Home » Warar »

Maxaa u qabsoomey Farmaajo Boqolkii Maalmood ee uu qabsadey?


21 kii Nofember ee Sannadkii tegey   ayaye ahayd markii Raiisul Wasaaraha Cusub ee Dowlada Federaalka uu ku dhawaaqey in 100 Maalmood uu Nabadgelyo ku soo dabaali doono Muqdisho iyo Gobolada Dalka waxaana arrinkaa si weyn u soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho oo u hamuun qabey  ammaan Buuxa maadaama 20 Sanno ay ku soo jireen Dagaalo aan dhamaad lahayn.

Boqolkii Maamlmood waxay  ku egtahay Maalinta Bisha ay tahay  2 Maarso 2011 oo ay ka harsan tahay 3 Maamlmood, hadaba su’aasha meesha taal ayay waxay tahay maxaa u qabsoomey Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo. Mudaas Boqolka Maalmood ah aan dib u qooraansanno. Sadex Bilood iyo Toban casho Xaqiiqdii waa maalmo aad u dheer oo wax la qaban karo haddi qorshayaal dhab ah lala yimaado.

Nin odey ah ayaa waxaan weydiiyey Maxaa ka harey Boqolkii Maalmood ee Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu qabsadey “inta  Qosley buu i yiri” waa Boqol maalmood oo Bi Caksi ah “markaas baa ku iri  Maxay Tahay bilcasi “Markaasuu i yiri “waxaan ku moodayey in aad wax Fahmeyso “Markaas baan iri “waa war waaweyn Hadalkaada “Inta mar kale Qosley buu I yiri “ Bal meel Nafariisi anigaa kuu fasirayee “ Meel  Baan wada fariisaney oo aan wada Shaahney markaas buu i  yiri Saaxiib waxaa leeyahay Boqolkii Maalmood ee Farmaajo waa Jug Jug meeshaada Joog iyo ka sii dheer” waxaan Iri ii wad Sheekada wuxuu bilaabey wixii u qabsoomey Mudadaas wuxuu ku bilaabey  marka hore qofka Markuu sheego In uu talaabo qaadayo waa in uu ka dhabeeyaa oo sidey tahay u fuliyaa hadalkiisa  Raiisul Wasaaraha intii uu hayay xilka waxaa ka dhacay Deegaanada uu ka taliyo arimo waaweyn oo qofkii Xil haye uu durbaiiba is casilayo sida dunida ka jirta  waxaana dhacdooyinkii ka dhacay Aagaas waxaa ka mid ahaa dhacdadii Xanuuka badneyd ee Isbitaal Banaadir oo Askar ka tirsan Dowlada Federaalka ay si cad Rasaas ugu fureen dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa kaloo ka mid ahaa markii dad banaanbaxayey iyana rasaas ku fureen Askar ka tirsan Dowlada Federaalka taaso ahayd dhacdo naxdin leh oo aan quluubta shacabka ka tirmeyn, sidoo kale waxa ka mid ahaa dhacdooyikii dhacay Boqolkaas maalmood  markii Askar ka tirsan Ciidamada Amisom ay rasaas ku furen Gaari kuwa Dadweynaha oo marayey agagaarka Garoonka Diyaaradaha waxayn dadkii ku dhaawacmey oo sugayey in la xanaaneeyo waxay arrinku noqotey “Waan ka xunahay” iyadoo dadka soomaaliyed ay is weydiinayaan “Ciidamada AmisoM Geela Mag bay ka bixinayaan dadkana  waxay la mid yihiin iyagoo dillay Kaneeco.”

