W/Qorey: Ahmed Mahamoud
AR-AAR:
Run ahaantii horumarka wax soosaarka dhaqaaleed ee umaddi ku talaabsato ayaa ah mida lagu qimeeyo,hadii waddan dhaqaalihiisu kobco,waxaa horumara qaybaha nololeed ee bulshadaasi,sida caafimaadka,waxbarashadda iyo wax soorka cuntadda,isla markaasna waxaa hoos u dhaca jahliga ,cudurka iyo gaajadaba.Waa arin xaqiiqa ah in ay taasi daba socoto dhibaatooyin baaxad weeyn oo u baahan in si hufan loo maamulo,balse horumarku waxuu taaba gal noqon karaa,hadii lala yimaado qorshe qeexan oo isla mar ahaantaasna laga taxadaro dhibaatada imaan karta hadii si xun wax loo maamulo,maamul xumidaasi waxay sababi kartaa in dhibaatada dhacdaa ka baaxad weeynaato horumarkii iyo dhaqaale kobcintii lagu taamayey,balse dhibta laga dhaxlo deegaanka oon laga taxadarin ayaa ah dhaxalka ilmaheena aan uga tagno tan ugu muhiimadda badan ee aaysan qarniyaasha dambe ee noloshooda iloobi doonin, kuna reebta xusuus aan dhamaaneeyn.
HORUDHAC:
Sahaminta iyo qodidda batroolka ayaa waxuu geeystaa dhibaatooyin fara badan oo isugu jira xag,bulsho(social impact) iyo mid deegaameed(environmental problems),iyo mid siyaasadeedba(political conflict) hadii aan si dhab ah looga taxadarin,hadaba sahaminta batroolka ayaa waxaa loo baahan yahay in lala socdo,lana ogyahay waxyaabaha looga baahan yahay shirkadaa in ay soo bandhigto inta ka horeeysa sahaminteeda,oo aan la gaarin qoddida ama waxsoosaarka batrooleed, waxaa ugu mihiimsan in la ogaadana ama la sameeyana waxa ugu waaweeyn;
a) In la qaado noocyo ama qaybo isugu jira waxa nool iyo waxa aan nooleeyn ee deegaankaasu leeyahay (flora iyo fauna),kuwaasoo ay ka mid yihiin,biyaha,ciida,kaluunka,miraha beeraha iyo xayawaanka iwm,kuwaasoo u baahan in la isticmaalo sheeybaar si loo ogaado lana soo bandhigo qaab loo badbaadin karo ama loo yareeyn karo waxyeelada gaareeysa..
b) Waqtiga qodidda ka hor waa in la yaqaan dhulka la geed qaadayo,kaasoo la yareeynayo dhibaatada deegaan ee halkaas laga filayo in ay ka dhici karto iyo xaalufka dhuleed.
c) Sidoo kale waa in la soo bandhigaa horumarka deegaankaas loo sameynayo waqtiga howshaan la wado,sida cusbitaalo,guryo deegaamo,biyo gelin,jidad xaafadeed iyo waxyaabaha kaabaha u ah nolosha bulshada deegaanka ku nool iyo kuwa shaqada u soo raadsan karaba,si loo kordhiyo,loona horumariyo caafimaadkooda,aqoontooda iyo waxsoo saarkoodaba.
Qodidda batroolka iyo waxyeeladiisa
Sidoo kale waxaa taxadar mudan waqtiga uu dhacaayo qodidda(drilling involves),xilligaan ama waqtigaanu waa kan ugu dhibaatada ama khasaaraha badan,waana marka uu u carqaladeeyn karo si baahsan deegaanka iyo waxa ku noolba,waana waqtiga dhulka uu u geeysto dhibaatada ugu badan,waxaana ugu waaweeyn dhaawacyadiisa;
a) Waxa uu dhaawac u geeystaa qodidaasi,lakabyada kal duwan ee uu dhulku ka sameeysan yahay(damaged landscapes),sidoo kalena waxa uu wasakheeyaa biyaha dhulka dhow ku jira ee patroolka ka sareeya(pulleted water),sidoo kalena waxuu dhibaateeyaa qodidaasi dhulkakorkiisa iyo biyaha saaranba dusha sare.
b) Acid-ka ay ku isticmaalaan dhulka markeey qodayaan shirkadahaasi,waxa uu dilaa waxyaabaha biyo ku noolka ah ee loo yaqaano aquatic life.
c) Suntan chemicals-ka ah ee ay u isticmaalayaan waqtiga qodiddu howshu socoto,waxay dhib u geeysan kartaa waxyaabaha deegaankaas ku nool sida,dhirta, xoolaha iyo waxa deegaanka ku nool oo dhan.
d) Waxyaabaha il-ma-aragtada ah eek u nool ciida loona yaqaan afka qalaad soil micro-organismka iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay sheey-yada isku haya ciida ayaa si sahal ah ku baa’a, taasoo dhalisa nabadguur iyo burbur ku yimaada in ciida dib dambe looga faa’ideeysto.
e) Dhibaatada aadka halista u ah waxay tahay curiyayaasha ama isku dhisyada uu ka kooban yahay batroolku oo uu ka mid yahay; nitrogen,sulphides iyo qaar kaloo badan,waxay horseed ka yihiin in ay dhibaateeyaan xoolaha iyo bini’aadamkaba.
Dhibaatada bulsho iyo dhaqan dhaqaale ee batroolku keeno.
