Home » Faallo »

Waxaan aragnay, waxaa nooga daran, waxaan malaynayno | Xildhibaan Ibraahim M.Deeq

(Faallo, si kooban oo dhab ah, loogu falanqaynayo siyaasadda Soomaaliya)

Dareenka waddaniyiinta, faro-ku-tiriska ah ee talo-goynta siyaasadda Soomaaliya weli, ka dhex muuqda oo, garasho soomaalinimo iyo aqoon waayo-aragnimo oo dhacdooyinka dalkooda ka taagan, ay kaga talo bixin karaan, loo og yahay, ayaa kolka, aad mashaqada, dalkan bur-buray daashatey iyo xal u raadinteeda la falanqayso, ku soo hor-dhigaya, walaac muujinaya, mashaakil xajmi weyn oo dhibaatadii horay Soomaaliya u soo martay, ka sii daran oo ay malaynayaan in, timaaddada qarankan baylahda ah, lala maaggan yahay.

Dhiiri-gelinta lagu buun-buuniyo, ma-weeynaadayaasha aan wixii la soo maray, waxba ka kororsan ee hawl, qaran-dumey, caawin karta, aan hal-abuurkeeda iyo hirgelinteeda, ehel u noqon karin oo meeshan, kalsooni buuxda looga hayo oo, dhaqamada hadimo ee lugooyada huwan, ku ab-tirsada; waxay hiil wadaagaan, caqabadaha waaweyn ee sida sahlan kuu taabsiin kara, marin-habow’ga dahsoon ee lagu macno tirayo, waddani kasta oo dalkiisa iyo dadkiisa daacad u ah oo waxa uu qabanayaa u cad yihiin.

Siyaasad hungo, ka samaysan oo bulshada lagu mihinayo oo ay hebelo tacadigga dalkan iyo jaahwareerinta dadkooda ku mamay, la gebi-dhaclaynayaan ee xatooyada la xalaalaystay oo damaca weyn ee aan dhergeyn, la soo yuurura ee in ay nolosha dan-yartu gaasirto astaanta u noqday; ayuu muwaadin kasta oo amuuraha dalkan la hoojiyey danaynaya, daboolka uga qaadi karta, humaagga aan jirin ee uu hafarka, halkan halakeeyey ku humbulan yahay.

Si kastaba ha loo qaatee, maankayga aan naftayda, talo wax-ku-ool ah oo toosan, kala masuugin ee awaamiirta joogtaysan ii soo tebiyaa, wuxuu farahayga gaabiya ee beryahan faalladan ku hawlan, ka hororsanayaa in, ay ciyoow, qaddimaan, aragti ay dareenkayga dhabta ah ee soomaalinimo ka soo daalacdeen oo ku saabsan, in aan dad badan oo sokeeye iyo shisheeyeba, isugu jira, la qabo in, xukuumadda cusub ee uu Ra’iisul Wasaare Farmaajo hoggaaminayo ay ku qiimaysan tahay, golihii fulineed ee ugu tayada fiicnaa, xukuumadihii kala dambeeyey ee xiliyadii, bur-burka in, ay dhibka jira, wax ka qabtaan, loo yagleelay.

Haddaba, inkastoo, xukuumadda rejadan wanaagsan laga muujinayaa, ku soo beegantay, wakhti uu jiritaanka dawladdu, gabaabsi yahay; haddana, ka-midho-dhalinta, hawlaha xukuumadda Farmaajo laga sugayo, waxaa awood dhaqaajisa u noqon kara, iyagoo caqligooda, garasho ee asalka ah iyo aqoontooda waxbarasho ee uu hankooda damac ee siyaasadeed hagayo, isugu geeya, hal-abuur wax-qabad oo talo soomaaliyaysan oo badhax-tiran iyo karti hufan oo ay daacadnimo iyo taageero caalam oo qeexan, fulintiisa u kaashanayaan oo ay ku xaqiijiyaan nidaam dawladnimo iyo nabad waarta oo guud ahaan, dalka Soomaaliya ee colaaduhu halakeeyeen ku fidsan.

Waxaa iyana mid aan laga cago-taalayn karin u muuqata, dogobyada waaweyn ee ay golahan cusubi, dariiqa ay wax-qabadkooda u marayaan, ku hor go’naa ee ay durba, iska leexiyeen.

