Home » Warar »

Dhulkii Weynaa ee Safaaradda Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho oo uu ka socdo Dhul Boob Balaaran

  • “Waagii  annaga iyo Mareykanka uu xiriirkeennu wanaagsanaado baan uga kacaynaa, laakiin inta uu hagardaameynayo dadka Soomaaliyaad  waan degenaanayaa oo cid iga qaadi karta majirto.” Sidaas waxaa tiri haweeney dhisaneysey dhulkaas…
  • Wiil dhalinyaro ah oo markaa loo cabiraayey  dhulkii Safaarada Mareykanka  ayaa wuxuu yiri “Waagii aan heshiino anaga iyo Mareykan waa laga yaabaa in aan uga kaco laakiin inta uu noo diidan yahay Dowladnimada sidaan baan u degenaanayaa”
  • “Aad baan ugu Faraxsanay in aan Maanta Dhisto Dhul la sheegey in uu Mareykanku uu leeyahay” oday Soomaaliyeed

Iyadoo weli uu sii socdo Barakaca dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dadkaas markasta raadiyaan Goob ay kaga Nabadgeli karaan Madaafiicda la is weydaarsanayo islamarkaana waxay dadkaas Barakacayaasha raadiyaan Deegaan ay Biyahiisu dhow yihiin hadaba iyadoo taasi jirto ayaa dhulkii weynaa ay lahayd Saafaaradii Mareykanka oo la oran jirey Silligga Mareyakanka kuna dhow Jaamacadii ummadda ayaa waxaa halkaas degey qoysas fara badan oo Ka soo qaxay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dadka degey Safaaradii Mareykanka ayaa waxaa lagu waramey in ay ka iibinayeen Kooxo dallaalin ah, waxaana Booska 13×13 (ama 13 Lagu Dhuftey 13 mitir) waxaa la kala siisanayey sadex Bilood ka hor  lacag gaaraysa $400 Doolar  waxaana haatan la sheegey in qiimihii uu sara u kacay ka dib markii ay ku soo jabeen dad Barakacayaal ah waxana uu marayaa $1500 Doolar.

Dhulka safaaradii Mareykanka oo ah dhul aad u weyn ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay is ka hor imaadyo u dhaxeeey kooxa Dalaaliinta ah ee dhulkaas iibinaya ka dib markii ay isku qabteen lacaghii laga qaadayey dadka iibsanaya dhulka  safaaraddii Mareykanka oo dadka qaar ay ku doodayaan in dhulkaan uu yahay dhul Mareykanka, qaarn aku doodayaan in dadka soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay dhisadaan.

Haweeney aan kula kulmey deegaankaas mar ay dhisaneysey dhulkaas ayaa waxay tri “Maanta aayaan degey dhulkii aan Xaq u lahaa waayo Mareykan dhul waa leeyahay ee kan waxaa leh soomaali”, waxaan weydiiyey in dhulkaas Mareykanka laga iibiyey isla markaana uu isugu leeyahay ayaa ku jawaabtey “Mareykanaa dhulkaan iska leh aa waa arrin la yaab leh Mareykan Caddawad baa naga dhaxeysa marka xaq u maleh in uu dhul ku yeesho Soomaaliya Dowladii ka gadey waxaa loo baahan yahay Maxakamad la soo taago.”

Nin odey ah oo isna dhisanayey Dhulkii Safaarada Mareykanka ayaa waxaan weydiiyey Su’aal ahayd “Adeer Berri baa lagaa duminayaa hadeey Dowlad Timaado  ee Maxaa u dhisaneysa”,  wuxuu ku jawaabey “Adeer Mareykanka Dhulkaan Wuxuu ku iibsadey Lacag dhan Sadex Boqol oo kun oo shilin Somaali  marka lacagtaa waa lacag aad u yar marka waxaan leeyahay awalba Mareykan dhulkaan Xaqdaraa looga iibiyey marka maanta in aan Manaafacaadsado waxay ii diidaya ma jiraan dhulkaaan maanta ayuu xalaal noqdey, marka aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta dego dhul Mareykan leeyahay.”

