Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo bilaabey Ololihiisa ku aadan in mar kale loo Doorto Xilka Madaxweynenimada

Axmed Diiriye: Waxaan soo jeedin lahaa in Waqtiga loo Kordhiyo Madaxweyne Shiikh Shariif –

Waxaa lagu wadaa in bisha Ogoosto ee Fooda nagu soo heyso ay bilaabanto Dooorashada Madaxweynimada ee Dowlada Federaalka iyo Midda Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana durba soo baxay ololhii Xilalakaas loogu tartamayo waxaana Hotelka Ambasadoo lagu qabtey Xaflad u ekeyd mid si weyn loogu taageerayey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Ciidamada qalabka sida waxaana kulankaas ka soo qaybgaley Odayaasha Dhaqanka beelaha Hawiye oo uu horkacayey Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamuud Imaam Cumar ,Aoonyanahano iyo ururrada Bulashada Rayidka

Xubnihii Halkaas ka Hadley ayaa waxaa ka mid ahaa Afhayeenka Beelaha Hawiyey Nabadoon Axmed Diiriye oo afka ku balaariyey in Waqti kale la siiyo Dowlada Federaalka ee Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuuna sii raaciyey “Anigu dhihi mayo Saddex Sanno Ha loogu Daro , laba sanno ha loogu daro hal sanno ha loogu daro Ragga waxay bay qabteen hadhow yeysan na dhihin anagoo wax qaban karney ayaa xilkii nalaga qaadey war hooy yeyesan na eersan waqti kale ha loogu darro”

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Imaam Maamuud Imaam Cumar oo isna taageeradiisa u muujiyey in loo baahan yahay in waqti kale la siiyo Dowladda Federaalka si ay wax qabadkoodu u muuqdo wuxuu sheegey in Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif aysan helin waqti ku filan oo ay wax ku qabtaan isagoo sheegey in uu bilowdey Waxqabadkii Dowladda Federaalka waxaana ku talin lahaa in Waqtiga loo Kordhiyo

Ugaas Cabdulaahi Aar oo loo yaqaan Laba Qayd oo ku hadlayey Magaca Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Daarood ayaa sheegey in Shacabka looga Baahan yahay in ay is Garab taagaan Dowlada Federaalka oo uu sheegey in ay guulo ka gaartey Dagaalada Socda wuxuu kaloo uu sheegey in Beesha Daarood ay taageersan tahay in Waqti dheeraad ah la siiyo Dowladda Federaalka si ay u dhameystirto Waxyaabaha ka qabyada ah

Waxaa la filayaa in kulamo kale oo ay weliyaan isku soo baxyo oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif lagu qabto Deegaanada Dowladda Federaalka ka taliso si Muddo kale uu Baarlamaanku ugu kordhiyo iyadoo dhawaan Madaxweynaha uu kulan la tashi ah la qaatey qaar ka mid ah Saaxiibadii waxaa lagula taliyey in uu ka haro Isjiid Jiidka u Dhaxeeyea isaga Gudoomiyaha Baarlamaanka islamarkaa uu badiyo Kulamada uu la yeelanayao Xubnaha Baarlamaanka si uu uga dhaadhicyo Ololahiisa ku aadan Doorashada Soo socota

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo bilaabey Ololihiisa ku aadan in mar kale loo Doorto Xilka Madaxweynenimada "

  1. Ahmedey says:

    Jawaab ninka isku magacabay ABDI,

    Caadifad baa ku dilootey orod ee Gabre u khidmee, Odoyashan juhalada ee Daakhuutka run iyo been waxay shegay maba kala yaqaanan. Argagixsadu waa tan Xabashi gabdhiina fuulayay idinka dhicisey, African ganfuur weyn u diidey inuu Bakaaro iyo Maka al Mukaram gabdhiihna ku kufsado.

    Jihaadkana umada waa u wada siman yihiin, hadii shirka Daakhuutinka eysan Raxanweyn iyo Isaaq ka qeybgalin micnaheedu ma ahan in beelaha magacyadooda aad ka tagtey aysan “Argagixiso” ahayn.

    Marka waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko aan kuu caqliyeyo ileyn xaaranta baad ku soo kortey 20 sano ee la soo dhaafey dadnimo, xornimo, diint iyo dowladnimo midna kuuma bilowna.

  2. Axmed Saciid says:

    Sharif Axmed ma Itoobiya uu wadanka kusoo celshay darteed maan dib ugu dooranaa?!

