Home » Warar »

Soomaalida Deggan Liibiya Wax lug ah kuma laha Dagaalada ka socda Liibiya

Soomaalida ku dhaqan Liibiya waxay caddaynayaan in aysan waxba kajirin wararka ay sheegayaan warbaahinta qaar ee ku hadlo afka carabiga warkaas oo ah in ay soomaalida kujirto dagaalka looga soo horjeedo in xukunka looga tuuro korneyl qadaafi… Soomaalida haddii ay sheegato carab dowladaa ladagaalami, haddii ay afrikaan sheegatana waxaa la dagaalami mucaaradka…..

Warbixin:

Soomaalida kunool wadanka liibiya waa:

1-    Xubnaha safaarada iyo shaqaalaheeda  oo gaarayo ilaa 9 sagaal ruux

2-    Arday dalkan wax kabarata oo isugu jirtay ardayda dugsiyada hoose /dhaxe/sare /  ilaa heer jaamacadeed ilaa heer maajisteer  kuwaas oo gaarayo ilaa 97 arday. Dhamaan magaca soomaali marka layiraahdo ee lagu daro ardayda walaaalaha jabuuti  , keenya ardayda katimid waqooyi bari (NFD) iyo ardadya katimid dhulka Soomaalida ee loogu yeero kilil 5.

3-    Dadka kuyimid tahriibka dhanka saxaraha ama dhanka garoonka diyaaradaha waxay gaarayaan ilaa 2600 oo ruux.

Waxaana dhamaan soomaalida  kunool dalkan liibiya lagu qiyaasaaa in ku dhow 2700 qof, dadkaas soomaalida ah waxay kala dagan yihiin 23 sadax iyo labaatanka degaan ee dalkan liibiya ee ku kala yaal 3 sadaxda jiho ee liibiya :

  • A-   Goabalada bari ee caasimadiisa tahay magaalo madaxda labaad ee Banqaazi
  • B-   Gobalada koonfureed ee magaalo badaxdiisa tahay Sabha
  • C-   Gobalada galbeed ee caasimadiisa tahay Tripoli

Tirada ugu badan soomaalida  liibiya waxay dagaan gobalada galbeed gaar ahaan Tiriiboli, Tirada ugubadan ee labaad waxay dagan yihiin gobalada bari gaar ahaan magaalada banqaazi.

Waxaa jirto tiro yar oo iyagana dago gobalada koonfureed ee ay dagaan dadka madowga ah gaar ahaan waxay kunool yihiin soomaalida magaalada sabha iyo agagaarkeeda

–  Dhinaca amaanka waxay soomaalida kunool yihiin amaan daro iyo khatar   joogto ah , waxaayna ilaa maalintii ay bilaabatay kacdoonka looga soo horjeedo mucamar al-qadaafi ilaa maanta ay kujiraan oo ay ku kixran yihiin guryaha, ruuxii isku dayo in uu irrida kabaxo waxaa noloshiisu geleysaa halis.

Waxaana lagu soo waramay in soomaliada in ay baxaan waqti kooban oo ay biimeeyaan naftooda si ay usoo gataan raashinka daruuriga ah iyo biyaha cabitaanka ah.

Waxaa kaloo jira soomaali ka shaqeyn jirtay shirkadaha nadaafada ama dhismaha ama xoogsadayaal maalin joog ahaa iyo haween ka shaqeyn jiray adeega guryaha,  dhamaan soomaalidaas waxaa la sheegay in loo diiday xaqoodii ay shaqeynayeen  mushaaradii muddaadii bisha ahayd ee dhamaatay.

Ilaahaatan soomaalida dhibku ku gaarey ee lagu soo waramay oo qaarkood la garaacay oo mindiyaha laladhacay ee sixun loo tumay qaarna warkooda aan lanahay waxay gaarayaan ilaa 13 ruux, intooda badan waxay daganaayeen gobalada galbeed sida tiriiboli xaafadaheeda , qaarna gobalada bari sida banqaazi iyo agagaarkeeda laakiin  wali ma aanan maqlin ama nama soo gaarin wax dhintay.

Waxaa kaloo jira soomaali dagaynad tiriipoli xaafada taajuura xalay in laga biliqeystay alaabtoodii iyo wixii ay ku seexanayeen iyo wixii ay cunayeen.

