Home » Warar »

Sheikh Cumar Faaruuq oo ku Geeriyooday Sacuudiga

Sh. Cumar Faaruuq: Turjumaankii Soomaaliyeed ee Qu’raanka Kariimka (1939-2011) –

Maarso 8, 2011: Waxaa magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ku geeriyoodey Allah ha u naxariistee Sheikh Cumar Faaruuq oo ahaa Sheikh caan ka ahaa umaadda Soomaaliyeed dhexdeeda iyo dunida Muslimka oo ahba.

Sheikh Cumar Faaruuq Allah ha u naxariistii waxa uu ku geeriyoodey 72 jir (1939-2011).

  • Bahda Somalitalk Waxay Tacsi udiraysaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu Sh. Cumar ka tagay, Sidoo kale waxay uga tacsiyeynaysaa dhammaan ummada Soomaaliyeed oo wayday Caalim khayrka bari Jiray. Sh. Cumar illaahay waxaan uga baryeynaa inuu Janadiisa ku manaysto.
  • Hoos ka akhri tacsida Midowga Masaajidda & Maraakizta Islaamiga UK, masaajidda Woqooyiga Ameerika, Abubakar As-Saddique Islamic Center ee Minneapolis, Masjidka Albayaan ee Koonfur Afrika ee Jahanisburg iyo tacsida dadweynaha…

SH. CUMAR FAARUUQ: TURJUMAANKII SOOMAALIYEED EE QUR’AANKA KARIIMKA

ألحمد لله وكفى  وسلام على عباده الذين اصطفى أما بعد ،

إنا لله وإنا إليه راجعون

  • Qalinkii: Muxamad Idris Axmed

Waxaa goor dhowayd (Maarso 8, 2011) nagu soo duulay geerida naxdinta leh ee Sheekhii Caalimka ahaa, Turjumaankii Qur,aanka, ee Ummadda Soomaalida ah, Daacigii Islaamka, Toosiyihii Bulshada, Shekh Cumar Faruuq Xaaji Cabdi Suldaan, Ilaahay ha u naxariisto, Janaatul Firdowzana ha ugu abaal gudo, Wuxuu dembi lahaana Allaha u dhaafo, Qabrigiisa Allaha Qaboojiyo oo u Waasiciyo, Eheladiisii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimkaana Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Sh. Cumar Faaruuq waxaan Ilaahay uga rajaynayaa inuu noqdo kuwa ka nasta oo ka raaxaysta qaxarkiyo dhibaatada adduunyada, Waxaan Ilaahay uga rajaynayaa sida Tafsiirkiisa Qur’aanka Kariimkaa, boqollaal kun iyo malaayiin Soomaali ihi uga faaiidaysatey, inuu ilaahay Raaxada Janadda ugu abaalgudo.

Sh. Cumar Faaruuq markii aan bartay muddo 30 sano ka badan ka hor, isagoo tafsiirka Qur’aanka ka akhrinaya rugtii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah, dalka Sucuudiga, taasoo ku dhegganayd Safaaraddii Soomaalida ee Jiddah, kuna oolayd xaafadda Sharafiya, Jidka Madiina, waxaa dhegeysanayey berigaas casharka tafsiirka oo sheekhu halkaa ka akhrinayey dad yar oo aad u kooban. Wexey ahayd waayadii dadka Soomaaliyeed Mucaaridka Dawladda isaga badnaayeen. Kadibna Sheekhu Tafsiirka iyo Kutub kaleba wuxuu ku akhrin jirey Xaafadda Kiiloo 7, magaalada Jidda, oo Soomaalidu ku badnayd, Halkaas oo lagaga duubay Sheekha Tafsiirka Soomaalida dhexdeeda aadka ugu caan baxay.

