,uguna Shukrinaaya Cilmigaas ay Bareen, Isla markaasna ka saxaaya ama baraaya wixii ka maqnaa ee ahaa Towxiidka iyo Shirkiga oo laga Fogaado.

Wuxuuna ahaa mid dacwadii Rususha wada oo Qowmkiisa ku oranaaya ( Waxaan idiin ahay mid Naasix ah oo aamin ah ) !!!!

Sidoo kale wuxuu ahaa mid mar kasta uu Daliilku Hogaamiyo oon Ruuxna uga haybaysan,

Waxaan Shiikhga Afkiisa ka hayaa asagoo leh, Nin baan isku ag Tukanay Carab ah markaas ayaan Imaamkii oo Rukuucsan ku Xiranay , Rakcaddaas aan kun xiranay anigu ma tirsan se asagu wuu tirsaday markaan Salaadii ka baxnay ayuu Arrinkaas igu Qabsaday asagoo is leh ( Ninkaan Madoow Diinta bar ) Markaas baan ku iri :
( Ficilka aan Sameeyey waxaa iiga horeeyey oo Qabay Shiikh Bukhaari ee anigu Jeebka kalama soo bixin ee Sidaas u ogow) taaduna waa saxan tahay oo Culuumada Qaarkood baa Qabta.

Waa inoo Qeybta Labaad iyo Taariikhdii iyo Waxqabadkii Shiikhuna Shiikh Cumar Faaruuq Allaah ha u Naxariistee annagana Allaah nama fidneeyo Gadaashiis.

FII AMAANI LAAH.
SHIIKH SAAHID MOHANED YUSUF
VA, USA.
sahidyusuf@yahoo.com

1) Carabtu waxay dhahaan weelkasta wixii ku jira uun buu soo tufaa, wax kale kama sugeysid. Culumaddii Soomaaliya waxay hayeen uun bay na bareen waan in aan ugu mahad celinaa ( culumada xerta ah ha loo hoydo ) !!!!
2) Sheekadaan waxaan ka maqlay shiikha mar aan ku arkay Toronto, Canada 1998.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Shiikh Cumar Faaruuq waxa uu ahaa Buundadii isku xirka Culumada Soomaaliyeed (1) !!!! "

  1. axlaam says:

    sorry saahid waxaan ka waday waxaad kusoo dartaa sh, maxamed rashaad!!!!mahan maxamed idriis!!!! iyo sh maxamed axmed rooble
    iyo abshir bacadle!!!!!! thnxxxx

  2. xuseen says:

    saahidow waxaan arkay maqaalo aad qorty adigoo ka hadlaya rag farabadan oo islaamiyiin ah ,qofkii yaqaana fikradaha islaamiga maanta ,durbaba wuxuu garan inaad tahay nin utacasuba iqaanul muslimiin ,waxaa cajiib ah inaad u taqaano nimankaan madhab la aanta ah oo aad tiri xaanabilo ayay wataan ismana oga ,inaad ku tilmaanto salafiyiin ,cajiib magaranayo waxa kugu xanbaaray ninmankaa wahaabiyada ah inaad salafi ku tilmaanto ,slafku ma waafaqsanyihiin?
    mida labaad waxaa ka tariiqeysay rag farabadan ,oo wadaado ah ,oo aad isku dartay wadaadkaan cajiibka ah al nuursi iyo hassan al banaa oo labaduba ay yihiin dad wanaagsan oo sumcad iyo sharaf ku leh caalamka islaamka ,laakiin maxaa ugu lifaaqaysaa ninmankaa kale cthaymiin iyo ibnu baaz ,sow ma ogid iney isku manhaj ahayn iyaga iyo al banaa iyo al nuursi allha u naxariisto ? waayo xheeq hassna al banaa iyo wadaadkaan al nuursi waxay ahaayeen ashacariya weliba oo leh nzca suufiyo ah oo ka fog ragaan kale ee najdiyiinta ah waxayna qabaan iyo ashacariyadu aysan ahayn dad suni ah qaarna ay ku fogaadaan ,sxb saahdi ,maxay tahay waxa aad isku qasayso ,ragaan ahlu sharafka ah iyo ragaan wahaabiyada ah ee takfiiriyiinta ah ee aan lahayn dheg wax maqasha aan ka ahayn ibnu taymiyah ,sidaa waxaan kuu leeyahay waxaan gacanta ku hayaa fatwa uu qoray cutaymiin oo uu gaalo ku xukumayo muslimiinta aan ku fikrada ahayn ,iyo fikrad tajsiim cad ah , waana kuu soo qorayaa ayadoo carabi ah taa ogow.
    mida kale hadaad tahay nin iqwaan ah ,ogow iqwaanku iyo salafiyada kuwa sheegta inay isku manhaj ahayn ,walow ayaamahaa ay galeen ninman qallijiyiin ah laakiin raga waaweyn ee iqwaanka waa la yaqaan waa dad ahlu sharaf ah ,hogaamin karana muslimka
    sida albanaa ,cumar al talmasaani ,saciid xawaa mahamed gazaali qardaawui abuu gudha iwm sxb sidaa u ogow

  3. xuseen says:

    saahidow kama aadan ma aan arag jawaabtaada meeshaad jeegtay ayaan ka raadiyay kama helin ,sxb sheeq albaani yaa ugu sheeq ah cilmigaan aad tiri waa uu yaqaan mise ,waxaad qabtaa cilmigu bilaa macalim baa la barankaraa?

  4. asc waraxmah,INNAA LIILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, waxaan aad uga tiiranyoonayaa geerida shiikheena Sheekh cumar faaruuq, Rabi ayaan waxaan ka tuugayaa inuu u naxariisto, jannada fardowsana uu rafiiq kala yeelo KHAYRU KHALQILLAAHI, S.C.W, Rabboow u naxariiso sheekha naxariis waarta,

  5. Wallaalkay mohamed Jzk kheyran waan joogay 100 kii qof wallaal jooga Suudaan kaliya ayaan ka helay, marka ma bixin.
    Inshaallh Shiikheena Cumar Faaruuq waan noo dhameyn doonaa ,kadibna waxaan ku xijin doonaa Shiikh Mohamed Macaallin ilaa sideed caalim oo Soomaali ah baan isku xijin doonaa haddii Allaah ii Sahlo. scwxwb

  6. Mh Mohammed says:

    ASC,,

    Sheekhunaa Saahid waayahaan waa lagu waayay, waxaanba is iri armuu sheekhiina Soomaaliya aaday waatuu raadinaayay dad hawsha nabadda kala qeyb qaatee.
    Sheekhunaa noo sii wad taariikhda Caalimkeenii Sheekh Cumar Faaruuq kolay dad adiga iyo asagaba idin dura la waayi maayee.

    Wabillaahi Tawfiiq