Ku-meel-gaadhka ha laga baxo oo dawlad dastuuri ah, ha looga guuro, iyada oo aan nidaamkii ku-meel-gaadhku, waajibaadkii loo igmaday, wax guul ah ka gaadhin ayaa, iayduna u muuqata hagardaamo hor leh oo toosh nuurkiisa la yaqaan, ku ifinaysa; xaajo fajiciso ah oo ay wax-garad badani fasiraad cad oo khasaare xambaarsan, ka bixin karaan.

Xubnaha baarlaamaanka oo jiritaankooda cod aqlabiyad ah ku kororsaday oo durba ay dhinacyo kala gedisani, ganafka ku dhufteen; isla markaana, horay la isugu diiddanaa oo hurinta cunsuraha, loollanka siyaasadeed ee taagan, xudun u ah, ayaa ah mid gunteeda hoose laga dhex qooraansan karo; fariin la soo ruclaynaysa, caqabad la hayb ah, tabihii, Ilama-ku-meel-gaadh oo dhan lagu kala irdheeyey ee guul-darada aan la mahadin, madaxdii kuwan, ka horeysey guddoonsiisey.

Fudaydka qalinka ay fiiradiisu xaddadan tahay ee xiimaya oo wixii la hor dhigaba, saxiixa ku jiidaya oo jiritaanka qaranimada dalka iyo nolosha guud ee ummadda aan u danayn, ayaa hoosta ka xariiqaya, boobka baahey ee dhulkan hodanka ah asii la bililiqaysanayo lagu hayo.

Heshiiskii badda ee goor sii horeysey lagu daqaqamay oo dib loola gurtay, markii ay soomaalidu, ku wada shimbiro waaqlaysay ee uu baarlamaanku meesha ka saaray iyo gunuunuca, is-biirsaday oo hadda in uu guux, wax-tar ah oo cod dhiiran, isu rogo ku dhow ee wadaniyiinta, dhacdooyinka xun ee dalkooda ka taagan midayn kara, isla markaana, saadaalinaya in ay ummaddani, mustaqbalka dhow, farta isugu wada fiiqdo oo ka gil-gilato, mashaqada gaamurtey ee dalkooda iyo dadkooda ku gadaaman.

Marxaladda dadka soomaaliyeed ee dalkooda sii faaruqinayaa, eegga ku sugan yihiin oo nabadgelyo xumo iyo barakac, ay abaar, gaag-ma-reebto ahi u weheliso ayaa sii kordhinaysa tirada Soomaalida, dalkooda colaaduhu bur-buriyeen, ka sii yahoomaysa. Taas oo dhulka Soomaaliya ku soo dedejinaysa, in uu noqdo meel cidla’ ah oo aysan cid, ku nooli jirin oo mustaqbalka quruumo kale in ay hantiyaan u gogol xaadhi karta.

Goobaha laga qul-qulayo ee dharaar kasta, laga sii guurayaa, kuma koobna oo keli ah, meelaha ay dagaalada iyo nidaam la’aantu ku badan yihiin ee waxaa laga sii hayaamayaa, meelaha lagu tilmaamo in ay nidaam iyo deganaansho nabadeed ka jiraan. Sidaas awgeed, marka aad u sii fiirsato, xawliga ay dadka soomaaliyeed, dhulkooda, kaga hayaamayaan, waxaa ku hor imanaya, muuqaal sawaaban oo laga akhrisan karo, hadimo sarbeeban oo ummaddan lagu dhaxal wareejinayo.

Albaab rejo xumo oo kale ayaa kuu balaqaya, shacab qabatimay oo aan ka gil-gilan, talo kasta oo aayohooda u daran, sidoo kalena, wixii u roon ee wax-tar u ah aan marnaba, garab taagnayn, waxay kuu muujinaysaa, in uu doorkii shacabku, meesha ka maqan yahay oo uu tuhunka macquulka ahi, u tiirinayo, tabo dahsoon oo awoodda iyo garashada ummadda gaasiri karta.

Soomaaliya oo muddo labaatan sano ah bur-bursanayd, ma muuqato, cid halkan lagu xusi karo oo shacabkan, gadaanka hoogga ku dhex wareegaya, inay wax-u-qabtaan u darban! kuwa beesha caalamka loogu yeedhaa waxay u kala qaybsan yihiin: kuwo dano dhaqaale siyaasadda Soomaaliya ugu lug leh iyo qaar ay danahoodu mustaqbalka dhow iyo midka fogba, ku dherersan yihiin oo labaduba, siyaasad kasta ku miisaama, tooda oo qudha.