Horraankii sagaashameeyadii ayuu sheekhu ka helay casuumad Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalka Iskaandaneefiyaanka, gaar ahaanna Dalka Sweden. Jaaliyadda iyo Maraakista Dacwada ee Soomaalida ee Dalka Sweden, ayaa Sheekha dejiyey Dalka Sweden, una sameeyey Iqaamadda dalka lagu joogo. Muddo dhawr Sano ah ayuu Sheekhu Daaci ka ahaa, Dalka Sweden iyo dalalka Iskandaneefiyaanka, wuxuuna ka qabtay shaqo dacwadeeda oo aad u ballaaran raadkeeduna ilaa hadda uu sii muuqdo. Waxyaabaha Sheekhu ka qabtay waxaa ka mida:

1)      Akhrinta Duruusta Cilmiga ah gaar ahaanna Tafsiirka Qur’aanka, Tawxiidka, Fiqhiga iyo Luqada, iyo dhammaan culuumta shareecada.

2)      Muxaadaraadka iyo Kelimaadka wacyigelinta Bulshada, gaar ahaanna Shirarka waaweyn oo sheekhu uu xiddig bidhaama ka ahaa waqti dheer.

3)      Midaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida, iyo Ururada oo sheekhu uu had iyo jeer ku dadaali jirey in la mideeyo.

4)      Asaaska iyo isku dubbaridka Maraakista iyo Masaajidda

5)      Dhex dhexaadinta iyo Islaaxinta Qoyska iyo dhibaatooyinka Bulshada Qurbaha

6)      Fatwada iyo ka jawaabidda Su’aalaha ay bulshadu qabaan

7)      Booqashooyinka magaalooyinka iyo Tuulooyinka ay Bulshadu ku firiqsantahay iyo baraarujintooda.

Arrimahaas iyo kuwa kaloo ka badanba Sheekhu wuxuu ka qabtay mudadii uu ku sugnaa dalalka Iskandineefiyaanka gaar ahaanna dalka Sweden oo saldhig u ahaa Sheekha, siiba Magaala madaxda (Stockholm) iyo magaalada labaad (Gothenburg). Wuxuu sheekhu cagta dhigay tuula kasta oo ay degganaayeen Soomaalidu.

Markaan Sanadihii ka dambeeyey labada kun, aan maray dalka Sweden, meel kasta oo aan maro waxaan arkayey raadkii Sheekha. Markaan magaalooyinka qaarkood marayna waxaan seexday isla guryihii iyo qolalkii uu seexday Sh. Cumar Faaruuq sida ay ii sheegeen dadkii meelahaas ku noolaa, Sida magaalooyinka, Stockholm, Gothenburg, Orebro, Gislavet. Mar aan tegey magaalada u dhow Caasimadda ee Jaamacadda macruufkaa ku taal, Uppsala, wexey igu yiraahdeen Hoolkan shirarka waxaa muxaadaro ugu dambeeyey Sh. Cumar Faaruuq, iyo hadda markaad noo timi.

Magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaa ku yaalla Masjidka iyo Markaska Soomaalida ugu weyn ee Masjid Tawfiiq, iyadoo berigaa Soomaalidu dhawr meelood ku kala xeraysantahay, waxaa isu keenay, oo Masjid Tawfiiq isugu keenay, Sh. Cumar Faaruuq, Allaha u Naxariistee, iyo Sh. Mustafa Xaji Ismaaciil Haaruun, Allaha Dhawro. Ilaa haddana Masjidka Tawfiiq wuxuu ka mid yahay Masaajidda, xagga Jamaacada iyo Waxtarka iyo Khayraadka ugu Baraka badan, sidaan is leeyahay, Masaajidda iyo Maraakista Soomaalidu Qurbaha ka asaastay, waana fadli Ilaahay.

Sh Cumar Faaruuq wuxuu ahaa, sidaan ku bartay, nin ka weyn urur gaara, iyo reer gaara, ama fikrad gaara, wuxuu ahaa Caalim Muslima, Soomaalinimaduna aad ugu weyntahay, had jeerna jecel, wanaagga iyo huruumarka Ummadda Soomaaliyeed iyo midnimadeeda. Wuxuu ahaa Culimada raga ugu dhega nugul marka loogu yeero arrin caam ah oo bulshada Soomaaliyeed maslaxadeeda Khusaysa.