Sidoo kale waxaa jirta isla tiriiboli xaafadaha qaar ay niman labisan dirayska ciidanka ay soo galeen oo ay kalabaxeen guryahoodii sadax 3 wiil oo soomaali ah kadibna lasoo daayey muddo kadib.

Dhanka kale waxaa jirta in xalay 23/02/2011 dad badan laga saaray guryahoodii ay kirada ugujireen iyadoo dadkii lahaa ay uyimaadeen ayna dhaheen annaga amaankiina masugi karno ee nooga baxa inta aan nalagaqaadan gurayahanaga saafaaradiinana aada afrikaanow.

Dadka qaar safaarada soomaalida waxayba tageen iyadoo albaabka uu xiran yahay oo quful seero seero ah uu ku jaban yahay inkasta oo markii danbe dadka qaar ay nasiibkooda heleen albaabka oo furaran oo ayna seexdeen halkaas dad gaarayo ilaa 20 ruux, waaga markii uu baryayna ay ka carareen dhaxantii xalay iyo roobkii xalay iyo sibirkii shamiindada ay seexdeen u adkeysan waayeen markii ay banaanka safaarada kubaryeen.

Dadka qaar markii ay safaarada ka soo laabteen ayaa dhaxda loogalay lagana qaatay wax allaale wixii ay wateen mobile ama lacag si aad ahna waa loo soo garaacay. Waana safaarada kaliya ee ay leedahay soomaalida waayo kama furno safaarad jabuuti ama tukale oo ay soomaalida tagto.

–          Waxaa kaloo jira  Sicir barar xoogleh oo kajira suuqa liibiya sheygii ahaa 1 hal doolar waxa uu maanta noqday 2 labo doolar kii ahaa 3$ waa 6 $waxaana laga sii cabsi qabaa in ay sii kororto sicir bararka  wax walba maanta waa qaali.

Waxaana taas ka sii daran lamahelayo dukaamo furan oo wax laga gato  kii furana waa faaruq oo alaabtii qaarna guriguu dhigtay milkiilihii dukaanka, qaarna dad weynihii ayaa gatay oo dadkan liibiya oo hadda u diyaar garoobay dagaal qabiil oo dabadheeraanayo (dagaal sokeeye ), Waa haddii lagu kala bixi wayo todobaadkan dagaalka.

Marabo hadda in aan ka hadlo siyaasada liibiya warqadan balse markale ayaa suuro gal ah in aan soo qoro liibiya xaalkeeda laakiin hadda warqadan waxaan ku soo koobayaa xaalka soomaalida.

Dadka ku nool liibiya dhamaan waxay hadda kun jiraan fayl dheer safaf dhaadheer ayaa loogalaa foornooyinka rootiga , dukaamada iyo kaalinka shidaalka waa ba haddii la helo meel furan

Waxaa kaloo jira lacagtii liibiya qaarkeed oo bilaabatay inaysan qaadan shacabka qaar waxaa lagu nacaa xanfash waxaan rabnaa baa lagu dhahayaa baal yar marabno baalweynt , lacagtii birta ahayd oo aan hadda waxba goyneyn oo lagatagay waxaa hadda u yar hal diinaar (1 $ )

Marka lagareebo rootiga oo isaga 5 xabo ay noqotay nusdoolar halka markii hore ay ahayd 10 hal

markii hore ee ay jirtay dowlad xoogleh ayaaba afrikaanka oo ay soomaalida kujirto la ugaarsanayey hadda oo ay jirto amaan xumi  soomaalida maanta wax umaqan majirto oo aan ahayn ilaahay waayo dowlad xoogleh oo looga cabsadana ama diyaarado usoo diri kartana mafilayaan,

Hay’ado gargaar oo usoo gurmadana majiraan xaataa hay addii qaxootiga UNHCR tii ay dadka qaar ay ka qoraayeen albaabada ayaa loo laabay bari hore kadib khilaaf soo kala dhaxgalay liibiya iyo hay ada, Waliba markii wiilka uu dhalay Qadaafi lagu soo karaamo tiray (waa sida ay hadalka u dhaigaan liibiyiinta ) oo haybadiisii ina madax weyn ahayd looga xanyuubiyey iswiisarland dalka uu kuyaal xafiiska weyn ee hay adda gaar ahana janeefa, hay addii UNHCR ta majoogaan wax mas uul ah, weyna xirantahay waxaa hortaagan labo nin oo askar ah.

