Home » Warar »

Kiiska canshuur ka qaadista xaafada Eastleigh oo bilooyinkan ugu dambeeyey socdey oo u muuqda mid soo dhamaaneysa.

Waxaa bilooyiinkii uggu danbeeyay socday kiis maxkamadeed oo ku saabsan canshuur ka qaadista xaafadan Eastleigh.

Kiiskani oo ay maxkamada geeyeen guddiga ganacsatada xaafada Eastleigh oo muda soo daba jiitameysay ayaa waxey shalay xukuntay maxkamada in maadaamaa canshuurta qaadisteeda aan la joojin karin loo baahan yaahay in guddiga ganacsatada ee xaafadda iyo “City Council” dowladda hoose ay kusoo heshiiyaan qaabka dadka canshuurta looga qaadi lahaa, isla markaana taa badalkeeda ay dadka u heli lahaayeen adeeg waafajisan canshuurtii ay bixiyeen.

Mr Aar oo la hadlayey iddaacadda Star FM ayaa dhanka kale sheegay in wajigii labaad ee kulanka ay la qaateen dowladda hoose “City council”-ka oo ay dhawr qodob ku heshiiyeen, isla markaana ay arrimo badan u dhiman yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga ganacsatada xaafada Eastleigh ayaa waxa uu uggu baaqey dadka ku dhaqan xaafada iney u hoggaan samaan go’aanada kasoo baxa kulanada ay guddiga la yeelanayaan dowladda hoose “City council”-ka.

Deegaanka xaafadda Eastleigh ayaa sidoo kale ah suuqa ay Soomaalidu ku ganacsato, taasoo la dhihi karo faa’iido uggu badan waxaa hesha Soomaalida, inkastoo maamulka xaafadda uusan wax badan ka qaban dhibaatooyinka jira.
Dadka ku ganacsatada waxey isugu jiraan Keenyaan, Soomaali Keenyaan, Soomaali iyo waxoogaa yar oo Itoobiyaan ah.
Ha yeeshee guddiga ganacsatada ayaa waa yadan danbe muujiyey hawlkarnimo ku wajahan sidii caqabadaha ganacsi ee ku horgudban suuqa loo qaadi lahaa.

Ganacsatada suuqa ayaa joojisey bixinta canshuuraha iyadoo inta badan suuqu ay ku ganacsadaan Soomaali, waxaase suuqa lasoo daristey amaan daro iyo dayac dhanka imkaaniyaadka nolosha, taasoo loo aaneyn wada shaqeyn la’aan ka immaneysa dhanka dowladda hoose ee magaalada Nairobi.

Ganacsatada iyo guddiga ayaa isla gartey in la joojiyo bixinta canshuuraha, ilaa iyo inta ay dowladda hoose wax ka qabaneyso unna dhaga nuglaaneyso dalabaadka dadka suuqa ee bixiya lacagta addag ee canshuurta.

Si guud, Soomaalida ma lahan maamul guud, oo ay u kala qoqoban yihiin qabaa’ilo iyo jaaliyaddo iska soo horjeeda, taasoo loo aaneyn karo in wali dibu socodnimo qabali ah iyo biseyl dhanka ilbaxnimada u dhiman yahay.

Suuqu wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Bariga Africa, iyadoo suuqa ay ku xiran yihiin dalalka Bariga Africa iyo harooyinka waa weyn, inta badanna aad arkeyso dadyow dalalka aan xusney u kala dhashey oo waxyaabo badan ka iibsanaya.

Magaalada Wajeer waxaa ka dhacey dibad bax ay sameeyeen ardeyda dhigata dugsiyada sare.

Waxaa maanta magaalada Wajeer ee gobolka Waqooy Bari ka dhacey dibadbax ay sameeyeen ardada dhigata dugsiyada sare gaar ahaan fasalka form 4.

Arrintani ayey ardeyda ugga cabanayeen heerka waxbarashadooda. kadib markii dhawaan ay soo baxday natiijadii imtixaanka dugsiyada sare ee Kenya “KCSE”, taasi ay ka muuqatey in ardada kasoo jeeda Wajeer aysan soo gelin kaalimaha tobanka uggu sareysa Gobolka Waqooyi Bari.

Ardada ayaa hoos u dhaca darajooyinkooda u aaneeyey maamulka iskuulada iyo guud ahaan saraakiisha waxbarshada, waloow arrintaasi cadeynteeda aanan laheyn.

Maamulaha iskuulka Wajir high secondary school qeybta wiilasha Cabdi Ilyaas Cabdi waxa ka jira eedeymaha ay ardada u soo jeedinayaan ayaa waxa uu sheegay in arrinta ay ardada ka weyn tahay, isla markaana ay jiraan dad iskuulka dibadda ka ah oo fara gelin ku haya iskuulka.

Mr Ilyaas ayaa sheegay in sababta isaga looga soo horjeedo ay tahay inuu aad u xakameeyey wax is dhaadhaafinta, arrinta lagu heystana ay tahay sababta uu qishka u oggolaan waayey.

Maamulaha iskuulka sare ee Wajir high secondary school for boys Mr Cabdi Ilyaas Cabdi ayaa sheegay in labadii sano ee uggu danbeysay ay sare u kacdey darajada iskuulka.

Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa dhinac waliba kaga danbeeya gobolada kale ee dalka, taasoo loo aaneyn karo in gacan bidixeyn lagu sameyn jirey waagii hore ay tani dhaxal siisey.

Inkastoo ay taasi jirto haddana Soomaali gobolkan kudhaqan ayaa iyana u kala qoqoban qabaa’ilo, taasoo dhabarjab weyn ku ah cod mideysan oo ay dowladda dhexe wax kaga helaan.

Siyaasiyiinta ayaan ku noqon halkaasi iyagoo ku raaxeysta guryo waa weyna ka gata magaalada Nairobi, tani oo ka dhigtey shacabka gobolka “cidina kuuma maqna, ceelna kuuma qodna.”

Kadib dhicitaankii maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Daniel Arap Moi oo u geysatey dibin daabyo iyo taci fara badan gobolka, tan uggu weyn oo ilaa iyo hadda lagu xasuusto dhagaha shacabkana ka qeylineysa ayaa ah xasuuqii Wagalla, iyadoo ilaa iyo haatan aan lasoo hortaagin cadaaladda dadkii dhacdadaasi geystay.

Maamulka Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa lagu tilmaamey in is badal weyn uu ku sameeyey, iyadoo la sameeyey wasaarad ka shaqeysa arrimaha gobolada waqooyi oo uu ku jiro gobolka waqooyi bari, waloow abuuridda wasaaraddan uu ka danbeeyey ururka
PNU ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, ayna aheyd qodobadii uu kusoo galey doorashada.

WebMaster: Said Hassan Anteno
E-Mail: – saidanteno@hotmail.com
Nairobi, Kenya.

Wednesday 02 March, 2011. Star FM. Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.