Sheekh Cumar Faaruuq, Allaha u Naxariistee, waxaanu ka wada shaqaynay munaasabooyin badan oo dacwada ah, waxaa ka mid ahaa, baaqii Makka loogu magac daray, oo xajkii 94 ay Culimo iyo Ducaad Soomaaliyeed oo fara badan ay Magaalada Barakaysan ee Makkah kasoo saareen, ayna u jeedinayeen Ummadda Soomaaliyeed, looguna baaqayey nabad iyo muwaafaqo iyo heshiis, oo u noqoshada Shareecada Islaamka xukunkeeda wax kasta oo dhexdooda jira, Sheekhuna u ahaa afhayeen, aniguna aan ula shaqaynayey xoghayn, inkastoo dhaqdhaqaaq badan iyo xiriira la sameeyey, haddana sidii la rabay uma mira dhalin.

Sidoo Kale waxaa Magaalada Makka lagu qabtay Xajkii 1995 sida aan jeclahay, documentiyadii hadda mahayo, shir lagu soo dhoweeyey Culimadii maxaakimtii Islaamiga ahayd ee berigaa ka bilaabatay magaalada Muqdisho. Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Culimo iyo Ducaad badan oo Soomaaliyeed, ayna ka mid ahaayeen Sh. Shariif Cabdinuur, Allaha Xifdiyo, iyo Sh. Cumar Faaruuq Allaha u naxariistee, Waxaana lagu unkay guddi taageera Maxaakimta iyo horumarintooda, oo uu madax u ahaa Sh. Shariif Cabdinuur, Ku xigeenna uu u ahaa Sh. Cumar Faaruuq, Xoghaynna aanu ka ahayn aniga iyo Sh. Muxamed Qasim. Guddigaaso hawla badan ayuu qabtay, wexeyna gogol xaar u ahayd maxaakimtaasu kuwii marxaladii saddexaad ee Maxaakimta 2006, iyo kacdoonkii xididada loogu siibey dagaal oogayaashii Muqdisho.

Sh. Cumar Faaruuq allaha u naxariistee, wuxuu ahaa nin aad u fur furan oo macaan, hadalkiisa aan laga dhergin, Aftahan ah oo afka Soomaalida Eebe u fududeeyey, wuxuu ahaa nin laabtiisu u furantahay waqti kasta oo booqashada loogu yimaado, marar badan ayaan iyadoo aan ballani jirin aan gurigiisa Jiddah, Xaafadda kiiloo 7, ama Gurigiisa kale ee Makka, Xaafadda Malaawi, ugu tegi jirney iyadoo markii loo tegayo wax yar ka hor lala hadlo, waxaana bidhaantiisa sheekha iigu dambaysey Xajkii Sanadkan dhexdiisa iyo Markii laga soo gadoomey, kadibna aan Sucuudiga safar kaga soo baxay. Markaan u tagana wuxuu dhihi jirey: Sh. Maxamad bal ka waran jaaliyadihii, iyo carrigii aad soo martay? Waa sida uu mar kasta ii weydiiyo, Sheekheenna Sh. Shariif Cabdinuur xafidahullaah.

Ayaamahaas u dambeysey ayaan galab weydiiyey: Sheekhaygiiyow Xaaladdii Umadda Soomaaliyeed waad aragtaaye maxaad ku talin lahayd? Wuxuu iigu jawaabey, isagoo ay ka muuqato inuu xaaladda Ummadda aad uga murugaysan yahay kana xunyahay in badan oo saaxada ku jirtaa iney dhegaha ka cufaysatay hadalka Culimada, Wuxuu yiri: “ILAAHOW UMMADDAYDA HANUUNI WAXBA GARAN MAAYAANE”.