Waxqabadkii Raiisul Wasaare Farmaajo ayaan ku guda jirnaaye waxaa kaloo ka mid ahaa markii Ciidamada Amisom ay madaafiic la dhaceen    dadka Rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho waxayna dadka qaar ay aad u layaabeen markii Xildhbaan ka tirsan Baarlamaanka uu si cad u yiri “Waa in la duqeeyaa dadk Rayidka ee degen dhinaca kale”, waxyaabahi kale ee dhacay waxaa ka mid ahaa Boqolkaas Maalmood markii Qarax lala beegsadey Xarun lagu tababarayey Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka waxaana Qaraxaas Khasaaro xoogan u ka soo gaarey Ciidamo fara baan kuwaas oo maanta ku il daran Isbtaalada Muqdisho, waxaa kaloo dhacay Mudadaas markii  Xabsiga la dhigey Guddoomiyhii  hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) hase yeeshe dadka qaar baa u fasirtey in lagu qancinayo dadkii ku waxyeeloobey Banaanbixii  dhacay 15 Feberaayo ama ay ahayd Mid Siyaasadeed markii Dhowr jeer Maxamed Dheere uu si cad wax uga sheegey Dowlada Federalka.

Dhacadooyinki kale ee Dhacay inti lagu guda jirey Boqolkii Maalmood ee Farmaajo     waxaa ka mid ahaa markii Sadexda Bisha Feberaayo kulan uu isugu yimd Baarlamaanka ay ku kororsadeen Muddo saddex Sanno ah taas oo ay si aad ah uga qayliyeeb Beesh Caalamka  waxayna arrintu ku biya shubatey in mar kale uu Khilaaf soo kala dhex galo Labada Shariif ka dib markii ay arintu gaartey anigaa Saxsan iyo anigaa Saxsan lama garanyo halka ay saldhigi doonto iyadoo siyaasiyiinta qaar ay leeyihi markaan Madaxweynaha waxa u taal in kala diro Baarlamaanka halka dad  kale ay leeyhin arrinku waa “Ii kordhi  aan kuu kordhiyee haddii kale Gow iyo Gash ma leh”.

Waxaa kaloo dhacay intii lagu guda jirey Boqolkaas Maalmood  markii Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka waa Mudane Maxamed Jaamac Furux  oo maalin Cad  Meleeshiyadiisa ay u xirteen  Dekedda Magaalada Muqdisho ka dib markii uu sheegey in  Rag ku dhow dhow  Madaxweyne Shiikh Sharif ay lunsadeen lacagtii kasoo xarootey Dekeda Weyn Muqdisho, waxaa kaloo Dhacay Mudadaas markii uu jarmey Xirirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleed Pundland ka dib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha Mamul Goboleedka Pundland.

Waxyaabaha kale ee ay dadka la yaabeen Boqolkaas Maalmood ayaa waxaa ka mid ah markii Raiisul Wasaaraha DFKMG uu Baarlamaanka Hortiisa kaga dhawaajiyey markii wax laga weydiiyey Heshiisyadii Dowlada ay gashey in uu soo bandhigayo ayuu wuxuu sheegey in Heshiisyada qaar ay  saxiixeen Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mareykanka taasi ayey siyaasiyiinta qaar ku tilmaameen in ay tahay Fadeexad xilka looga dego.

Waxqabadkii Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo waxaa kaloo ka mid ahaa markii iyadoo maalmo ay ka harsan tahay Boqolkii Maamlmood ayaa waxaa dhacay Dagaal galaaftey dad fara badan oo labada dhinac ah iyo weliba dad Rayid ah  waxaana halkaa ku xirmey Wadadii kala qaybineysey Dowlada iyo Mucaaradka waxay dadka soo xusuusiyeen Xiligii Dagaaladi Itoobya ee Muqdisho oo dadka ay marayeen Dhul Qarda Jeex ah oo ay si aad ah ugu dhibaatoodeen, waxaa ka sii yaab badan markii Maanta dhegaheyga ku soo dheceen in la gubey Magaalada Buulo Xaawo waxayabaaha kale ee layaabka leh ee dhacay Boqolka Maalmood ayaa ah markii  Yuusuf Maxamed  Siyaad Indha cade uu ku dhawaaqey in laga dhigey Jeneraal Sare  oo ka tiran Ciidamada Dowlada KMG waxayna Saxaafadda qaar ay sheegeen in Jeneraalnimada Indhacade ay ku timid markii Madaxweynaha KMG Shikh Shariif uu ku magacaabey wareegto.