Hadana majirto wax hay ad ah oo samo fal ama xuquuqul insaan ah oo umaqan ama joogto liibiya majirto.

Dhanka kale majirto warbaahin rasmi ah oo sheegeyso dhibka nagu haysto liibiya ama beeninayso dacaayada raqiista ah ee ay sheegayaan warbaahinta afka carbeed ku hadlo ee ah in ay jiraan soomaali kujirta dagaalka.

Baasaboorada la soo ban dhigay ee soomaaliga ahna lama daliilsan karo waayo baasaboorka soomaaliga ah wuxuu karaamo belay 1991 waxaana hadda qaatay ama haysto hadda ciddii doonta. Marka wax qiimi ah oo la tixraaci karo ma ah in la soo bandhigo, waayo si aad ah ayaa waliba ay uqaataan afrikaanta iyo ruux walbo oo u eg soomaali sababtuna waxay tahay liibiya soomaalida kuma celiso dalkeeda ilaa uu isaga ruuxa doono mooyee, laakiin dadka kale ee madowga ah afrikaanka waa latarxiilaa marka si aan loo tarxiilin ayeey u qaateen afrikaanka aqoonsiga soomaalida.

Dhanka kale waxaa daliil kuu ah in aysan jirin ruux lagu qabtay dagaal oo soomaali ah waayo ma jirto caddayn rasmi ah oo la soo bandhigay sida muuqaal.

Waxaana kanaalka aljzeera iyo mucaaradka aan leenahay waa in aysan halligin dad aan wax dembi ah ku lahayn dagaalada ka dhacaya Liibiya oo aan lug ku lahayn, Soomaali wax afkeeda ku hadla kuma lug laha dagaalkaas.

Waxaana ka codsanaynaawarbaahinta ku hadasha afka carabiga in ay ka fiirsadaan wararkooda oo ay naga daayaan dacaayada raqiista ah.

Waxaan u mahad celinaynaa warbaahinta ku hadlo afka soomaaliga dowrka ay noogu jiraan ama wixii ay noo fidiyeen oo xaqiiqda sheegidiisa ahayd.

–          Dhanka bixitaanka ruuxii doonayo in uu ka baxo liibiya soomaalida joogto dalkanliibiya  wey adagtahay waqtigan in ay baxaan laakiin waxaa suuro gal ah in ay hastaan dadka soomaalida ah ee dagan gobalada bari gaar ahana banqaazi in ay aadaan dhanka masar laakiin kama bixi karaan guryaha sababta waxaa haysto gobalada bari oo dhan mucaaradka ooloo waxumo tashiilay.

Soomaalida dagan koonfurta waxaa kaliya oo u fururan in ay galaan wadamada galbeedka afrika ee xududka laleh liibiya sida neejar , jaad iyo suudaan iyagoo marayo saxaro aad u dheer.

Kuwa kunool gobada galbeed ilaahay ha unaxariisto waxaa ufuran oo ku adag dhanka tuunis iyo jazaair laakiin hadda wax bixitaan layiraahdo ama markii horaba usuuro galaysan majirin waayo wey adagtahay ama wey adkeyd markii horaba inkasta oo meel walba lamarayo saxare iyo duur cidla ah.

Dhanka isgaariisnta saacadana wey xiran tahay dhowr daqiiqana wey furnaan , netka wuu go’an yahay laakiin dhowr daqiiqo ayaa la furaa labada weybist ee laga isticmalo INBOX hotmail iyo yahoo.

–          Waxaan kacabanaynaa warbaahinta ku hadlo afka carabiga oo iyaga badanaa taageero mucaaradka  oo iyaga mar walba nagu diro oo nagu kiciyo shacabkan liibiya intiisa wax magaratada ah,

–          Waxaan beeninaynaa in aysan waxba kajirin wararka ay sheegayaan warbaahinta qaar ee ku hadlo afka carabiga warkaas oo ah in ay soomaalida kujirto dagaalka looga soo horjeedo in xukunka looga tuuro korneyl qadaafi.

Waxaan leenahay majirto ruux soomaali ah oo galay ama ku fikirayo in uu galo waana been ay soo dhoodhoobeen mucaarada si loo dagaal galiyo shacabka oo looga dhaadhicyo in  dhaqaalaha wadanka ay cunaan afrikaanka.