Ilaahay waxaan Sh. Cumar Faaruuq uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, janaatul firdawsna geliyo, ehelkii iyo awlaadii uu ka tegey iyo Ummadana samir iyo iimaan ka siiyo, Musiibadana Ilaahay ajar naga siiyo, wax ka khayr bandanna noogu bedelo, aamiin..

Muxamad Idris Axmed
Capetown  3/3/1432 (8/3/2011)
hayaan@gmail.com

###

Abubakar As-Saddique Islamic Center

Minneapolis: Inaalilaahi Wa innaa ilayhi Raajicuun. “Ilaahay wuxuu qaato isagaa leh,  wuxuu qaybiyana isagaa leh, waxkastana agtiisa waxay ku leeyihiin qadar go’an, dulqaata oo ajar xisaabsada ” Dhamaan Culimmada, Maamulka, Macalimiinta, Ducaada iyo Jameecada Xarunta Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Fadiilatu Sh. Cumar Faaruuq, sidoo kale Xaruntu waxay tacsi u diraysaa dhammaan ummada Soomaaliyeed oo wayday mid kamid ah Culimmadoodii waa waynaa, waxayna illaahay uga baryayaan inuu badal khayr qaba siiyo.  Masjidka Abuubakar wuxuu si khaasa geerida Sh. Cumar ugu tacsiyeynayaa Fadiilatu Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ah Sheekha Masaajidka, AAIC.Jameecada Abubakr ayaa si aad ah u tabi doonta kaalintii dacwada ee Sh. Cumar ka gaysan jiray Masaajidka Abuubakar ee Fataawo iyo wacdi isugu jirtay. Culimmada , Maamulka, Macalimiinta iyo Ducaada Xarunta Abubakar waxay Sh. Cumar ilaahay uga baryayaan inuu danbigiisa u dhaafo, janadiisana hoy uga dhigo. Sh. Cumar illaahay waxaan uga baryeynaynaa inuu Tafsiirkuu duubay Sadaqa Jaariya uga dhigo.

Xasan Dhooye
Maamulaha Masjid Abubakar As-Saddique Islamic Center (AAIC)

###

TACSI:

Asalaamu Caleykum

Midowga Masaajidda iyo Maraakizta Islaamiga UK (AMIC)

Quluub ay tiiraanyo ka buuxdo, indho ay ilmo ka buuxdo iyo erayo naxsan ayaanu ugu tacsiyaynaynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Sheekh Cumar Xaaji Cabdi Suldaan (Cumar Faaruuq).

Waxaanu si gaar ah ugu tacsiyeyneynaa awlaaddii iyo eheladii sheekha, asxaabtii iyo ardaydii uu wax soo baray iyo dhammaan culumada Soomaaliyeed oo wehel muhiim ah maanta waayey.

Ilaahay ha u naxariisto sheekh Cumar, naxariistiisana ha dhaxalsiiyo.

Waxaan culumada Soomaaliyeed iyo dhallinyaradaba ku guubaabineynaa in ay halkeedii ka sii wadaan hawshii wanaagsanayd iyo dacwadii barakaysnayd ee sheekha lagu bartay.

Markale, waxaan ku baaqaynaa in loo istaago ilaalinta iyo u adeegidda culuumta dhaxalka ah ee uu sheekhu ka tagey.

Cabdisamad Xoday
www.amicuk.org
AMIC: waa dallad kulmisa masaajidda Soomaaliyeed ee UK, waxaana xubno ka ah inta badan xarumaha ay Soomaalidu maamulaan ee Islaamiga ah.

La xiriir: hoday30@googlemail.com

###

TACSI  TIIRAANYO  LEH.

GOLAHA ISUTAGA   MASAAJIDA   EE WAQOOYIGA (THE NORTH  AMERICAN COUNCIL OF IMAMS).