Haweeney kale ayaa tiri “Waagii  annaga iyo Mareykanka uu xiriirkeennu wanaagsanaado baan uga kacaynaa, laakiin inta uu hagardaameynayo dadka Soomaaliyaad  waan degenaanayaa oo cid iga qaadi karta majirto.”

“Maanta ayaan heley dhul Xalaal waxay  i yiraahdeen markaan dhisanyey Dhulkaan Mareykan baa leh waa yaabe goormaan wax isku darsaney annaga iyo Mareykan oo Cadaawad Xoog leh baan naga dhaxeysee”. Wiil dhalinyaro ah oo markaa loo cabiraayey  dhulkii Safaarada Mareykanka  ayaa wuxuu yiri “Waagii aan heshiino anaga iyo Mareykan waa laga yaabaa in aan uga kaco laakiin inta uu noo diidan yahay Dowladnimada sidaan baan u degenaanayaa”.

Haweeney oo markaas Garaaceysey Jiingad ay ku dhisaneysey Dhulka Safaaradii Mareykan ayaan weydii yeye Su’aal ahayd: Dadka soomaaliyeed iyagaba dhul bay ku leeyihii Mareykana sow lagama yaabo in laga kiciyo maadaa uu xaq u leeyahay dhulkiisa, waxay ku jawaabtey iyadoo Wajigeeda laga dheehanayey Carro aad u darran “Somaalida Mareykanka iyagaa dantooda u dhisanaya halkaa laakiin dhulkaan Cid laga iibin karo majiro Mareykana wax naga dhexeeyo majirto waan Caddowgeenna Kowaad  waxaa ku faraxsanahay in aan maanta dego dhul Marekan leeyahay la sheegey.”

Dhulka Safaarda Mareykanka ee Silliga waxaa ku dhow Jaamacadii ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr  qaybteedii Fasalada waxaa degen Ciidamada Burundi. Waxaana dadka dhisanaya dhulka Silliga Mareykanka ay kaabiga u saaran yihiin ama ay ku sii siqayaan  Ciidamada Burundi. Waagii Mareykanka uu yimid Soomaaliya Sannadkii 1992 waxaa Ciidamada Mareykanka durbadii ay degeen Dhulki Siliga Mareyakan hase yeeehse markii uu ka baxay Soomaaliya waxaa mar kale Bililiqo loogeystey Dhismayaashii uu Mareykanka uu dib u dhisey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Gurigii Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka oo Soomaalida dib loogu soo celiyey

Dhulkii Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib loogu soo celiyey Gacanta Ummadda Soomaaliyeed.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Dhulkii Weynaa ee Safaaradda Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho oo uu ka socdo Dhul Boob Balaaran "

  1. SalaxMacdum says:

    AAadaa la’aadaa, xoolo bpoobo beey u barteen uamdaha qaar ee ku nool dhulka somaliya. wallee usa u maleey carab iyo reer xammar walaahi al-cadiim dowladaasi ilaah baa barakeeyay, run ahaantii ineey dhunka idiinku malaasto waxba ku qaaadanmayso ee yaa runta idiin sheego,, reer bililiqo, maad iska celisan itoobiya, waxaaad wadaan kanyar iga celi kanwayn baan iska celinayaaa….
    Dhamaan hantida dadoow waa la’a idin ka qaadayaa gooreey noqotaba, maraykan intuu haysto carab iyo afrikaan ugama baahna wanaag somaliya iwm ee runta isku sheega, waxba ha is indhatirina. ugu dambayntii waxad tihiin dad soo jeeda ee hadana riyoonaaya!waa wax layaab leh. talo isku kaama sheegto

  2. F says:

    DHULKAN WAXAA ISKA LEH DOWLADA MAREEKANKA MARKA DADKIINA U BARTAY BILILIQADA WAA IN ADD JOJISAN DHIBADATA DHULKA ADD KUHAYSAAN 21 SANO AYAA DOWLAD LA AN NAGA DHIGTEEN MARKA WIXIINA WAA KA DAREEY DADKAN DHIMANYO CUNTO LA AANTA OO RABO IN AY DHACAAN GURYO ISLAAMEET SHACABKA SOMALIYA DANBI BADAN AYAA LAGA GALAY OO TII UGU DANBEEYSAY WAA BAARLAMAANKA OO 3SANO KU DARSADAY WAA DANBIGA UGU WEEYN OO SHACABKA LAGA GALAY.