Isku soo duuboo Boqolkii Maalmood ee Raiisul Wasaaraha KMG Farmaajo waa waxqabadkaas aan kor ku soo sheegeney  hase yesee ninkii odeyga ahaa ayaa yiri saaxiib ragga lama xaqiro aan hal meel ka xusno Waxqabdkii Boqolka, inta yaabey baan iri haye soo daa “walaal waa markii uu Mushaar u bilaabey Ragii Geesiyaasha ahaa ee ku naafoobey Dagaalki 77 “, waxaan iri waa runtaa  wuxuu sii raaciyey” waxaan ka cabsanayaa in ay sii socon weyso  marka waxaan leeyahay Raiisul Wasaaraha DKMG Farmaajo hadii aad Boqolkii Maalmood ee aad wax qaban weyso waxaa kuu haboon in aad ka deg  deg uga degto xilka.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Maxaa u qabsoomey Farmaajo Boqolkii Maalmood ee uu qabsadey? "

  1. wayeel says:

    run ahaantii inta ninkani sheegay kuma koobna wax qabadka farmaajo, malaha ninkani waa mucaarad sababtuna waxay tahay 20 dhib buu sheegay iyo hal faa iido halkiina cilad buu sii daba dhigay, runtii farmaajo wuxuu yimid meel aan waxba ool si wax loo qabtana waa aasaas laga soo dhisaa maamulka ee maaha in horayba laga boodo, mudada 6bilood ee soo socota waxan rajaynaynaa in dowladu la wareegto dalka intiisa koofureed ee dhibka badan, sansaanka socda baadna ka garan kartaa iyo ashahaado la dirirka inta meelood ee dagaalka looga soo qaaday hada waxay bilaabeen inay dadka caadi u qafaalaan, mujaahidiin maahee waa ashahaado la dirire, ilaahay hanaga dulqaado oo wax kheyr qaba hanoogu badalo.

  2. dahir says:

    walaalayaal aan alla ka cabsano oo yaanan niyad jabinin shacabkeena dhibataysan

  3. Mohamed says:

    ASC:

    Marka hore waa salaaman tihiin, gar ahaan walaalkey ama qoraaga weyn Amiin Yuusuf Khasaaro.
    soomaaliyey waxaan dhihi laha arinta dalkeena in (Allah) loo baryo in nabad kadhigo taas ayaa muhiim noo ah shacab ahaan.

    Tankale Ereyga W/D ama W/D Amiin Yuusuf Khasaaro waxay u taagan tahay Waxaa diyaariey, macnaha ma’aha. DR ayan umaleynayaa .

    waxaan rajeynayaa in la i toosin karo hadii aan qaldamay.

    mahadsanidiin:

  4. Maxay qabatay waxaa ka horreeya maxaa loo ogol yahay Soomaalidu inay qabtaan, maxaase la gudboon. Bal hadda iska hubi! Amay so’aalaha soo socdaa ka mudan yihiin Soomaalidu inay ka doodaan?:

    SO’AALO KU Dr. SAMATAR
    Dr. Samatar: “Soomaalidu way dabar go’day …iyadaa ka masuula…Ethiopia tabcay la heshay”
    Hadaan fursad u helo, Dr. Samatar waxaan weydiin lahaa:
    1- Mas’uuliyada dabar go’a dhamaanteed ma qaban kartaa dhabarka Soomaalida aad kuba sifaysay geeljire lagu fuliyey tabco laga maal galiyo laga soo bilaabo New York, Berlin ilaa oodda xerada geela ay dhaqdaan?
    2- Maxaa marwalba looga hadlaa uun Ethiopia siday tahay dhinaca kaliya ee ay dhibtu dhextaal Soomaalida ama danaha gurracan ka leh dhulka lagaga hadlo Afka Soomaaliga ama sidaysan jirin xuduudo kale oo dhib ka jiro oon gudahooda xitaa xasuuqyo ka dhicin sida Waagala?
    3- Ma dhabbaa in dadyoowga dariska la ah Soomaalida ay yihiin “cadaw dabiiciya oo xaqiiqiya oon daawo iyo xal toonna lahayn?
    4- Meyeysan ahayn isku-dan iyo isku-dhib marba inta ah isku-degaanka, aysanna ahayn sax in dad ku nool qaarado kale loo fahmo kuwa la yahay isku-danta?
    5- Maxaad ka leedahay eed sheegadkan/catawgan: “Aqoonyahannada Soomaalida ee codkuudu gaari kari lahaa dad badan ee dunida ku baahsan waxaa daboolay (Af Wax Cunay Xishoo) maadaama ay shaqaaleeyeen kuwii ay ahayd in runta loo sheego, waa Beesha Caalamkee, oo iyadu xaqiiqda dakanada ka gashay Ummadda Soomaalida siday dad badan qabaan, markay Ummaddaas u qaybiyeen shan kuna hoos dulleeyeen dadyow darisa?
    6- Af Wax Cunay Xishoo miyaan ka horjoogin aqoonyahannada inay ka hadlaan UNka oo jabiyey isla xeerka ( the UN Charter) ay ahayd inuu ku shaqeeyo, markuu aqoonsaday xeer ku sheeggii OAUda ee jabiyey xeerkay qaaraddu hoos joogtey ahaydna inay qaaraddu u hogaansanaato, markuu xeer-hoosaadka qaaradu diidey in dadyowga midnimo lagu gaarsiiyo xorriyadda uu dalbay xeerka guud ee UNka?
    7- Ma dhabba miyaadse si daacadnimaa ugu saxan tahay markaad ku jawaabeysid inaysan dhibaatada Soomaaliya ama Geesku lahayn xal adoo Beesha Caalamka u sheegi kara inuu yahay xalku in dib loo xoreeyo shucuubta gobolka Geeska Afrika ee ay maskaxda ka qabsadeen qaarado aysan ahayn isku-degaan iyo isku-dan toonna kuna dagay wadaagga diinta iyaba ay tageen, markaasna dib loo mideeyo saasna xornimo loogu gaarsiiyo dadka ku hadla Afka Soomaaliga ee Geeska Afrika, markaasna si munaasaba oo dadka dantiisaa la isugu furo gobolka Geeska sida gobollada kale ee dunida?
    Dr. Samatar waa ku saxan yahay markuu qabo in waxa hadda lagu mashquulsan yahay oo dhan aysan keeneyn wax natiijaa, waayo dad aan xorriyad qarannimo haysanba loona ogolayn xor uma aha waxba kale, aan ka ahayn wixii dan u ah kuwa gumeysta, sida is-dabar-goynta socota ee hesha shidaalka ay u baahan tahay una dhiganta “dal-bannayntii sadexaad” kadib North America iyo Australia (Red Indis and Aborigins respectively).
    Amiirdaldoon Abdurahman in the Globalized Village 27.02.2011

  5. Ahmed says:

    Maxey qabatey 100 malmod dowlada Farmajo? waxaa muhimka ah ey mesha ka sartey musuq maasuga, horumarinta militiriga qilaafka mas uulinta, sharciga oofinta, udhoofitanka micnadarada ah , ka hortaga xadgudubka shacabka sida cali dheere, xalinta qilaafadka iyo burburinta al shabab oo labadaan malmood socotey aan dhihi karo dowlada horumar wey ayee ka gartey iyo wax badan oo dadka Somalida u mooqanin balsee aad iyo aad muhim u ah dowlada Farmajo dowlad ma u egtahey misa ma u eko? suasha waxaad donto dhah balse xaqiqda waa iftin so baxayo meshey ku dhamato ayaan arkeygaa balse waxaan rajeyneynaa jidkii nabada eney noqoto.