إن لله ما أخذ وله ما أعطى . وكل شيء عنده بأجل مُسمى …فلتصبر ولتحتسب

Dhamaan Culimada  iyo ducaada Golaha iimaamyada Ee W/Maraykanaka ,Waxay tacsi u dirayaan

Allaha unaxariistee ,Dhamaan Umada soomaaliyeed ,Gaar ahaan Eheladii uu ka geeriyooday,Fadilatu sheikh (CUMAR FAARUUQ),Waxaana illaahay Uga baryaynaa inuu janadiisa fardowso galiyo,danbigiisana dhaafo.AAMIIN,AMIIN. AAMIIN

اللهم اغفر له وارحمه، وعافه ،واعف عنه ،وأكرم نُزُله ، ووسع مُدخلهُ ، واغسله بالماء والثلج والبرد ، ونقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، وأبدله داراً خيراً من داره ، وأهلاً خيراً من أهله ، وأدخله الجنة ،وأعذه من عذاب القبر [ ومن عذاب النار ]

  • 1-Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar.     Godoomiyaha Golaha Masajida ee w/maraykanka.
  • 2-Sheikh C/llaahi  Abul-fadli,   Madaxa hawl fulinta ee Golaha Masajida W/maraykanka.
  • 3-Sheikh Axmed Nuur  Imamka Masajidka Seattle WA.
  • 4-Sheikh C/risaq Haashi  Imamka masajidka  Minneapolis,Mn.
  • 5-Sheikh Yuusuf  Cabdulle Imamka Masajidka Boston,MA
  • 6-Sheikh Aadan Sheikh C/lle Imamka Masajidka  Columbus,Ohio.
  • 7-Sheikh Khadar Omar Imamka Masajidka Sandiego,Ca
  • 8-Sheikh Akhaliq Imamka Masajidka Phoenix,AZ.
  • 9-Sheikh Musdhafe Imamka Masajidka Kansas,MO
  • 10-Sheikh Maxamud Imamka Masajidka Omaha,NE
  • 11-Sheikh Saalax C/samad Imamka masajidka lewoston,ME
  • 12-Sheikh(Macalim  Barre C/llaahi Imamka Masajidka portlan,ME
  • 13-Sheikh C/raxmaan Imamka Masajidka  Nashville,TN.
  • 14-Sheikh Maxamed mursal  Imamka Masajidka Al-ixsan,MN.
  • 15-Sheikh Nuux  Ciise Iman  Imamka Masajidka  Atlanta,GA
  • 16-Sheikh Cali  Imamka Masajidka Awottana,MN
  • 17-Sheikh C/fitax Sh Omar Imamka Masajidka frapoll,MN
  • 18-Sheikh Macalin Shaakir Imamka Masajidka plican-raped,MN
  • 19-Sheikh C/llaahi Ibrahin Masajidka  Minneapolis,MN
  • 20-Sheikh Maxbuub Imamka Masajidka,
  • 21-Sheikh Dhayib Imamka Masajidka Utah.
  • 22-Sheikh Xusein Xoghaynta Gollaha Imamyada.

Iyo Ducaad badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin.

MAAMULKA  ISUTAGA MASAJIDA EE W/MARAYKANKA.

MINNEAPOLIS/MN.           03/08/2011

La xiriir: kulmiye99@hotmail.com

Halkan ka akhri Tacsida Masjidka Albayaan ee Koonfur Afrika (Jahnisburg)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Sheikh Cumar Faaruuq oo ku Geeriyooday Sacuudiga "

  1. innaalilaahi waa inna ileyhi raajicuun., allaha u naxariisto caalimkii weynaa ee soomaaliyeed mufasirkii quraanka kariimka iyo muxadiskii soomaaliyeed shiikh cumar faaruuq meeshii loo socdey oo lama huraanka aheyd ayuu aadey ee denbihiisa allaha dhaafo oo waxaan alle u weydiinayaa in janadiisa fardoosa geliyo waxaan kale oo rabbi u weydiinayaa in uu qabriga u waasiciyo oo albaabka janada u furo eheladii uu ak tegey iyo umadda soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo anagana kuwii ku cimro qaata oo ku waano qaata allaha naga dhigo.

