Home » Warar »

Midowga ardayda Jaamacadda Nugaal oo hawlo wacyi gelin xaga waxbarashada ah ka soo sameeyay Degmooyinka Gobolka Sool

Midowga ardayda Jaamacadda Nugaal (Nugal University Students Union), oo dhawaan la aasaasay ayaa hawlo wacyi gelin ah  deeq  gaadhsiiyay degmooyin ka tirsan Gobolka Sool sida Degmooyinka kala ah Boocame, Taleex, Xuddun iyo Yagoori.

Intii ay ku guda jireen safarkooda waxbarasho waxay kormeer ku soo mareen dugsiyada waxbarashada ee degmooyinkaas sida Dugsiyada sare oo ay ardayda kala sheekaysteen kuna dhiiri gelinayeen inay waxbarashada sii wadaan maadaama aqoontu tahay furaha horumarka bulsho leedahay.

Waxay ii xaqiijiyeen intii ay ku jireen safarkii ay deeganadaas ku soo mareen inay soo arkeen arday u bisil waxbarsashada lehna himilo iyo aragti ay ku higsanayaan inay sii wadaan tacliintooda ilaa heer jaamacadeed, waxayna aad uga mahadnaqeen socdaalkan oo ay ku tilmaameen mid aad loogu baahnaa kuna soo beegmay waqtigii ku habboona isagoo ahaa socdaalkii u horeeyay ee ay arday ugu timi ka socota gobolkooda gaar ahaan dhanka Jaamacadda Nugaal.

Waxa kale oo jirta in ay aad ugu riyaaqeen Jaamacadda Nugaal, ayna aad u danaynayaan inay ku soo biiraan Jaamacadda Nugaal oo ku taal Gobolkan ay joogaan kana helayaan dhamaan baahiyihii waxbarasho oo ay markii hore ardayda gobolku u waxbarasho doonan jireen gobolada deriska iyo ama dalka dibadiisaba.

Midowga ardayda Jaamacadda Nugaal waxay kulamo iyo shiarar la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ee degmooyinkaas iyagoo iska waraystay hanaankii loo horumarin lahaa tacliinta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ardaydana loogu dhiiri gelin lahaa inay jaamacadda Nugaal ku soo biiraan.

Dhinaca kale, ardaydu waxay deeq waxbarasho oo ka kooban agabka waxbarashada looga baahan yahay oo ay ku deeqday Jaamacadda Nugaal ayna ugu tala gashay inay ka faa’iidaystay gaadhsiiyeen ardayda dugsiyada sare ee degmooyinkaas, agabkaas oo aad uga anfacaya sii wadida tacliintooda., waxa kale oo jirta inay aad ugu riyaaqeen bulshada deeganadaasi safarkii ardaydu ugu timi kuna tilmaameen mid loo baahnaa ayna ku tala bixiyaan in la sii kordhiyo safarada noocan oo kale ah oo aanay noqon midkii u horeeyay una dambeeyay.

Geba-gebadii, bulshadii deeganadaasi waxay aad uga mahad celiyeen deeqdii waxbarasho ee la soo gaadhsiiyay isla markaana ku tilmaameen inay ka kaabayso ardayda waxbarashadooda guud ahaanna bulshada anfacaysa, waxayna ku ku adkeeyeen ardaydu inay safarada noocan oo kale ah sii wadaan oo aanay noqon kii u horeeyay una dambeeyay, ayna soo dhawaynayaan jaamacadda iyo heerka ay marayso.

Si kastaba ha ahaatee, safarkan ayaa ahaa mid aad u muhiim ah waxay kale o ardaydu ku talo jiraan inay safar waxbarasho iyo wacyi gelin ahb ugu baxaan deegaanada hawdka sida Gobolka Buuhoodle.

W. D Subeyr Cismaan Idris

Laascaanood, Sool

Subeyr1425@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Midowga ardayda Jaamacadda Nugaal oo hawlo wacyi gelin xaga waxbarashada ah ka soo sameeyay Degmooyinka Gobolka Sool "

  1. a/c all somalia mel ay jogtaba mrka xigga waxan meshan uga mhd celinaya walalaha isku taggay inay buraarujiyan umaddoda wa arin lo bukko marka way mhdsn yihin ardayda kale waxan ugu baqaya ayaga inay kaalintoda ka so baxan waliba waxa lajoga xilligi qoriga ladhigi lahaa somaalay ….. inta kadib mrka somalitalk.com ayana wa mhd celinaya shaqada wacan ee umahadda u hayso ok . mrkale waxan codsanaya ururka ardayda jamacadda nugaal ciwankoda keyga wa suxayfa44@hotmail.com … thnks all

  2. maansha allaah,midowga ardayda jaamacadda nugaal,aadbaan usalaamayaa ugana mahadcelinayaa sida sharafta leh ee ay xaalka dhanka aqoonta uga dhisan yihiin,shacabkoodana ugu baraarujinayaan.waxaana ufilayaa in ay isku qaybiyeen laba qaybood oo ah qayb,halganka difaaca dalka soomaaliya qaabilsan si aan lookala jarin,iyo qayb dhanka sare uqaadka aqoonta qaabilsan.SSC iyo shacabkeeda waa in ay labadaas qaybood kudadaalaan, difaaca dalka somalia iyo aqoontaba.waxaan umahadcelinayaa markale Prof.lafoole iyo macalimiinta iyo intii taakulaysayba.waxaan kaloo salaan iyo bogaadin aan udirayaa,asxaab aan garanayo oo meesha iiga muuqata oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan jaamac barafuun iyo ardayda dhigiisa ah ee hawlgalkaas kala qaybgashay.

  3. Maansha allah waar ragaygiii ayaa soo baxay waa Abdirahman Jamac Sahal waa Abdiwasic Mohamed waa Shaafici Abdi saaxiibayaal hawlgal wacan ayaad qabateen inshallah alle ha idinla garab galo ragu shaqada waa qaybsadaaye intiina kasoo baxa ooo badiya hawlaha dhalinyaro lasoo baxa …. Aadbaan idiinku mahad celinayaa sxbayaal ….

  4. Maanasha allah waa walaahay reer SSC waxaa u soo baxay rag laga yaaban maanshallah alle hala garab galo haday aqoon ahayd iyo haday xabad ahaydba waa lasoo baxeen wacdaro halkaas ka haya ….