  3. axmed says:

    asc aragtidayda in aydagaan dadka shacabkaa ee lasoo qixiyey dulkaas waa ila saxsantahay sababtuna waxay tahay siyaasada sooqixisay maraykan ayaa aabe u ah lakin cid xaq uleh inay kagadaan majirt siday ila tahay dadkaas duruf ayaa ku kalifaysa inay dagaan meeshay heli karaan (ninka isku magacaabay born in muqdisho ) sxb hadalkaagu uma eka hadal miisaaman maxkamadihii dadka madhici jirin ee xaqooda ayey usoo celinayeen hora looga boobay marka aflagaadada aan anshaxa kuhaboonayn iska daa gurigaagu muxu yahay marka dadku kutartamayaan!!
    dadka nagu sxb maraykan xaq kabadan dhulkiisa ayey kuleeyihiin markey dowlad helaan oo xaqoda helaan cidii xaq ku leh waysiinayaan mahadsanidiin

  4. Cirro says:

    Soomaali boob uma baahnin iyo cadho ee waxaan ubaahanahay kacdoon kadhan ah kalitalis, dhaca, boobka, anshaxumada, qabiilka.iwm

  5. Togane says:

    kuwa iska iibinaayo yaa waaye? qoraaga ma sheegin, waxuu sheegay dalaal iyo iibsade, waakuma iibiyaha?!

  6. Osman says:

    Dhulkaanwaa hanti gaar ah oo ay iibsdatey dawladda mareekanka lixdamaadki ilaa maantana loo aqoonsanyahay hanti gaar ah.
    Ma garanayo qofka lacag iska gelinaya ee gadanaya ama dhisanaya ama isku qasaarinaya inuu boobo illeen naqshadeeda oo coordinate kasta degree iyo minute lagu xcabbiray ayuu mareekan haystaa markuu u baahdana ciddi markaas xukunka haysa ayuu ku amrayain loo banneeyo dhulkiisa mana ka diidi karaan hal taako oo kamid ah marka qofka waqtiga isaga luminaya iyo hantida muxuu ugala jeedaa.
    Dadka Somaliyeed ee masaakiinta ah waxaan u sheegayaa meeshaas lacagtooda iyo waqtigooda inaysa isaga qasaarin.

  7. salaax says:

    Ma waxay ilowsanyihiin somalida dhulka kuleh mareykanka mise safaarada somaliya ay ku leedahay mareykanka (ma hubo).

    Hadii aan soo gaabiyo dadkaas marmarsiinyo uma heli karaan dhulkii somali maxamed lahayd ee muqdisho ayeey ku khaldayaan! tolow xilimaannu maqli hawada waanu dhisan? caku somali

  8. Waxaan layaabi jiray, Xaq’darad iyo xaraanta gurigii aan ku dhashay, laigu yiri. adeer dhulkaan magaladaan reerhebel ayaa leh. mujaahdiinteena ayaa qabsday ee yaan lagu dilin. Wa hadal la’igu yiri waagii maxaakiimta 2006.
    Marka layaabimaayo. In gabadhaan iyo odaygaan aay saasu hadlaan, sababtoo ah wadaadi xamar ayaa kadarnaa, waxaa taas kaaga sii daran, TFG dhanac aay hayasato markaan galay aan galay meshii la’oran jiray Caltuurad talyaanig aniga iyo nin saxiibkeey aan tagnay, Guriga saxiibkeey waxaa haystay oo daganaa, nin laoranjiray Cbdisalaan,wagaas oo xoog kuhaysta daylaaf kaan anagu laheeyna, waxaa iska gaday Nin aay xuseen caydiid qaraabo yahiin waxuu kagaday Daylaaf, makii iguambeeysay waxaa daganaa Maclin Madoobe cabdulaahi ka dhigay Raizal barlamaanka; Layaabi maayo . Ninkii kufakaraayo muqdisho ayaa soo noqoneeysa, Hafilan
    Waaidin salaamay somalitalk