    walaal jeclaa shiikha
    abshir xuseen cismaan
    dubai

  2. abu muhamad says:

    Allah Naxariistii janada ha siiyo Al-calaamah Alwaalid, sida inta ka wayn sida Al-calaamah Sh. Sharii Abdirnur iyo inta la mid ka ah uu u ixtriaami jiray allah ha u xifiday. Maalin dhaweyd baan sheekha nin wakhti badan la soo qaaday ii sheekeeyay, waxa uu igu yiri garan maayo dantiisa ah uu Sh.Cmar Faaruuq Raximuhulah uu wakhti ku lumiyay. Diinta iyo danta caamka ah buu mar wali mashquul ku ahaa. Sh. Cumar waxa uu ahaa nin cabsida ilaaheyd ku wayn tahay. Waxaa uu ahaa nin umada islamka kharyrka la jecel.

    Ilaahow u naxariiso Sh. Cumar Faaruuq.

    Dhamaan Sabar iyo Iman Allah siiyo Umada Soomaaliyeeed waa uu nagawada dhintay.

  3. Maxamed says:

    Asalaamu Caleykum,

    Anigo ah Maxamed Cawil waxaan halkan tacsi tiraanyo leh uga diraynaa dhamaan ummada Soomaliyeed ee islaamka ah meel kasto ay joogto. iyo eheladdii,qaraabaddii u ka geeriyooday Allah u naxariiste Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan, oo ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaaladda Jeddah, ee dalka Sucudiga, sheekha waxaanu ilaahay uga baryayaa in in ilaahay naxaariistii Janatul firdowsa ka waraabsho. ummada soomaliyeed iyo ehelkana dhamaan samir iyo imaan ka siiyo. Amiin,Amiin,Amiin.

    Waxaa hubaal ah in maanta ummada soomaliyeed uu ka tegay shaqsi mug iyo miisaan culus oo aan la soo koobi karin ku lahaa culimada Soomaliyeed, shaqsi meel weyn kaga jiray fidinta shareecada Islaamka kuna dadaaley suu ummadiisa cilmiga u gaarsiin lahaa. dadka somaliyeed badankoodu waxay sheekha aad uga xasuustaan xagga cilmiga Tafsiirka oo maanta guriyo badan oo soomaliyeed laga helayo Tafsiirkiisa.
    Ilaahay qabriga ha u waasiciyo, Sheekh Cumar faaruuq Xaaji Cabdi suldaan.

    ugu danbayntii waxaan ilaahay uga baryay inuu umada soomaliyeed quluubtoodda isku soo jeediyo kana saaro dagaallada, Abaharaha iyo dhibaanto kasto haysata. ugana bedlo NABAD, bash-bash iyo barwaaqo Waarta. Amiin.

    Maxamed Cawil – NL

  4. abdirashid ahmed Adan Gabalaax says:

    Dhulka wuxuu leeyahay xidigo iftiimiya xidigahaas waa culimadeena Allaah subxaanahuu watacalaa ka baryaa in uu kamid dhigo Sheikh Cumar Faaruuq Maca nebiiyiina wa ,sidiiiqiina ,wa shuhadaai wa xasunna ulaa’iika rafiiiqaa. Amiiin yaa Rabi. Culimadeena joogtana in Allaah noo barakeeyo kuwii ka faaiideystana Rabi naga dhigo

  5. mohamed says:

    innaalillaahi wa innaailehi raajicuun,
    ilaahay sheekha qabrigiisa ha uwaasiciyo,jannadiisana nagi ha ugadhigo,samir iyo iimaanna dadkii iyo ehelkii iyo dhammaan dadka soomaaliyeed hakasiiyo
    aamiin aamiin aamiin

  6. Mohamed Gedi says:

    Innaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun , ilaahay ha u naxariisto sheekh cumar faaruuq , eheladiii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahay haka siiyo iyo dhammaan umaddda soomaaliyeedba aamiin .