  3. Xog'ogaal says:

    Xikmad carabi ah baa waxay tiraahdaa (FA-IN LAM TASTAXYI IFCAL MAA
    SHITTA ) waxaan Xamar ku xeraysan oo dawlad aan jirin dadka u sheegana miyaanay danqanahayn oo damiir la hayn waa iga su-aale
    duulka yaa wax baray xaggeebayse ku soo kacaameen anigu waxaan ku talinlahaa war kuwaas laba Shariif horboodayaan yaan wax laga sugin.!!!
    War 100 qof oo wax garanaya dadkaan iyo dalkaanna u naxaya oo mukhlis u ah oo aynu innagu soo xulannay ayaa inaku filane aynu xilka dowladnimo u dhiibanno (u dooranno).SIDAAN AYNU KU SUGANNAHAY WAA CEEB!!!
    Farmaajo iyo wasiirradiisa layma xaqiree anigu eed uma hayo !!!.

  4. Abdi says:

    Nabadoon Ahmed Diriye, Imaamka Hiraab Iimaam Mohamed, iyo waliba afhayeenka beelaha Daarod Ugaas Abdulahi Aar waa runtood Shiiq Shariif nin ka roon 20 kii sano ee lasoo dhaafay masoo marin, marka asaga iyo Prime Minsterkaba waqtiga waa in loo kordhiyaa, maxaa yeelay waa labo shaqsi oo dhalinyara ah, rabana in eey si daacad ah dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan. Ethopian aaa sheegeysaa, ee yahuudna xataa waa in loogu yeertaa nimankan argagixisada ah ee shacabkii iyo dalkii iyo diintaba cadow ku ah, oo uu ugu weynyahay fulay Xasan Daahir, oo ogolaaday, in dadkiisa eey baabi’iyaan niman raxanweyn, iyo isaaq ah oo argagixiso ah. “The ends justify the means”, marka Madaxweeyne shiiq shariif iyo prime minster farmaajo gar ayeey u leeyihiin in eey kaashadaan cid walba.

  5. nin guud says:

    kkkkkk waxaasaa qabyaalad ah war somaliyeey waxaan idiin sheegaya in qabyaalad ay indhaha idiin tirtay horaa abwaan somaliyeed waa sangube uu u yidhi somaalaay garaad laay gurigaaga kii gubay goormeed arkeysaa caqligaagan gawda ihi goormuu irmaanaan waxaan ka wadaa qof walba hadii loo abtiriyo qabiil ayuu galayaa lkn qof walba waxtarkiisa iyo wadaniyadiisa hala fiiriyo

  6. Togane says:

    Axmed Diiriye ninka uu leeyahy waqti haloogu daro shalay waxuu saxaafada horteed ka qirtay in Itoobiya ay ka cawisay qabsashada beledxaawo, Axmed Diiriyane waxaan ku ogeyn asigoo leh odayasha hawiye hadaan nahay jihaad baa nagala dhexeeya Itoobiya!

    Mise Itoobiya Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiyada Sheekh Shariif waa laba wadan oo aan waxba isku ogeyn?!

    Cadaalad darada Soomaaliya dhigtay meesha ay maanta taal waxaa soo koobaya warbixintan kore.

  7. Ali says:

    Sh. Shariif wuu ogyahay in aan dib loo soo dooranayn aniga ma sheegin haddii uu isticmaalo $ Awbidaar .

  8. Qaasim says:

    waxaan layaabaa xaq ayuu uleeyahay inuu isu soo taago ha helo ama hawaayee waa muwadin somalyeed yaase kawanagsan 20 sano maxay wax uqaban wayeen haddey jiraan da kawanagsan
    caadifad yaysan idin qaadin ama nin jeclesi ama shaqsi la iska naco

  9. hooyo says:

    anigu waxaan dhihi lahaa markii soomaali oo dhan la isu keeno mid dhaama kuma jiro sheekh shariif,

  10. garyaqaan says:

    ilahaybaan idinku dhaariyee hada odayaashaan ma danta ummada ayey ka shaqeynayaan mise jeebkooda,waa niman aan hadaf iyo goaan ana lahayn oo isbadala sidii jir-jiroolihii.qofku haduusan cilmi diini ah mid maadi ahba uusan aqoon,wuxuu cadow ku noqdaa naftiisa tan dadka kale is daaye.
    waxaan maqli jiray umada inay xuntahay waxaa lugu gartaa,hogaamiye xun ayaa gacanta loo galiyaa bal hada kuwaan dadkii ay nabadoon u yihiin ayagana xagey joogaan.horta yaa doortay?. Shiikh shariifkaan shaly dowladii ka horeysay gaalada ku tilmaamyey,wadaadkana iska dhigaayey maantana gaalada u sii ordaya, hadana lasoo taagan ha la i doorto.ninku sow islama yaabo,alle kacabsina warkiisa daa.allow towbada na waafaji.