Fikrikaasna waa mid waligood ay qabeen shacabka liibiya marka si loo dagaal galiyo ayeey mucaaradka dhahaan waxaa dadka laynayo waa madow calooshood u shaqeystayaal ah dadkii wadanka u dhashay wey diideen qadaafi

Halka ay dowldana ay ku dagaalgaliso taageerayaasheeda waxaa mudaharaadka wado oo gubayo meel walba oo qarxinayo oo rabo in ay la wareegaan dhaqaalaha wadanka dadka tuunisiyiinta iyo masaarida iyo wadamada carbeed qaarkood..

Marka soomaalida haddii ay sheegato carab dowladaa ladagaalami, haddii ay afrikaan sheegatana waxaa la dagaalami mucaaradka, marka waa qori labada dhinac ka gubtay

–          Waxaa kaloo aan ka cabanaynaa shirkadaha xawaaladaha ee soomaalida qaar kood oo iyaga naga joojiyey in loo soo xawilo lacagaha cabsi ay u cabsanayaan hantidooda

–          waxaana ka codsanaynaa in ay noo soo fasaxaan biilalka ay qaataan soomaalida liibya waayo meel hadda ay soomaalida ka shaqeyn karto majirto meel ay la hadlaan oo wax siina majirto oo aan ahayn nin walba ehelkiisa waaba hadduu helayo ruuxa ehel ah oo wax usoo diro, Waayo Waxaa jira in badan oo aan haysan ehel wax usoodira ama usoo diri karo oo xamaalanayey oo xamaalshadiisiina ay Qatar kujirto, Mana jirto hadda xawaalado kale sida westeriyuniyo ama tukale oo wax lagu soo dirikaro

–          Waxaan ka codsanaynaa aqoon yahanada siyaasiyiinta iyo dhamaan dadka xiriirka laleh warbaahinta kuhadlo afka carbeed sida kanaalka aljazeera iyo afafka kale ee ajnabiga ah iyo websit yada dadka wax ku qora  in ay lahadlaan una cadeeyaan inaysan jirin soomaali kujirata dagaalka oo lasfan dowlda iyo mucaaradka midna

–          Waxaa kaloo aan dhamaan dadka walaalaha ah ee xiriirka laleh hay’adaha samafalka in ay u sheegaan oo ay gaarsiiyaan dhibka soomaalida ku ahysto liibiya

waxaan umad celinayaa haddii aan nahay soomaalida kunool dalkan liibiya cidkasta oo nagu taageerto af iyo adinba. Waxaan u mahad celinaynaa cid kasta oo sida saxda wax uga qortay arrimaha Soomaalida Liibiya.

Qore : Axmed Muxumed ( bukhaari )
Cairo Egypt

URGENT PUBLIC ANNOUNCEMENT FOR ALL SOMALIS:
SOMALI REFUGEES IN LIBYA NEED YOUR HELP NOW!!

Hundreds of Somali refugees are stranded in Libya. There are reports coming from Libya stating that at least 4 Somali refugees were killed and many others wounded. The Libyan public is said to be confusing the Somali refugees with the Gadaafi’s mercenaries. Therefore, the Somali refugees are being attacked without rhyme or reason by rightfully fuming Libyan Mobs.

I have written emails to the CNN and both Aljazeera Arabic & English, highlighting the calamitous risks faced by the Somali refugees in Libya. I encourage all Somalis to do the same and to contact their legislators & administrations in EU, USA, Canada, Australia and as many news outlets as possible. Write and call the CNN and Aljazeera and specially Aljazeera Arabic million times. PLEASE DO SOMETHING TO SAFE THE LIVES OF OUR FOLLOW BROTHERS AND SISTERS who are stranded helplessly in Libya. Why not contact the good office of the Amir of Qatar, he is currently the most respected and influential Arab leader.

Dr. Yusuf Dirir Ali, MD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaalida Deggan Liibiya Wax lug ah kuma laha Dagaalada ka socda Liibiya "

  1. abuurayaanah says:

    waa inaan u gargaarnaa dadka walaaleheen e ku dhibaataysan liibya. qofka yaqaana saxaafada ama qof xiriir la leh saxaafadda waa inuu codsiga walaaleheen gaarsiiyaa aduunka. qofkii yaqaana ama qof kale oo la hadli karaa qofwalbaa oo masuul ah si looga diro walaaleheenna diyaarad ka soo qaada wadankaa dhibka ka jirta Allahaba ka dhigee in shacabk laga aruuriyaa lacag loogu gargaaraya dadkaas.