Wasiirka Garsoorka Cabdulaahi Abyan Nuur oo ka hadlayey Munaasabad ay sameysteen Haweenka ku jira Baarlamaanka ayaa sheegey in Xaquuqo fara badan laga duudsiiyey Haweenka Soomaaliyeed isagoo sidoo kale sheegey in Xaquuqo Farabadan oo ay ku lahaayeen Dastuurka la hareer mariyey wuxuuna sheegey in Wasaaradiisa ay waddo Qorshayaal Mustaqbalka Dhow ay Haweenka uga mid noqonayaan Garsoorka isago sheegey in ay tababari siin doonaan Haweenka si ay u muuqato kaalintii Garsoorka taasoo uu sheegey in ay Haweenka Soomaaliyeed ay Muhiim u tahay iyo weliba Fursad Khaali ah
Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashey Kulankaas ayaa tibaaxdey in Haweenka Soomaaliyeed Xaquuqdoodii ay ku lahaayeenk Dowladda la Duudsiiyey ama la hareer mariyey waxayna sheegtey in Boqolkiiba laba iyo Tabon ay ku lahaayeen Baarlamaanka aanan la siinin iyadoo sheegtey in ay heleen kala bar Xaquuqdaas waxayna ka codsatey Dowladda Fedraraalka in Xisaabtii ay ku lahaayeen Baarlamaanka la siiyo
Inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaba in Xaquuqda Haweenka ay ku dhan tahay diinta Islaamka iyagoo sheegey in Ilaah uu dhameysirey Xaquuqda Haweenka Muslimaadka waxayna u soo jeediyeen Haweenka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan kuwa doonaya in ay ka leexiyaan Dariiqii Rabi u jideeyey iyagoo sheegey Shirar ay qabtaan kuwa ku qaraabta Magaca Hayadaha in aysan marna u soo celin doonin Haweenka Xaquuqdoodii sidoo kale waxay sheegeen in Haween ay ka mid noqdaan Garsoorka ay tahay mid la doonayo in lagu raaligelyo Dowlado Shisheeye
Dowladda Ingriiska oo ka mid ah Dowladaha ugu waaweyn Yurub ayaa waxay Wadaa Qorshayaal ay ku dooneyso in Haweenka ay joogaan Guryahooda sida ay qabto diinta Islaamka ka dib markii Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Ingiriiska ay sheegeen in Dayac weyn uu ku yimid Xanaanadii Caruurta Qoysaskii Dalka Ingiriiska maadaama Labadii Waallid ee ka qayb qaadan lahaa toosinta Ubadka ay ka tagaan Guryahooda dib ugu soo laabtaan waqti dheer ka dib waxaana la sheegey in arrintaan in Haweenka ay joogaan Guryahooda waa mid si aad ugu soo Xoogeysanaya Dalka Ingiriiska waxaana socda doodo ku saabsan in Haweenka Joogaan Guryahooda ka dib markii Caruur fara badan ay noqdeen in ay ka Saaqidaan Waxbarashadoodii Islamarkaana ka mid noqdey kuwa Meereeysta DarIiqyada waaweyn ee Dalka Ingiriiska
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
marka hore waad salaamantihiin.
waxan halkan idinku cadeynayaa in ay qalad tahay haweenka in ay guriga joogaan hadii aysan dhabta ku heynin cunug yar oo aan gaarin xanaano sababtana waxay tahay hooyadu haddii ay aado shaqo ama wax barasho in ay hormuud utahay caruurteeda haddiise ay fadhido aysan ukeeneyn wax faa’iido ah sababtoo ah ilmaha markey hooyadood soo shaqeyneyso ayaga bey usoo shaqeynee haddii ay wax baraneysana ayaga bey ubaranee waayoo ilmaha haddii cashar losoo dhigo waxay rabaan in loo aqriyo in looga shaqeeyo layliyada in laga caawiyo dhinacwalbo marka masuurta galeyso in ay fadhido hooyada guriga ee waa in ay waqti baxdaa.
mida labaadwaxan uga hadlaayaa haweenka baarlamanka ku jiro ee xaquuqdoodii loo dhameystirin in ay tahay qalad weyn oo wax udhimikara nabad raadinta wadanka wadanku waxa uu ka dhaxeeyaa habeen iyo rag haddii aan leesku shaandheyn shaqadooduna wax hagaagi karo maleh waayoo meel ay naagika maqan tahayba waa mugdi marka waxan oran lahaa dowlada somaliyeed waxa idinka maqani waa haweenkii aad gaasirteen ee siiya xaquuqdooda haweenka haddii aad dooneysaan in aad wadan dhistaan ka dhiga haweenka kuwo wadanka wax kusoo dabaali kara ee sidaa oo kale ha uliidina waxaad kaligiin qaban kartiin malahane somalia waa jaahil baa la leeyahay maxay ku noqotay? waa howshiinii aan haweenba ku jirin intaas ayaa noo keentay jaahil nimada ee ha la isku simo haweenka iyo raga wax walbaa hagaagi doonee.