  7. mohamed wali says:

    allaha u naxariisto cumar faaruuq danbigiisiina allaha dhaafo kolay adoonkaas dami la,aan ma ahaa kare

  8. dulmidiid says:

    Dhulka wuxuu leeyahay xidigo iftiimiya xidigahaas waa culimadeena Allaah subxaanahuu watacalaa ka baryaa in uu kamid dhigo Sheikh Cumar Faaruuq Maca nebiiyiina wa ,sidiiiqiina ,wa shuhadaai wa xasunna ulaa’iika rafiiiqaa. Amiiin yaa Rabi. Culimadeena joogtana in Allaah noo barakeeyo kuwii ka faaiideystana Rabi naga dhigo.

  9. Abu Salman says:

    INA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxaan halkan Tacsi tiraanya leh uga dirayaa guud ahaan umada islaamka, gaar ahaan ehelada Sh. Cumar Faruuq. waxaan leyahay Dhamaanteen Samir iyo Imaan. Sheekhana ALLAH hageeyo meel ooga khayr badan Adduunka. Amiin.

    Waxaan mahad u dirayaa Mulkilaha/yaasha websikan Somalitalk. sida aad uugo taciyayseen umada Somaliyeed iyo sida aad uso gudbiseen Geerida Sheekha. Walaalayalow waan ogahay idinka ayaa isku reerna ah websitekinana ka afdheeryahay midka Canugan Cilmi iyo Caqli aan midna lahayn ee Dhunsan ee isku maga caabay Ustad Cadiwali! maad ka qabataan CAYDA IYO DICAAYADA UU CULUMADA ISLAAMKA CAYNAYO XATAA HADAYDHINTEEN SIDII ABOORKI JIIDHKODA CUNAYA. Waaniya idinka la reer ehe, hadii uu idinka diido in uu Cayda kadaayo CULUMADA. Warbahintiina kula dagaala oogana diga in uusan Caruurteena hada sokoraysa uusan Dufsanin. Waan hubaa in uu Shaydaan ama Shayadiin kadhadhiciyeen ama GAALO lacagsisay si uu CULUMADA ISLAAMKA ucaayo. CULUMADA oo lacaayo Waa lagu galobaa. Kaligii Muslimkaa aan Caqli iyo Cilmi midna lahayn wax u sheega idinkaa la reer ahe. Mar labaad waad mahadsantihiin wanaaga aad umada u wadaan iyo sida aad u difaacdaan Gayiga Somaliyeed iyo sida aad waxa wanaagsan uguso gudbisaan Umadeena Somaliyeed. Waxaan ALLAH waydisanaynaa Danbi Dhaaf iyo Raali ahaansho. JAZAKUMU LAAHU KHAYRAN.

  10. abu muhamad says:

    Somali Talk khayr Allah idink ka siiyo qoraalka aad ka qorteen sh. cumar faaruuq Caalimkii Somalia.
    Sh. Cumar Allah u naxariista janadii fardowsan allaha siiyo. Cid booskiisa buuxisa Allah oo khayr qabta Allah Somali ha oogu badalo

  11. Adam Abuzhri says:

    Anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada Soomaaliyeed ee Qatar, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadaynay geerida naxdinta leh ee kutimid Sheekha ummada, Sheekh Cumar Faaruuq. Waxaana leeyahay:
    انا لله وانا اليه راجعون
    Nasiib daro, weli sheekha lama kulmin walow aan wada joogney wadamada Khaleejka, laakinse waxaan kamid ah kumunaanta Soomaalida ee wax kabartay cajaladihiisaha. Waxaan filaya inkasta oo aan kala qaybsanahay shacab ahaan, hadana waxaan ku talinlahaa inteena dibida joogta ee ka aflaxday duruusta sheekha in la aruuriya cajaladaha sheekha oo lasameeya webisite sii ay usii socota duruusta Sheekha!