Home » Warar »

Qoraal ku saabsan Heshiiskii Domainka SO ee Shirkadda Japan iyo DFKMG oo loo qaybiyey Golaha Wasiirada

Qoraal loo qaybiyey Golaha Wasiirada DFKMG oo nuqul kamid ah uu soo gaaray SomaliTalk.com ayaa muujinaya heshiiskii dhexmaray DFKMG iyo shirkadda GMO ee ku saabsan Domain-ka .SO, heshiiskaas oo ku qoran luqadda Ingiriisiga ee loo qaybiyey golaha Wasiirada, laakiin aan ilaa hadda la keenin baarlamaanka, ayaa waxaa ku saxiixan Wasiirkii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta Juurile (Prof. H.E. Abdirizak Osman Hassan) oo u saxiixay DFKMG iyo Masatoshi Kumagai oo u saxiixay shirkadda GMO.

Sida ku qoran heshiisku waxa uu dhexmaray DFKMG iyo shirkadda laga leeyahay dalka Japan markay taariikhdu ahayd 7dii June 2010. Waxaana qoraalka ku qoran in shirkadda GMO ay aqbashay in ay Wasaaradda Boostada u qaabilsanaan doonto Diiwaanka iyo suuq-geynta Domainka, arrintaasna ay aqbashay Wasaaradda Boostada DFKMG ee Soomaaliya in shirkaddaas oo keliya ay diiwaanka u qaabilsanaan doonto.

Waxa kale oo DFKMG ay aqbashay in ay shirkadda siin doonto lacag (fee) ah oo dhan boqolkiiba 30% dakhliga soo xerooda (ka soo baxa Domain-ka) – Laakiin ma qeexna ama ma muuqato qaab shirkadda loola xisaabtamayo oo lagu ogaan karo dakhliga maadaama ayadu ay tahay tan diiwaanka haysa. Domainkaana laga hagayo dalka Japan halkii xaruntiisu ahaan lahayd Muqdisho ama meel kamid ah gudaha Soomaaliya.

Waxa kale oo qormada loo qaybiyey Golaha Wasiiradda DFKMG ku qoran in haddii muran iyo sheegasho ku saabsan heshiiskaas uu yimaado in dhexdhexaadin laga galayo.

Sidoo kale qoraalka waxaa ku xusan in heshiiskaasi uu sannad kasta toos u cusboonaanayo (si automatic ah), waa haddii aan 90 maalmood ka hor aan qoraal (lagu joojinayo heshiiska) laga helin mid kamid ah labada dhinac (HALKAAS waxaa ku jirta fursad ah inta aan la gaarin March 7, 2011 in baarlamaanaka DFKMG ay heshiiskaas go’aan kama dambays ah ka gaaraan.)

Domainka SO maadaama uu yahay mulkiyad Soomaalida u dhaxaysa waxaa shardi ah in diiwaankeeda ay hayaan dad Soomaaliyeed oo kusugan dalka Soomaaliya.

Heshiiskaas ka eeg HALKAN (pdf)

Waxaa xusid mudan Hiro Tsukahara oo ah madaxa shirkadda waraysi hore uu uu bixiyey asagoo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.”

Heshiiskaas ka eeg HALKAN (pdf)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Qoraal ku saabsan Heshiiskii Domainka SO ee Shirkadda Japan iyo DFKMG oo loo qaybiyey Golaha Wasiirada "

  1. Hamze says:

    Waxaan u mahadcelinaa SomaliTalk, sababtoo ah warbaahinta soomaalida waxa ay mar walbo ka hadlaan waxbaa la dilay, dagaal ayaa dhacay laakiin SomaliTalk waa warbaahinta kaliya ee ka hadasha dhibaatooyinka lagu haayo umada soomaaliyeed ha noqoto dhib soo gaaray dadka iyo dhac lagu wado dhulka soomaaliyeed. Dadka wadanka masuulka ka ah (Dowlada) waa ineey iska ilaaliso wax walbo oo si khaldan loogu soo gudbinayo marka ay saxiixaana ay ku noqoto talo ka fara baxday. Waxaan leeyahay hey’adaha dowladu waa ineysan ku deg-degin go’aan kasto (Heshiis lala galaayo wadan kale).

  2. Siraaje says:

    Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatahu salaan kadib mahad dhamaanteed waxaa mudan allaah wixii kasoo harana waxaan umahad celinayaa somalitalk.com oo isku xilqaantay iney buuxiso dhamaan wixii wadaniyad ahaa ee laga rabay dadka soomaliyeed oo dhan kaligood ayaa ah kuwo ku mashquulsan sidii ay dadka soomaliyeed ugu soo bandhigi lahaayeen qiyaamooyinka lagu boobayo hantida maguurtada ah ee umada somaliyeed bad,cir,iyo dhulba,iyo waliba heshiis beeneedyada lagu xalaalaysanayo hantida maguurtada ah ee somaliyeed, intaa kadib qof walba oo dhagra dadka iyo dalka somaliyeed ha,ogaado maalin maalmaha kamida in uu wajihi doono xumaanta uu falay jawaabteeda oo ciqaab kulul insha allaah,waana arin qofwalba waajib ku ah inuu difaaco dalka hooyo somalitalk waxaan leeyahay wada dadaalkiina oo haka caajisina allaah haydina jiree

  3. XogOgaal says:

    Contractkan wax ka jira ma leh waa arin uu Abdikareem Jama soo farsameyay .so wuxuu iib geyay November 1 2010

  4. garyaqaan says:

    asc
    salaan ka dib, soo lama gaarin waqtigii aan iska dulqaadi lahayn dhibaatada baahday ee soomaalida ku dhacday,waxaan shaki ku jirin hantidii umaadda in ay shaqsiyaad gaar ah ay booobayaan, iskaba daa dad aan wadanka u dhalane.soo maahna hada inaan dowlad isku sheega aan cadaadis ku saarno sidii heshiiskaas loo baabi’in laha DOMINKA SOOMAALIYANA gacanta loogu soo celin lahaa umadii iska lahayd.qof walboow waa xil k u saaran siddi aad wadankaaga aad u difaaci lahayd af iyo adinba.
    wasalaamu caleykum. mahadsandiin.