  6. ali says:

    Boqolka maalmood waxaa laga soo minguuriyey wadamo kale .
    100 maalmood tii M/weyne Faroole , 100 maalmood tii Farmaajo .
    Ugu yaraan maxay mudada u dheeraysan waayeen sida 1000 maalmood .
    Madaxda dalka wax waa laga sheegi karaa wax qabad kooda yaan loo bedelin qabiil haddii uu yahay nin qabiil beeshooda ha ku ekaado .

  7. kamaal says:

    Somaliya waxay u bahantahay Geesi farmaajo oo kale ah lakiin somalida waxay ku mahmahdaa af waa kooy maay lagu amee farmaajo waa iftiin somali ilaahay u soo diray kuwa diidana waa kuwii qaranka somaliya gubay oo somali qashinka ku daray.

    Farmaajo , wuxuu dhisay qaran dhintay oo lagu tuntay ayuu dhulka ka qaaday kuwii wajiyada duubnaa ee firqada wahabiyada oo aan nabad wax la yiraa aysan buuga ugu jirin ayuu xamar banaanka uga saaray ayaga iyo calankoodii madoobaa.

    Farmaajo iyo ninkasta oo somali ah oo la dagalamaya nimankaan afka duuban ee somaliya ka dhigay toora boora waxay u bahan tihiin in loo duceeyo lana garab galo dadka cadifada ay ku jirtana layska ilaaliyo ee nacaybka farmaajo ay ka urinayaan qabiilka aan la dhagaysan.

  8. faarax says:

    Saalax waan kula qabaa fikrada, haddii ay run sheegayaan Ahmed iyo C/lahi ha sheegeen qodobo muhiim ah oo ay qabteen rasulwasare farmajo intii boqol maalmood ahayd, tuute uu gashaday garanay, daar la qabsaday garanay, laakiin aaway nabadii uu sheegay in uu boqol maalin ku soo celinayo, aaway dib u heshiisiintii, waxaa sii kaala fogaadey goboladii, waxaa dagaal ka dhacay meelo nabad ahaa, waxaa gaajadii weli ka taagan tahay xeryaha lagu qaxay, weli ma aragtay farmajo oo booqday xeryaha qaxootiga xitaa , waa in aan runta isu sheegnaa inta aan dadka eedaynayno, Dr. Amin wuxuu kuu sheegay wixii uu arkay, taas ka duwan haddii ay Ahmed iyo c/lahi hayaan miiska hasoo saareen

  9. saalax says:

    waad mahadsan tihiin waana ku raacsanahay Dr. Amin arrimaha qoraalka ku xusan, m ajiraan wax la taaban karo oo 100 maalmood ay qabteen kooxda Maxamad cabdlahi, waa juj juj meeshaada joog. Arrinta in la fahmo mudan waa in muqdisho dadku aysan xor ku ahayn marka wax kale oo la sheego waa iska war mar haddii dadku aysan xor ahayn.

    Kacdoonka ka socda carabta waxaan filayaa in uu soomaaliya soo gaari doono ilaa dadkii qaatiyaan ayay joogaane.

  10. Ahmed says:

    C/lahi waan ku la qabaa fikradadaa wanaa ka xumahey hadalada dadka qabkaan u hadlo oo isku tilmaamo aqonyahan iyo kuwa kasoo tabiyo fikradahaa bulshada wax u dhimayo. somaliyee wada jirkaa halaga shaqeyo waqtigaaan lagu jiro

  11. C/lahi says:

    Mahadsanid, Somalitalk. Web jira balse waxaan ka xumahay in Dr. Amin uu asago nin oday ah soo qaato war nin kale u yeeriyay waxay ahayd inuu asaga ra’yigisa ka hadlo, Mana aaminsani ninka uu waraystay inuu daacad ka ahaa somalinimada. Waad mahadsantihin hadaad soo daysaan ra’yigayga.