Maqnaanshaha iyo ka faa’ideeysi la’aanta aqoonta maamul deegaameed,ayaa ah qodob xusitaan mudan,waayo marka batroolka la qodayo ama la soo saarayo waa in wax badan laga sii fekaraa,wax soo saarka batroolka ayaa waxuu sababaa in la helo dhaqaale fara badan,kaasoo horseed ka noqon kara in loo soo guuro magaalooyinka,si xoog lehna loo camiro,balse waxaa taas dhinac socda in la burburiyo deegaankii,lana gaarsiiyo waxyeelo,isla mar ahaantaasna ay yaraadaan wax soo saarkii qeybahii kale ee kheeyraadkii eebe dhulka ku mineeeystey,korodhka dadka ayaa waxuu sababaa in aad loogu tartamo kheeyraadka dunida guudkeeda saran,lana xaalufiyo dhulka.Tusaal ahaa sanadahii 1990 iyo 2000, Africa waxay lumisey dhul lagu qiyaasey 52 million oo hectares oo ah dhul keymeed(geeded ) foresteri ah,waxay macne ahaan u dhigentaa taasi in dhul dhan 60% la baneeyey si looga dhigo dhul wax soo saar shidaaleed,sidoo kale dhul beereed kaas la mid ah ayaa loo isticmaalay meelo shidaal laga qodo,ama laga sahamiyo,waxayna sababtey in halkaasi ka dhacdo cunto yari.waxaad ogaataa wax walba in ay khasaarahooda wataa hadaan si cilmiyeysan loo daraasadeeyn marka hore(deegaanka oo aan si haboon loo maamulini,waxuu sababaa hoos u dhac caafimaad nololeed).
Horumarka dhaqaaleed,shaqo helida,deegaameeynta iyo wax soo saarka batroolku,waxuu asaas u yahay in bulsho cusub,dad kala duwan,leh dhaqaale iyo dhaqan kala duwani meeshaasi yeelato,waxayna horseed u noqoneysaa in dhaqamo badani deris noqdaan,kuwaasoo sababi kara in uu isku dhac ka dhasho,sidoo kale awood yarida ama jiritaan la’aanta dowlad adag ayaa waxay degaankaas u keeni kartaa in beeluhu isku dhacaan,iyagoo aan u kala cadeeyn qeeybaha waxtareed ee aay ku leeyihiin shirkadahaaas deegaankooda raba in ay wax ka qodaaaan.
Sida ka dhacday wadamo badan oo Africa ah(Nageria),markii dadkii ku soo bateen meelaha shidaalka laga qodey,ayaa waxaa ku dhex faafey cuduro badan oo ay ka mid yihiin HIV ama cudurada sida sahalka ah ku faafa,sidoo kalena waxaa adkaatey in la helo ka hortag degdeg,taasoo guud ahaanba ay xumaatey noloshii guud ee caafimaadkii(general public health issue).
Maxaa la gudboon maamulka Puntland
Dowlada Puntland waxaa la gudboon in ay qaado talaabooyinka soo socda;
a) In ay soo bandhigto qorshe cad oo dadka reer puntland lagu tusayo waxyaabaha iyo baahiyaha jira ee loo baahan yahay in ay shirkadaan wax qododeeysaa ka damacsan tahay dhulka ama deegaanka ay rabto sida;
– baaxada ama dhereka uu ku fadhiyo dhulka ay wax ka qodeeyso,
-waxyaabaha ay ka caawineeyso dadka deegaanka(local communities)inta aysan dhulka qodin sida cusbitalada ,jidadka,waxbarashada,biyaha,iwm
b) Dhibaatada ka timaada inta howsha qodidda lagu jiro wixii lagu dabooli lahaa khasaaraha yimaada
c) In la helo dad Somali ah oo madaxda sare ku jira oo leh aqoonta wax soo saar ee batroolka ama dowlad ha ka socdaan ama shirkadaba sida,ingineero,geologist,environmentalist,agriculture,medicins iyo wixii kale oo xiriir la leh .
d) In la helo qoraalo iyo cadeeymo hadba meeshii wax marayaan si dadku ugu qanco hawsha ka miro dhalkeeda.
e) In la ogaado dhaqaalaha ka yimaada shirkada wax qodeeysa iyo baahiyaha jira ee lagu dabooley hadba,taas waxaan ula jeedaa dhaqaalaha shirkaduhu bixiyaan waxaa loogu tala galey in deegaanka hawshu ka socoto wax loogu qabto,ee maaha in maamulka jira hadba dhinac marsado.
Gebobebo
Waxaa muhiim ah ilaalinta deegaankeena,waana mustaqbalka dhalaankeenu uu inaka dhaxlayo,shacabka reer puntland iyo maamulkuba waa ineey iska ilaaliyaan shirkadaha wax qodaaya ee ay ahmiyadoodu tahay keliya sidii ay u faa’idi lahaayeen oo keliya,waxaana idinla gudboon khasaaraha ugu yar iyo faa’idadda ugu badan inaad heshaan,lana yareeyo dhibaatada ku iman karta noolaha iyo ma noolaha deegaanka ilaahey ku abuurey.
Waa in la ogyahay indhibaatooyin badan oo dhinaca deegaanka,bulshada iyo siyaasadaba ku yimid dowladdo badan oo African ah ay sababeen wax soo saarka batroolku,maantana aysan jirin meel ay ugu laabtaan,ayna haysato qoomamadoodii,taasoo jirta hadana,horumarka iyo kobaca dhaqaaleed waa mid leh muhiimadiisa balse dhibaata baaxada weeyn ee raadka reebi karta waa in dig toonaada maamul iyo shacaba
W/Qorey: Ahmed Mahamoud
waa wax muhiiim ah mawduucaan, waxaana mahadleh allihiii suurto galiyay waqtigan muhiimka ah. walaalayaalaw su.aasha taagan waxaa weeye puntland awood ma uheli kartaa lasoo bixidda petrolka.thanks.