Home » Warar »

Daraasad sir ah oo lugu sameeyey soomaalida ku dhaqan gobolka Borås ee Sweden

Booliska xagga amniga u qaabilsan wadanka Sweden ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano Säpo ayaa daraasad sir ah ku sameeyey soomaalida ku dhaqan gobolka Borås oo ku taala duleedka magaaladda Gothenburg ee galbeedka Sweden. Daraasadan sirtan ah ayaa lugu sheegay in lugu doonayo in lugu ogaado soomaalida ku dhaqan gobolkaasi, oo ay daraasadu farta ku fiiqday warbixino sheegeya iney jiraan dad taageero iyo is urrursi u haya kooxda xag jirka ah ee Alshabaab kuna sugan yihiin gobolkaasi Borås, gaar ahaan xaafadda Norrby oo ay soomaalidu u badan tahay. Wargeys ka soo baxa gobolkaasi oo Borås Tidning la yiraahdo oo warbixintan qoray ayaa sheegay in booliska gobolkaasi codsaday in daraasadan la sameeyo si bey tiri jariidadu ujeedada looga dan leeyahay ay tahay siddii loolala socon lahaa dadyowga taageeradda iyo is urrursiga dagaal diyaarka ula ah kooxdaasi Alshaab.

Inkastoo jarariidadu arrimaha quseeya degamadaasi Norrby ee ay soomaali ku badan yihiin ay si gaar ah uga hadashay, hadana waxey jarariidadu ka hadashay daraasadda sirta ah ee lugu sameeyey guud ahaan soomaalida ku dhaqan goladda galbeed ee wadankan Sweden ee Västra Götaland. Kuwaasoo ku soo badanaya deegaanka Norrby iyo halista ay yeelan karto mustaqabalka iyo sidey cirriiri ugu noqon karaan hal meel oo qura oo ka tirsan magaaladda.

Warbixinta daraasadan inkastoo aan si guud ahaaneed loo soo bandhigin, hadana jariidaddu waxaa ay sheegtay iney war ogaatay iney jiraan kooxo dhaq dhaqaaqyo is urrursi oo argagaxisanimo ahi ka jiraan deegaanadda galbeed ee wadankaan. Sababta ugu horeysa ee hadaba keeneeysa in soomaalidu ku soo badato deegaanka Norrby ay taha,y siddii ay ugu soo dhawaan lahaayeen masaajidka ku yaala agagaarka Magasinsgatan. Hadaba haddii ay sidaasi tahay ayey warbixintu tiri waxaa adag in la qiimeyo.

Hogaamiyeyaasha xagga diinta ee masaajidka ayey jariidadu qortay iney jirto tilmaamo ah iney doonayaan siddii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen mujtamaca soomaalida gaar ahaan iskuuladda iyo kolka ay waalidiinta iskugu yimaadaan waxa loo yaqaano kulamadda waalidiinta.

Isha: http://www.bt.se/nyheter/boras/article2265572.ece

Dhinaca kale soomaalida ku dhaqan gobolka Borås ayaa la yaab ay ku noqotay daraasadda sirta ah ee soomaalida ku saabsan oo ay jariidadu kashiftay. Dadkaasi waxaa kamid ah Axmed Maxamed oo ah madaxa warbixinadda ee masaajidka, ayaa u sheegay jariidada iney ku habeeneyd in boolisku haddii ay su,aallo qabeen ay yimaadaan masaajidka. Sidoo kale soomaali badan oo ay jariidadu wax ka weydiisay arrimaha daraasadda laga sameeyey iyo sidey aragtidooda tahay ayaa aad ula yaabay. Kana warqabin wararka sheegaya iney jiraan dad shabaab lugu xirriirinayo.

Dhawaan ayaa lugu wadaa in hadaba kulan ay iskugu yimaadaan soomaalida ku dhaqan gobolkaasi iyo qeybaha kale si loogaga haddlo daraasadda sirta ah ee laga sameeyey soomaalida ku dhaqan goblka Borås ee duleedka magaaladda Gothenburg.

Isha warka: Borås tidning.

Waxaa diyaarisay, Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Daraasad sir ah oo lugu sameeyey soomaalida ku dhaqan gobolka Borås ee Sweden "

  1. saamiya says:

    waan idinsalaamay dhamaantiin/ waxaa iska cad in ay jiraan somali badan oo shabaab taageersan oo yurub iyo mareykankaba ka biilo taasi waxa cadeyn karta in sanadkii lasoo dhaaafay lagu qaqabtay somali badan oo shawaab u adeegeysowadanka mareykanka waxa taasi sii dheer in wiil aan aqaan oo jooga swedan laga kaxeestay masjidka kadibna dhahay waxan ujihaadayaa wadankeygii shawaab baan raacayaa ee dadyahaw macsalaamo markii la ogaaday waxa lala socodsiiye hooyadii oo joogta somaliya waxayna dhahday jarbaan udagaa ee iisheega halkuu soo marayo waxayna uga hor imaaday asagoo ethiopia kusoo degtay oo marayo jigjiga wayna qabatay marka soomaalidu lama kala xisaabin karo shawaabkuna soomaalida buu ku jiraa sidaa in loo baarbaaro wey wanaagsan tahay.

  2. S.M says:

    Iga guddoma salan aad u qiima badan bahda somalitalk iyo inta aqrisatta!
    run ahaantii marka si loo fiiriyo waa run waa ay jirfaan dad somali ah ee taageera al-shabaab. waxaan cadeyn u haayaa nin kja tagay gobolka örebro ee aaday xammar, kadibna marki la waydiiyay walaalkii wuu inkiray balse sidaan jeclahay degmada waa lalasocodsiiyay maashaa-allah ee runta yaan laqarin…
    Sweden waxaa ku nool umad somali ah ee taageersan dowladda iyo al-shabaab waa kaa balsde tiradooda allah baa og