W.Q.  Xildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq

imdeeq@hotmail.com

Muqdisho – Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Waxaan aragnay, waxaa nooga daran, waxaan malaynayno | Xildhibaan Ibraahim M.Deeq "

  1. Cumar says:

    Asc,
    Iga guddoon hanbalyo Ibraahiim, qoraalkani waa hodon af ahaan, aqoon iyo damaqasho fog asaas loo dhigay. Soo qaado shirarkii igu danbeeyay UM.UMA iyo IGAD. BankiMon wuxuu dalbayaa ciidan 20,000 sidoo kale wuxuu leeyahay wada heshiinta waa in ay noqota ta xoogga saarayo. IGAD barlamanka ku sheegga ayeey muddo kordhin u soo jeediyeen iyana wey ka dhabeeyeen. Golaha ammaanka wuxuu ku baaqay kodhinta ciidanka baddeenna jooga,waa kaa boobka laysla arkay oo laysu baaqay ma foga inay soo buux dhaafiyaan dhulka laguna dhawaaqo in daboolka laga qaado inaan hanan kari weynay dawladnimda waayo haddaba qaranimadii waa taa dhimatay, waa la ina maamulaa, nala biilaa, nala ilaaliyaa oo argagixiso musuq, takri fal jahli karti daro, xasuuq bara kaca iyo xadgudubyo kalaa la inoogu daw galaa.
    Kol haddii aan ka quusan weynay col la hummo, ciidan la saaro, abaabul dagaal, cudud laysu buuro iyo cuud loo huro. waa kaa ilmihii 4 jirka ahaa 2000 uu maanta xabadiyo halako kale ama jinsiyad aan soomaali aheyn ay weyn tahay.
    Xalku waa 1aad ka 2aad ka waa heshiis: dadaal sabar , waxquurid, adkeysi, dhiraandhirin, dhimirin layu turo lays tixgeliyo tanaasul sikastaba meel kastaa xeelad kastaa loo maro ayadoo laga maarmayo dhiig danbe inuu ku daato mashaariicda laysku fahmay.
    Formaajo waxa lagu doortay haddii ay na diidaan waa dilaynaa dalkan waan ka saareynaa. Waar wax laysku leynayo, kuwa lakala qoqobay ee is bahdilya oo balanbalay waa dadkeena , dalka baylahda ah waa keenna.
    Geesiyashaasha dib-u-heshiinta, xasiloonida iyo amniga waa kuwa badbadin kara diinta dalka ,dadka iyo qaraninmadeenna.

  2. xaawo xuseen says:

    A.s.c.

    horta hawli sidey ukala horeysaa loo hormariyaa marka hore waa in wadanka laga sifeeyaa shabaabka iyo waxii lamid ah ee ka talinaayo burburinta wadanka.
    tanlabaad waa in laga dhigaa hubka dowlada iyo qofkastoo shaqsi ahaantiisa uwato wax hub ah tan sedexaad waa in laga saaraa ciidamada shisheeye wadanka.
    markaas waxii ka danbeeyo waa in loosoo wada fadhiistaa wada hadal iyo dib uheshiisiin sedexda maamul goboleed ee ka jirto wadanka waa somaliland puntland iyo dowlada gaarka muqdisho.
    markaas waxii ka danbeeyo soomaaliya oo idil waa isku soo noqon kartaa wadani nimadeeniina halkaas bey ka bilaabaneysaa kadibna wadanka gudahiisa ayaa dowlad dimoqraadi ah lagu dooranayaa ayadoo qofwalbaa aqoontiisa ay meel sare iyo meel dhexe iyo meel hoose geyn karto qof aan wadan shahaado aqooneedna kama qeyb gali karo qorigana godka halagu rido markaas waxii ka danbeeya soomaaliya waxan u arkaa in ay noqon doonto wadamada horumaray ee loosoo tahriibo waayoo soomaaliya ayadaabo taajir ah oo leh beero bad iyo xoolo wax walbo ay dowladu ubaahan tahayna waxay ka heleysaa wadankeeda haddii sidan oo kale wax loo maamulo.